SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL
Dirirdhaba: maxaa labada Professor loogu kala eexan?!

wq. cabdulwaaxid Khalii | cabdulwaxid@hotmail.com 

Feb 1, 2003

Maxay tahay xiriirka ka dhaxeeya Dirirdhaba iyo Somaliland?! Jawaabta waxaa laga rabaa ninkaas dhalinta yar ee Dirirdhabe la baxay. Waxaa la ii sheegay in mar barnaamij ku saabsan kubbada cagta ee Ingiriiska la waydiiyey wiil dhalinyaro ah oo degen tuulo London u dhow kooxda uu taageero. Wuxuu sheegay inuu kooxda kubbada cagta ee Manchester United uu taageero. Dadkii barnaamijka fiirsanayey ama dhagaysanayey hal mar bay qosleen. Waxay la yaabeen sababta ku kaliftay isagoo halkaas degen inuu kooxdaas taageero. Waan ogahay in naynaasta laguu bixinkaro adoon shuqul ku lahayn sifadaas ama waxay xambaarsantahay.. [qoraalka oo dhan.Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  
FAALLO: Maxamedoow inoo Yare Kaadi
Jawaab ku socota Qoraladii Maxamed Diridhaba. GUJI [Cali Shirwac] 

HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 

FAALLO: CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND

FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN

SOCDAALKA RIYAALE IYO SAHAMINTA SHACABKA SOMALILAND ) 

FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN GUJI... 

Jaaliyada Somaliland ee Asia & BBC-Somaliga - GUJI

Warsaxaafadeed kasoobaxay Ururka XAX - GUJI

Taariikhda Lagama Been Sheego GUJI...

Ninkii malaa'igtu u sujuudey GUJI.

SOOL, SANAAG, BUUHOODLE, HAWD, AWDAL  GUJI..

<><><>  

Taariikhda Lagama Been Sheego... GUJI...

<><><>

Aan Wax Qalano Mindiyaha Qarsano... GUJI

<><><>

Xiriir Caynkeeyaa u Dhaxayn jiray SSDF & SNM?: Jawaabta ka akhri qaybtii 1aad ee faaladii XagarYare  GUJI...  
 

Qof ahaan haddii la ii waydiiyo xiriirka labadaas magac waxaa maskaxdayda kusoo dhici lahayd kalmadda ah gumaysi. Dirirdhaba waa magaalo ay Soomaali (Ciise, Canfar iyo kuwo kale) ama Orommo sheegato oo ay haystaan gumaysiga Itoobiyaanka ah sidoo kale Somaliland waa magac Ingiriis sameeyey. Dirirdhaba hadaad waydiiso wuxuu oranayaa waxay ahayd British Somaliland! Kollay Soomaalidayada kale sidii yicibka ama aargoosata ayaan inta magacaas ukala jabinay Soomaaliya kaliya kala soo baxnay. Laakiin Dirirdhaba iyo kuwa ku fikrada ah qolofta intii kore ayey jabsheen laakiin intii hoose bay u daayeen oo wali waxaa ku dahaaran qoloftaas waana taas tan keentay in ay Professor Lewis ammaanaan halka ay Professor Samatarna ka caayaan. Maxaa yeelay Professor Lewis wuxuu ka mid yahay qoloftii aan ka soo sheekaynay ee ku wareegsan yicibka qaybtiisa hoose ilayn iyagu wali “land” baa Soomaaliya dabada uga dheggen. Marka Dirirdhaba iyo waxa la fikrad ahi waxaan qoloftaas ahayn ma arkaan.

Fiicnaan lahaydaa inaanan waqtigi iskaga lumin akhrinta maqaalkiisii ahaa: sooyaalka taariikheed ee Somaliland iyo sarbeebta dahsoon! Maqaalka markaan akhrinayey anoo isleh bal wax ka kororso wuxuu soo qaatay labo nin oo isaga micno gooniya ugu fadhiya waa Abwaan Hadraawi iyo Shakespeare.

Horay baa loo yiri weel walba waxa ku jira baa laga daadsadaa/shubtaa. Marka wiilka waxaa xaday England oo u maqli jiray iyo dadkii ay gumaysatay. Wiilkan hadduu indhaha furi lahaa oo uu jalleeci lahaa waxyaabaha ka dhacayey Soomaalida inteeda kale khaasatan gobollada dariska la ah sida Bari waxaa usoo bixi lahayd intaysan Ingiriisku iyo Talyaanigu qabsan Soomaaliya waxaa jiray xaddaarado iyo boqortooyooyin. Bari oo intaas u jirta waxaa ka dhisnayd boqortooyo oo xitaa leh qaab ay u qoraan Afsoomaaliga. Suurtagal ma tahay in nin Bari jooga uu yiraahdo waxaan rabaa inaan Bari goosto oo iksa illaawo Baladweyn, Jowhar, Xamar, Marka, Baydhabo, Gedo iyo Kismaayo? Waa arrin qof caqli leh aan ka suuroobin maxaa yeelay qofka Binu Aadamka waxaa ku abuuran fidro ah wax korarsi. Marka Dirirdhoboow adinku ma waxbaad kororsateen mise waxbaad iska goyseen haddaad Soomaali ka go’daan?

Dirirdhaboow ma jiro qof cidla ka yimid ee miyaanad ogayn ninka Laascaano, Hawd ama Sanaag kula degan in ay lahaayeen boqortooyo oo haddii sooyaal iyo soojireen la isu tirsado uu halkaa galayo ilayn adiga iyo waxa kula firkada ahba waxaad ku faanteen Somaliland-nimo idinkoon Habar fulaan u aabboyeeline

Marka ma rabin inaan kuu jawaabo anoo arkayey qoraaladaada maxaa yeelay waxaan anigu la xaali jiray qabqablayaasha dagaalka khaasatan kuwa dad ii xiga laakiin hadda waxa igu soo baxay qabqable qalin oo isagoon socod baran raba inuu ordo. Waxaan u arkaa adi iyo wixii kula fikrad ah dad ka baqaya in dhaxalka dhulkooda laga qadsho waatan Soomaalidu tiraahdo dhaxal ninkii ka baqaya in laga qaadiyo hala qaybsho buu ku waashaa.

Inkastoon reer Mudug ahay laakiin diyaar uma ahi inaan Laascaano visa ku galo waxkastoo dhaca sidoo kalana mara rabo inaan baasaboor u garaacdo Hargeysa iyo Xamar midna xitaa haddii carriga kuwa kula caqliya qabsadaan.

Dirirdhaboow waxaan filayaa inaad caqlisatay iyadoo Maxamed Siyaad la hadalhayo oo SNM ay markaas dhulka Soomaalida ah ee Itoobiya gumaysato joogaan. Sidii ninkii indhaha la’aa ee Ilaahay mar araga u furay oo arkay diiq ka dibna indho la’aantiisii ku noqday. Oo markasta oo wax la waydiiyo xitaa maroodi ama geed wuxuu yiraahdaa diiq intee ka le’egyihiin. Marka sheekadaadii waxay dhaafi wayday SNM iyo Somaliland iyo Shakespeare. Aniga SSDF ugama dambeeyo sidaad SNM uga dambaysid inkastood aad waddadii aan qaadnay aad qaaddeen waxaana u arkaa inaan dhib ka kororsanayno oo xumaan naloo qorayo ilayn annagaa Soomaaliya barnay in Amxaaro loo cararee.

Professor Samatar iska daaye haddii ay ila kaftamaan kuwo fikradaada qaba waxaan ku dhahaa horta na geeya waqtigii ka horreeyey intaan Ingiriisku carriga qabsan. Dhulka sidee loo deggenaa? Ma idinkaa carrigaas oo dhan xukumay? Marka ma degaankii Ilaahay dadka ku beeray oo uu dajiyey baad rabtaan inaad u diidaan oo sheeko Ingiriis aad qaadataan. Marka Professorka waxaas buu ujeedaa. Teeda kale miyaadan ogayn in Professorku uu tagi karo oo ku noolaan karo Soomaaliya meeshu doono sida Kismaayo, Marka, Xamar, Baraawe, Baydhabo, Gedo, Jowhar, Baladweyn, Galguduud, Mudug, Garoowe, Laascaano, Bari iyo Sanaag.

Haddaysan jirilahyn Ilmo Gahayr, Barkhad Cas, Faarax Oomaar, akhyaartii kale iyo guud ahaan dadka waxgaradka ah ee degaankaas sheekadu waa ila durki lahayd. Si uuna maqaalkaygu u noqon sidii laftii feeraha ahayd ee nin walba dhinucuu rabo dadka utusi jiray waxaan mar walba maanka ku hayaa oo u duceeyaa Barkhad Cas markaan xasuusto “ninkaas aragiisa uurkaan ka nacee aan ooyee albaabka ii xira”. Ina Gahayrna waatuu lahaa England baa gubaynaysa maxaa iiga gidhiisha. Waxaan aaminsanahay inaan nimankaas ka xigo Dirirdhaba iyo qof kastoo la caqli ah.

Marba haddii dadka reer Waqooyi ay ku jiraan dad noocaas ah waxay dhaafeen “qullatayn” oo qof kasta oo maangaab ah ama siyaasi raba jago wax kama xumayn karo ama ceeb uma soo jiidi karo. Waana ku ammaanyihiin inay maamul samaystaan say uga badbaadaan dhibta ka dhacaysa wadanka intiisa kale.

Professor Samatar wuxuu ogyahay inkastoo ay Soomaaliya tiro yartahay marka loo eego waddamada dariska ah laakiin waxay leedahay tayo mana rabo inaad noqotaan waddan yar oo sida Swaziland,Lessotho, Rwanda, Brundi ama Jibouti. Maxaad u fahmi la’dihiin waxa Jarmalkii Galbeed fahmay. Jarmalka Galbeed kan Bari dhaqaalo ugama baahnayn bal iyagaa ku dhibqabay laakiin waxay ogaayeen inay dadkoodii yihiin koow dabadeedna qiimaha ay leedahay dhul weynida iyo dad badnaanta. Haddana arrintaas waxaa ka cabaadaya Ingiriiska iyo wadamo kale oo Yurub ah. Marka Dirirdhaboow Koonfur oo idin ka qanisan marka loo eego dhinac kasta idinkana dad badan inay iyagiina idiin yeertaan adinkuna aad carartaan waa idiin caqli xumo. Ogaada haddaad rabtid inaad dhulka aad degtaan goosataan waxaa Itoobiya u noqonaysaan sida ay Swaziland u tahay Koonfur Afrika waana arrintaas waxa Professorka iyo annaguba aanaan idin la rabin.

Marka Dirirdhaboow waxaan nahay hal jir/jidh oo leh labo gacmood marka haddaad rabtid inaan gacan isgoysid adaa ku dhibqaba waa haddii ay dhacdo. Xanuunkeeda goysmada kaliya ayaadan u dulqaadan karin iska daa inaad ka raysatide.

Marka waan arkay inta qof ee Professor Lewis u tahniyadaysaye waa in hadda Professor Samatar aad raali galisaan.

“Gaagaabso oo aamus yaan gaar lagaa qabane”

cabdulwaaxid Khalii | cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: Feb 1, 2003

I  I  D  H  E  H

   Afeef: Aragtida qoraalkaan waa kuwo u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi mayaan aragtida SomaliTalk

DHULKA: Qiimaha iyo sharafta dhulku leeyahay
Waa taxanihii qoraalada Cabdulwaaxid Khaliif GUJI... 31/1  

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD