SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - PUNTLAND
 XAALADDA DAGAALKII PUNTLAND

Wararkan waxaa SomaliTalk Puntland soo gaarsiiyey ilo wargal ah oo ku sugan aagaas. Wararkaasna waxaa kamid ah:

  • 20 Qof oo kudhintay dagaalkii aaga dhuudo, iyo 30 dhaawac ah
  • Cabdullaahi Yusuf oo lakulamay odayaasha Dhuudo
  • Gen. Cadde Muuse iyo ku xigeenkiisa Col. Cabdi Yaasiin oo kusugan Somaliland
  • Qaar ka mid ah reer Puntland oo rumaysan in Gen. Cadde Muuse uusan goob joog ka ahayn dirirtii Dhuudo ka socotay, balse uu dagaalka kala socday huteel ku yaalla magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland.

Hoos Akhri 

 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Korneel C/laahi ayaa markii ugu horraysay ka anbabaxay meeshii uu dagaalka ka hagayey oo ahayd tuulada loo yaqaan Alxamdullilaahi, waxaana uu u anbaxabay aagga Dhuudo ee ciidamadiisu xoogga ku qabsadeen. Korneelka ayaa warbixin ku saabsan sida wax u dheceen ka dhagaystay saraakiishiisa dagaalka hoggaaminaysay ee ku sugan tuulada Dhuudo. Korneelku waxaa uu la kulmay odayaasha reer Dhuudo, wuxuuna ka codsaday in ay wadashaqayn la yeeshaan xukuumaddiisa iyo in ay iska dheereeyaan waxa uu ugu yeeray kooxaha xaalad abuurka ah ee shisheeyaha ka dab qaata.

Taliyaha ciidamada daraawiishta ee korneelka oo lagu magacaabo Col. C/laahi Cali Mire (Carays) oo isagu hoggaaminayey gulufkii lagu qaaday buuralayda Dhuudo oo ka tirsan dhulxeebeedka Bender-Bayla oo war-isgaarsiinta loo yaqaanno halloow-halloowda ugu waramay wargays ka soo baxa magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dhimashada labada dhinacba ay dhan tahay 20 ruux iyo in ka badan 30 qof oo dhaawac ah. Carays ayaa sheegay in ay qabsadeen 7 ka mid ah tiknikadii ka soo horjeedday, isaga oo qiray in kuwii ugu mihiimsanaa ay ka fakadeen oo ay wali ku raad joogaan. Waxaa kale oo uu sheegay in ay hayaan maxaabiis tiradoodu dhan tahay 76 qof oo qaarkood ay dhaawac yihiin.

Ma jiraan wax war ah oo laga helayo saraakiisha dhanka kale, waxaase la sheegayaa in ciidamadii ka soo horjeeday korneelka intoodii badnayd ay u kala jabeen dhinaca buuralayda Karkaar iyo degaanka Dhahar. Haseyeeshee taliyhii ciidamada laga adkaaday Gen. Cadde Muuse iyo ku xigeenkiisa Col. Cabdi Yaasiin iyo saraakiil badan oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan ku sugan yihiin meel ka mid ah gobolka Sanaag ee maamulka Somaliland, waxaanna la sheegayaa in maalintii dagaalku dhacay habeenkeedii ay ka gudbeen meesha lagu magacaabo Ayax ee dagaanka Dhahar, waxayna halkaasi kaga tageen shan nin oo dhaawac ah oo ay maalintii dagaalka kaga qabteen ciidamada korneelka.

Qaar ka mid ah dadka reer Puntland waxay rumaysan yihiin in Gen. Cadde Muuse uusan goob joog ka ahayn dirirtii Dhuudo ka socotay, balse uu dagaalka kala socday huteel ku yaalla magaalada Hargaysa ee maamulka Somaliland.

Maamulka korneel C/laahi ayaa canbaarayn korka kaga tuuray Somaliland oo ay ku sheegeen in ay caadaysatay cagansiinta cadowga Puntland. Xubin ka tirsan golaha wasiirrada ee korneelka ayaa sheegay in reer Puntland aysan waligood illoobayn gardaradii Riyaale ku yimid Laas-caanood. Maamulka korneelku ayaa cabsi wayn ka qaba in Somaliland ay saldhigyo ciidan ay siiso saraakiisha iyo ciidamada lagaga adkaaday dagaalkii Dhuudo.

Lama garanayo halka ay ku danbeeyeen tignikadii ka fakatay ciidamada korneelka oo la rumaysan yahay in ay wali ku dhuumaalaysanayaan meelo ka mid ah degaannada Puntland, gaar ahaan agagaarka Dhahar, haseyeeshee qaar ka mid ah saraakiisha korneelka ayaa rumaysan in tignikadaasi mar hore loo gacan galiyey maamulka Somaliland.

Ogaysiis uu ku sixiixan yahay taliyaha booliska ee gobolka Bari Col. C/risaaq Maxamuud Yuusuf (Af-guduud) oo saaka lagu soo daabacay qaar ka mid ah joornaallada soo baxa magaalada Boosaaso ayaa loogu yeeray dhammaan dadka iska leh war-isgaarsiintga fooneeyaha ee loo yaqaanno halloow-halloowda in ay maalinta Khamiista ee taariikhdu ay tahay 02/01/2003 sacaaddu marka ay ku beegan tahay 09:00 AM ay iska soo xaadiriyaan xafiiska taliska Booliska ee gobolka. Mulkiilayaasha fooneeyaha halloow-halloowda ayaa dhawr jeer oo hore ay isku dheceen maamulka Puntland, ka dib markii wasaaradda Warfaafintu ay damacday in ay xaddiddo qaabka hadalka iyo in ay ku soo rogto canshuur dheeraad ah, taasi oo meel mar noqon wayday.

Waxaa warkaa SomaliTalk soo gaarsiiyey ilo wargal ah oo jooga deegaanka Puntland

Somalitalk, Puntland

2003-01-01

I  I  D  H  E  H

Waraka Dagaaladii Dhuudo
»»BAAQ XABAD JOOJIN Kuwajana PL oo kasoo baxay (PPP)..  GUJI.. 
»»Warar SomaliTalk kasoo gaarey ilo wargal ah oo jooga PL..  GUJI.. 
»»Warsaxaafadeed ka soo baxay DG/Puntland.. GUJI... 31/12

SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

Kaah oo Loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
War SomaliTalk kasoo gaarey Kaah Express ayaa caddeeyey in shirkada loo cusboonaysiiye shatigii Xawaalada ee Minnesota..  GUJI.... 31/12

Siciid Saalax & Habeenkii Ardayda Soomaaliyeed ee  Minnesota
 Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI 30/12 

Baaq Kasoo Baxay U.H.G.J/Hoose
Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ayaa soo saaray baaq uu ku bilaabay... GUJI.... 30/12

Dahabshiil oo loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
Qoraal SomaiTalk kasoo gaarey xawaalada Dahabshiil Minnesota ayaa caddeeyey in loo cusboonaysiiyey shatigii...  GUJI.... 30/12 

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara isha nasoo gaasiisey. 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD