SOOMALIDA KU DHAQAN PORTLAND OREGON OO SI
HEERSARE AH UGU DABAALGEGTAY KOWDA LUULYO.
Abdallah Mohamed |
shariif88@yahoo.com
Hanbeenimadii Salaasada ee bisha july ay hayd
kowda ayaa xaflad aad loo soo agaasimay oo loogu dabaal degayey sanadguuradii
43aad ee ka soo wareegatay maalintii ay midoobeen labada gobol ee waqooyi iyo
koonfur islamarkaana ay dhalatay dowladii Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu qabtay
magaalada Portland ee gobolka Oregon. Xafladaas oo ay soo qabanqaabiyeen
ardayda waxka barata Jaamicadaha gobolka Oregon, waxaana ka soo qaybgalay
dadwayne kor u dhaafay boqol. Waxaa goobtaas laga saaray calankii buluuga ahaa,
waxaa isaguna halkaas joogay oo maaweelinayey dadwaynihii gobtaas isugu yimi
fananka da’da yar ee Cawil Bilaajo oo isagu ka soo baqoolay magaalada Seattle
ee gobolka Washington si uu uga qaybgalo xafladaas qiima ha leh.
Intii ay xafladu socoday waxaa iyaguna halkaas
lagu gudoonsiiyey shahaadooyin ardaydii Soomaaliyeed ee ka qalinjabisay
dugsiyada sare ee gobolka Oregon. Guud ahaan jawiga xafladu waxuu ahaa mid aad
ka dareemayso qiiro wadanimo iyo farxad dheeraad ah, waxaana indhahaagu
qabanayeen hablo iyo inamo da’yar oo xidhan funaanado ay ku sawiran yihiin
calanka buluuga ah, kuwo kalena waxay xidhnaayeen dharkii hidaha iyo dhaqanka.
Guud ahaana xafladu waxay ahayd mid si aad ah looga soo qayb galay oo aad ku
arkaysay ciroole iyo cagyarba.
Maandeeq oo Lagu waraystay Magaalada Portland,
ee gobolka Oregon
Sawaxan iyo mashxarad ayaa marqudha hawada
isku shareeray markii dadwaynii hii ku sugnaa ay arkeen soo cagadhigashada
xidigtii shanta gees lahayd oo iyadu ay galbinayeen midabka bulluga ah iyo
codkii macaanaa ee fanaanka da’da yar Cawail Bilaajo. Dadkii oo dhamina way
wada staageen iyago oo ay wada qaaday qushuuc wadaninimo, waxaana inankii hayey
cod dheereeyaha uu kaga dhawaajey Soomaliyey toos oo, toos oo isku tiirsada eey.
In badan oo dadwaynihii goobta isugu yimi ayaa
ilmaynayey. Gabadhan oo in mudo ah joogtay goobta xaflada balse qalbigeedu ku
muransanaa in ay iska qaado niqaabkii ay xidhnayd iyo inkale. Inantu waxay soo
xidhatay niqaab, waxayna ku dhuumatay daah wayn oo ka danbeeyey golihii
tiyatarka ee laga hagayey barnaamijka loogu talay in lagu maa’muuso
sanadguuradii sadex iyo afartanaad ee ka soo wareegatay dhalashadeeda. Markii
Maandeeq ay wada salaantay dadkii xaflada isugu yimi ayaan u tagay si aan u
waraysto waayo ma aanan ogayn wakhtiga ay haysato inta uu le’egyahay madaama ay
caawa isu marayso goobo badan oo ku kala yaala daafaha dunida. Waraysigaygiina
sidan ayuu u dhacay.
Haatuf: Maandeeq horta Sanadkuuro wanaagsan.
Intaas kadib imisa ayaad jirtaa? Maxaase ku keenay goobtan?
Maandeeq: Horta haatufoow waad ku
mahadsantahay qadarinta iyo sharafta aad isiisay, hadiise aan u soo noqdo
su’aashaadii, anigu waxaan dhashay kowdi luulyo sanadkii 1960 saa’cadu markay
ahayd laba iyotobankii habeenimo, qaybta labaad ee su’aashaada waxaan halkan
imi dhowr saacadood ka hor, waxaanan isku ha’yey in aan in aan fagaaraha u soo
baxo iyo inkale.
Haatuf: Maxaa kugu kalifay in aad dhuumato mar
hadiiba aad goobta timi?
Maandeeq: Walaahi haatufoow walaal horta dhowr
arimood ayaa sababay in aan dhuunto. Waa ta koobaad e’ orta aniga dhibaato
badan ayaa la’iigaystay ilaa iyo markii aan dhashay, markaa waxaan iska
hubinayey in meeshu ay amaantahay, iyo in aan lagu hayn wax sharaftayda wax u
dhimaya. Talabaadna ee waad ogtahay oo anigu wali gabadh ugub ah ayaan ahay,
cid gaydana aan wali helin markaa, sida daqankeena iyo diinteenu ina farayso
xishood baa igu yar jiray.
Haatuf: Maxaa kugu qanciyey markaa in aad
dibada usoo baxdo oo aad istusto dadkan isugu yimi dhalashadaada?
Maandeeq: Walaahi walaal sidaan horeba kuugu
sheegay anugu ma tago goobaha nabadgalyadayda halis galinaya amaba sharaftayda
wax u dhimaya, balse markii aan indha indheeyey in mudo ah waxaa iqaaday qiiro
wadanimo. Waa marka hore e xaflada waxaa loosoo agaasimay si sharaf leh oo meel
walba waxaa ka muuqday midabka buluuga iyo cadaanka ah, waxaase markiiba
qiiradayda qaaday fanaankii codka macaanaa oo markiiba ku furay hees aan aad u
jecelahay oh “Arligaygoow” walaal marka aan heestan maqlo waxay ii cadaysaa in
aan cadaw igu soo dhawaankarin oo goobta aan joogaa ay amaantahay. Talabaadna
walaal markaan arkay hablo oyo inamo aad u da’yar oo xidhan sawiradayda aad
ayaan u qushuucay oo waan is haynkariwaayey dabadeedna waxaan ogaaday in aan
joogo goob ay joogaan dad aad iigu hiloobay, oo ehel ii ah in mudo ahna aanaan
is arag.
Haatuf: Maxaad dareentay markii aad ka soo
baxday daahii ee aad istaagtay fagaaraha?
Haatufoow walalo, sidaan horeyba kuugu sheegay
waxaa daaha iga soo tuuray shucuur iyo qiiro wadanimo iyo hilow iyo jacayl naga
dhexeeya dadka goobta isugu yimi, Waxaa indhayga iyo laabtayda qooyay ilmo
waayo waxaan dareemay oo xaadayda kiciyey dabaysha macaanayd ee wadanimo
waxaanan ogaaday in ay soo dhowdahay waxtigii uu jabi lahaa cadowgayga. Mida
kale intii aanan iman xafladan, waxaan soo maray goobo kumaankun kor u dhaafay
oo lagu xusayey dhalashadayda, dhamaan goobahaas oo dhana waxaan ka dareemay in
sanadkani ka duwanyahay kuwii hore waayo waxaan dareemay in umada Soomaliyeed
ay soo fahmayso qiimaha aan ugu fadhiyo oo ay dhawaan hanandoonan
nabadgalyadayda, sharaftayda iyo habada aan ka mudanahay.
Haatuf: Kama danbayntii maxaad u soo jeedin
lahayd umada Soomaliyeed?
Maandeeq: Marka ugu horaysa waxaan u soo
jeedinayaa umada Soomaoliyeed in ay soo ceshedaan sharaftii iyo karaamadii ay
lahaayeen isla markaana ay ka qayb qaataan la’dagaalanka cadawga koowaad ee ay
umada Soomaliyeed leedahay oo ah qabiilka. Mida labaadna in ay ka shaqeeyaan
sidii ay u bari lahaayeen ubadkooda qiimaha aan ku kadhiyo, waayo sidaad
ogtahayba geesiyo badan ayaa naftoodii u waayey si ay iiga difaacaan cadawga.
Intaas kadibna waxaan ilaahay uga baryayaa in umada Soomaliyeed uu ka dhigo
kowo igu faana, kuna noolaada nolol farxad iyo barwaaqo leh isla markaana kula
tartama aduunka cilmi iyo caqli.
Abdallah Mohamed |
shariif88@yahoo.com
WARARKII HORE EE PORTLAND
1da Luulyo iyo
Soomaalida Italy
Warbixintii uu Khaalid X. Cali kasoo tebiyey
Rooma
GUJI...
1da Luulyo iyo
Soomaalida NewZealand
Warbixintii uu Maxamuud Daar kasoo tebiyey
Wellington
Guji...
1da Luulyo iyo
Soomalida Pakistan
Warbixintii uu Axmed Ugaas kasoo tebiyey Karachi
Guji...
1'da Luulyo oo Nairobi Siweyn Looga Xusay
SHEEKH AADAN MADOOBE: “Talada banaanka aan soo dhigno”
COL.C/LLAAHI YUUSUF: “Waxa la isku hayo ma idiin sheegaa?”
CADDOW: “Meel aan u noqonaa nagama horaayaso”
KIPLIGAT: “Kenya ayaa ugu hor aqoonsanaysa
dawladda dhalata”
Dhammaan ka akhri warbixintii Ibraahim
Maxameddeeq
WIIL UBAAHAN
GARGAAR CAAFIMAAD |
Wiilkan
yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey,
wuxuuna u baahana yahay
gargaar degdeg ah. |
Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|