SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ATLANTA

Atlanta Habeenkii Warbashada oo xiiso badan lahaa

Sannada dugsiyeedkan 2002-2003 , 37 arday Somaliyeed ayaa ka qalin jebiyey dugsiyada Atlanta

Qore Burhan Cabdi Doorshe, Atlanta | Burabdi@hotmail.com 

June 13, 2003

KAAH

Waxaa habeenkii Sabtida: 24.5.2003 ahayd lagu qabtay Dugsiga Sare ee Clarkston, Georgia. xaflada si wanaagsan loo soo agaasimay. Xafladaa oo sannadkiiba mar la qabto laguna maamuuso ardayda ka qalin jebisay dugsiyada sare ee Atlanta sannad kasta iyo dhamaam ardayda ku jirta jaamacadaha iyo macadyahada Atlanta Georgia USA.

Sannada dugsiyeedkan 2002-2003 waxaa ka baxday 37 arday Somaliyeed meeshii ay sannadkii hore ay ka baxeen 19 arday, taasi waa dadaal wacan oo ay walidiintu qeyb fiican ka qaateen in caruurtoodu ka harin waxbarshada, meesha sannadkii hore arday badan ku guul-daraysteen in ay sii wadataan waxbarshadoodii dugsiga sare daruufo kale duwan awgeed.

Waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo isugu jiray dumar, raga, caruur. Waalidiin, culumaa-udiin iyo inta jecel ubadka Somaaliyeed in ay waxbartaan waxaa kaloo ka soo geyb galay xaflada qalin jabinta Mas’uuliyiin jagooyin sare ka haya Gobolka Georgia sida Denise L. Majette oo ah U.S. Prepresentative fourth District, Georgia iyo Abdul Akbar oo Councilman Clarkston city, Georgia.


Waa ardaydii Somaliyeed oo sanadka ka baxay dugsiyada sare ee Atlanta

Waxaa sannadkan ka soo geyb galay oo xiiso badana ku soo kordhiyey xaflada labo mudane aqoon fiican u leh maduuca xaflada oo ka yimid gobolo kale si ay caruurta Soomaaliyeed ugu dhiiri galiyaan in aan waxbarshada laga harin oo meel fiican caruurtu ka gaarto tacliinta sare, labada mudane oo kale ahaa Prof. Warfaa Ahmed oo ka yimid gobalka Utah iyo Mahamoud N.Wardere musharaxii hore ee duqa magaalada Minneapolis, Minnesota lana shaqeeya Mr. Norm Coleman oo ah U.S. Senator Minnesota, waxaana marti-qaadka u fidiyey madaale Burhan Cabdi Doorshe oo ah madaxa gudiga qaban qaabiyey xaflada qalan jabinta sanadkan iyo sanadkii horaba,wayna ka aqbaleen codsigaas, waana ugu mahad-celinaynaa reer Atlanta ahaan.

Waxaa lagu furay xaflada Quraanka kariin iyo Muxaadaro uu soo jeediyey Nasir Warsame kuna booriyey arday iyo waalidiinta in labda cilmi kana aaqiro iyo kana aduunyo la isku daro, salaadan la tukado. Macilin Mahamed Xirsi Bahal waxuu waalidiinta u sheegay in ay kordhiyaa xariirka dhexeya caruurtooda lana socdaa waxka dhacay iskuulka lana xariir macalimiinta caruurtood.wax u dhiga.

Mahamoud Wardher oo hadalkii qaatay waxuu caruurta ujeediyey in ay bilow tahay waxbarashadiinu waana in qalinka la soo qorto ee aan la jabin waxuu kaloo amaan badan u soo jeediyey reer Atlanta iyo Gudiga SEN soo agaasimay xaflada oo ay ku adag tahay reer Minneapolis in ay isku keenaan dad intaan dhan oo mawduuc waxbarsho isugu yimid waa siduu hadlka u dhigayey. Taasi waxay ka firxisay reer Atlnata oo dhan.

Hasan Yasin oo u hadlay gudiga abaabuka xaflada SEN waxuu mahad-balaaran u soo jeediyey marti sharafta dibada nooga timid iyo dadweynaha reer Atlanta sida fiican u soo xaadiray caawo si ay u waxbarshada ugu baraaru-jiyaan ubadka Somaaliyeed waxuu intaas ku daray in ganacsatada reer Atlanta la’aantood aan la qabteen shirka caawo waxay naga caawiyeen dhamaam qarashkii u baxay xafladan waana ku amaanay taas.


Mudane Wardere oo aqrinaya agendaha Somali Educational Night. Mudane Oday baa ku xiga. Dr. Mahamed Cali Nuur iyo Prof. Warfaa Ahmed from Utah oo la dhacsan Agendaha SED. Iyo Harbi iyo Cabdi Qali oo isla hadal.

Prof. Warfaa Ahmed oo runtii aqoon fiican u leh waxbarshad muddo badana wax ka soo dhigay wadankii aan cunay hadan wax ka dhiga jaamacad gobalka Utah waxuu u sheegay ardayda iyo waalidiintaba in la kordhiyo barshada Diinta Islamka lana baro ubad soo koray waa siduu hadalka u dhigay, waxuu yiri bara caruurta salaanta islamka ogaada haddii caruurto barato sida loo dhaho How are you? Waa baran karaan salaanta Islamka iyo hadal badan oo faa’iido u leh ubadka Somaaliyeed.

Dr. Mahamed Cali Noor waxuu ardayda u soo jeediyey in aan waxbashad laga harin waana mid kale ah oo aad wax ku qabsan kartaa dadkiina iyo dalkiina aad wax ugu tari kartaa ayuu yiri.

Osman Abdirisaq iyo Ibrahin Abukar iyo Wariyey Cabdisalaan waxay gubaabin iyo hadalo qiimo iyo qaayo u soo jeediyee Arday siiyeena tusaalooyin ay guul ku gaari karaan,waxay kaloo qeyb weyn ka qaateen abuulka xaflada oo si xiiso leh ku dhamaatay, hooyo Caasho Geele iyo hooyo kale waxay ubadka Somaliyeed ku diiro galiyeen in aad warbarshad la wato wax kastan ka hormariya iyada bay dheheen

Guud ahaan qaabka ay u dhacaday waxuu ahaa qorshe hore looga baraan degay iyo aqoontii laga dhaxlay sannadkii hore oo xaflad la billaabaal. Ujeed gudiga abaabulku waa in kaalintii Bulshada Somaaliyeed la waayin la tuso in caruurta leeyahiin dadka danbeeya oo ka badan labad waalid jecelna in ay wax noqdaan ubadka Somaaliyeed.

Somaali ha noolaato hana is fahanto Amiin!


Madaale Burhan Cabdi Doorshe, Madax SEN oo Somali Sagal Radio ugu tabinay sadii ay ku dhamaatay xafladii qalan jabim

Qore Burhan Cabdi Doorshe Atlanta

Burabdi@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2003

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Ardayda Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison
Minneapolis: Maanta waxay ardayda Soomaaliyeed ee reer Minnesota u ahayd maalin farxad ah maadaam ay... Guji June 9

Warbixin: Afar arday oo ay wajiyadooda farxadi ka muuqato kaddib markii ay dhamaysteen waxbarashadoodii.. GUJI  20/5

Ardaydii Soomaaliyeed ee ka Qalin jabisay Jaamacadda Minnesota

Xafladii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis GUJI..... 

ARDAYDA SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA

150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota 

HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA

Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]