SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Sanaag oo u kala Go'day laba Qaybood oo Qabiil ku Dhisan: Sanaag Galbeed iyo Sanaag Bari

sahal abdi 
halyay_6@hotmail.com

DOOD KA BILAABATAY SOOMAALIDA DHEXDEEDAQuraan: Maxaan isugu xumi la'nahay shareecada islaamka?

» DOOD: Soomaaliya waxay tijaabisey xorriyad (kahor 1884), kaddib waxaa lagu khasbay gumeysi ilaa 1960, kaddib waxay tijaabisey dimoqraadiyad (1960-1969), kaddib xukun militari iyo shuuciyad (1969-1991), kaddib dagaal ahli ah iyo dawlad la'aan. Ma tahay hadda in loo noqdo xukunka iyo dastuurka Islaamka, qoraalka ku soo aadi Halkan

»HOOYOOYINKII HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO [Xiddig]

 

Sidaan wada ogsoonahay dalkii somaliya la isku odhan jirey waxaa ka dhacay dagaal qadhaadh oo isku badelay mid qabiil hadaba gobolada uu aad u sameyey waxaa ka mida gobolka sanaag iyo sool oo ilaa hada wax xala laga gaadhin waxaa dareemaysaa markaa tagto goboladaa inay ka jirto kala qaybsanaan degaamada ah iyo ciidamo maleeshiiyooyin ku kala abtirsada beelaha oo kala raacsan puntland iyo Somaliland markaa u guda galo maqaalkayga gobolka sanaag waxa uu ka kooban yahay 10 degamo oo kala ah ceerigaabo, ceelafweyn garadag, maydh ,dererweyne,xiis ,badhan ,laasqorey,dhahar iyo xingalool hadaba dagemooyinka intaas leeg ayaan wax xidhiidha lahay dhamaantood taasna waxa kalifey nacaybaka qabiilooyinka ku nool gaobolkaa oo aad moodo inanay waligood isku soo noqonayn .

Hadba arintu si kastaba ha ahaato waxaan la yaabay markii aan tegey degmooyinka galbeedka halkaas oo ay ku sugenyihiin ciidamo qabiil oo taabacsan Somaliland meelaha aan ugu tegey waxa ka mid ahaa lix degamo oo galbeedka sanaag ku yaala oo kala ah ceerigaabo ceelafwey garadag, maydh,dereweyne iyo xiis degmooyinkaa oo ay degenyihiin beelaha ku abtirsada isaaqu.

Hadaba waxaan socdaalkaygii ugu talaabay dhinaca bariga anigoo ka anbabaxay magaalada ceerigaabo waxaa la yaab leh markaa ceerigaabo dhaafay ilaa 100 km meel u dhexeysa degmada ceerigaabo iyo degmada badhan ayaan waxaan ku arkay ciidamo ugu danbeyey ee ay lahayeen reer Somaliland siiba ahan beesha habar yoonis kuwaas oo wata hub aad u culus oo aan ku qiyaasay ilaa 10 gaadhi oo tikniko ah oo kuwa hubka culus laga rido ah halkaas oo aad ay heegan u ahayeen inayar kadib waxaan u gudbay dhinaca beelaha daroorka ah siiba beesha warsangali degen tahay tuulada hadaaftima halkaas oo ay ku sugnaayen ciidamo taabacsan cabdilahi yusuf axmed oo ku hubaysan ilaa 5 gaadhi waxanay ii sheegen in maali dhawayd xadka labada qabiil tuulada ceel la heley la isku riday hubka oo aan cidi ku dhiman.

Laakiin waxaan soo galay magaalada badhan oo ah caasumada bariga sanaag ee beelaha darood oo tageera cabdilahi yusuf halkaas oo uu joogo ninka xukuma degemooyinka bariga sanaag sida laasqorey iyo badhan ,dhahar iyo xingalool oo ay degaan beelaha darood iyagoo dhamaan tageersan c/lahi yusuf halka kuwa galbeedkana tageeran dahir riyaale lakiin oo cerigaabo fadhigoodu yahay sida badhasaabka gobolka sanaag calicabdi hure iyo maayarka magaalada ceerigaabo ismaciil xaaji nuur oo labaduba ka soo jeed beesha isaaq habar yoonis muse ismaciil halkaas oo aad ka dareemayso sida loo kala qaybsan yahay iyo beeluhu sida ay u kala tageeraan labada maamul, ma arkaysid dad u dhashay beesha isaaq ee degeeenka oo tageersan puntland mana arkaysid dad darooda oo sanaag bari ah oo tageersan Somaliland, waa la kala qaybsaday mabdaii taas oo ka dhigtey sanaag galbeed iyo sanaag bari.

sahal abdi 
halyay_6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2003.  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD