SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Socdaalka Nabadeynta Hadraawi Maxaa ka Run ah?

Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com

DOOD KA BILAABATAY SOOMAALIDA DHEXDEEDAQuraan: Maxaan isugu xumi la'nahay shareecada islaamka?

» DOOD: Soomaaliya waxay tijaabisey xorriyad (kahor 1884), kaddib waxaa lagu khasbay gumeysi ilaa 1960, kaddib waxay tijaabisey dimoqraadiyad (1960-1969), kaddib xukun militari iyo shuuciyad (1969-1991), kaddib dagaal ahli ah iyo dawlad la'aan. Ma tahay hadda in loo noqdo xukunka iyo dastuurka Islaamka, qoraalka ku soo aadi Halkan

»HOOYOOYINKII HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO [Xiddig]

 

 Hees ku luqaynta ama samaynteedu marna ma noqon xirfad lagu shaqeysto, balse waxay weligeed ahayd balwad qofku yeesho. Hase yeeshee waayadii dhexe ayaa waxaa soo baxay labo kooxood oo iyagu ku calaf doonta hoobalaynta. Waa qolyaha la ka yidhaahdo Suufuyiinta iyo fannaaniinta.iyadoo ay qolyahaas meel fiican u marayso ayaa waxaa ku soo baxay qolo cusub waa wadaaddada Cusub(Ikhwaanka), kuwaas oo yidhi heesuhu waa xaraan lagumana shaqaysan karo lamana dhegeysan karo.nooc kastoo ay ahaadaanba. Jeylaani ammaan,awliyo u yeedh yeedh,jacyl iwm. iyagoo u cuskanaya diinta, dabcan soomalidu waa dad wada muslimiin ah, dadka intoodii badnaydna way qaateenhadlakii wadaada cusub  hoobalayntii iyo dadkeediiba xadhigey u jareen. markaas ayaa  labadii kooxdna dhibaato culusi la soo deristey. weligoodna labadaas kooxood waxy ahaayeeyn kuwo aan xagga shaqada loogu ducayn.

Arrintaas ayaa sababtay in aad maqashid maalin kasta fannaan hebel aya macaluuli ku haysaa meel hebla wuxuuna codsi u dirsanayaa xertiisii intii ehel fiican lahayd ee dibadaha u tacbirtay. Sheekh habel (markii hore Suufi lagu yaqiin)ayaa Muxaaddaro Jihaad/caqiido ah ka jeediyey magaalo hebla. Fannaan hebel ayaa socdaal nabadayn ah ku maraya Norway iyo Sweden,Laascaanood iyo Bosaso iwm. Halkaas ayaad ka arkaysaa in ummadu ay kala caqli badan yihiin. haddii ay meeli kugu soo oodanto meel kale u diga rogo. waa in aadan dhagax meel yaalla noqon, isu daad raaci hadba meeshaad ka cayshi karto.

Bal eeg dooddan na dhex martey aniga iyo Hobal. Dhowaan ayaan  booqasho ku tegey magaalada BOSASO, waxaan ku arkey hoobal caan ahaa oo aad loo jeclaa oo macaluul meel la yuurura, waxaan weydiiyey sidey wax u jiraan,dabadeed wuxuu ii sheegay in aan maalinkaas maanta ah waxba hiyaayaddiisii lagu cunayan. niman Gadhadh dhaadheer oo carabaha lacag ka soo qaataana ummaaddii ku direen.oo heesihii xaaraan ku sheegeen,farsamo kalena aanu aqoon, haddana uu baryo ku  nool yahay. waxaan ku idhi waar hooge maxaad reer tolkaa ugu hagoogan weydey oo intaad is yarehe habaysid magaalooyinka ku wereegtid koox dhallin yaro ahna ka xaysatid aad tidhaahdid waxaan wadnaa nabadeyn. intuu qoslay buu igu yidhi waar arrinkaa waa la iiga hormaray, oo markii harena Rabbi ima solonsiin haatanse Nin Tolkiis ka soo murudsaday baa kaygii iyo qurbo jooggiiba iiga hormaray,oo arrintaa hadda wada. ee hadal badan uma baahniye bal maanta waxaan caaruurtii qado u siiyo ii dhiib. anigii waan qaadan waayey "Addunyo" ma Hoobalkii Hebel Ahaa ayaa maanta wax baryaya/shaxaadaya?
"Haddii aad ka qayb gashid kulamada uu sooryada ku qaadanayo Hadraawi bal waxaad weyddisaa waxa uu ka qabo in waddanka la kala gooyo. Bal car si cad ha kuu yidhaahdo ma oggoli." cawl

Haddaba baryadu soomalida ceeb ayey ku ahayd,qof maarmi waayey ayaana wax baryi jirey. laakiin soomalidu waa dad caqli badan oo magacii ayey yarehe baddeleen oo waxay baryadii u bixiyeen shaxaad. Baryadu waxay ahayd intaad is miskiinisid in aad gacanta hoos dhigato ruuxa aad wax ka doonaysid. Shaxaadkuse waa intaad codka weynayso qofkii aad waxa ka doonaysayna dhuunta ka gashid aad tidhaahdid waar noo dhiib waa ku sidee. Shaxaadkii ayaa haddana sii qabsama oo waxaa jira mid yarehe maamuus leh. oo qof kuu soo shaxaad tegey ayaad meeshii aad ka odhan lahayd qofkaasu wuu ii soo shaxaad tegey ayaad oranaysaa hebel ayaa ii yimid oo waan sooryeeyey(sooryo). macnaa waa qof aad xushmayanaysid oo aad u quudhi weydey in aad tidhaahdid wuu ii baryo yimid ama ii shaxaad yimid.

Socdaalkaan beryahan uu Hoobal hadraawi dalka inta aanay reerihiisu degin iyo dibadaha ku marayaa wax kale ma ha ee odaygu  wuu soo shaxaad tegey. waayo waa nin maskax eebbe siiyey kana caqli badan hoobalada kale ee Bosaso,laascaanood Xamar,baydhabo macaluushu ku hayso.

Maxaa sababay in aanu socdaalkiisa shaxaad raadinta ah ku tegin Burco iyo Hargesa toona. intuu meelkasto waddanka soo maray ayuu Laascaanood oo Labo boqol oo KM in ka yar u jirta halka reerihiisu degaan .wax kale ma aha ee dadkaas dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ayuu ka gurayey, markaa caqligiisa ayuu isticmaalay oo qolyo dihin ayuu arkay. waa maxay nabadda Denmark iyo Swedebn loga baahan yahay ee aan looga baahnayan Burco iyo Sheekh. Bal adba??? Hadraawi intaas oo magaalo midda uu tagoba waa la sooryeynayey. xoolahaa doorka ah ee uu soo ururiyeyena waxaan u rajaynyaa in uu waxa ka siiyo saaxiibadiisa kale ee ku macaluushu ku hayso Xamar,Bosaso,Hargeysa,Jigjiga. waddankaan Burburintiisiina qayb libaax ayuu kmu lahaa ee maanta yaanu cidna isu geeda saarin. ha rumaysan Afwenye ayaa lala dirirayey. in waddanka lalaka gooyo waxay ahayd ujeeddada kali ah ee SNM. hadraawina waad ogtihiin siduu uga qayb qaatay.

Haddii aad ka qayb gashid kulamada uu sooryada ku qaadanayo Hadraawi bal waxaad weyddisaa waxa uu ka qabo in waddanka la kala gooyo. Bal car si cad ha kuu yidhaahdo ma oggoli. waxaan xusuustaa beri aan degganaan jirey Magaalada Gothenburg ee Sweden oo aan filayo in ay ahayd dabyaaqadii 1992 in uu booqasho Hadraawi noogu yimid, xaflad balaadhanna loo qabtay. Waxaa su,aal weydiiyey nin aanan geeridiisa maqal oo la yidhaahdo Maxamuud Daahir Seed(Sanweyne). Mudane Hadraawi waa sidee argtidaada goonni isutaagga Somaliland?. su'aashaa ilaa iminka Hadrawi kama uu jawaabin.

Hadal iyo dhammaantii socdaalakni wax kale ma aha ee waa Baryo-doon/shaxaad-doon/Sooryo-doon hadba kii aad ku qancado.

Nabad gelyo
Cawl Mareero
cawl_mareero@hotmail.com

QORAALKII HORE EE CAWL MAREERO...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2003.  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Warqad Furan oo ku Socota Abwaan Hadraawi iyo inta gabayda!!!... GUJI

» GABAY KUSOCDA ABWAAN HADRAAWI[Cali Jaamac]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]