SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xumaan iyo samaan

Seyid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu ahaa nin badow ah waxaana taas muujinaya canshuurta ku diidey Gumeysiga!

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Labada erey oo kor ku qoran wuxuu qof kastaa u malayn karaa in uu kala yaqaan, isla markaas wuxuu moodi karaa in ay jiraan dad badan oo aan labadaas erey kala garanayn. Kuwa uu qofku moodayo in aysan xumaanta iyo samaanta kala aqoon laftoodu waxay u qabaan in aysan asaga xumaha iyo wanaaggu u kala soocnayn.

In xumaanta iyo samaanta isku si loo wada aqoodaa waa arrin aan suurtagal ahayn, waxaana taas keenay in ay dadka garashadooda iyo dareenkoodu aad u kala geeddisan yihiin, isla markaasna laga yaabo in ay ku kala duwan yihiin aqoonta iyo sida ay u soo noolaadeen.

Bulshooyinka uu jahligu ku badan yahay ama ay dadku kooxaha waaweyn isugu xiran yihiin waxaa ku yar in uu qofku oggolaado in ay jiraan dad aysan xumaanta iyo samaanta isku aragti ka ahayn. Marka aynu leenahay ”Kooxo waaweyn” waxaynu ka wadnaa qabiil ama wax kale oo uu qof kastaa xubinnimo khasab ah kaga mid yahay, oo aan loo oggolayn in uu ka leexdo sida ay u fakaraan ama ay u dhaqmaan.

Waxaynu baaraynaa maskaxdeenna si aynu u ogaanno bal in ay oggolaan karto in ay jiraan aragtiyo xumaanta iyo samaanta u kala miira sida ay maskaxdeennu u kala shaandhayso.

Saddex hadal oo kala duwan oo Soomaaliya ku saabsan ayeynu qoraynaa, waxaana malaha hadalladaas ku jira mid aynu xumaan u qabno iyo mid aynu samaan u malaynayno. Waxaynu xumaanta iyo samaanta saddex hadal keli ah ugu cabbiraynaa in aynu og nahay in ay soomaalidu xilligaan maskaxda ka rafaadsan yihiin, oo ay saddexdaas oo qur ah ka heli karaan wanaag ay ku farxaan iyo xumaan ay ka dudaan.

Waxaad saddexda hadal akhridaa adiga oo aan wanaag iyo xumaan midka dareenkaaga gelin ee akhriste deggan ah. Luqad ahaan waxaynu saddexda hadal ku wadaynaa af marmar ka duwan sida caadiga ah, oo aannu wax u cabbirno, waxaynuna hadallada u kala hormarinaynaa hab aynaan ka faallaynayn, oo uu hadalka ugu horreeyaa sidaan u bilaabanayo:

”Soomaalidu waa dad kulligood xigto isu ah, oo ay ka dhexeeyaan arrimo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin diinteenna raxmadda ah ee uu Rabbi inoo soo dejiyey, afka soomaaliga oo ah luqad hodan ah oo qurux daban, dhaqanka suubban ee soojireenka ah ee aan lagu kala duwanayn, isu’egaanta aan soomaalida sina loo kala aqoon midab ama muqaal kale iyo degaankooda yaabka leh ee ay dhammaantood dhinaca isku hayaan. Waxaa intaas dheer ehelnimada uu qofba qof u yahay abti, habaryar, adeer, eeddo, soddoh, dumaashi, oori, saaxiibad iwm.

Soomaalida oo barwaaqo iyo bashbash ku jirta ayaa waxaa ku soo duuley gumaysigii nacabka ahaa ee reer Yurub. Cadowgaas ka hor waxaa jirey gardarro ay Xabashiyi soomaalida ku sameeyeen, waxaana faduushaas ay gaalomadowdu ku dhiirradeen ka dhiidhiyey Imaam Axmed-Gurey oo jihaad islaami ah ula bareeray cadowgaas ruugcaddaaga ah. Ilaahay falligiis waxaa halgankaas xaqa ahaa oo uu Imaanku u istaagey lagu gaarey guulo taariikhi ah, oo aynu ilaa maanta ku faanno, kuna faani doonno tan iyo maalinta Yowmulqiyaame.

99 Magac ee ALLAH.... Akhri

Halkan ka dhegeyso Asmaul Xusna...

Waxay dadka qaarkiis sheegsheegaan in uusan Ahmed-Gurey soomaali ahayn. Haddii uu carab ahaa xataa sow innaguba carab ma aynu ahin? Soomaalidu waa arab, waayo innaga iyo carabta bad yar ayaa inoo dhexaysa, oo waxaa laga yaabaa in ay odayaashii aynu ka soo farcannay ahaayeen rag carab ah oo dabaasha si fiican u yaqiin, oo dabaaljoogle kaga soo tallaabay badda cas. Waxaa laga yaabaa in aynaan dabaal keli ah dalka ku imaan ee ay awooweyaasheen qaarkood ka soo lugeeyeen afrikada woqooyi, sida Masar iyo Liibiya, waayo Suudaan iyo Kenya waa afrikaan madow oo ilaahay baynu ka magangalnay. Carabtu labo ayey u kala baxaan, oo waa qaar dubka ka cas iyo kuwo lidda ka cas. Marka innagu waxaynu nahay carab oogada ka madow, laakiin haddii dhiiggeena la baaro casaan baa ku jirta. In aynu carab madmadow nahay waxaa u daliil ah in uu Cumar Carte Qaalib ayaan dhexdaas ah qalinka ku duugey in aynu carab silloon nahay. Qalinkii uu arrintaas ku saxiixay wuxuu ahaa biire, oo cid xasiixaas tirtiri kartaa ma ay jirto.

Haddii aynu gumaysigii fooshaxumaa ee reer Yurub dib ugu laabanno waxaa jihaad hubaysan kala hor tegey Sayid Maxamed Cabdulle Xassan. Sayidku waa ninkii diidey in uu canshuur dhiibo markii uu Saaxil ka soo gedey. Saaxil waa magac taariikhi ah oo ay magaalada dekedda leh ee Berbera leedahay. Halkaas ayuu Sayidinaa Maxamed asaga oo xufkiisa iyo toobinkiisa sita aroor ama hardhexaad ama gabbalgaab ka soo degey, wuxuuna ka dhaartay in uu shilin canshuur ah dhiibo.

Waa marka uu baxay magaca ”Wadaad waalan” oo ay dabadeed kufaarta ama cadowga soomaalidu Sayidka u yaqiinneen. Canshuurtaas uu Sayidku maamulkaas u diidey waxay ahayd tallaabadii labaad oo ugu weyneyd jihaad geyiga soomaalida ka dhaca. Dabcan waxaa jihaad dalka ka dhaca ugu horreeyey halgankii taariikhiga ahaa ee Imaan Axmed-Gurey, waxaana labeeyey in uu Sayidku iska soo taagey in uu gaal canshuur u dhiibo, oo uu dalkiisa canshuur ka siiyo nin meel fog kaga soo duuley. Uurkiisa wax ku jirey Rabbi baa ku cilmi leh, laakiin innagu daahirka ayeynu xukumaynaa, oo kolley canshuur lagama qaadin.

Taariikhdu waa wax weyn oo qaaliya waxeyse waxtartaa cidii wax ku qaadaneysa waayoaragnimadii la soo maray. Sayid Maxamed Cabdulle Xasan dagaalkii uu la galay gumeysiga Ingriiska ayaa dhaliyey gobonimadii gobolada waqooyi, nasiibdarro qabaa'ilada waqooyi Bari iyo waqooyi galbeed mid walba waa ka hiiliyey geesigaas u dagaalamay gobonimada ay maanta heystaan.
 
Dr. Saciid... Guji 

Taariikhda Sayidka lama soo koobi karo, laakiin waxaa jirey dad badan oo gaaloraacyo ahaa. Waxaa dadkaas ugu darnaa Cali-Dhuux, oo ah nin ay taariikhdiisu madow dahay, oo fidmowale ahaa. Cali saddex waxyaalood baa ceeb ugu filnaa.

Midda kowaad waa in uu Sayidkii khilaafay, oo uu gaal caddaan ah dhinaca saaray. Waxaa la wada og yahay in uusan Cali-Dhuux marna la sinnayn halgamaagii waddaniga ahaa oo gabyaaga ahaa oo Daraawiish ammaanduulaha u ahaa, oo Alle ha u naxariisto ee ahaa nin uu Sayidku aad iyo aad u jeclaa. Asaga iyo Cali Aadan isku jilib bay ahaayeen, laakiin ilaahay baa na leh ee Sayidku labadooda waa uu kala jeclaa, oo hadde nin kula col ah iyo nin aan haba yaraato ee waxba kaa diidayn waa ay kala khayr roon yihiin.

Arrinta labaad oo Cali-Dhuux lagu xantaa waa in uu fidmowale weyn ahaa, oo uu khilaafka Sayidkeenna ka sokow ahaa dirediraale ummadda dab ka dhexhurin jirey.

Arrinta saddexaad oo ay dad badani Cali-Dhuux colooshooda xumaan ugu qaadeen, ilaa maantana shiikh iyo shariif loola dagaallamaa waa in uu qabiilka si baas oo uu qallooc ku jiro ugu dhaqamayey. Muslinka ilaahay waxay qabiilka ugu dhaqmayeen in hadba qofkii kula jooga loogu faano, oo dadka kuu dhow iyo kuwa kaleba lala ficiltamo oo loo gabgabyo iyo in qof kasta oo kuu gabya loo jawaabo, oo jawaab keli ah laga fakaro ee aan shirqool kale hoos laga qoolin.

Bal maxaa asaga sidaas u diidey, oo sida dawladu calamo leh uu qabiilooyinka xudduudo ugu kala yeelay? Nacaybka ninkaas loo qabaa wuxuuba keenay in ay dawladdii danbe taariikhdiisa ka cagajiiddey, waayo joqoraafigiisu madaxweynaha iyo magaciisii kama uu qoslin, wadaaddaduna waxay isla dhexmaraan oo ay kutubaha ku arkeen in ay gabayadiisu fidmo yihiin, oo aan la dhegaysan karin.

Sayidka dayuurad baa lagu weeraray, oo taasi waaba taariikh weyn oo uu asagu lahaa

Intaas haddii arrimaha Sayidka looga baxo waxaa jirey SYL, oo ay asaaseen 13 nin ama 14 nin hadba sidii loo yaqaan. Maxamed Siyaad bay qabiilooyinka qaar SYL ku daraan, qaarna waa ay ka reebaan, waxaase iska fiican in aan odayga raggiisa laga reebin.

Nimankaasi waxay ahaayeen dad ummadda maanta joogta ka caqli badnaa, oo uu Rabbi maskax waasac ku mannaystay. Garashadoodu waxay ahayd mid ka sarraysa sida la moodayo, oo hadde waaba nimankii dadka u abaabuley in la isu kaashado sidii xornimo loo heli lahaa, oo ummadda looga dulqaadi lahaa kufrigii shisheeyaha ahaa, oo Yurub kaga soo duuley si uu diinteenna iyo dhaqankeeda u dooriyo, oo uu hantideenna u xalaalaysto.

Haddii aysan SYL iyo raggii kale ee xaggaas iyo woqooyi ka halgamey guntiga jihaad waddaninnimo dhiisha isaga dhigeen marna lama gaareen barwaaqada iyo horumarka aynu maanta ku sugan nahay! Calanka aad aragteen raggaas ayaa sabab u ahaa, wuxuuna gumaysigii caddaanku u guurey dhulalkii baas oo uu awal ka soo kicitimay.

Sidaas ayaa lagu gaarey khayrkaas badan oo maanta 2003-11-04 dalkeenna ka muuqda iyo calankaas xiddigta leh oo meel kasta ka babbanaya.

Waxaa jirey niman uu Soobbe ka mid ahaa oo gumaysiga la socdey. Waa nimankii uu garaadkoodu siiyey in gumaysiga loo sii kaadiyo, oo aan maamulka lagu ordin ee xoogaa wax la barto, si aan dabadeed loogu fashilmin xornimada aan khibradda loo lahayn. Caqlixumadaas lagama yeelin ee waxaa lagu dadaaley sidii madaxweyne iyo ra’iisulwasaare soomaali ah loo samayn lahaa, oo dabadeed wasiirro iyo wasiirrokuxigeenno loo dhisi lahaa, isla markaas hey’adaha qaranka aynu innagu u xukumi lahayn.

Ilaahay idankiis horumarku Soomaaliya keli ah kuma uu egaanayo ee walaaleheenna Ogaadenya iyo NFD labaduba waxay gaarayaan xornimadeenna oo kale, waxayna helayaan dhammaan waxyaalaha aynu helnay oo kale, oo waxay ka baxayaan baahida iyo colaadda”.

Haddii aad hadalkaas samaan ka dareentay waa laguugu hanbalyaynayaa, haddiise uu xumaan kuula muuqdo waxaa foodda kugu soo haya kuwo kale oo aad dhoollaha ka qosli doontid. Waa in niyadda lagu wada hayo in aysan hadalladu ku qornayn luqaddii noo caadiga ahayd iyo dabcigayagii qoraalka. Hadalka labaad sidaan ayuu u bilowday:

”Afrikada bari waxaa deggan dad ay soomaalidu ka mid yihiin, oo uu muuqaalkoodu caddaynayo in ay kulligood isku dhiig yihiin. Waxaa kale oo in ay dadkaasi isku asal yihiin muujinaya sida ay dhinaca isugu hayaan iyo sida ay afafkoodu qaraabo u yihiin. Luqado badan oo aad qaraabo u ah ayey ka mid yihiin afafka May iyo Maxaa oo ay soomaalidu ku hadlaan.

TAARIIKHDA LAGAMA BEEN SHEEGO...
Qore Kancaan... Guji

Qabiilooyinka soomaalida lama hubo in ay xagga dhalashada iska xigaan qowmiyadaha kale oo ay isku degaanka iyo isku dhiigga yihiin, hase yeesho ee waxaa la hubaa in ay soomaalida badankoodu isku af ku hadlaan. Xagga dhaqanka lama hayo dhaqan soomaalida ka dhexeeya oo aan ahayn gudniinka gabdhaha, oo laftiisu ah dhaqan ay dadyow kale soomaalida la wadaagaan, isla markaas ah basarxumo loo midoobey.

Diinta islaamka soomaalida oo keli ahi ma leh, waxaana soo dejiyey Rabbi, oo soomaalida waxaa la haysta dadyow ay Oromadu ka mid yihiin, oo adduunka badankiisa ku firiqsan.

Diintu ma aha mabda’ qowmiyad ku dhisan ee waxaa jirrid u ah caqiido, waxaana laamo u ah camal, oo muslimiinta ayey midaysaa ee qabiil iyo midab kuma ay saabsana. Diinta islaamku xudduud dhulka kala goysa ma ay leh, ee waxaa loogu talogalay in ay dadka oo dhammi wada qaataan.

Soomaalidu waayadii hore ma ay aqoon calan, xudduud, barlamaan, madaxweyne, wasiirro, agaasimeyaal, maareeyeyaal, boolis, millateri, dawlad hoose, bangiyo, hoteello, baasaboor, fiisooyin, laysin iyo iskuullo. Haddaba yaa waxyaalahaas iyo arrimo kaleba soomaalida baray?

Gumaysigii adduunka qaybsaday ee reer Yurub ayaa dadyow badan waxyaalahaas baray. Waxaa iska cad in uu gumaysigu dhib badan ka mutay sidii uu xoolodhaqatadii soomaalida u fahamsiin lahaa maamulkaas casriga ahaa, oo ay adduunka ku fidinayeen. Waxaa kale oo iska cad in ay soomaalidu u baahnaayeen in la ilbixiyo oo wax la baro si ay mustaqbalka uga soo baxaan dad wax kala garanaya oo maamulka iyo siyaasadda soomaalida gacanta ku dhigi kara.

Soomaalida waxaa markaas haystey jahli ku raagey iyo badownimo qoddodheer, waxaana taas daliil u ah in uu Maxamed Cabdulle Xassan diidey canshuurtii uu maamulkaas casriga ahi dadka ka qaadayey! Wuxuu dadkii canshuurta weydiiyey ku yiri: ’Idinka yaa canshuur idinka qaaday markii aad halka timaaddeen?’. Hadalkaas iyo dhaqankaasi waa arrimo caqliga iyo nadaamka labadaba ka fog.

Horta markii uu ingiriisku Berbera yimid ma maamul canshuur qaada ayaa ka jirey? Midda labaad yaa eeddeeda leh in uu gumaysigu dalka iska soo galay oo aan waxba la weydiin? Waxaa arrintaas eeddeeda iska lahaa soomaalida, waayo inta uu mid kastaa waran iyo toorrey qaato ayuu midka u dhow geela ka dhacayey, mana ay awoodin in ay maamul dalka difaaca oo ajnabiga iyo soomaalida canshuuro ka qaata sameeyaan.

Hadalkaas uu Maxamed Cabdulle canshuurta ku diidey wuxuu muujinayaa in uu ahaa nin badow ah, oo inta meel aan maamul lahayn ka dhoofay markii uu ku soo laabtay fahmi waayey arrimaha maamulka casriga ah.

Meel kasta oo uu maamul shaqaynayaa ka jiro wuxuu qofka asluubka lihi u hoggaansamaa qawaaniinta asaasiga ah sida canshuurta, dabadeedna waxii uu dood ka qabo ayuu si anshax ah uga hadlaa, ee askeri dable ah oo canshuur guraya in lala murmaa waa wax aan nadaam iyo caqli midna waafaqsanayn.

Weli dadka soomaalida ahi waxay u indhoxiran yihiin sidii Maxamed Cabdulle Xassan, oo ma ay yaqaaniin nadaamka iyo kala danbaynta. Mid kastaa markii wax qaynuun ama caqligal ah loo sheego ayuu sidii ninkaas qaylo aan xikmadaysnayn bilaabaa, waana sababta uu dalkoodu u degi la’ yahay.

Meelihii ay ingiriiska iyo talyaannigu joogeen waxaa ka dhismay magaalooyinka Soomaaliya ugu waaweyn, waxaana laga dhisay iskuullo badan, laakiin meelihii ay qawlaysatada Maxamed Cabdulle qasayeen hal iskool lagama furin, isla markaas cidina ma ay magaalayn. Arrintaasi waxay reebtay ciribdanbeed xun iyo dhibaatooyin waaweyn oo ilaa maanta taagan.

Dadkii meelaha ay Daraawiishi joogtey ku dhaqnaa waxay ilaa maanta u kala dhuuntaan labadii magaalomadax ee uu dalku yeeshay. In ay meelahaasi magaalomadaxyo noqdaan waxaa sababay Daraawiish, waayo dhulkii ay joogeen waxay ka dhigeen gelgelin cidlo ah, oo dadka lagu qasho.

Lama soo koobi karo sida ay u kala horamareen dadkii gumaysiga la noolaa iyo kuwii uu Maxamed Cabdulle ku adeegtey, waayo meelna aqoon iyo dhismo ayaa ka socdey, meelna dhac iyo umulodoox!

Maxamed Cabdulle Xassan dawlad iyo horumar midna waxba kama uu aqoon, ee waxay gabayo cay ah isdhaafsan jireen wiilal geeljire ah, oo aan diin iyo maaddi midna aqoon, oo xoolohooda raacda. Waxaase run daacad ah waagaas ku hadlay Cali Jaamac Haabiil, oo la moodo in uu danaha soomaalida asiibay, aanse laga dhegaysan. Soomaalidu qofkii caqli, codkarnimo iyo run isku darsada waxay ugu yeeraan ’Fidmowale’, waxayna ammaanaan qofka dhiiggooda daadiya, oo haadaan ka tuura, wuxuuna Cali oo Maxamed la doodayaa yiri:

’Muslimnimo nin aan kugula socon, muuminimo khaas ah.

Gaal maxasta kuu korinayoo aad, magansataa dhaama’.

Haddii Daraawiish dalka lagu wareejiyo sidee bay u maamuli lahaayeen, maxayse qaban lahaayeen?! Waxaa kooxdaas ugu aqoon roonaa Maxamed Cabdulle Xassan, asaguna markii uu dalka ka tegey aqoon ma uu lahayn, wuxuuna maqnaa muddo yar. Haddaba yaa maamulka soomaaliyeed qaban lahaa, doorashose ma ay dhici lahayd mase waran baa rubadda la iska gelin lahaa?”

Hadalka saddexaad oo aynu maskaxdeenna ku carbinaynaa waa:

”Dhulka oo dhan Rabbi baa leh, dadka oo dhanna Rabbi baa leh, diintana Rabbi baa leh. Haddaba saddexdaas mid kasta qaynuun islaami ah baa ka yaal. Dhulku Rabbi xudduudo looma kala samayn karo, oo dawlado iyo waddanno looma kala leh, laakiin qof ama kooxii beer ama guri waa ay yeelan karaan. Dadka lama kala celin karo, oo dhamaantood waa in dacwada islaamka la gaarsiiyaa. Haddii ay gaalo arrintaas diidaan waxaa bilaabanaya jihaad islaami ah, waana la qabsanayaa dhulkii ay gaaladu haysteen, maalkooduna waa xalaal. Maxaabbiis haddii jihaadka lagu qabto waa addoomo, oo dumarkooda in loo galmoodaa waa mubaax”.

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

QORAALADII HORE EE SHAAFICI

» Af-lagaadada Culumada iyo Shaafici [Baasto]
» Jawaab: Shaafici Maqaaaldiisii Wadaada, BBC iyo Cali Samatar [Dafle]

 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]