- 1. xaaladda codbixinta ee muslimiinta qurbaha
- 2. Yaa madaxweyne ka noqon kara waddanka Maraykanka?
- 3. MAS-Freedom Foundation iyo Doorashada 2004
- 4. Minnesota-MAS Freedom Foundation iyo Doorashada 2004
XAALADDA COD BIXINTA MUSLIMIINTA QURBAHA
· Waddanka Jarmalka waxaa ku nool in ka badan 4 milyan oo Muslimiin ah,
nasiib darase qofna kagama jiro Parlamaanka Waddanka Jarmalka. Xaga ka kale
haddaad ka eegto, waxaa Jarmalka ku nool 800 Yuhuud oo heysata Jinsiyadda
Jarmalka, waxayna ku guuleysteen ugu yaraan sagaal kursi oo ay
Parlamaanka Jarmalka ku yeesheen.
· Muslimiinta Ingriiska waxaa lagu qiyaasaa ilaa iyo sedex Milyan, laakiin
Parlamaanka ingriiska oo ka kooban 659 kursi, nasiib darase waxay ku
leeyihiin oo keliya laba kursi . Halka Yahuudda Jinsiyadda Ingriiska
heysta lagu qiyaasay ilaa iyo 5000 (shan kun) oo keliya, laakiin Parlamaanka
Ingriiska waxay ku leeyihiin 20 kursi.
· Gobolka Michigan ee Waddanka Maraykanka, Magaalada Dearborn oo dadka ku
nool 75% ay Muslimiin yihiin, masaajidahana aadaanka meel weliba laga maqlo.
Murashaxii muslimka ahaa ee Abu- Hamud ee isku soo sharxay duqa magaalada
Dearborn, sababta lagaga guuleystay ayaa waxay aheyd Muslimiinta oo intooda
badan aan codkooda dhiiban.
· Muslimiinta Maraykanka waxaa lagu qiyaasaa Ilaa iyo 10 (tobon) Milyan,
halka ay Yahuudda tira ahaan ay le’eg yihiin ilaa iyo 5(shan)milyan. Nasiib
darase hal muslim ah kuma jiro Congresska Maraykanka, halka ay xubnaha
Congresska ay badankoodu Yahuud yihiin.
M. Amir Ali, wuxuu ku qoray “The Milli Gazette” bishii August 2003 ee la soo
dhaafay, in ay ururada Muslimiinta ee Amerika ay ku fashilmeen ka qeyb gelidda
siyaasadda Maraykanka, waxayse ku guuleysteen:
- 1- in loo ogolaaday inay duceeyaan furitaanka shirarka Congresska“waaba
haddii laga aqbalo ducada”.
- 2-In bil weliba oo Ramadaan ah ay maalin afur ka sameeyaan Congreska;
- 3-Xafladda Ciidaha Islaamka inay Congresska ay kala qeyb galaan.
Amir oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Yahuudda waxay kartay iyadoo
Congresska adeegsanayso in la caburiyo shacabka Falastiin iyo ururada xoriya
doonka ah laguna tilmaamo inay yihiin argagixiso. Sido kale, ururada xoriyo
doonka ee Philipino oo lagu tilmaamay inay argagixisayaal ay yihiin. Halka
gobolka Estimor ee waddan Indonisia, gobolkaasoo u badan Misiixiyiin, marka ay
kacdoonka sameeyee laguma tilmaamin argagixisayaal balse Maraykanka ayaa
caawiyey. Ka dibna loo qaaday afti ay ugu dambeyntii dowlad gaar ah loo
sameeyey. Taasi waa siyaasadda laba wajiilanimada iyo munaafaqnimada ay
dowladda Maraykanka ku dhaqanto”.
2.YAA MADAXWEYNE KA NOQON KARA WADDANKA MARAYKANKA/
Lacag ururinta ay musharaxiinta qaar ka mid ah ka sameeyeen Gobolka
Minnesota oo keliya iyo inta ay caddaan (cash) u heystaan ilaa July 2003:
Musharaxa Xisbiga Lacagta uu urursaday Lacagta Caddaan ahaa(Cash in hand)
- G.Bush Rep. $107, 600.00 (MN) ilaa $20 Milyan
- J. Kerry Dem. $144,940.00 (MN) $10.1 Milyan
- J. Edwards Dem. $33,950.00 (MN) $8.1 Milyan
- J. Lieberman Dem. $27,600.00 (MN) $7.0 Milyan
- H. Dean Dem. $71,900.00 (MN) $6.4 Milyan
- R. Gephardt Dem. $25,475.00 (MN) $6.3 Milyan
- B.Garham Dem. $1,000.00 (MN) $1.8 Milyan
- D. Kucinich Dem. $5,650.00 (MN) $1.1 Milyan
- C. Braun Dem. $250.00 (MN) $22,000.00 (Only Black Woman)
- Al Sharpton Dem. Nothing (MN) $12,000 (Only Black Man)
3.MAS-Freedom Foundation iyo Doorshada 2004
M. Amir Ali wuxuu kaloo ku xusay jariidada “The Milli Gazette
(16-31 August 2003)” Muslimiinta inay ka fiirsan doonaan ruuxa ay codkooda
siin doonaan. Waayo, Doorashadii 2000, waxay in badan oo Muslimiin ah u
codeeyeen Madaxweyne Bush ka dib markuu balan qaaday inuu tirtiri doono
qaanuunka loo yaqaan “Secret Evedence Law” oo ah in qofka la xiray aan
loo faahfaahin wax lagu heysto iyo cadeymaha la hayo. Nasiib darase, Bush
markuu madaxweyne noqday wuxuu soo saaray qawaaniin aan dastuurka waafaqsaneyn
sida qaybo ka mid ah qaanuunka loo yaqaan Patriotic Act oo lala
fiirsanayo dadka muslimiinta ah. Sidaa darteeda, Muslimiinta Maraykanka ku nool
waxay si taxadir iyo ka fiirsasho ah ay isu diyaarinayaan doorashada sanadka
2004 ee madaxweynaha waddanka Maraykanka. Dad badan oo Muslimiin ah waxay
rumeysan yihiin in muslimiinta ay codkoodu ku gor gortami karaan haddii ay isu
nidaamiyaan doorashada 2004.
Bishii August 2003 dhammaakeedii ayaa xafiiska Freedom Foundation ee ururka
Muslim American Society (MAS), xaruntiisa dhexe ee Washington, D.C., ay si
rasmi ah ugu dhawaaqeen hawl gal rasmi ah ee la xiriira nidaaminta codka
muslimiinta ee Maraykanka iyadoo hal ku dheg loogu dhigay VIP (voting is power)
oo ay la micno tahay: “ cod bixintu waa awood”.
4.Minnesota MAS-Freedom Foundation iyo Doorashada 2004
Sidoo kale, Ururka Muslim American Society (MAS), faraciisa Minnesota, gaar
ahaan xafiiska Freedom Foundation ee ah waaxda u qaabilsan fahamka siyaasadda
dowladda Maraykanka iyo ilaalinta xuquuqda madaniga ee muslimiinta, ayaa ku
shiray xafiiska MAS ee magaalada Minneapolis, iyadoo ay shirka ka soo qeyb
galeen arday ka kala socota Jaamacadaha gobolka Minnesota sida Jaamacadda
Minnesota, Minneapolis Community College, arday ka mid kuwa dugsiyada sare, iyo
wax garad muslimiin ah oo ka dooday qaabka loo nidaamin lahaa cod bixinta
muslimiinta ee gobolka Minnesota. Waxgaradka fadhigaasi ka soo qeyb galay waxay
isu qeybiyeen sedex gudi oo kala ah:
1-Gudiga Abaabulka iyo Wacyi Galinta oo ka kooban shan qof,
mas’uulna ka ah: diyaarinta, wacyi gelinta iyo dhisidda caqliga muslimka ah ee
ku nool waddanka Maraykanka. Gudigan wuxuu diyaarin doonaa ugu yaraan lix kulan
ee waxbarasho iyo tababaro la xiriira: Qaab dhismeedka siyaasadda iyo dowladda
Maraykanka, Yaa mudan in la doorto, Maxaase lagu dooran, Nidaamka Doorashada
iyo Kicinta dadka xaqqa u leh inay codeeyaan, iyo qaabka codka muslimiinta
loogu faa’ideyn karo xuquuqda iyo danaha muslimiinta, iyo arimo kale ee la
xiriira axkaamta islaamka iyo doorashooyinka ka dhaca waddanka Maraykanka.
2-Gudiga Xiriirka Dadweynaha: oo ka kooban ugu yaraan shan qof
oo ku shaqa leh: inay tira koobaan xarumaha iyo masaajidaha muslimiinta ay ku
leeyihiin gobolka Minnesota. Inay sameeyaan xiriir ka dhaxeeya xarumahaasi iyo
mashruuca doorashada ee MAS. Islamarkaasna, in ay geeyaan xarumahaasi kaararka
cod bixinta iyo fariimaha la xiriira doorashada 2004.
3-Gudiga Farsamada Doorashada 2004: Gudiga wuxuu ka
kooban yahay shan qof oo ku shaqa leh: Inay xiriir la yeeshaan xoghayaha
dowladda gobolka Minnesota, waaxdeeda qaabilsan doorashada 2004. Diyaarinta
kaararka codbixinta. Ururinta fariimaha farsamo ee la xiriira qaabka
doorashooyinka 2004. Diyaarinta iyo tarjamada fariimaha la xiriira qaabka iyo
goobaha doorashada. U fududeyn dadka ay ku adag tahay inay codeeyaan sida
gawaari oo loo diyaarsho, ama in loo sahlo goobaha doorashada. Ka qeyb gal
gudiga garsoorayaasha doorashada 2004. Qorshahu wuxuu noqon doonaa ugu yaraan
hal garsoore oo wiil ah iyo garsoore gabar ah inay ka mid noqdaan gudiga
garsoorayaasha doorashada ee 2004 (Election Judges).
Haddii aad dooneyso inaad kaalmeyso Mashruuca (VIP)ee Doorashada 2004 la
xiriir walaalaha howshaasi wada: MAS- Center, isla markaana la hadal
Sister Jessi (651)457-7170 ama Liban (612)986-1873.
Maqaalkan waxaa diyaariyey:
Sh. Xasan Jaamici
Agaasimaha Xafiiska MAS-MN Freedom Foundation
HASSAN Ali Mohamud
xasanjaamici@yahoo.com