c/shakur mohamed
cabdimaxamed@hotmail.com
Qormadan waxaa igu kallifay inaan qoro saddex arrimood. Kow, waxaa jira
dareen guud oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan oo ku saabsan nidaamka federaalliga
ah. Waxaa, inta badan, dadka Soomaaliyeed ka muuqata inay kalsooni dheeraad ah
u hayaan nidaamkan iyadoo aadba mooddo inay rumeysan yihiin inuu xal u yahay
keli-talisnimada iyo dulmiga ay madaxda dowladuhu sameeyaan. Labo, waxaa jira
in hey'adaha caalamka ee iska xilsaara xallinta mushkiladaha ka dhasha
dagaallada sokeeye ay mar kasta ku soo boodaan nidaamkan federaalliga ah.
Runtii, sida aqoonyahannada qaar ay qorayaan, nidaamkani wuxuu noqday midka ugu
sahlan ee islamarkiiba ku soo degdega maskaxda dadka farageliya dagaallada
sokeeye iyadoo aanba si qoto dheer looga fekerin sida uu nidaamkani ula
saanqaadi karo xoogagga iyo dhaqamada ka jira dalka ay mushkiladdaasi ka jirto
(Lake & Rothchild, 2002). Saddex, waxaa nidaamkan si weyn u doonaya dowlado
deris la ah Soomaaliya oo dano waaweyn oo istaraatiiji ah ka ! leh dalka.
Dowladahaasi waxay maanta fursad u heystaan inay saamayn ku yeeshaan qaabka
Soomaaliya ay dowladdeedu u dhismeyso. Iyagoo danahooda fiirsanaya, dowladahaas
waxay iyaguna ka mid yihiin xoogagga riixaya in Soomaaliya loo sameeyo nidaam
federaali ah.
Rabitaanka dadweyne badan oo aan ku slaysnayn aqoon, doonista hey'adaha
caalamiga ah oo iyaguna fiirsanaya waxa u sahlan, iyo dibindaabyada dowladaha
deriska ah qaarkood oo iyagu uu rabitaankoodu ku qotomo dantooda ayaa waxay
keeneen in mar kasta oo Soomaalidu ay ikugu tagto shir in ay saxiixaan in
dastuurka dalka lagu saleeyo nidaamka federaalka. Inta badan, shirarkii loo
qabtay Soomaalida ee uu ugu danbeeyo kan hadda ka socda dalka Kenya waxaa
qodobbadii la saxiixay ka mid ahaa qodob tilmaamaya in nidaamka federaalliga ah
lagu saleeyo dastuurka Soomaaliya.
Haddaba, su'aalaha horyaal ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda
waxgaradka ah, waxaa ka mid ah: Waa maxay nidaamka federaalku? Waa maxay
waxtarka iyo waxyeellooyinka uu nidaamkani wato? Soomaaliya sida ay hadda ku
sugan tahay ma yahay nidaam ku habboon? Dhaqaale ahaan, Soomaaliya ma awooddaa
oo ma ka bixi kartaa? Ma jiraa qaab kale oo laga heli karo faa'iidooyinka ku
jira nidaamka, islamarkaasna aan lahayn qasaarooyinka ku aasan nidaamkan? Xitaa
haddii la qaato nidaamkan, ma jiraan waxyaalo caqabaad ah oo keeni kara in
qasaarooyin waaweyn uu u geysto qarannimada Soomaaliya iyo aayaha iyo
jiritaanka danbe ee ummadda Soomaaliyeed?
Qormadan waxaan ugu talagalay inaan intii aan karo uga jawaabo su'aalaha kor
ku xusan. Waxaan ugu talagalay inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aragtidayda
ku aaddan mowduucan iyo welwelka aan ka qabo nidaamkan. Haddii aan si kale u
dhigo, qormadani ma ahan mid aan u qorayo koox mutacallimiin ah oo ku
taqasussay siyaasadda iyo maamulka. Waxaan rajaynayaa inay furto dood iyadoo
laga duulayo su'aasha weyn ee ah, maxay aayaha iyo qarannimada ummadda
Soomaaliyeed u dhimeysaa ama ku kordhinaysaa haddii aan ku salayno
dowladnimadeenna nidaamka federaalliga ah?
Qormadani waxay ka kooban tahay laba qeybood. Qeybta hore, waxaan ku sharxayaa
waxa uu yahay asal ahaan nidaamka federaalku, iyo waxtarkiisa iyo
waxyeelladiisa. Qeybta labaad, waxaan ku falanqeyn doonaa sida ay u adag tahay
in nidaamka federaalliga ah laga hirgeliyo Soomaaliya. Waxaan ku soo
gunaanadayaa aragtidayda ku aaddan arrintan oo ah inaan nidaamka federaalku xal
u ahayn mushkiladda Soomaalida, islamark! aasna uusan ka shaqeyn Karin dalka.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "hubsiino hal dhan baa la siistaa." Waxaan
qabaa in haddii si furan looga doodo oo caqligu shaqeeyo waxaa dhici karta in
la gaaro qaab isku dheellitiraya danta iyo himilada fog ee ummadda iyo
rabitaanka jidbada ku salaysan ee hadda jira.
Waa Maxay Nidaamka Federaalku?
Asal ahaan, ereygu wuxuu ka yimid afka Laatiinka, wuxuuna Ingiriiska ka soo
galay dhinaca luqadda Faransiiska. Xagga adeegsiga, ereyga "federal" iyo
figradda uu ku salaysan yahayba waxaa markii hore loo adeegsan jiray qaab diini
ah. Markii ugu horreysay macnaha ereygan loo isticmaalay wuxuu ahaa "heshiis" u
dhexeeya aadamaha iyo Allaah. Macnahani wuxuu markii danbe isku rogay heshiiska
ama axdiga ay dadku wada galaan. Markii danbana wuxuu macnaha ereygani ku
danbeeyey heshiisyada siyaasiga ah ee ay gobolladu galaan marka ay
samaysanayaan dowlad dhexe. Sida ay aqoonyahannada baara arrintani qoraan,
muddadan danbe, ereygani wuxuu caan ku yahay oo lagu yaqaan siyaasadda, waana
macnaha aan doonayo inaan warqaddan ku falanqeeyo (Elazar, 1987).
Marka macnihiisa guud la fiiriyo, nidaamka federaalku waa qaab lagu saleeyo
habeynta siyaasadda dalka iyadoo loo qeybinayo awoodaha dastuuriga ah laba heer
oo kala ah heer qaran iyo heer gobol (waa laga badin karaa heerarka labo haddii
la doono) (Riker, 1964). Guud ahaan, labada heer ee kala ah dowladda dhexe iyo
kuwa gobolladu waxay wadaagaan oo ka dhexeeya maamulka dalka. Dowladda dhexe
waxay xukuntaa dalka oo dhan, halka ay dowladaha gobolladu xukumaan
gobolladooda. Awoodaha uu dastuurku u qeybinayo labadan heer waxaa ugu
muhiimsan awoodda sharci dejinta iyo awoodda canshuurista ((Elazar, 1987).
Marka sidan loo fiiriyo nidaamkan federaalku wuxuu suurta gelinayaa in dalku
uu lahaado dowlad guud, iyadoo uu gobol walbana si hoose isku maamulayo oo
arrimihiisa u gaarka ah ee uu kaga duwan yahay gobollada kale uu isagu
xeerinayo. Sida caadiga ah, waxaa nidaamkani uu aad ugu habboon yahay marka ay
jiraan dad laga badan yahay oo diin-ahaan, dhaqan ahaan ama luqad-ahaan ka
duwan dadka ka badan ee ay dalka kula nool yihiin. Tusaale, gobolka Quebec ee
dalka Canada waxaa ku dhaqan dad asalkoodii hore ka yimid dalka Faransiiska,
kuna hadla Af-Faransiis, islamarkaasna heysta Mad-habta Katoolliiga ee Diinta
Kiristaanka. Haddaba, sida inta badan laga dhegeysto idaacadaha, waxay
doonayaan inay xor ka noqdaan dalka intiisa kale oo ay ka duwan yihiin. Sidoo
kale, waxaa iyaduna jirta dalal badan oo ku yaal Yurub sida Germany,
Switzerland, Belgium oo iyaguna ku kala duwan xagga diinta ama xagga luqadda.
Dalalka ku dhaqma nidaamka federaalku waa 25 dowladood, waxayna ku kala !
yaallaan qaaradaha oo dhan.