SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -KENYA 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 13, 2004

Xaflad ka dhacday magaalada Nairobi tasoo Loogu Magac Daray Sideebaa lagu Hanakara Qaran Soomaaliyeed…………………

 

 

Xaflad Loogu Magacdaray sidee baa lagu heli karaa Qaran Somaliyeed ayaa maanta (12/4/4) waxa ay ka dhacday Magaalada Nairobi ,iyadoo ay ka soo qeyb galeen Ergooyinka Shirka dib u heshiisiinta Somalida ee ka socdo wadanka Kenya iyo Hogaamiyaasha Somaliyeed qaarkood  Loogu Qabtay Hotelka ku yaala Magaalada Nairobi kaasoo lagu magacaabo  680, hoteelkaasoo ay daganyihiin Siyaasiin iyo ergo somaliyeed. 

 

Xafladaasoo  ay ka soo qeeybgaleen Mas'uuliyiin sare sare sidda Ra'isul wasaaraha DKM-ka ah Dr:Maxamed Cabdi yusuf ,Hogaamiyaalsha kooxaha oo ay ka mid yihii Cumar Maxamuud Maxamed (Finish)   Mowliid Macaane.Iyo Dadyoow kale oo Xafladii maanta lagu marti qaaday.

Xafladii maanta uu ugu horeyn Hadal kajeediyay Mudane:Cabdi Cusmaan (Kibretto) oo isagu ahaa Ninkii  maanta  xaflada soo qaban qaabiyay  waxa uuna sheegay in xafladaan uu ugu talo galay in aqoonyada iyo eryooyinka iyo waliba siyaasiyiinta Somaliyeed ee iska faa'ideestaan , waxa uuna sheegay in uu isagu diyaar u yahay in uu wax walba oo qaranka somaliyeed hor mar ku gaaraayo in uu ku dhaqaaqo, Haatan uu kamid yahay Musraxitiinta Jamagada Madaxweynimimada Somaliyeed  uuna Yiraad u yahay hadii la  doorto in uu wadanka si daacad ah ugu shaqeyn doono waa sida uu hadalka u dhigayee, gabadiina waxa uu u mahadcelin dhamaan ka soo qeyb qalayaasha xalda waxa uuna sheegay in uu rajeynaayo in aqoonyada somaliyeed oo isaga oo kale ahna ay ku dayay nonaan . 

 

Xafladaan oo uu soo Qaban qaabiyay Musharaxa Jagada Madaxweynimada isku soo taagay ee lagu magacaabo Cabdi Cusmaan (Kibretto) waxaa uu ku casumay ergo aad u badan  iyo waliba mas'uuliyiin klae waloow au igu qaarkood ka soo cudur daarteen sida ay inoo xaqiijiyeen Dad ku dhaw dhawaa Musharaxa.

Xafladii maanta uu qudbad gaaban ka soo jeediyay Ra'isul wasaarahada DKMG-ka Mudane :Maxamed Cabdi Yuusuf  isagoo si weyn ugu hadkay sida qaranimada maanta inla gaaro loogu baahanyahay , waxa uuna kaloo Ra'isul wasaaraha ku dheeraaday taariiqdii Halganka Qaranka somaliya loo soo maray waxa uuna sheegay  markii halganka loo dagaalaamay ay jireen Rag badan oo rabay in Somaliya uu isticmaartii heesto waloow ragaas laga guuleetay,waxa uuna sheegay kuma maanta jooga ee diidan in ay Soomaaliya hesho Dowlada qaran laga guulaysanadoono goor ay ahaataba , taariiqdana ragaas ay ka gali doonaan Baalka madoow, waxa uuna hoggamiyaasha iyo Ergadaba ugu baaqan in ay ka shaqeeyaan Nabada iyo sidii somaliya u heli leheed Dowlada qaran.

 

Aqoonyahano iyo ergo badan ayaa maanta soobandhigay Firakadooda ku aadan sida loo heli karo qaranimada  Somaliyeed, waxa ayna dhamaantood hambalyo  iyo  Mahadcelin  balaaran u  direen Cabdi Cusmaan (Kiberetto) oo isagu ahaa Ninkii maanta xaflada  soo qan biyay.

 


Qaban qaabiyaha xafladaas Cabdi Cusmaan  (Kiberetto) oo u waramaayay Warfidiyeenada ayaa sheegey in uu asigu ka mid yahay Raga ka yimid wadanka Jarmalka ,Jamalkana ay diyaar u yihiin in ay gacanqabtaa somaliya si ay somaliya ku hesho Dowlada dhexe oo soo celiso kala danbeyntii ka jirtay 13-kii sano ee ka soo dhaafay.

 

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin)
Nairobi,Kenya

nasrudiin5@hotmail.com 

 

<><><>WARBIXINTA LABAAD EE XAFLADDA<><><>

Xaflad Loogu Magac Daray Sidee Lagu Heli karaa Qaran Somaliyeed oo Maanta ka dhacday Magaaladda Nairobi.

Xaflad Loogu Magac daray sidee lagu heli karaa Qaran Somaliyeed ayaa maanta Ergooyinka Shirka Loogu Qabtay Hotelka Six eighty ee Magaaladda Nairobi.

Xafladaas oo ay ka soo qeeybgaleen Mas,uuliyiin sare sidda Ra,isulwasaare Max,ed Cabdi yusuf ,Hogaamiyayaasha Mowliid Macaane Max,ud,Cumar FINISH ,Cabdi Qeybdiid ayaa ahayd mid xamaasad badan.

Xafladaan oo uu soo Qaban qaabiyay Musharaxa Cabdi Cusmaan Gabreeyte waxaa ka soo qeeybgalay boqolaal da ah oo uu ka mid ahaa wakiilka Arrimaha Dibadda ee USC da Max,ed Qanyare AFrax Mustafe Cali dhuxuloow.

Mowliid Macaane oo halkaas khud bad xamaasad badan ka jeediyay ayaa sheegay in hogaamiyayaasha Somaliya ee shirka metelo ay korontada ka dansan tahay wadaniyadna aysan laheyn.waxaase uu la yaab ku tilmaamay ergooyinka Shirka oo aan hal mmaalin oo qura ka banaanbixin dhibaatooyinka lagu hayo shirka waxaana uu iyagana ku tilmaamay koox korontadda ka maqan tahay sidda hogaamiyayaasha .

Mowliid oo soo Qaatay maahmaahyooyin fara badan ayaa ku mutay sacab waxaa uuna halkaas ka muujiyay hagar daamadda qaawan ee hogaamiyayaasha Somaliya .

Mowliid waxaa uu si gaar ah uga hadlay Qodobka 30 aad oo uu sheegay in uusan aheyn kitaab qur,aan ah markii la doonana la bedeli karo wuxuuna la yaab ku tilmaamay hogaamiyayaasha kaas ka dhigayo wax weyn.
Siyaasiyiin fara badana ayaa iyagana ka jawaabay sidda Qaranimo lagu heli karo.

Qaban qaabiyaha xafladaas Cabdi Cusmaan Gabreeyte oo aan weeydiinay ujeedka uu Xafladaas u qabtay ayaa ku tilmaamay mid uu ku doonayo isu soo dhawaanshaha Hogaamiyayaasha Somaliya iyo is dhaafsigga Afkaarta Xorta ah.

Dahir Abdulle ALasow Nairobi kenya.

Associated Somali Journalists. 
asoj@hotmail.com  

 

<><><>

Musharax Ka mid ah Musharixiinta Ugu Cad Cadaa Mbagathi oo  u baxsaday Wadanka Ingiriiska kadib markii…

Musharaxa Jeylaani Cali kediye ayaa isagu  mar qura la iska weeydiiyay Madasha Shirka Somalida Mbagathi kadib markii uu si lama filaan ah uga baxay Magaaladda Nairobi Isagoo u  baxday Wadanka Ingiriiska.

Taageerayaasha Jeylaani Cali Kediye ee ku sugan Magaaladda Nairobi ayaa ku soo baraarugay musharaxoodda oo joogo carigga ingiriiska isagoo aan marnaba la socodsiinin  bixitaankiisa.

Qaar ka tirsan Taageerayaashiisa oo aan wax ka weeydiinay sababaha jeylaani Cali kediye shirka uga maqan yahay ayaa sheegay in markii ay la xiriireen uu rajo xumo uga muujiyay shirka Somalida ee ka socdo wadanka Kenya , mudo isagoo intaas ku daray in dhaqaalo farabadan uu ku Lumiyay Madasha Mbagath iyo waqti aad u badan,taasna ay ku kaliftay  in uu shirka ka cararo waloow  in uu ku soo laabtana ay macquul tahay ,laakiin uusan marnaba heli doonin Tagaaradii uu ergooyinka ha heestay.

si kastaba ha ahaatee ma ahan musharaxii ugu horeeyay ee ka soo yeerto cabasho dhaqaalo iyo waqti lumis, kadibna isagoo aan waxba sidanin  madasha shirka Mbagathi iskaga baxo, waxaana la aamin san yahay in Musharaxiin fara badan mari doonan wada  uu manta Maray Jeylaani Cali Kadiye

Asad Cabdi Axmed(Nasrudiin)Nairobi,Kenya

nasrudiin5@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD