SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MUQDISHO 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 12, 2004

WARARKA MUQDISHO: APRIL 12, 2004

  • UNDP oo Booliis u Tababartay Maxamed Dheere
  • Cudurka Shuban Biyoodka oo Ku fafaaya Muqdisho
  • Riyaale oo Sheegay in uu la dagaalamayo "Argagixiso"

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com garyare@msm.com garyare20@yahoo.com

Cudurka Shuban Biyoodka ayaa si xawliya ugu sii faafaya Magaaladda Muqdisho, iyadoo aysan jirin cid u istaagtay illaa iyo hadda wax ka qabashadda Cudurkaasi,

225 qof oo isugu jira rag iyo haween isla markaana uu soo ritay Cudurka Shubanku ayaa la dhigay Isbitaaladda Magaaladda Muqdisho. Waxaana la sheegay in sidoo kale ay jiraan tiro intaa ku dhow oo Xaafadaha dhexdooda kula ildaran Cudurka Shubanka,

Cudurka Shubanka ayaa yimid xilligan iyadoo ay ka jirto Muqdisho xaalad daawo la’aaneed, Waxaana Isbitaaladda Muqdisho intooda badan laga soo xigtay inay jirto Faleembo la’aan isla markaana haddii aysan helin gurmad deg deg ah ay dhici karto in Xaaladdu ay ka sii xumaato heerka ay hadda joogto,

Cudurka Shubanka ayaa Sannad kasta xilligan oo kale marka ay billawdaan Roobabku ka dillaaca Muqdisho, Waxaana soo noq noqoshadiisa loo aaneeyaa Faayadhawr la,aanta ka jirta Muqdisho.

<><><>

Hay’adda u qaabilsan Qaramadda Midoobay Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP ayaa ugu soo gabagabaysay Magaaladda Jawhar tababar Koox Boolis ah oo ka amar qaadata Maxamed Dheere,

Kooxdan oo ka kooban 70 Maleeshiyo ah oo loo diyaariyay hawlaha Booliska ayaa sidoo kale waxay UNDP siisay qalabkii ay ku hawlgali lahaayeen, Waxaana ay u qorshaysay Miisaaniyad dhaqaale oo ay ku hawl galaan,

Xaflad lagu soo xirayay tababarka Maleeshiyadaasi oo ay ka soo qayb galeen Saraakiisha Ammaanka u qaabilsan Qaramadda Midoobay ayaa waxaa hadalo u badnaa mahad celin ka jeediyay Taliyaha Ciidamadda Maxamed Dheere ninka lagu magacaabo, Axmed Cumar Xabeeb, waxa uuna sheegay in 70 askari ee Booliska ay wax wayn ku soo kordhin doonaan Suggidda Ammaanka Gobalka iyo dagaalka ay kula jiraan Argagixisadda,

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay Qaramadda Midoobay Maleeshiyo Hogaamiye Kooxeed u diyaariso hawlaha Booliska, horay ayaa sidan oo kale Tababar iyo Qalabayn isugu dartay Maleeshiyooyinka Dooxadda Jubba,

Qaramadda Midoobay oo looga bartay inay dhiiro galiso Nabadda ayaa tababaradan ay siinayo Maleeshiyooyinka Hogaamiye Kooxeedyaddu waxay dad badan oo Soomaali ah u arkaan inay caqabad ku sii noqon karto deganaanshaha Somalia,

<><><>

Madaxwaynaha Maamulka la magac baxay Somali Land, Daahir Riyaale Kaahin ayaa sheegay in maamulkiisu uu Dagaal adag kula jiro Kooxaha Argagixisadda ah oo uu sheegay inay ka yimaadaan Muqdisho,

Riyaale oo waraysi dheer siiyay Shabakadda Walta Information Center ayaa sheegay in Kooxo Argagixiso ah oo laga soo diray Muqdisho ay ku dileen Deegaanadda uu ka taliyo Samafalayaal Ajnabi ah, Wuxuuse ka gaabsaday inuu sheego cidda soo dirtay Kooxahaasi,

Riyaale waxa uu sidoo kale sheegay inaysan indhaha ka qarsin doonin cid kasta oo falal qarbudaad ah isku dayda inay Somali Land ka samayso, Wuxuuna sheegay in Argagixisaddu aysan lahayn Diin balse ay yihiin dad isku bahaystay inay wax qarbudaan oo kaliya,

Mar la waydiiyay Riyaale xiriirka uu Maamulkiisu la leeyahay Ethiopia waxa uu sheegay in iskaashi wanaagsan uu kala dhaxeeyo Laakiin waxa uu qiray inaysan wali Aqoonsan Ethiopia Maamulkiisa, wuxuuse ku tilmaamay Saaxiibka ugu wanaagsan ee ay Caalamka ku leeyihiin,

Riyaale waxa uu sidoo kale qiray in kulankii uu dhawaan Addis Ababa kula yeeshay Melez Zenawi qodobadii la iskula soo qaaday ay ka mid ahayd inay labada dhinac iska kaashadaan la dagaalanka Argagixisadda, Wuxuuna sheegay inay hayaan xubno ka tirsan Jabhadda ONLF ee Mucaaradka ku ah Ethiopia, Wuxuuna hoosta ka xariiqay inaysan marnaba oggolaan Karin in dhulkooda laga weeraro dal kale,

<><><>

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)

garyare20@hotmail.com garyare@msm.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]