SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -SOMALIA 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 14, 2004

Ka hortagga ololaha Kirishtaamaynta

Xafiiska Dacwada & Tarbiyada ee Soomaaliya.
dacwah@hotmail.com

Hay’ad kirishtaan ah oo lagu magacaabo Swiss church ayaa u qaybisay 01/04/2004 ardayda wax ka barata kow & toban school oo ku yaal magaalada Marka kartoonno ay ku jiraan alaabooyinkaan:

1. Baybal af Ingiriisi ah & mid ku tarjuman af Soomaali.

2. Qisooyin Baybalka laga soo guuriyay.

3. Warqad xambaarsan ducada Baabaha kirishtaanka.

4. Kaarar hambalyo ee munaasabadda ciidda kirishtaanka ee loo yaqaan Easter.

5. Warqad ku socota adiga (qofka warqadda akhriya) oo sheegaysa in uu ku jecelyahay uuna diyaar kuula yahay kaalmo nooc kasta ah oo soo maraysa Ciise Masiix, waxaa kaloo ku qoran magaca qofka warqaddu ka timid, cinwaankiisa & codsi ila soo xariir ah.

6. Kirishto (Saliib) luqunta lagu xerto oo dhalaalaysa.

7. Kubbad marka dhulka lagu dhufto bixinaysa nal isku tillaab ah.

8. Qalin markii wax lagu qoro bixinaya iftiin isku tillaab ah.

9. goomaha wax lagu tirtiro oo kirishto (Saliib) ahaan u samaysan.

Hay’addaan oo ay madax ka tahay naag Jarmal ah oo lagu magacaabo Magdi oo uu qabo qof Soomaali ah ayaa xilli maalin ah si caddaan ah ugu qaybisay walxahaan gaalnimada ah ardada magaalada Marka hal school oo maamulihiisii diiday mooyee. Haddaba arrinta la yaabka lihi waxay tahay sida ay hay’adaani ugu dhiirratay inay gaalnimo cad u qaybiso ubadkii muslimiinta ayadoo waliba joogta dhulkoodii, waxaase ka yaab badan sida aysan reer Marka uga gilgilan xadgudubkaan aadka u foosha xun. Waxaa wax aad looga murugoodo ah inaynu ka dhiidhiyi wayno wax aan lagula kici karin dadkeenna jooga dhulka gaalada, sida la wada ogyahayna xataa gaalada ilmeheeda dhigta school-lada waxaan oo kale laguma sameeyo, haddaba su’aashu waxay tahay ma innagaa kirishtaanimada uga dhaw gaaladii haysatay, maxaa keenay inaynu carruurteenna uga aamusno wax gaaladu u diideen dhallaankooda???

Ummadda Soomaaliyeed waxay caadadeedu ahaan jirtay in ay tillaabo deg deg ah ka qaaddo cid kasta oo ku xad gudubta diintooda, waana tan keentay in dhammaan duullaamadii kirishtaamaynta ee lagu soo qaaday dadkeenna ay fashilmaan, siyaabaha bulshada Soomaaliyeed ula dagaallantay kirishtaamaynta waxaa ka mid ahaa:

1- culimada oo dadka u sheegta waajibnimada difaaca diinta & ajarka uu helayo qofka ka qayb qaata ilaalinta diinta.

2- Xaaraanimada faafinta gaalnimada & cadaabka uu ku waarayo aakhiro qofkii gaalooba.

3- Waajibnimada in qof walba uu ilmihiisa & qaraabadiisa ka ilaaliyo gaalnimada.

4- In culimadu fatwoodaan wajibnimada dilka qofkii riddooba (diinta ka baxa), ka dibna dadwaynuhu ay ku dhaqaaqaan arrintaas.

5- In la dilo cid kastoo faafinaysa gaalnimada, lalana diriro dawladdii ama ciddii kale oo ilaalinaysa kuwaas.

6- In la dumiyo goobaha lagu barto gaalnimada, lana burburiyo qalabka lagu faafiyo.

Tallaabooyinkaas waxay bulshada Soomaaliyeed ku gaartay guulo ay waayeen qaar badan oo ka mid ah bulshooyinka muslinka ah oo aakhirkii dadkoodii qaybo badani ay gaaloobeen ka dibna la safteen gumaysigii. Waxaase baryahaan dambe ku soo kordhay bulshada Soomaaliyeed in ay khayr ka fishaan gaalada ayagoo ku andacoonaya inay ka helaan kaalmo caafimaad, waxbarasho & samafal kale, dhab ahaanse dadkeennu gaalada waxay ka helaan kaalmo ku sheeg aan wax tarayn dhibna u gaysanaysa, sida: wax lagu gaaloobayo, wax akhlaaqda & sharafta dhuminaya, wax niyadda ka dilaya, wax dhaqaalahooda lagu burburinayo. Dhan kale haddii laga eegase qofka muslinka ah marna uma bannaana kumana habboona inuu diintiisa siisto luqmad caysh ah si kastoo uu u baahan yahay, Soomaaliduna waxay dhahdaa: waa baahnahay bakhtiga looma cuno. Dadka Soomaaliyeedna waaya aragnimo badan ayuu u leeyahay dhalanteednimada aduunyada, maxaa yeelay 13 sano gudohood waxay arkeen dad badan oo dhawr goor dhacmay. Waxaas oo dhan waxaa ka daran cadaabka lagu waarayo oo aakhiro sugaya qofkii gaalooba & ciqaabta uu mudanayo ninkii ahalkiisa ka ilaalin waaya gaalnimo.

Siyaabaha looga hortagi karo kirishtaamaynta

1- In dalka gabi ahaanba laga eryo hay’adaha gaalada.

2- In lagu fuliyo xukunka sharciga ah ciddii riddowda ama gaalnimo ku faafisa dalkeenna.

3- In xoog la saaro fidinta, barashada & ku dhaqanka diinta Islaamka, gaar ahaanna dhallinyarada la baro qiimaha ay leedahay diintoodu iyo sida looga hortago kirishtaanka ama diimaha kale ee baadilka ah, isla mar ahaantaasna ay aqoon u yeeshaan sida loo soo muslimiyo gaalada.

4- In loo sameeyo dhallinyarada barnaamijyo wacyigalin ah & ururro ay isugu kaashadaan khayrka, kuna xalliyaan mashaakilkooda, kagana hortagaan khataraha soo waajahaya oo uga imaanaya gaalada & daba dhilifyadooda.

5- In qabiil kasta tallaabo ka qaado dadka ka dhashay oo gaaloobay ama faafiya gaalnimada, reer walbana diido inuu difaaco gaalada kirishtaamaynta & fasaadka kale wadda. Dadkeennuna ogaadaan inay waajib ku tahay inay islaamka ilaashaan gaalnimdana la diriraan, ninkii gaalnimada la diri waayana waa inuusan u hiillin.

6- In iskaashi ballaaran dhex maro guud ahaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan culimada, salaadiinta, maalqabeenka, bahda waxbarashada, bahda warbaahinta & maxkamadaha islaamiga ah ama hay’adaha samafarka & faafreebka; si bulshadeennu u buuxiso baahida dadkeenna ee ay gaaladu ku soo gabbanayso, sida: waxbarashada, caafimaadka & u gurmashada meelaha masaa’ibku ka dhacaan.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqaynaa Dalladda culumada Soomaaliyeed, Ururrada islaamiga ah ee Soomaaliyeed, Maxkamadaha islaamiga ah, Dawladda ku meelgaarka ah, Dalladaha waxbarashada, bahda warbaahinta, dadwaynaha ku nool gobolka sh/hoose gaar ahaan magaalada Marka & dhammaan dadwaynaha Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay u istaagaan difaaca diintooda & badbaadinta dalka iyo dadkooda. Waxaana rajaynaynaa inay dhacdadaani noqoto mid fure u noqota hawl wayn oo aan loo kala harin.

Codsi: walaalaha jecel Rabbi, diintiisa & nabigiisa waxaan ka codsanaynaa inay awooddooda kaga qayb qaataan joojinta xumaantaan ayna noo soo gudbiyaan wax kasta oo looga hortagi karo, sida: wararka & talooyinka.

Axmad C/samad

E-mail: dacwah@hotmail.com 

 QORAALADII HOREE EE XAFIISAKA DACWADA

Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh xafiiska Dacwada iyo Tarbiyada ee Soomaaliya

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD