SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -MAQAAL 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 15, 2004

XANUUNKA FAQRIGA

 

Noloshu xiiso la’aa, waayuhu xanuun badanaa, marka ruux ku xakkaaro oo ku xujoobo adduunka, suugaanyahanka Maansoruugga Soomaaliyeed Mustafa Sh. Cilmi ayaa la kulmay bilowgii toddobaatameeyadii, ilmo lix ah oo isuma qaddo ah iyo martida cidda ku soo hirata ee baadiyaha inta ka yimaada inta ay magaallo ka fahmayaan reerka dulsaarka ku ahaada ayaa keentay in abwaanka iyo afadiisuba ay is arki waayaan, ciriiriga guriga, cabaadka ilmaha iyo jiingadda dabayshu sidato ayaa baday abwaanka in hurdo habeen uu gabo, maalintiina kulka qorraxda iyo huurka ka dhasha ayaa sabab u noqday in uu lado haba joogtee in uu madaxa guriga gelin waayo, asturaadda meelaha dal-daloola ee guriga iyo boorka saxarada ay ka soo galaan ayuu waqti badan ku lumiyey, waa gurigaasoo ninkii lahaa bil walba uu ku sii kordhiyo kirada guriga, wuxuu badweyntaas murugada ah dhex maquurto, markuu roobka yimaadana darroorta roobka ee guriga biyo degga ah waadiga ka dhasha ayuu dhinaca dhulka dhigaa, waa guri halaqyo galeen ah oo aan loogu garaabeyn, xaaskiisiina markii ay aragtay in faqrigii uu laba dible seygeeda ugu xiran yahay ayay inta is madax martay noloshii ku cidleysay, ehel iyo saaxiibo wuxuu lahaa midkoodna iskuma dayin in ay soo caro celiyaan afada reerka ka baxday, ruux hadduu faqriyo waqti loo huraa, dadka makasta ahi waxay u arkaan mid lagu hungoobay oo ka mudnaa in meel kale loo tacabiro, mar hadduu waayay taban-taabo gacal iyo mid qarannimo abwaanku wuu is ciilkaambiyey, wuxuu aaminay in kacaankii iyo maamulkii Siyaad Barre ay uga tageen duni gabaahiir ah, waxaa abwaanka u laqmi waayay in qarannimo wixii uu ku waayay uu maanta qabiil ku doono, wuxuu hammiyo oo hadba hirar is daba joog ah ay maskaxdiisa maansheeyaan waxaa u soo baxday in maamulkii Siyaad Barre uu weydiisto taban-taabo qarannimo, si wax looga qabto guri la’aanta heysata.

Wasiirkiisii warfaafinta ee xilligaa C/qaasim Salaad Xasan ayuu ka bilaabay illaa markii dambe codsigiisii uu gaaro madaxweynihii Soomaaliya Maxamed SIyaad Barre, ha yeeshee waa uu ka gaabsaday, abwaanku waxa ay ula muuqatay in xilligaa iyo wixii ka dambeeya in gar-gaaraha guud iyo midka gaar ahaaneed oo keli ah uu wax weydiisto oo dhibka faqriga iyo guri la’aanta ragaadisay uu u bandhigo, si uu ugu gudbo duni boqran iyo marxalad ka qurux badan midda uu ku jiro, wuxuuna markaa dabadeed tiriyey gabay uu ugu magac daray Cariish.

Cariish kiro ah, carruur lix ah

Xigtada caadiga ah iyo laba cidda u joogta,

Ciriiriga gudaha iyo corradka gaabnaanta,

Markuu cunug seexdaba kan kale iyo cabaadkiisaba,

Cas-casaanka waagiyo cishaha cu’cda iyo yuuska,

Cosob hooyadood iyo aniga wada ciyaar la’aanta,

Carruurtiinnu yay idin arag iyo ceeb ka baqadkeenna,

Xamar ma laha cidlo aan wada tango iyo cirifyo dheeraanta,

Cariishkaa oo bishii corataba lacag cad ah la saaraayo,

Waygu ciriiri iyo kaalay iga celi aanay cidi kaayeeleynin,

Jiingaduhu musbaarku ma ceshee dan u ciyaarkooda,

Cirfaha dudumay iyo keliyaha ciiddu qubanayso,

Cufay meel dalooshiyointaa calalyo doon-doonka,

Gudanaha carada dhex tuuran iyo bacadka cuurnaanta,

Ciddiyaha uu dhuudhiga nagaliyo caabuq bararkooda,

Albaabkana aboor baa cuniyo cirifyo reebkiisa,

Gambaarkaan ku soo caabiyiyo baafkaan ku cadaadshaaba,

Wax hadday cidlada daadsan yihiin tuug ma ceymiyo e,

Cabsida iyo caloolyowga iyo caawa bow gurata,

Illeyn cadaad kama xigee cadow ilaaleynta,

Ragaa daarihii cad-caddaa cido ijaarteenne,

Anigana camuud iyo habaas iyo ciid gal-galadkeyga,

Marba hadday caynkaa tahay wada cajaa’iibe,

Hantidiisa cumarkii lahaa boqol ku caameynta,

Miiskii cuntada iyo kuraas cido u geyntooda,

Reerkey callaalka u jireen ceel-cadde uguurka,

Cad-ceedduba hadday timaad dhuxul cadaadeedka,

Curka adigoo aan gelin karin kulayka dib uga soo ciirka,

Habeenkiinna ciiro-gaab iyo cigotashiiqmoodka,

Daruuruhu hadday curtain caawo seed oranta,

Calcalyada xareed iyo dhammaan calas dhex jiifkeenna,

Cadka uu magaallada uga yaal ceelka iyo biyo la’aanta,

Cabaad yeer dameer lagu agxiriyo ciirada iyo qaaqda,

Eygaan codkiisa ku kacay cillin aqoowaaga,

Cankabuudka caarada ka lulan carradiyo boorka,

Curraha iyo bissadaha is ceyrsanayiyo jiir ka cararaaya,

Cannaanyaalle geel cabaadis iyo cammarka boodniinka,

Marba hadday ceynkaa tahay waa wada cajaa’iibe,

Cannaantiyo isoo dhaafta iyo iiga carraawdiisa,

Xaaska cuqdadda ay qaaddiyo iga careysiinta,

Illeyn dumar si bay u cabbiraan key casilayaane,

Markay aragtay mid shalay ceyr ahaa oo maantana cubbaan ah,

Ifurtiyo intaa cayda iyo indhaha caaradkiyo leexa,

Cariishkaan kirada ah igu nacday iyo cood ka yarida e,

Iga carartay oo waan arkaa ciiradey kicine,

Cashiiraday iyo saaxiibadey soo celin la’aanta,

Kacaankaan cagafka u ahaa ceelka igu dhaafka,

Nin waliba ciddiisuu u noqday waa cushur adduune,

Waxaan shalay cataqay, maantana doon ceeb ka dhigadkeyga,

Casabaddiyo qabiilkii ku noqo ila cuslaanteeda,

Warqaddii caddeyd iyo khudbaddii daba carceerkeyga,

Codsigaan odayga ula tagay curasho la’aantiisa,

Bangigiyo curraartiyo xujada ii cuntami la’aanta,

Cali Samatar waan doonayee car wir dhaaf gaarka,

Cabdiqaasim ina Salaad caawimaad li’idiisa,

Cashar qoran taariikh caarif dhigay caaqil garan waaga,

Cirroolahaan aqoon amaba dafira u cabburnaanteyda,

Marba hadday ceynkaa tahay xaajaday culuse,

ALLAHAYOW adaa caadil ahoo cudud lahoo weyne,

Adigaa cilmigaaga ku dhigay caalamkoo idile,

Adigaan ceyrnimo ka baqan cuduriyo luuf-luufe,

Calaacalaha kii kuu fidsadaa ceeb adaan orane,

Majuusiga ku caasiyey yaad dahab ag cuurtaaye,

Dhir cagaaran baddaa cartami buuro calal dheer leh,

Makhluuqaadka caddaaddaas ah oo kala ceyn-ceyn ah,

Cirka iyo dhulkaa iiga filan caarif baan ahaye,

Cariishkaan ALLOW iiga kaal oo I gee midaan ku caashiyo baxa e,

ALLAHAYOW cariishkaan iga kaal waan ku caabudaye.

 

Dhacdooyinka xanuunka Faqriga oo ay ka qayb qaadan doonaan dad badan iyo waayihii faqrigooda ayaanu idinkugu soo gudbin doonnaa qormooyinkeenna xiga.

 

 

Abuukar Salaad Diiriye (Farey)

E-Mail: asfarey@hotmail.com

kala xiriir Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2004

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD