SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BELGIUM

Mowlid, Abdi-Kaamil iyo Idiris

Kooxda Somali-Belgium oo isku diyaarinaysa tartanka EuroSom

Mohamed Haji (Ingiriis)
ingiriis@yahoo.com

Kooxda Kubadda Cagta Somali-Belgium ee waddanka Belgium ayaa waayadaan ku jirtay diyaar garaw ay ugu diyaar garoobayso tartanka EuroSom ee sannad walba ka dhaca qaaradda Yurub oo la filaayo in sannadka soo socda lagu qabto magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ciyaaro tijaabo ah ayay kooxdu u tegi doontaa 29-ka bisha August magaalada Eindhoven ee dalka Holland, iyadoo halkaas kaga qayb geli doonta koobka Eindhoven oo ah koob sannad walba la qabto, ayna ku loolamaan kooxo kala duwan.

Kooxda oo ka kooban ciyaartoy dhallinyaro ah waxaa ka mid ah qaar u ciyaara kooxo ka jira waddanka Belgium oo mustaqbal fiican ku leh ciyaaraha.

Waa markii ugu horreysay ee koox metelaysa Soomaalida Belgium ay bannaanka u aaddo ciyaaro noocan oo kale ah. Maamulayaasha kooxda ayaa sheegay inay ku raja weyn yihiin inay guul iyo asluub wanaag ka soo hooyaan tartamadaas.


Kooxda Somali-Belgium

Qore: Mohamed Haji (Ingiriis)
ingiriis@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 29, 2004

FAAQIDAADA CIYAARAHA
AXAD | TALAADA | KHAMIIS


Khilaafkii Beelahii ka Dhimanaa Baarlamaanka oo La soo Afjaray
Waxaa la sheegay in la dhaarin doono... Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD