| w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- SOOMAALIYA
|
|
WARARKA MAANTA: August 3:
- Seminaaro ku saabsan dacwada oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo
Wadankee ugu nolol wanaagsan aduunka?
Dagaallo gobolka Doollo ku dhexmaray shacab reer Ogaadeenya ah
Seminaaro ku saabsan dacwada oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo
Waxaa lagu soo gabagabeeyay masaajidda Salaxudiin iyo Dulqarnayn ee magaalada Gaalkacyo 02-3/08/2004 Seminaarro ku saabsan dacwada oo muddo shan bari ah uga kala socday masaajiddaas 60 daaci iyo 60 daaciyadood oo ka mid ah ducaadda magaalada Gaalkacyo. Seminaarradaan waxaa looga jeeday in lagu hormariyo dareenka dacwadeed ee ducaadda, in sare loo qaado xilkasnimada ducaadda, in ay isbartaan ducaaddu isuna kaashadaan khayrka, in sare loo qaado hanka, hal abuurka iyo waxqabadka ducaadda, in la xoojiyo aqoonta iyo wacyiga ducaadda, in la xoojiyo isjacaylka iyo isku duubnida ducaadda iyo in la dardar galiyo dacwada magaalada Gaalkacyo. Waxaa labadas Seminaar durus ka bixiyay culimo ay ka mid ahaayeen: Sh. C/laahi Cali Xaashi, Sh. Jaamac C/salaan Warsame, Sh. Shariif Maxamed Shariif C/raxmaan, Sh. Xuseen Cigaal Canshuur, Sh. Bashiir Jaamac Kite, Sh. C/raxmaan Max’ud Warsame, Sh. C/casiis M. Cali M. Axmed iyo Sh. Axmed C/samed. Duruusta lagu qaatay Seminaarkaasna waxaa ka mid ahaa: Usuusha dacwada, Sifooyinka daaciga, Xugunka dacwada, fadligeeda iyo ahmiyaddeeda, Iskaashiga dacwadeed, Wadiiqooyinka dacwada, Akhlaaqda wanaagsan. Xafladdii xiritaanka Seminaaradaas ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino dhiirrigalin ah ducaadii ku guulaysatay tartankii aqooneed ee la qabtay. Macalimiintii Seminaarka duruusta ka bixisay ayaa sheegay in dhammaan ducaaddii kaa soo qaybgashay Seminaarka ay muujiyeen dadaal dheeraad ah oo ku dayasho mudan xagga joogtaynta duruusta, sida ay uga faa’iidaysteen duruusta iyo talooyinka wax ku oolka ah ee ay soo gudbiyeen si loo hormariyo dacwada. Gabagabadii xafladdana waxaa culimadu aad iyo aad ugu boorriyeen ka soo qaybgalayaasha inay dadaalkooda labanlaabaan dhinaca waxbarashada, dacwada iyo hormarinta dadkoodaba.
Ugu dambayn xafiiska dacwada iyo tarbiyadu wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed inay isu kaashadaan faafinta cilmiga, dacwada iyo guud ahaan horumarinta bulshada, wuxuna ka rajaynayaa magaalooyinka kale inay kaga daydaan reer Gaalkacyo tillaabooyinkaas wanaagsan.
Xafiiska Dacwada iyo Tarbiyada
dacwah@hotmail.com
Mahad Celin kusocota Culimadii Nadwada
Ku Qabatay Gaalkacayo
<><><>
Wadankee ugu nolol wanaagsan aduunka?
Waxaa jira warbixin sanadle ah oo ay soo saarto hayàda UNDP-da
( Unided nations development program). Warbixintaas oo la yiraahdo:
Horumarka baniàadamku sameeyey ama: (The human development report), waxaa
lagu lagu lafaguraa arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Wax soo saarka wadan
uu leeyahay kolkii loo eego ilaha dhaqaalaha, heerka waxbarashada dadka
wadankaas ku nooli inta ay gaarsiisan tahay, horumarka xagga caafimaadka
laga sameeyey, mushaharka shaqaalaha la siiyaa inta uu leégyahay, celceliska
da`da dadku inta ay gaarto, horumarka xagga siyaasada iyo weliba arimo kale
oo badan.
Warbixintaas waxaa lagu eegaa dhamaan wadamada aduunka iyadoo la
isticmaalayo halbeegyada aan kor ku soo sheegnay. Waxaa keliya oo ay
warbixintu ka tagtaa wadamada aan laga haynin wax keyd warbixineed ah.
Badanaaba waa wadamada loogu yeero. "Failed states" ama wadamo wax walba ku
guuldaraystay.Wadamadaan loogu yeeray kuwo guul dareystay waxaa kaalinta
kowaad kaga jira Soomaaliya sidaas darteed laguma soo qaadan warbixintan.
Waxaa warbixintaas wadamada ugu nolosha wanaagsan aduunka kaalinta kowaad
iyo labaad ka galay wadamada Norway iyo Iswiidhan, waa sida ay u kala
horeeyaane. Wadanka Norway ee kaalinta koowaad galay ayaa ay tahay sanadkii
saddexaad ee uu kaalintaas galo. Iyadoo saldhig looga dhigay arimaha aan kor
ku soo sheegnay sida dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, mushaharooyinka,
siyaasada iwm ayuu Wadanka Norway noqday wadanka ugu wanaagsan ee lagu
noolaado aduunka. Haddii la eego dadweynaha reer Norway waxaa wax qora waxna
akhriya cadad gaarayo ilaa boqolkiiba sagaashan iyo sagaal ( 99%). Kolkii
la eego xagga caafimaadka, kunkii qofba waxaa ay haystaan cadad dhaqaatiir
oo gaareysa 413 dhakhtar. Celceliska da`da dadku waxaa ay gaartaa ilaa 78
sanno.
Kolkii la eego wadamada ugu nolosha liita aduunka waxaa safka hore kaga jira
wadamo badan oo Africaan ah. Waxaana heerka kowaad galay wadanka Congo ee
horey loo oran jirey Zaire. kaalinta labaad, waxaa buuxisey The central
African republic, tan saddexaadna wadanka Itoobiya.
Abdirisak Maxamed xuseen
University of Gävle- Sweden
habdirisak@hotmail.com
WARARKII
RADIO
XORRIYO
EE
MAANTA:::
.Dagaallo
gobolka
Doollo
ku
dhexmaray
shacab
reer
Ogaadeenya
ah
.Dagaal
labo
urur
iskaga
hor
yimaadeen
oo
ka
dhacay
Kililka
Herarida.
.Dagaalo
lagu
jabiyay
ciidamada
gumaysiga
Itoobiya.
Dhammaan
ka
akhri
halkan...
<><><>
WARARKII AGOOSTO 1
»HARGEYSA:: Wariye Abdiaziz Ahmed oo ka Dagey Hargeysa
»GEDO:: Warsaxaafadeed: Ururka Horumarinta Dhalinyarada Gedo
»MUQDISHO:: Dibadbax lagu xusay geeridii caydiid oo ...
»MORGAN cunaqabataynta halaga qaado, waa dadaalka ay..
»NAIROBI:: Harti, Absame iyo Dir oo Qaadici doona Shirka haddii..
»IGAD:: Waa in 2da-Agoosto lasoo gudbiyo magacyada xubnaha...
»NAIROBI: Beesha Cabdi Koombe oo Baaq Kale u Dirtay IGAD
iyo Warar kale oo Goos Goos ah....
WARARKII JULY 31:::
»Ciraaqiyiinta Jooga Soomaaliya oo Loogu Hanjabay qoor gooyo..
»C/Qaasim oo reer Ciraaq ka codsaday in ay siidaayaan Soomaaliga..
»Beeralayda Deegaanka Garoowe oo loo Qaybiyay 24 Matoor.
»Shirkii Wasiirada Arimaha Dibadda ee IGAD oo dib loodhigay
»Diidmada Culumada Soomaaliyeed ee Shirka Kenya
iyo Warar kale oo Goos Goos ah.... July 31 |
|
|
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
|
|
|
|