SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Mahad Celin  kusocota Culimadii Nadwada Ku Qabatay Gaalkacayo

 

 

Asalaamu Calaykum Waraxmahtulaahi Wabarakaatuhu.

 

Waxaa Mahad dhamaanteed leh  noocay doontaba ha ahaatee Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa Nabad galyo iyo Naxariisna Nabi Maxamed dushiisa ha ahaato, waxaan ku mahadinayaa Rabigeen nimcada aan haysano oo dad fara badan ka qatan yihiin oo ah Islaanimada.

 

waxaan kaloo mahad u celinayaa Guud ahaan Culimada Soomaaliyeed meel ay joogaanba oo ku howlan barida Diinta Islaamka Umada Soomaaliyeed,Gaar ahaana waxaan mahad balaaran u Celinayaa Culimada ka bilowday Siminaarka aqoon koror siga ah, amase hadaan si kale u iraahdo ololaha ladagaalanka jahliga, meela badan oo dalka ka mid ah si khaas ahna Culimadii Nadwada ka waday Magaalda Gaalkacayo.

 

  Culimada Soomaaliyeed ilaahay ha ka jaazeeyee waxay muujiyeen xilkas nimo iyo dadaal aan inaba caadi ahayn markay burburtay dowladii Soomaaliyeed, waxayna  kaalin wayn ka qaateen Barida Diinta IslaamkaUmada Soomaaliyeed ee masiibadu ku dhacday Dal iyo Dibadba, iyagoo u huray naf iyo maalba soona saaray jiil wanaagsan Gaar ahaana waxaa lib aada looga hayaa dad badan oo u firxaday dibada markuu dhacay dagaalkii Sokeeye, oo ay culimadu ka qaateen dowr wayn badbaadinta Diintooda ilaahay doonistiis kadib.

 

Hadaba waxaa is waydiin leh maxaa keenay in culimadaan sigaara loo xuso iyadoo marar farabadan wadanka iyo dibadiisaba lagu qabtay kulan diimeedyo kanoo kale ah?, jawaabtoo kooban waxaan si gaara culimada ugu mahad celiyey waafajinta ilaahay waafajiyey tala teeda toosan oo ah in markii amar uu duldhigay kaligii taliska xooga ku haysta (doorasho aan ku imaan) Maamul Goboleedka Puntland Culimada iyo agaasimayaasha kulanka, amarkaas oo oranayey waa in la joojiyaa Khayrka (Muxaadarada) hada, xataa lama siin waqti ay uga fakaraan culimada iyo mushtamaca khayrka jecel ee soo xaadiray goobtaas, arintaas oo ay culimadii markay fiiriyeen qaateen *Qaacidada wayn oo Fiqiga ah oo oranaysay “laba arimood haddba tii fudud ayaa laqaataa”, oo macnaheedu yahay haday kuu sooranto laba arimood oo labaduba dhib ah waxaad dooranaysaa mida sii dhibka yar, arintaana Soomalidu xikmad bay ku cabirtay iyadoo tiri “laba daran mid dooro” isku soo xooriyoo culimadu waxay doorteen tii fududay oo ahayd inay joojiyaan wacdiga isla saacadaas.

 

Arinta kale oo culimadu ka fogaadeen waxay ahayd inay diidaan amar ku taaglaynta C/laahi Yuusuf oo halkaas iska hor imaad kadhaco laguna waayo nafaf badan oo Muslimiin ah oo qaali ah, amaba ay dhici karto inay sababto dhimasho badan iyo dhaawacba, hadaba culimadu waxay fiiriyeen in dad dhinto iyo in la joojiyo Muxaadarada keebaa fudud, dabcan waxaa fudud joojinta wacdiga, taas oo ay sameeyeen Culimadu, waana mid ay can kuyihiin culimda Islaamka xili kasta oo ay joogto inay cilmi wax ku xaliyaan.

 

Waxaa iyana u maham celinayaa agaasimayaasha kulanka iyoMushatama reer Gaalkacayo oo laga joojiyey Khayrka isla markaasna qaatay  samirsiintii culimadooda, oo runtii ah guul aan la ilaawi Karin.

 

Ugu danbayntii waxaan ilaahay culimadeena uga baryayaa inuu u siyaadiyo cilmiga noona barakeeyo cimrigooda iyo cilmigoodaba, anana waxaan ilaahay noo waydii nayaa inuu nafahansiiyo garashada xaqa iyo ixtiraamka ay culimadeenu naga mudan yihiin wabilaahi towfiiq.

 

*Qaacida Fiqhiya waa hadal kooban oo xambaarsan  macna wayn, waana hadal hadii la fasiro qaadan lahaa bogag fara badan, waxaana ku aruursan macnayaal aayado iyo axaadiis fara badan, tusaale waxaa noogu filan arintaan hada  ka hadlay: Xadiis uu qoroyo saxiixul Muslim oo ummunaa Caa’isha ay warinayso ilaahay ka raali noqdee ayaa oranaya “ Lama dooran siiyo Rasuulkii Ilaahay laba arimood, illaa wuxuu dooran jiray teeda  fudud, haduusan ahayn danbi, hadduu danbi yahay wuxuu ahaa Rasuulku kan uga fogaansho badan dadka”.   

 

 

Hassan Dhooye ( Abu xafso)

 

dhooye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 3, 2004

Weerar Lagu soo Qaaday Masjid ku yaal Gaalkacyo

Aqoon iswaydaarsi Cilmiyeed ka Furmay Gaalkacyo

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob

Maxkamadaha Islaamiga ee G/Banaadir oo Samaystay Gole Sare

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD