SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAALKACYO

Col. C/lahi Yuusuf oo Joojiyay Nadwadii ka Socotay Gaalkacyo 

Qoraalkii lagu joojiyay Nadwada... Guji.

Madaxweynaha DGPL Col. C/laahi Yuusuf ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo Nadwo(Muxaadarooyin) cilmi ah oo ka socotay masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo mudo shan bari ah. 


Warqadda oo weyn

Wararku waxay intaas ku darayaan inuu amarkaas siiyay wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maxamed Cabdi Xaabsade markii uu ka dhoofayay garoonka dayuuradaha ee G/kacyo isagoo ku sii jeeda magaalada Nairoobi oo uu kaga qaybgelayo shirka Soomaalida halkaas uga socda, ka dibna waxaa loo soo gudbiyay maamulka masjidka Ramadaan qoraal uu ku saxiixanyahay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Maxamed Cumar Salax  laguna wargelinayo in ay joojiyaan Nadwada halkaas ka socota, waxaana masjidka laga akhriyay qoraalkii, ka dibna waxaa kalimad dardaaran iyo sabirsiin ah ka soo jeediyay Sh. C/qaadir Nuur Farax oo ka mida culimadii ka soo qaybgashay Nadwada. 

Nadwadu waxay ka hadlaysay arrimo kala duwan oo khuseeya diinta iyo danaha bulshada oo ay ka mid ahaayeen Joojinta dulmiga, midnimada iyo la dagaalanka qabyaalada iyo fatwooyin kala duwan oo ay culimadu ka bixinayeen su’aalaha dadwaynaha, waxaa intaas weheliyay siminaar wacyi gelin ah oo loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan ilaa 500 oo arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho. 

Waxaa nadwadaas dhagaysanayay kumanaan qof, sidoo kale waxaa idaacadaha ka dhegaysanayay dadwaynaha ku nool G/kacyo iyo nawaaxigeeda, Somaalida dibadda ku noolna waxay kala socdeen Paltalk-ga.

Waxaa xusid mudan in joojinta ka hor ay masjidka soo weerareen rag ku hubaysan tooreeyo iyo dhamaso halkaasna ay dhaawacyo ku gaysteen, raggaas oo ka tirsanaa dariiqada Heemo ayaa wararku sheegayaan inay gacan ka haysteen qaar ka mida maamulka gobolka.

Gabagabadii dadwaynaha magaalada G/kacyo aad ayay uga xumaadeen joojinta Nadwada iyo weerarkii ka horreeyayba, waxaase dadwaynaha aad u dajiyay una sabirsiiyay culimadii Nadwada ka soo qaybgashay. 

Waxaan halkaan ku soo lifaaqnay qoraalkii lagu joojiyay Nadwada... Guji.

Waxaa isku soo dubaridey:
Axmed Cabdille | dacwah@hotmail.com

DKMG oo Markii ugu horeysey ka hadashay Afduubkii Culimada

Dallada Culimada Somaliyeed oo Qabtay Dood

Weerar Lagu soo Qaaday Masjid ku yaal Gaalkacyo

Aqoon iswaydaarsi Cilmiyeed ka Furmay Gaalkacyo

Kulan dacwadeed oo Lagu soo Gabagabeeyey Galdogob

Maxkamadaha Islaamiga ee G/Banaadir oo Samaystay Gole Sare

Faafin: SomaliTalk.com | July 17, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD