SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 15, 2004 

SOMALILAND YEY KA GO'DAY YAYSE U GO'DAY

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Halkan waxaaynu ku falanqeyn doonaa waxna ka ogaan doonaa sida aduunku gacmaha uga laabtey fikrada goosashada ay raadinayaan beelaha Isaaq ee dega waqooyiga soomaaliya. Inta aynaan guda gelin waxaa haboon inaynu ogaano deegaankooda iyo tiradooda intay le'egtahay?.
Somali Social & Cuntral Centre - Johanesburg sanadkii 2002 waxay soo

saartay daraasad ay ku sameysay beelaha dega waqooyiga soomaaliya.waxay sheegeen in beelaha Isaaq yihiin 42% marka la bar berdhigo totalka dadka kale ee ku nool deegaankii laysku odhan jirey
somaliland protectorate ee Ingiriisku gumeysan jirey. waxay kaloo ay tilmaameeyn in deegaankoodu yahay 3 gobol oo kala ah W/Galbeed, Togdheer iyo Sanaag, waxayna waliba daba dhigeen in 3-daas gobol 21% ay la degaan dad aan ku abtirsan. hadaba aynu ifafaaleyno wixii ay aduunka kala
kulmeen.

XAFIISKA UNION NATION:

Xafiiska Union Nationku ee magaalada New York, waxaa horyaal qoraal ama dhambaal (declaration), kaasoo sharaxa deegaanka ay degaan beelaha Isaaq iyo tiradoodu intey le'eg tahay kana soo horjeeda qeybinta dhulka soomaaliyeed. Dhambaalkaasi wuxuu xambaarsan yahay weedho aad u
kulul oo u digaya in Xafiiska Union Nationka iyo wadamada permanent site ku leh Golaha Union Nationka ku talaabsan karin wax wax u dhimaya

midnimada ummada soomaaliyeed. Dhamaalkaasi wuxuu sheegayaa in Beelaha Harti ee dega Sool, Sanaag iyo Ceyn ogleyn raalina ka hayn qeybinta wadanka soomaaliya. Dhambaalku wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday in hadii dowlad ka mid ah dowlahada parmanent site ku leh Golaha Union Nationka ku talaabsato arin ka dhan ah midnimada soomaaliya qaadi doonto masuuliyadeeda wixii hadhow ka yimaada.

Wadamada parmanent site waxay ka gaabsadeen inay jabiyaan ama ka horyimaadaan qoraalkan. Xoghayaha Gollaha Union Nation-ka Mr.Kofi Anan wuxuu dhawaan taageeray heshiiskii kooxaha soomaaliyeed ku gaadheen Kenya 29th Januaray 2004, wuxuuna ku amray inay si deg deg ah dowlad u dhistaan.

JAAMACADA CARABTA:

Wadamada Jaaamacada carabtu waxay dhagaha ka fureysteen dhawaaqa ka soo yeedhaya beelaha waqooyi ee la magac baxay somaliland, guud ahaan wadamada carabtu waxay aaminsan yihiin in soomaliya tahay wadan muslim ah 100%, isku luqad iyo dhaqan ah, sidaa awgeedna aysan muuqan
siyaabo lagu kala qeybin karo. wadamada Masar iyo Sucuudiga oo doonaya inay arintan carabtu go'aan rasmi ah ka qaadato, waxay ka dhawaajiyeen shir deg dega ah, shirkaasina wuxuu ka dhacay Qaahira bishii May 31, 1992, waxayna si wadajir ah u go'aamiyeen oo saxeexeen qodobadan:

1) Inaan soomaaliya la kala qeybin karin, midnimadeeduna muqadas tahay.

2) In safaaradaha soomalidu sii furnaadaan inta ummada soomaaliyeed dowlad ka helanayso.

3) Inay ku safraan baasabooradooda intay ka samaysanayaan dowlad soomaliyeed oo buuxin karta shuruudaha caalamiga ah.

Go'aamadan waxay la socdsiiyeen dhamaan wadamada ku jira Ururka Jaamacada carabta, Xafiiska Union Nationka, wadamada ku bahoobey ururka EU, AOU iyo wadama IGAD ee geeska Africa.
Xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyey wadamada carabta iyo soomaaliya wuxuu sii cakirmey markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynihii geeriyooday Maxamed Ibraahim Cigaal xidhiidh hoos hoos ah la sameystay dowlada Israa'il, arintaasna waxaa fashiliyey Telefishinka Al
Jazeera ee ku yaala Qatar, soona bandhigey qoraalkii uu u direy Raysalwasaaraha Israa'il Mr.Yuhoud Barak.

Wadamadii carabtu iyo dhamaan wadamada muslinku waxay dhulka ku dhifteen mucaawinooyinkii iyo taageerooyinkii ay siin jireen guud ahaan soomaaliya, wadanka sucuudigu isagoo taas ka jawaabaya wuxuu joojiyey xoolihii ay ka qaadan jireen soomaaliya iyagoo sabab ugu dhigey in xoolaha
soomaliya bukaan.

WADAMADA MUSLIMKA

Wadamada muslimku waxay qabtaan shir sanadeed, lagu qabto marba wadankii laysla garto, shirkaas oo la yiraahdo IOC, waxay casumad u fidiyeen Cabdiqaasim Salaad Xasan oo sita title ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliyeed. shirkoodii ugu dambeeyey ee ka dhacay
Malaysia 2003 wuxuu ka jeediyey khudbad dheer, wuxuuna golahaa loo dhan yahay ka sheegay in beelaha waqooyi ee la magac baxay soomaliland doonayaan inay soomaaliya kala qeybiyaan. Gollahaas oo aynu odhan karno dowlad muslim ahi kama maqnayn, waxay daafadeeyeen fikradii ahayd
goosasha, waxayna qireen in midnimada soomaaliya tahay muqadas.
 FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU SAARANYAHAY MIISKA BEESHA CAALAMKA DUSHIISA

Aqoonsiga Somaliland Wuxuu KU xidhan yahay Shacabka Sool, Sanaag IYO Cayn.  Guji...

FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU KU JIRA GACANTA QARANKA SOMALILAND Guji...

WADAMADA AFRICA:
Wadamada Africa oo ku bahoobey ururka la yiraahdo AOU iyo IGAD oo ah wadamada Geeska Africa waxay ka fogaadeen inay wax aqoonsi ah fudiyaan beelaha waqooyi ee la magac baxay somaliland. Laga soo bilaabo burburkii dowladii soomaaliyeed waxay abaabulayeen shirar badan, oo ka dhan ah
beelaha waqooyi , waxay geed gaaban iyo geed dheer u fuuleen inay maruun arkaan soomaaliya oo dowlad ah.

Madaxweynaha Dowlada Suudaan Mudane Omar Al Basheer oo mar ahaa hogaamiyaha wareegtada ah ee ururka IGAD wuxuu si geesinimo ku jirto isu hortaagey fikradan goosashada ah, wuxuuna cadeeyey in geeska Africa maanta loo baahneyn ina la kala qoqobo. Madaxweynaha Dowlada Jabouti
Mudane Ismaaciil Cumar Geele wuxuu in badan ku cel celiyey inuusan noqoneyn dowladii ugu horeysay ee ictiraafa beelaha waqooyi.

Sidoo kale Madaxweynihii Hore ee Kenya Mr.Moi iyo Madaxweyna hada talada haya waxay ka gaabsadeen inay wax aqoonsi ah siisaan beelahaas. Sidoo kale, Raysal wasaaraha Ethiopia Zenawi, maruu ku sugnaa Aqalka cad (White House) Maraykan, wuxuu labada gole ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga u sheegay in soomaaliya midnimadeedu muqadas tahay, loona baahan yahay in loo sameeyo dowlad la dagaalanta Argagixisada, hadalkaasna waxaa soo dhaweeyey labadii gole,,waxayna hoosta ka lahaayeen '''that is good'''.

USA

Wasiirada Arihama Dibada maamulka la magac baxay Soomaliland Marwo Adna Adan Dhakhtar waxay isaga daba noqotey wadanka Maraykan iyadoo wadata qoraal aqoonsi raadis ah, dowlada Maraykanku waxay ka cudurdaaratay codsigeedii, waxay u sheegeen in aqoonsigu gudaha wadanka yaallo, taasina waxay ku tusaysaa inay wax ka ogyihiin qoraalka yaala xafiiska Union Nationka, oo sheegaya in fikrada goosashada loo dhameyn. Markay soo noqotey waxay wargeysyada qaarkood u sheegtay in
aqoonsigii wada ku soo jiro.

UK & Europe inteeda kale

Dowlada Boqortooyada Ingiriiska waxaynu odhan karnaa waa ka xog ogaal san yahay wadamada kale ee reer Europe, waayo wuxuu ahaa wadankii gumeysan jirey soomaaliya. Sanadkii 1884 markii Ingiriisku wadanka soomaaliyey qabsaday beelaha waqooyi waxay ahaayeen "Lahaystayaal",
mana ay lahayn awood ay isaga difaacaan awoodan ka xooga badan, ee ku habsatay dhulkoodii. 1901 waxaa bilawday dhaq dhaqaaq ku lidi ah joogitaanka gumeystaha Ingiiriiska, waxaana horkacayey Sayid Maxamed Cabdullae Xasan, xoogagaas waxaa la odhan jirey Daraawiish, waxayna
gumeystaha la galeen halgan dheer oo maanta taariikhdiisa la hayo, ragii ka qeyb galayna wax ka sii nool yihiin maanta. Ujeedada Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo Daraawiishtu waxay ahayd in gumeystuhu ka baxo wadanka soomaaliyeed, umadda soomaaliyeedna xornimo hesho,ugu
dambeyn sanadkii 1960 ayuu gumeystihii Ingiriisku ka guuray soomaaliya.

Sanadkii 1991 beelaha waqooyi iyagoo ka faa'iidaysanaya burburkii ku yimid dowladii soomaaliyeed waxay codsi u qorteen dowlada Ingiriiska, waxayna soo fadheen dad bari hore dhintey lafahoodii, iyagoo ku andacoonaya in dowladii Siyaad Bare ka laaysay. Dowladii Ingiriiska waxay daraasad dheer
ku samaysay codsigii beelaha waqooyi, waxayna dib ka ogaadeen inaan fikradan goosashada loo dhameyn.

Sanadkan bishii January waxaa gobolada waqooyi yimid xubno ka mid ah, labada golle ee baarlamaanka Ingiriiska, waxayna la shireen maamulka Daahir Riyaale madaxda ka yahay, wixii ay kala kulmeen way la guryo noqdeen, waxaayna sheekadii la soo qaadeen xubno kale oo ka mid ah
gollayaasha Ingiriiska. Kadib markii sheekadii u soo baxday makhaayadaha shaaha lagu cabo, wargeysyada qaarkoodna qaadaa dhigeen, dowladii Ingiriiska waxaa go'aamiyeen inay arintan joojiyaan soon afjaraan hadal haynteeda. waxay beelaha waqooyi ee la magac baxay somaliland ku
wargeliyeen in wixii Ictiraaf dowladeed ku saabsan Union Nationku ku shaqo leeyahay, sida uu dhigayo xeerka caalamigu (International low).

Europe inteeda kale, waxay taagan yihiin midnimada soomaaliya waa muqadas. waanay ka gaabsadeen inay aqoonsi diblamaansiyeed siiyaan, beelaha waqooyi ee la magac baxay somaliland.

SIYAASIYIINTA BEELAHA LA BAXAY S/LAND MAXAY AAMINSAN YIHIIN:


Maxamed Ibraahim Cigaal (Alleh ha u naxariistee) wuxuu in badan fagaaraha kheyriyada ka sheegay in soomaliya laba tun oo la kala qalo lahayn. wuxuu dhowr jeer ku cel celiyey in aduunkii dhabarka u soo jeediyey, alaabadiina ka soo xidhay.

Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo ah Hogaamiyaha xubsiga mucaaradka ee Kulmiye, wuxuu khudbadeeyey maalintii ciidii Adha fagaaraha magaalada Burco, wuxuuna yidhi "way wanaagsanaan lahayd in shirka Keyna wax ka soo baxaan, oo aynu helo cid aynu la xaajoono". wuxuu daba dhigey Anigu (Siilaanyo) waxba kama qabo inaynu la xaajoono oo miis dushii wax ku qeybsano, oo wixii dan inoo ka wada hadalno.

Cisman Kaluun, oo ah siyaasi ka soo jeeda beelaha waqooyi, jagooyin sar sarena ka soo qabtay Maamulka Carta, wuxuu Idaacadaha wararka faafiya ka sheegay in fikradan goosashadu suurtoobeyn, ilaa la helo afti loo dhan yahay, wuxuu kaloo cadeeyey in beelaha Harti ee dega bariga soomaliland
daacad ka ahayn fikradan goosi isutaaga.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, oo ah Isim si weyn looga qadariyo beelaha waqooyi dhexdooda, wuxuu goobaha lagu kulmo in badan ka sheegay inayna suurtoobeyn inaynu ka go'no soomali inteeda kale, balse ay ka fiicanaan laheyd inaynu saxno khaladaadkii dhacay.

Jaamac Yare, oo ah siyaasi ka soo jeeda Beelaha waqooyi, wuxuu aaminsan yahay in soomaliland dani ugu jirto inay soomaaliya wax la qeybsato.

Guud ahaan beelaha waqooyi dhamaantood fikradani ma wada qancin waayo beelaha gudabiirsi iyo garxajisku waxay jecel yihiin inay helaan dowlad soomaaliyeed, oo maruun ka baxaan xeradan yar ee ay ku jiraan.

BEELAHA DEGA GOBOLADA SSC, WAA MAXAY FIKRADOODU:


Beelaha SCC-da waxay ka qeyb galeen shirkii 18 May 1991 ee ka dhacay Burco. wakhtigaas oo la odhan karo guud ahaan wadanka soomaaliya waxaa ka holcayey dagaalo sokeeyee. Beelaha SSC 100% waxay ka soo horjeesteen fikrada goosashada. Aakhirkiina waxay dhaxalsiisey in Isimo iyo
masuuliyiin badan ka biyo diidaan fikrada goosashada ay doonayaan beelaha waqooyi, taasoo ay hore uga diideen gumeystihii Ingiriiska.

Beelaha waqooyigu waxay bilaabeen fikradan goosashada sanadkii 1991, ilaa maanta lama hayo dowlad isu soo taagday ama akhriday codsiyada ay wataan, waxaaynu ka dharagsanahay in aduunku ictiraafey in badan 5 dowladood oo ay igu dambeysay "Tamuur Sharqiya".

Isku soo wada duuboo, fikrada goosashu waa mid aduunku ka dhago adaygay, sidoo kale maaha mid laga soo dhaweeyey wadanka gudihiisa oo umadda soomaaliyeed farxad galiya. dhacdooyinkaas iyo taxanaha taariikhdu waxay inoo sheegayaan in somaaliland haysan saaxiibo dibada jooga oo ay u
go'do, sidoo kalana inayna helin taageero buuxda oo dadkeedu ku taageerayaan fikrada go'itaan.


Maxamed Jama (Madaxgaal)
 
madaxgaal@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE MAXED JAMA

Feein: SomaliTalk.com | Feb 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD