SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 17, 2004 

CABADILLAHI YUUSUF WAXA UU HAYAA DHABIHII AY MAREEN JOHNA SAVIMBI IYO GENERAL CAYDIID

Hassan Salahudin

Leicester
Uk.

salahuddin100@hotmail.com
 


Mudane Cabdillahi Yuusuf Ahmed Yey waxa uu lahaa timo yar oo yix ah, nin aamusni badan buu ahaa yaraantiisii, dhexgalka dadkana sidaa ugama sii badnayn, wuxuu ku dhashay deegaan ka mid ah deegaanada dhulka majeerteeniya, waxbarashada ayuu ka soo dhalaalay isla waagii uu barbaarka ahaaba,geesi buu ahaa, aakhirkiina markii uu aqoonta milatariga ku soo bartay kulayad caskari oo ku taalay Midowgii Soofiyati waxa uu guursaday Marwo Xaawa oo ah naag aad u qurux badan, Yaa Salaam, Erayadaasi waxaan ka soo dhambashay dhambaal mar sii horaysay uu Cabdillahi Yuusuf ka qoray Wariye Xagar-Yare oo hadda ku sugan dalka Jarmallka horena warfidiyeen uga ahaan jiray idaacadihii Radio-Kulmis, Radio Mogadisho, iyo Radio Hargeisa ka hor dagaaladii ka qarxay Somalia, Xagar yare waxa uu ka mid yahay wariyayaasha qalinkooda laga dheehdo baraha ay Soomaalidu ku leeyihiin mareegta Internetka qoraaladiisuna waxay u badan yihin taariikh waxaanay leeyihiin hal door aniguna si gaar ahba baan u xiiseeyaa.

Laakiin saaxiibkeen xagar yare waxaad moodaa inuu ku sifoobay FIQI TOLKII KAMA JANO GALO oo uu noo soo bandhigay oo kali ah uun wajigii wanaagsanaa ee kornaylka oo uu guud ahaanba isha kale naga mariyey dhoobo cas si aanaan ugu eegin baalka mugdiga ah (Negative Side) ee uu kornaylku kaga jiro diiwaanka taariikhda Soomalida qarnigan.

Qormanda aan ugu magac daray SAVIMBI, maaha dheelacayn iyo eedayn bilaash ah oo aan kula dul dhacay kornaylka ee waa aragtida aan anigu shakhsi ahaan ka qabo doorka mihiimka ah ee uu kornaylku ka ciyaarayo hurinta colaadaha ka aloosan geeska Africa iyo xasilooni laáanta siyaasada Soomalida, arrintaasna waxa ila dareensan shacbi fara badan oo Soomali ah oo xataa qaarkood ay Kornaylka isku deegaan ka soo jeedaan.

Inbadan buu magaca kornaylku ka dhex muuqday hirdanka adag ee soo dhex maray hogaamiyayaasha siyaasadeed ee soo maray wixii la odhan jiray Jamhuuriyadii Somalia magaciisana waxa ay Soomaali badani maqleen markii uu ka dhex muuqday koox ka tirsanaa saraakiishii millatariga Somalia xilligii dawladii Siyaad barre wax yar ka dib markii laga kala faraxashay dagaalkii taariikhiga ahaa ee dhex maray Xabashida iyo Soomalida sanadihii 1977/1978-dii, saraakiishaas intoodii kale waa la laayey marka laga reebo Cabdullahi oo isagu ku sugnaa dhulka Soomali galbeed ee ku hoos jira gumaysiga taliska Tigreega, xiliyadaasi waxa uu Cabdullahi hor kacay jabhad deegaan ahaan ka soo jeeda Majeerteeniya oo uu gabood iyo taageero hub ba leh siiyey Mingiste Hayle Maryam oo xilligaa madax ka ahaa taliskii Dargiga ee ka talinayey dalka Ethopia.
 
XIRIIRKII SSDF iyo SNM

Mihiim iima aha inaan taariikhda Cabdullahi yuusuf isku mashquuliyo ee si aanan uga bixin ciwaanka ay ku socoto qormadaydu inta laga arkay Cabdullahi yuusuf waxa ku wayn oo meel uga goán inuu mar uun madaxweyne noqdo ama xukumo riyo uu isku qufulay oo ah Jamhuuriyada Somalia, cudurkaasi madaxwareerkiisa leh ee madaxtinimadu wuxuu isaga hortii galaaftay rag inbadan ku soo jiray saaxada iyo hirdanka siyaasadsa ha ahaadeen kuwo Soomaali ah ama ha ahaadeen kuwo shisheeye ah, Kornayl Cabdillahi Yuusuf waxa laga nacay gudaha iyo dibada Somaliyaba kuwa nacdasha dusha uga tuurayna waxa ugu sii daran reer tolkiis kuwaasoo uu u horseeday jab iyo halaag ilaa intii uu horboodayey hogaankooda siyaasadeed, jabka iyo hooga uu biday dadkiisa ee diiwaanka Cabdullahi ku jira waxa ka mida fashilaadii ka soo gaadhay ku dhawaaqidii jabhadii SSDDF oo markii ay dabayaaqadii sanadihii todobaatanaadkii iska caabin kari wayday cutubyadii sida xoogan u hubaysnaa ee daacada u ahaa ma naxe Siyaad barre ay kula kaceen shacbiga Majeerteeniya kufsi iyo iyaga oo gubay baraagihii iyo guryihii shacbiga.

abdullahi yusuf ahmed
C/Laahi Yuusuf Axmed
Akhri halkan...

Inta Cabdullahi yuusuf hor booda iyo inta durbaanada u garaacdaba waa in aan waxba kala socon taariikhda mugdiga ah ee kornaylka oo dadkiisii iyo dadka Soomaaliyeedba u horseeday hoog iyo burbur isagoo ay u cadahay dantiisa shakhsiga ah oo ah mar uun madaxweyne noqo.

Madaxtinimoy ku nacay, Jona Savimbi waxa uu hogaaminayey dhaqdhaqaaqa UNITA(National Union For The Total Independence Of Angola) ee ka dagaalama wadanka Angola mudo ku siman ilaa 25 sanadood, wadanka Angola oo ah wadan macdan leh ishana ay ku hayaan wadamada reer galbeedku waxa inabadan la isku dayey in laga xasiliyo nabad waarta oo la soo afjaro colaada gaamuurtay ee ay dhaqdhaqaaqa UNITA kula jirtay dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Edwardo Dojandos, Jona Savimbi xataa waxa loo soo istaagay in uu tunka u rito jagada madaxweyne ku xigeenka, Savimbi waxa laga hayaa inuu yidhi ama mar uun baan Angola madaxweyne ka noqon ama waxaan naftayda ku waayi doonaa furimaha hore ee dagaalka. Lix iyo toban xabadood oo sideed ka mid ahi ay wajiga ka cuskadeen ayaa Mr Jona Savimbi ula kacay xaga aakhiro mar uu dagaal galinayey cutubyo ka tirsanaa xoogagii jabhadii UNITA.

Mar uunbaan madaxweyne noqon! Waxay sahayatay inta aan ka xasuusto marxuum General Maxamed Farah Aidid, oo ka dib markii ay fashilantay dawladiisii SALBAAR isagana dhaawac halis ahi soo gaadhay isagoo dagaal sadex geesood ah kaga jira xaafada Madiina ee magaalada Mogadisho dabayaaqadii bishii July ee sanadkii 1996-kii.

shirka Kenya waxaa la saadaalinayaa haddiiba doorasho ka dhacdo laba Cabdullaahi inay ku guuleystaan midkood oo ah Cabdullaahi Axmed Caddow iyo Cabdullaahi Yuusuf Axmed.... Guji...

Dadka isha ku haya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda duleedka magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxay maalmahan sheegayaan in hadiiba lagu heshiiyo shirka dib u heshiisiinta oo tirada baarlamaankiisa hada la isku mari laayahay ay u sharaxan yihiin jagada madaxtinimada laba Cabdullahi, oo midkood yahay Cabdullahi yuusuf, waxaad moodaa in ay shacabka Soomaaliyeed mararka qaarkood masuul ka yihiin ama qayb libaax ku leeyihiin burburka iyo dhibaatooyinka siyaasadeed ee haysta marka ay isaga sacabiyaan mujrim kasta oo madaxtinimo isku soo sharaxa.

Haddii ay Cabdullahu Yuusuf lagu doorto shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda duleedka magaalada Nairobi ee wadanka Kenya xaalada Soomaalidu waxay noqon doontaa kud ka guur oo qanjo u guur waayo Cabdullahi yuusuf waa laayaan kale oo ka hadhay kooxdii ku noolayd booliga qaranka ee uu macalinka u ahaa Aabo Siyaadkii quxuuntinimada ku dhintay.


Waa Walaalkii Hassan Salahuddin

Global Media Group

Uk.
salahuddin100@hotmail.com

QORAALKII HORE EE SALAAXU DIIN

Feein: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD