SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 22, 2004 

Abdiwahid mucaarad meel kale laga hagayo carro harti kama hirgalayo

Abdiwelli Farah Shire
welli6@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 

Sida uu Abdiwahid sheegayba aniga iyo isaga waxba nagama dhexeeyaan, hase yeeshee dadka uu sheegto inuu ka soo jeedo ayaannu ehel dhow nahay, waxaa kale oo aan doonayaa in aan akhristayaasha u sheego inay jireen ururo siyaasadeed oo burburkii wadadnka ka dib isku dayey inay faragelin ku sameeyaan Puntland, iyagoo isticmaalaya dad uu Abdiwahid ka mid ahaa oo asal ahaan puntland ka soo jeeda, hadaba dadka noocaan waa dad inta madaxoodii laga soo bedelay madax dad kale lagu soo rakibay (Psychological brain-washing), si ay ururadaasi u gaaraan danaha ay ka lahaayeen geyigaas.

Ururadii noocaas ahaa iyo wixii ay adeegsanahayeenba waa la iska caabiyey, geyiga puntlandna waa laga sifeeyey, ujeedooyinkii ay puntland ka lahaayeenna uma suurtoobin, hadaba dhacdada noocaas ah ayaa Abdiwahid ma hadho ku reebtay, dabadeedna waxaa ku dhacay salal, qarow iyo mushkilo gaarsiisay inuu xataa kontoroolkii aadanuhu ka lumo, nimankii madaxa uusan lahayn ku rakibayna kama ay furine waa ay uga tageen, ileen haddii uu isku buuqo iyo hadduu waasho midna engineerada wax Abdiwahid ka galay baa iska yare, keliya waxay rabeen inay Abdiwahid iyo dad kaleba mission ku fushadaan missionkiina waa ka fashilmay, dabadeedna nimankii hawlgalka watay waxay isaga tageen abdiwahid iyo guruubkisii oo madaxooda rabaaniga ahaa ka maqan yahay, mid gacan labaad ahina ku rakiban yahay. hadeerna engineeradii iyagoo aan laba joogin oo aysan cidina arkayn ayey Abdiwahid iyo qoladiisaba waxay u hawl geliyaan sidii ay doonaan iyagoo isticmaalaya aaladda meel dheer wax lagaga hago ama (Remote Controll), markaa Abdiwahid missionkaa fashilmay ayuu rumaysan waayey, dabadeedna wuxuu ku noqday jirro halis ah, markaasuu haatan wuxuu iska wadaa baroor iyo calaacal uu internetka kula dhuunto.

Qofka madaxiisii rabaaniga ahaa haystaa si kasta oo uusan caqli iyo cilmi badan u lahayn wuxuu suurta gelin karaa inuu ummadda wax u sheego isagana wax loo sheego, Abdiwahidse waxaa u caado ah haddiiba aad figradihiisa dhaliil yar u soo jeediso, wuxuu dadka ugu jawaabaa jaahil baad tahay, kalmada jaahilna waa halhayska ururkii puntland laga soo cayriyey, dhowr goor oo ereyo somalidu isticmaasho baaris lagu sameeyeyna waxaa la ogaaday in dadka isticmaala ereyada ay ka mid yihiin: jaahil. reer baadiye, dhoore iwm. in qolada ereyadaas icticmaashaa ay iyagu ku sifoobayaan ereyadaas ay isticmaalaan oo macnahoodu yahay intii lagu tuhmi lahaa maad adiguba ku wardido, hadaba Abdiwahid ninka la yiraahdo oo xaabadii uu horey u soo gurey intuu qaadi waayey ka tegay, ayaa haatanna xaabo kale ku maqan si uu tii hore dul saaro, "doqoni xin bay ebidaa ee xil ma ebido".

Taasi waa taas teeda kale waxyaalaha uu Abdiwahid sameynayo, waa wax aad moodid sidii qof ku kacsan ama neceb magaca faamilkiisa, oo waxaad modaa inuu si ula kac ah dhaawac u gaarsiinayo sumcadda iyo haybadda ehelkiisa hoose, waayo waxaa uu wataa magac wanaagsan oo la yaqaan, umana uu aabadayo bal in camaladiisu magacaas wax yeeli karaan iyo in kale.

Ugu dambayntii waxaa rabaa inaan Abdiwahid u sheego inaan mucaarad meel kale laga hagayaa uusan carro harti ka soconayn, ee ninyohow ama madaxaagii rabaaniga ahaa raadso oo markaa ka dib mucaarad miyir qaba samee, ama xaabadaada iska guro oo midba mid kale ka dul gee ilaa iyo inta aad xaabada laftigeeda ku gubanayso. "wuxuu nin xil moodo baa nin xarago moodaa"

Qoraalkii hore ee Cabdiwelli

Abdiwelli Farah Shire
welli6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Ilmo adeer waa intii is taqaan, waa jawaabtii C/Waaxid maxaa si ka ah C/Waaxid...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD