SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Febraayo 21, 2004

C/Waaxid Carro Harti Webi ma leh

Abdiwelli Farah Shire
welli6@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


qormadaydan cusub waxaan ka bilaabayaa su'aal ah horta Abdiwahid ma maraykan baa? Maxaa yeelay wuxuu u hadlaa sida Bush oo waatuu Bush yiri ama na soo raac ama waxaad tahay argagixiso, sidaas oo kale ayuu Abdiwahidna qofkii yiraahda war anigu madiix iyo baroor diiq midna ma rabo, wuxuu isku dayaa inuu ku tiimbareeyo in qofkaasi yahay taageere A/hi Yusuf.

Hase ahaatee ma uu sheegi karo sifa kale oo uu qofku heesihiisa dhegayso ama ha dhegaysantaa ku nici karo, waa nin markuu rabo iska maansooda oo aan la socon inay maansadu leedahay fure iyo xire, hal maalin gudaheed ayuu haduu rabo todoba jeer iska maansoodaa ilayn waa macalin maansada eh, shabagadda internetkuna haddii ay damiir aadaminimo lahaan lahayd waa ay diidi lahayd in Abdiwaxid wax ku qoro, wuxuusan faham sanayn in haddii shan qof arini soo dhex marto uu guddoonku noqonayo wixii seddex qof isku raacdo, labada hartayna ay ku khasban yihiin inay tixgeliyaan waxa dadka badankiisu doortay, wuxuu Abdiwaxid isku sifeeyaa reer magaal, aqoonyahan, shiikh, siyaasi iyo waxgarad, markaa haddii uu intaas oo dhan isku qaatay haddee waxay ahayd inuu Kenya aado oo madaxweyne isu sharraxo, ilaahse reer magaal inkama dhigo marba haddii uu Abdiwaid reer magaal yahay.

Waa nin ay ku yaaliin nabarro qoyan oo buka oo belaayo iyo carun ka shubmayso, hase yeeshee lama yaqaan cidda dhibkaas gaarsiisay, dhacdada halkaas gaarsiisayna waa uu qarsadaa , noolihii uuraystaa mar uun buu dhalaa, marka Abdiwaxid goormaad dhalaysaa? Mise isasidadkaagaad ku iilanaysaa?

Cadde Muusow ma arag tahay, Khadiijow ma arag tahay, walaalow ma arag tahay, belaayoy ma arag tahay, Xamarey ma arag tahay, dawladdaan dhisay ma arag tahay, Carta maxay u baaba'day, Ethiopia waa daba dhilif, Ingiriisku waa kacaan, adeerkay waa mulxid, wahwaah waxaasaa murti ah, waxaanse kuu sheegayaa in furahaagii la helay oo waxa kaa dhawaajinaya oo aad la ooyeysaa inay tahay ceelkii aad ka cabi jiray oo xabaalmay, iska aamus waa lagu waraabine in kastoo biyo ceel harti ay adiga suntaada yihiin horeyna aadan u cabi jirin, waana aan la socdaa inaan madaxaagu juustoobin ilaa aad biyo webi cabto, cara hartina webi lagama helo, markaa adeer asqadaada iskala hinraag ama orodoo dee Jubba u aroor!!!!!!!!!!

Abdiwelli Farah Shire
welli6@hotmail.com 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 Faafin: SomaliTalk.com |Feb 21, 2004  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ilmo adeer waa intii is taqaan, waa jawaabtii C/Waaxid maxaa si ka ah
Qore: C/Waaxid Khaliif
Akhristayaal habayn baa Cali Aadan (Cali-Dhuux) oo rag iskala kaftamaya uu haweenay uu qabay oo Muhiyo la oran jiray ka  Guji Feb 20

Cabdiwaxid Cabdullahi Khaliif, ma qof dhan oo fayoowbaa, mise waxbaa si ka ah?
Qore:
Abdiwelli Farah Shire
Abdiwaxid xalaal barqo baa la qashaaye na taabsii wax micno leh oo aannu kugu ayidno?..  Guji Feb 19

Jawaabtii c/waxid khaliif, cade muuse hishiiska waa uu ku khasbanaa
Qore:
asad cabdi gufure

ugu horayn qore, C/Waaxid Khaliif xaq buu uleeyahay in uu qaabka uu u arko saxda uu rayigiisa udhigo, waayo waxaan aamin  Guji Feb 17

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD