SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GANACSI

Feb 11, 2004

Maxaa Muhiim u ah Sameynta Shirkad Ganacsi?
Qeybtii labaad

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden

habdirisak@hotmail.com

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Qeybtii Koowaad ee maqaalkan waxaan kaga soo hadalay waxyaalo ay ka mid ahaayeen: Ugu horeyn bal in qofka shirkadda sameynayaa uu isagu baaritaan isku sameeyo, taas oo looga gol leeyahay inaad ogaatid qof ahaan inaad tahay mid shirkad waditaankeeda ku haboon iyo in kale. Waxaan kaloo aan ka hadalay in qofka shirkadda sameynayaa uu aad uga fekero waxyaalaha uu suuqa keenayo.Qormadan cusubna waxaan kaga hadli doonaa waxyaalo kale oo lagama maarmaan u ah sameynta shirkad ganacsi.

Sameynta baaritaan suuqeed ( market research )

Inta aadan sheyga aad iibgeyneysid keenin suuqa, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo baaritaan suuqeed ( market research). Baaritaankaasi waxaa uu ugu horeyn kaa caawinayaa inaad ogaatid baahida loo qabo sheyga aad suuqa keeni doontid. Waxaa kale oo baaritaankaasu ku siinayaa sawir guud oo ku saabsan suuqa, qiimaha wax lagu kala iibsado iyo weliba macaamiishaadu kuwa ay noqon karaan. Aad ayey muhiim u tahay inaad heshid warbixin ku saabsan dadka aad dooneysid iney macaamiishaada noqdaan iyo meelaha ay kala joogaan. Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad ogaatid qiimaha ay macaamiishaasu diyaarka u yihiin iney ku iibsadaan sheyga aad suuqa keeni doontid. Baaritaankaas suuqeed, waxyaalaha kale ee uu ku siin karo waxaa ka mid ah: Waxyaalaha ay macaamiisha shirkadaha alaabtaada oo kale iibiyaa aaney ku qanacsaneyn, iyo weliba sida ay jeclaan lahaayeen in alaabtaasi noqoto.

Tusaale ahaan waxaad rabtaa inaad furtid shirkad tigidhada diyaaradaha iibisa, inta aadan bilaabin shirkada waxaad baaritaan ku sameyneysaa qayb ka mid ah shirkadihii horey suuqa ugu jirey. Waxaad eegeysaa macaamiishoodu waxyaalaha aaney ku qanacsaneyn, ka dibna waxaa aad dabooleysaa waxyaalahaas. Taasi waxaa ay kuu fududeyneysaa inaad si dhaqso ah aad macaamiil u heshid. Waxaa kale oo qofka shirkada sameynaya laga doonayaa inuu hubsado dhaqdhaqaaqa ganacsi ee suuqa uu doonaayo inuu galo. Taas waxaa loola jeedaa, haddii aad gasho suuq xawligiisa ganacsi uu sii yaraanayo ama ku suqan xaalad dhaqaale oo cakiran, iney aad u adkaan doonto inaad gaarto hamigaagii ahaa helitaan faaěido ganacsi.
Xaaladaas aan kor ku soo sheegnay waxaa hadda ku sugan shirkadaha iibiya tigidhada diyaaradaha iyo weliba qaar ka mid ah shirkada isgaarsiinta. Kolkaas qofkii xiiseynaayo inuu shirkad suuqaas ka bilaabo, waa inuusan ku degdegin ee uu sugaa, eegaana bal sida xaalada guud ee suuqaasi noqoto. Waxyaalaha la doonayo inaad si aad ah isaga ilaalisaa waxaa weeyaan inaad isku tuurtid oo aad shirkad ka bilowdid suuq isaguba sii dhimanaaya.
Waxaa kale oo iyana aad u dhib badan, haddii aad suuqa keentid shey aan baahi loo qabin. Haddaba baaritaankaas aan kor ku soo xusnay wuxuu kaa caawin doonaa in aad ka gaahaamato khasaarooyinka dhaqaale ee kugu iman kara haddii ay shirkadaadu fashilanto.


Magaca shirkada


Shirkada ganacsiga ee xuseen, shirkada kaluumaysiga ee waaberi, shirkada dharka ee bakaaraha, dugisga waxbarashada ee Ramadaan. Magac noocee ah ayaa ku haboon shirkadaada? Magaca shirkaduse muxuu saameyn ku yeelan karaa suuqgeynta alaabtaada?
Waxaa laga yaabaa iney dad badan oo aan aqoon weyn u lahayn arimaha ganacsiga ay markiiba la soo boodaan in aan magaca shirkadu wax qiimo ah oo weyn u lahayn alaabta la suuq geynaayo. Balse taasi ma aha mid sax ah. Magaca shirkadu waa qayb weyn oo ka mid ah alaabta aad iibgeyn doontid. Waana in magaca aad shirkada u bixineysid uu buuxiyaa shuruudo badan. Arrinta ugu muhiimsani waxaa weeyaan in magaca shirkada iyo alaabta aad gadeysid uu ka dhexeeyaa xiriir. Taas waxaa loola jeedaa in kolkii magaca shirkada uu qof akhriyo ay markiiba maskaxdiisa ku soo dhaceyso waxa ay shirkadaasi iibiso. Haddii xiriirintaasi maqan tahay waxaa ay qaadan doontaa sanado badan in magaca shirkadaada la barto.

Magacyada dadka soomaaliyeed ee shirkadaha sameystaa ay aad u isticmaalaan waxaa ka mid ah, kuwa reerka. Tusaale ahaan aniga waxaa la i yiraahdaa Cabdirisak xuseen, sidaas darteed waxaan shirkadeyda u bixinayaa “ shirkada ganacsiga ee xuseen”. Magac bixinta noocaan ah ma aha mid aad looga fekerey. Maxaa yeelay magaca kama muuqato xiriirkii aan horey u soo sheegay. Shirkada leh magacan hoos ku qoran, oo ah shirkad aan magaceeda akhriyey kol aan booqasho ku tegey magaalo ka mid ah bariga africa, ayaa ah mid leh shuruudii xiriirka ka dhexeeya magaca shirkada iyo waxyaalaha ay gadeyso. Shirkadaas waxaa magaceedu ahaa: Shirkadda GARAYS. Bal akhristow magacan dhadhanso oo dhuux, maxaa maskaxdaada ku soo dhacayo. Warbixin intee lečg ayaad heli kartaa inta aadan gelin gudaha shirkada? Run ahaantii waxaad heli kartaa warbixin aad muhiim ugu ah arimaha ganacsiga. Anigu koley qof ahaan kolkii aan marayey shirkadaas horteeda, ee aan indhaha ku dhuftay magaca “garays”. Waxaa madaxayga ka dhaqdhaqaaqayey in shirkadani ay dhar gado, weliba dharka ay gado iney yihiin ama u badan yihiin dharka dumarka. Shirkadii kolkii aan galayna waxaa ay noqotay sidii madaxayga ku jirtey. Taas oo ah in shirkadani ay gado dharka dumarka oo kali ah.

Haddaba waxaa la doonayaa inuu jiro xiriir sidaas oo kale ah, ee ka dhexeeya shirkada magaceeda iyo waxa ay iibineyso. Waxyaalaha kale ee magac bixinta muhiimka u ah waxaa ka mid ah; in magaca shirkadu aan ahayn mid dheer ama ku dhawaaqidiisu adag tahay. Waxaa kaloo lagaa rabaa inaad ogaatid haddii ay suurto gal kuu tahay in aan magacu noqoneynin mid macno kale ku leh luqadaha wadamada aad dooneysid inaad alaabtaada u iibgeysid. Maxaa yeelay magac afka soomaaliga inala fiican ayaa cay noqon kara kolkii afaf kale loo turjumo. Tusaale ahaam magaca “ maymuun” oo ah magac ay soomalidu gabdhaha ula baxaan, ama shirkadba loo bixin karo. Magacaasi waxuu noqonayaa “daayeer” kolkii loo eego sida ay u isticmaalaan dadka ku hadlo afka looga hadlo boosniya. Boosniya oo ka mid ah wadamadii berigii hore la isku oran jirey Yugoslafiya. Taas waxaan ula jeedaa iney muhiim tahay doorashada magaca shirkada loo bixinayo. Wadamada yurub iyo waqooyiga America, waxaa jira rag ku takhasusay magac bixinta shirkadha. Kuwaasoo lala tashado inta aan la dooran magac gaar ah.

Mahadsanidin - QAkhri Qaybtii 3aad.... Guji

Mahadsanidin
 

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden
habdirisak@hotmail.com

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

QORAALADII HORE EE CABDIRISAAQ

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2004

Maxaa Keenay Hoos u Dhaca Dollarka Mareykanka?

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD