SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GANACSI

Febraayo 23, 2004 

Maxaa muhiim u ah sameynta shirkad ganacsi?
[Qaybtii 3aad)

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden

habdirisak@hotmail.com

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Maalgelinta shirkadda


Si aad u dhaqan gelisid fikirkaagii ganacsi, waa inaad haysataa dhaqaale kugu filan.Cadadka lacagta maalgelinta ah ee aad u baahan tahay waxaa ay ku xidhan tahay hadba qaabka aad dooneysid inaad shirkada u bilowdid. Tusaale ahaan wey kala duwan yihiin dhaqaalaha aad u baahan tahay, haddii aad dooneysid inaad badeecadaada si talaabo-talaabo ah u iibgeysid iyo haddii aad dooneysid inaad weerar balaaran oo xaga suuqa ah aad qaadid. Arintan dame waxaa ay u baahan tahay dhaqaale ka badan midda hore. Waxyaalaha lagama maarmaanka ah ee aad bilowga hore u baahan tahay waxaa ka mid ah: xafiis, ama meel dhismo ah oo saldhig kuu ah, computer, telefon iwm. Badanaaba shirkadaha( haba ugu badnaadeene wadamada horey u maray) bilaha hore wax lacag ah oo ku soo gelayaa ma aaney jiraan. Maxaa yeelay baddeecadii waxaa ay u badan tahay in deyn lagaaga qaato, layskuna raaco in soddon( 30 days) ayaamood lagu bixiyo. Taas macnaheedu waxaa weeyaan in ay shirkadaadu diyaar u noqoto iney bixiso lacago badan inta aaney iyadda wax lacag ahi soo gelin.

Lacagaha ugu horeeya ee shirkada lagu maal gelinaayo, waa inaad ka fekertaa sidii lagu soo xero gelin lahaa. Ma hanti adigu aad leedahay ayaad isticmaaleysaa( own capital) mise waad soo deysaneysaa? Arintaas goàankeeda waxaa laga rabaa inuu si fiican uga fiirsado qofka shirkada sameynaayo. Haddii aadan aqoon dheeraad ah u lahayn siyaabaha kala duwan ee shirkad lagu maalgelin karo, waa inaad la tashataa qof arimahaas aqoon dheeraad ah u leh. Lacagta aad u baahan tahay wajiga hore ee shirkada waxaa loo kala qaybiyaa laba nooc. Tan hore waa lacagta lagu maalgelinayo waxyaalaha joogtada ah sida ijaarka, komputerka, taleefonka, iidhehda iwm. Tan labaadna waa lacagta aad ugu baahan tahay fulinta howl maalmeedka shirkada. Sida soo iibinta qalabkii aad u isticmaali lahayd wax soo saarka shirkada (raw materials), baaburka aad shirkada ugu shaqeyneysid iyo waxii la halmaalo. Lacagahan labada qaybood ah ee aan kor ku soo sheegnay waa kuwo lagama maarmaan ah oo loo baahan yahay si shirkadu u saan qaado.

Wadankee ayaad ka bilaabeysaa shirkadaada?


Wadamada kala duwan ee aduunku waxaa ay ku dhaqmaan sharciyo kala duwan oo xagga ganacsiga ah. Sidaas darteed qofka shirkadda aasaasayo waxaa laga doonayaa inuu si fiican u fahmo sharciyada ganacsiga ee u degsan wadanka shirkadda laga bilaabayo. Sharciyada la doonayo inaad ogaatid waxaa ugu muhiimsan kuwa cashuuraha. Maxaa yeelay habka cashuuruhu saameyn weyn buu ku yeelanayaa dhaqaalaha shirkadaada ugubka ah. Cashuurta lagaa qaadayo waxaa ay ku xiran tahay hadba qaab shirkadeedka aad doorato. Qaab shirkadeed waxaa loola jeedaa, qaabka mulkiyada shirkadu ay tahay. Tusaale ahaan waa kala duwan yihiin sharciyada lagula dhaqmo shirkada uu hal qof leeyahay iyo tan ay dhowr qof wadaagaan. Waxaa muhiim ah inaad si wacan u dhex gashid oo aad baaritaan ku sameysid noocyada kala duwan ee qaab shirkadeedyada wadanka aad ku nooshahay ka jira.
Shirkadda hadii ay magacaaga ku qoran tahay, waxaa shirkada lagala mid dhigaa qofka iska leh. Taasi waxaa ay keentaa in haddii shirkadu kacdo ay saameyn xoog leh ku yeelan doonto dhaqaalahaaga gaarka ah. Sida gurigaaga, baabuur, beer iyo waxii kale ee aad leedahay. Halka haddii la haanshaha shirkadu ku saleysan yahay nidaam saamiyadeed aanu saameyn dhaqaale qofka ku yelaan karin , waa hadii shirkadu khasaarto. Taas macnaheedu waxaa weeyaan, waxaa khasaarayo shirkadii oo kali ah. Hantidaadii gaarka ahayd sida guri, baabur iwm way kuu badbaadayaan. Habkani waa hab shirkadeedka ugu badan ee laga isticmaalo wadamada reer galbeedka, waana qaabka ugu qasaaraha yar haddii shirkadu kacdo( khasaarto).


Gebagebo

Taxanaha maqaalkan aan ugu magac daray “Maxaa muhuum u ah sameynta shirkad ganacsi”, waxaa aan uga gol lahaa inaan wacyi geliyo dadka soomaaliyeed ee doonayo iney shirkad sameeyaan. Dadkaasoo aan dhamaantood fursad u helin iney bartaan cilmiga ganacsiga. Waxyaalaha aan ka soo hadalayna waa arimo aad muhiim u ah, gaar ahaan bilowga hore ee shirkadda. Qofkii doonaayo inuu shirkad sameeyo, islamarkaasna raaca waxyaalaha aynu kasoo hadalay, waxaa ay aad ugu badan tahay inuu ganacsigiisa ka guul gaaro. Waxaan kaloo jeclahay inaan xuso inaaney ii suurto gelin inaan ka hadlo waxyaalaha shirkad muhiim u ah oo dhan. Taasina ay u baahan tahay in buug laga qoro, balse aan lagu soo koobi karin dhowr maqaal oo gaagaaban. Waxaan wax ka qoray intii allaha awooda lihi iga haleelsiiyey. Haddii hal qof oo soomali ah uu ka faaìideystey qoraaladaas, ujeedadii aan lahaa qayb weyn oo ka mid ah waa la gaarey. Waxaan dhamaan dadka soomaaliyeed ku dhiiri gelinayaa iney ka faaìideystaan wakhtigooda qaaliga ah. Gaar ahaan ay ku dadaalaan sidii ay uga faaìdeysan lahaayeen alaalada “Internetka”. Waxaa la hubaa haddii aaladaas loo isticmaalo si wanaagsan in waxbadan laga baran karo. Waxaan kaloo rajeynayaa in maqaaladan aan qoray ay ku dhiiri geliyaan aqoonyahanada kale ee soomaliyeed iney dadkooda u faaìideeyaan. Taxanihii maqaaladana intaas ayuu ku eg yahay. Waxaan ku kulmi doonaa maqaalo kale oo ganacsi/dhaqaale- inshaa allah.

Mahadsanidin

Kulaabo Qaybtii 2aad

Cabdirisaq Maxamed Xuseen
University of Gavle- Sweden
habdirisak@hotmail.com

Qaybta 1aad | 2aad | 3aad

QORAALADII HORE EE CABDIRISAAQ

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 23, 2004

Maxaa Keenay Hoos u Dhaca Dollarka Mareykanka?

Maxkamadda Sare Ee Kanada oo Xukuntay
in Edbinta Caruurta Loo isticmali Karo Xoog Macquul ah Guji..

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa
 


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD