w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
-
SWEDEN
|
Janaayo 12, 2004
Telefeyshinka Sacuudi Careebiya oo
taariikhda markii ugu horeysay ay gabar weriye ah ka dhex muuqatay.
Saudi..TV...
Weeraradii lama filaanka ahaa ee ka dhacay dalka Mareykanka 11 septermber
ee 2001-da,waxaan shaki ku jirin in isbadal weyni ay dunida gashay, kadib
markii maalintaasi noqotay maalin abuurtay in dagaal toos ah lala galo waxa
loogu yeeray Argagaxisada. Hase ahaatee la filimenyn in isbadalkii dhacay
maalintaa kadib ay saameyn weyn ku yeelan doonto meelo badan oo caalamka
kamid ah.
Hadaba telefeyshinka dalka Sacuudiga careebiya oo markiisii hore looga bartay
iney badi ka howl galiaan ragg oo keliya ayaa shalay oo axad ah waxaa markii
ugu horeysay taariikhda telefeyshinka dalkaasi ka muuqatay gabar weriye ah oo
magaceedii lugu sheegay Xusna. Gabadhan weriyaha ah ayey fajaciso ku noqotay
in gabar u dhalatay dalkaasi ay isa soo taagto telefeyshin adduunyadoo dhan
laga fiirsanaya.
Kanaal cusub oo loogu magacdaray "Al akhbaariyah" (Warka) ayey isa soo taagay
gabadhaasi weriyaha oo wejigeedii ka muuqday xamaasad ku dheehan xirnaashaha
ay haweenka sucuudiga ka xirnaayeen saxaafada gaar ahaan telefeyshinada oo
iminka waa cusub u baryey.
Barnaamijyada telefeyshinka Al-akhbaariyah oo ka kooban warar,wareysiyo,
dhaqaalaha iwm ayaa ku bilowday mid laagaga hadlaayey guud ahaantii
booqashadii uu ku yimid dalka Sacuudiga boqorka Jordan oo haatan booqasho
rasmi ah ku joogo halkaas.
Markaa kadib ayaa gabadhii weriyaha aheyd waxaa intii ay ku jirtay akhrinta
warka u wareejisay daawadayasheedii weriyayaashooda ku sugan dalalka Ciraaq
iyo Israa'iil oo si toos ah ugu jiray muraayda la iska arko halkaasi ay kasoo
gudbinayey dhacdooyinka ka dhaca Dhulalkaasi carbeed ee la heysto.
Dhanka kale weriyeyaasha ka howlgeli doona ayaa ilaa iyo hada inta la ogyahay
ka koobnaan doonaan afar haween ah kuwaasoo joogto u akhrin doona wararka iyo
dhalinyaro kale oo la sheegay iney tababaro ay siineyso dhigooda kale ee
telefeyshinka Al-Carabiya oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka
Isutaga Imaaraadka Carabta.
Talaabadan ay qaadeen mas'uulinta dalka Sacuudiga ayaa loo arkaa iney tahay
mid aad soo dhaweynayaan dalalka reer galbeedka gaar ahaan maamulka Bush oo
marar badan ku cel celiyey in gobolka bariga dhexe laga abuuri doono waxa uu
ugu yeeray "
dimoqraadiyad" dagaalka Ciraaq kadib, taasoo iminkaba dadka indho indheeya
siyaasada bariga dhaxe ay sheegayaan in dalka Sacuudiga uu yahay meelaha ugu
horeysa ee Mareykanku doonayo iney isbadalo ka sameeyaan.
Dalalka ku yaala gobolka gacanka Carabta ayaa waaydanba waxaa u dhaxeeyey
dagaal xagga warfaafinta ah oo ku saleysan siddii loo kala helilaaa
kalsoonida daawadayaasha carbeed
ayaa la runsan yahay telefeyshinka Al-Carabiya oo ah mid ay maal geliyaan
dalka Sacuudiga ujeeda loo sameeyey ay tahay siddii ay uga guuleysan
lahaayeen baratanka kala dhaxeeyya telefeyshinka loogu daawashada badan yahay
dunida carabta iyo islaamkaba ee Aljazeera oo waaydan danbe u muuqda inuu
yahay CNN-tii dunida carabta.
Isku soo wada duuboo isbadalka xagga saxaafadeed ee iminka ka curtay dalka
Sacuudiga ayaa ah mid wax kabadaleysa caburintii saxaafada Sacuudiga lugu
hayey gaar ahaan dumarka oo aan loo ogolaan jirin iney wejiyadooda ka
muuqdaan muraayda la iska arko. Balse taasi macnaheeda ma ahan in qeybihii
kale ee dumarka Sacuudiga cadaadiska xagga dhaqanka iyo diinta ku jiray ay ka
baxday, balse
waase bilowga qarshaha uu Mareykanka la damacsan yahay dalkaasi.
Waxaa isku soo duwday;
Ikraam Cali-kaar
ikraam@journalist.com
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
June 13, 125
|

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
Denmark:
Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah
weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan
muslimka ahayn”...
Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala
Diinta Islaamka..
Guji
USA:
Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro
ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa...
Guji
London,
UK:
Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano
kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV
si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay...
Guji
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|