SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Janaayo 12, 2004
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Ayaa Sheegay In Ciidamada Puntland ay ku Yeelan Doonaan awoodoodii ciidan Gobolka Sool..
 

Daabaco Boggan | Print

Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)


Abdiqassim Salad Hassan, iyo Abdullahi Yusouf Ahmed oo gacanta is haysta, kulankii Nairobi ee  January 9, 2004 (Sawirka: Reuters)

WARBIXIN: SHIRKII 9/1/4 ee SOOMAALIDA LOOGU QABTAY NBI

War saxaafadeed uu maanta (Jan 11, 2004) ku qabtay magaalada Laascaanood Taliyaha Ciimada Booliska Puntland G/S. C/risaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud) ayaa ku sheegay in ay tahay markii ugu danbeysay ee gobolku uu ku jiri lahaa khalkhal, balse markan uu amaanka gobolku yahay mid sugan.

Taliyuhaha Booliiska Puntland wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamo xoog lihi ay dhinac walba ka fadhiyaan gobolka oo aan cadow marna soo cabin Karin, waa siduu hadalka u yiriye.

Wuxuu kaloo u digay dadka magaalada dhexdeeda ka abaabulaya in dadku ay qaxaan in ay yihiin kuwo dan gaar ah leh, loona aqoonsan doono danbiilayaal dagaal.

Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha Ciidamadu in talaabada ay ciidamada Boolisku iyo Daraawiishtu qaadayaan ay tahay mid dadkooda loogu daneynayo, isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri “magaalada Laascaanood Caruurtayda ayaa degan, naftayduna waa joogtaa qaxina mayo, waxaana u dhimanayaa in aan difaaco sharafta ummada reer Puntland, lamana soo dhaafi karo talaabo ka mida meesha ay ciidamadu fadhiyaan, ilaa iyo la waayo ciidamada Puntland gebi ahaantoodba, hobyo ilaa ceel cad ayaa ciidmada puntland ka soo qulqulayaan, xoogna waa ay ku yeelan doonaan gobolka Sool, xukuumaduna indho kale ma laha” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay magaalada Yagoori ay u gaari waayeen ayuu yiri ”Magaalada Yagoori waxaa ku sugan dad tolkay ah, waxaanuna doonaynaa in aanu xal nabadeed ku wada hadalno, waxaana ku sii socda odayaal iyo waxgarad kuwaasoo u socda sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaalada is fahmi waaga ah ee dadka dhex taala, xal waara ayaa laga gaari doonaa maalmaha soo socda, waxaana la sugayaa inta odayadu ay ka quusanayaan dhinaca wada hadalka, nabadda ayaa noo ah, waxaana rabnaa in marka hore ay wax walbaa nabad ku dhamaadaan”

Dhinaca kalena mudaharaad balaaran ayaa saaka wuxuu ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood, kuwaasoo mudaharaadkooda ku muujinayey in aan loo baahneyn wax dagaal ah oo ka dhaca magaalada gudaheeda.
Inkasta oo dadku xusayeen maamulka Soomaaliland misana waxay isku raacsanaayeen in dagaalku uu yahay wax dhibaato badan leh aana loo baahneyn Dhiig uu ku daato magaalada Laascaanood gudaheeda

Cawaale Jaamac Salaad
Somalitalk.com
Garoowe
jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003 

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD