SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 12, 2004
Erataria Oo ka Hadashay Shirka Soomaaalida Uga Socda Kenya.

Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com

Nairobi, Kenya

12/1/2004

Daabaco Boggan | Print

Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)


Abdiqassim Salad Hassan, iyo Abdullahi Yusouf Ahmed oo gacanta is haysta, kulankii Nairobi ee  January 9, 2004 (Sawirka: Reuters)

WARBIXIN: SHIRKII 9/1/4 ee SOOMAALIDA LOOGU QABTAY NBI

Ergayga dowladda Erataria wakiilka uga ah arrimaha dib u heshiisiinta Soomaalida Mr Yohaness Berhe ayaa sheegaya in dowladiisu ay daneyneyso in natiijo ay ka soo baxdo kulamada imminka ka socda magaalada Nairobi oo ay leeyihiin madaxda kooxaha Soomaalida.

Danjiraha Erataria u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in xiriir wanaagsan ay la leeyihiin shacabka Soomaaliyeed mar aan waraysi la yeeshay dhowaan, waxaana uu sheegay in dawladiisu ay danaynayso dowlad ka dhalata Soomaaliya.

"Waxaan dooneynaa in mustaqbalka dhow aan aragno Soomaaliya oo midowday, anaguna waxaa ka taagannahay shirka Soomaalida meel dhex dhexaad ah, mana dooneyno dano gaar ah aan wadano" ayuu yiri danjiraha Erataria wakiilka uga ah arrimaha dib u heshiisiinta Soomaalida danjire Yohaness.

Safiirka ayaa sheegay in arrinta Soomaaliya ay tahay xilligan mid muhiim u ah guud ahaan gobalka oo idil isagoo sheegay xasilooni la'aanta ka jirta dalka Soomaaliya ay dareemayaan urur gobaleedka IGAD taasina ay tahay waxa ay Erataria u dooneyso xilligan inay ka qaadato kaalinta ay ku leedahay nabad ka dhalata Soomaaliya.

Erataria waxay ku soo biireen wadahadalada Soomaalida kulankii ay yeesheen madaxweynayaasha urur gobaleed IGAD oo sanadkii hore ka dhacay kampala, waxeyna Erataria ay aad ugu dhexjirtay xilligaas wixii ka dambeeyay arrimaha Soomaalida.

Safiirka wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan faragelin ka imaaneyso dowladaha darriska qaarkood iyo dowlada kale taasi oo uu sheegay inaysan wanaagsaneyn

Waraysiga safiirka Erataria waxaa uu ku soo beegmay xiligan iyadoo dawladda Itoobiya aysan ka dhex muuqan shirka soomaalida tan iyo intii lagu dhawaaqay gudiga fududaynta ee urur goboleedka IGAD.

-dhammaad-

QORAALADII HORE EE RIDWAAN

Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003 

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD