Janaayo 12, 2004
Colooshooda u Shaqaystayaal
Saamayn ku Yeeshay Sharciyadii Qaxootiga Soomaaliyeed ee Ku Dhibaataysan
Xeryaha Dalka Sweden
Ka dib bur burkii soomaaliya 1991,
waxaa wadamo ajnabi nabad iyo magan galiyo ugu yaacay malaayiin qaxooti
soomaaliyeed,
Wadamadaas oo badankooda aysan wadaagin shacabka
soomaaliyeed, Diin, Dhaqan iyo Midab. balse badankoodu diyaar u ahaa inay u
caawiyaan dadkaas tabaalaysan bini aadmi nimo.
Haddaba waxaa si xad dhaaf ah baryahaan dambe saamayn
ugu yeeshay degenaashihii la siinayey Qaxootiga Soomaaliyeed Colooshooda u
shaqaystayaal soomaaliyeed. Dibin daabyo iyo beenin ay beeninayaan dhibaatada
ay qaxootiga soomaaliyeed uga soo carareen dalkoodii.
Waxaa nasiib daro ah in qof soomaali sheeganaya uu is
hortaago xaqa qaxootinimo ee uu leeyahay qaxootiga soomaaliyeed ee ku
dhibaataysan xeryahay wadan Ajnabi.
Waxay beeniyaan dhammaan dhibta uu uga soo cararay
qofka soomaaliyeed dalkiisii markii uu garto Turjumaankaasi in uusan
Familkiisa ahayn laajigaasi,sida Lahjada uu ku hadlayo waa tii Reer Qansax ee
ma ahan Tii Reer Qurac. Arrintaas oo aan ku tilmaamayno Garaad xumo, iyo
Damiir la'aan. haysata Turjumaanada soomaaliyeed.
Waxaan ugu baaqaynaa qaxootiga soomaaliyeed ee degen
dalka sweden inay ka soo dhacsadaan xaqooda Jaajuusiinta soomaali isku sheega
ah, waxaana la isaga dhicin karaa iyagoo mamnuuca in ay u turjumaan
caseskooda, qofkii awooda inuu addeegsado luuqad kale oo ay isku fahmi karaan
Shaqaalaha Immigrationska inuusan dalban ama diidaba hadii loo keeno
turjumaan isku sheeg soomaali sheeganaya oo hadhaw casekiisa Proboganda ka
fidiyo. kadibna halkaas ku waysiiyaa xaqiisa qaxootinimo.
Waxaa ku nool Wadanka Sweden kuma'naan qaxooti ah oo
ka kala yimid wadamo kala duwan, kuwaas oo turjumaanada u turjumaa aysan ku
samayn wax ka baxsan inay u turjumaan dhibaatada uu sheegto laajigaasi. halka
kuwa soomaaliyeed ay ka bixiyaan faah faahin qaldan caseka laajiga soomaaliga
ah. iyagoo ku andacoonaya waa shaqadayadii oo waan ku khasbanahay. taasoo
aysana ku ka khasbanayn turjumaanada iyaga la mid ka ah-
waxaa warqadaan si wada jir ah u soo qoray dad ku
dhibaataysan dhawr xero oo ku yaal wadanka sweden-
Waxaan Ummada Soomaaliyeed Illaahay uga baryeynaa in
uu dhibaadad ka saaro dal iyo dibadba.
waxaadna nagala soo xiriiri kartaan wixii talo ah E-Mailkan
cabdiraxman19@yahoo.com
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey Cabdiraxman H.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|