Janaayo 13, 2004
Kulankii wada tashiga ee Hogaamiyayaasha
Soomaalida oo.....
Hogaamiyayasha Siyaasadda Soomalida ee ka qayb galaya kulanaka wada tashiga
ayaa maanta mar kale dib loo dhigay.
Kulanakan wada tashiga oo lagu tala galey in uu ka furmo Safari Park hotel
oo ku yaala Nairobi ayaa dib u dhigistiisa keentay iyadoon wali lagu
heshiinin Hogaamiyayaasha ka qayb galaya wada tashiga gaar u baxa oo tobon
maalmood ka socon doona Safari Park Hotel, shaley ayaa hogaamiyayaasha la isu
geeyey hotel kaasi si ay gooni gooni isugu arkaan iyaga dhexdooda.
Beesha Caalamka iyo IGAD ayaa wali ku guulaysan in ay ka dhaadhiciyaan
macanaha loogu soo darey kulanka wada tashiga Nabada soomaalida xubno ay ku
sheegay in aan looga maarmin wada hadalada Nabadeynta Soomaaliya.
Hogaamiyaasha ka maqan kulankan ayaa wali soo gaarin magaalada Nairobi oo
beryayahn la dhawrayey in ay yimaadaan.
kulanka ayaa lagu wadaa berrito in uu si rasmi ah u furmi doono walow aan
wali la ogeyn tirada dadka ka qayb galaya kulanaka wada tashiga nabada
soomaalida oo ka dhici doona safari Park Hotel muddo toban maalommod oo loogu
talagaley in la gudbiyo ama laga wada hadlo si fool ka fool ah caqabada ugu
weyn ee shirka oo ah ansaxinta buuga axdiga iyo dastuurka soomaalida oo la
rabo in lagu dhaqo dawlada ka dhalan doonta shirkan dib u heshiisiinta
Soomaalida oo 14-bilood ka socdey Kenya.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Nairobi Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 13, 2003
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|