SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

Janaayo 13, 2004

Qaanuunka caamka ah ee caalamka. (Sunnada Alle)

Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
E-mail: jibriil1950@hotmail.com

Hordhaca Duruustaan

Wakhti dheer oo kamid ah noloshayda ayaa waxaa igu soo dhacayay su,aalo badan oo ku saabsan islaamka iyo muslimiinta.

Hadda waxaan jiraa 45- sano. Wax ka badan kalabar oo kamid ah noloshayday waxaan ka shaqaynayay, fidinayay, daraasaynayay, baranayay, baraayay Diinta Islaamka. Kafikirkii iyo khibraddii dheerayd ee aan u yeeshay arrintaas ayaa waxay keentay inaan su,aalo iswaydiiyo sida:-

(a) Maxaa sabab u ah dib dhaca Muslimiinta, dhinackasta oo nolosha kamid ah.Meeday guushii iyo sarayntii Alle u ballan qaaday Muslimiinta? Meel walba ee kamid ah caalamka Islaamka waxaa ka jira dhibaato iyo darxumo wayn. Marka labar-bardhigo wadamada gaalada waxaa kuu muuqanaya in wadamada islaamku hooseeyaan meelo badan.

(b) Maxaa soomaaliya oo wadan Islaam ah ay u hanan wayday dawladnimadeedii oo ay u mudatay naxariista cadawgeeda?

(c) Maxaa Yahuudu had-iyo-jeer uga gacan saraysaa Muslimiinta gaar ahaan carabta ? Oo quddus loogu daayay Yuhuudda, Falasdiinna loogumaadayaa ?

(d) Maxaa dhaqaalaha, cilmiga, sancada, caddaaladda, ka fikirka danaha caalamka u badiyay wadama gaalada?

(e) Maxaa cilmiga, Caqliga, Xorriyadda hadalka, cirriiri looga dareemaa waddamada Muslimiinta. Markaad kuwa gaalada joogtana xorriyad iyo nabad loo dareemaa? Xattaa ducaaddii Diinta islaamka marka lagu xiro ama lagu laayo waddamada muslimiinta waxay u cararijireen wadamada gaalada ilaa xaalku isbadalay dhawaanahaan.

Su,aalahaas iyo kuwo kale oo badan oo lamid ah ayaan baarid iyo ku fikir badan ku sameeyay, waxaana rajaynayaa in aan helay jawaabo lagu qanci karo. Waa taas midda aan rabo inaan kaga hadlo Duruustaan aan ku qorayo internetka. Kadibna aan rajaynayo inaan buug ka soo saaro.

Jawaabahaas aan helay waxaan ka helay kitaabka quraankaa iyo Sunnada nabiga CSTWM. Sida ALLE Sheegay wax kasta waxaan ka helaynaa Quraanka, waase haddii aan il cusub ku eegno.

Saamaynta Wakhtigu wax walba ku yeesho, ayaa keentay in loo baahado in il cusub lagu fiiriyo mar walba arrimaha markaas taagan. Tusaale ahaan Waxaa soo maray wakhti dheer markii quraanku soo dagay ilaa-iyo hadda. Waa wax ka badan 1420 sano. Akhbaar iyo war galin da’deedu intaas tahay, waad dareemi kartaa isbadalka ku dhici kara iyo fasirada kala duwan ee soomaray caalamka islaamka. Taas macnaheedu waxaa weeya, marna lagama yaabo in fartiintu inagu soo gaartay sidii ay ahayd ama aan ka qaadanay fahamkii loola jeeday. Waa dabaeeci aan isbadal lahayn arrintaasi.

Baahidaasi, waa midda keentay inay dib-u-habayn kusameeyaan, Fahamka Muslimiinta, Culumo badan oo kamid ah Cullumadada Diinta Islaamka. Waxay daliilsanayeen wixii horay umaddu u haysatay ama u rumaysnayd. Hase yeeshee, waxay ku soo kor dhiyeen faham cusub,oo aan umaddu horay ugu baraarugsanayn. Sidookale, mamnuuc ma aha in haddana loonoqdo quraanka iyo sunnadda nabiga oo laga helo xal ku saabsan dhibaatada muslimiinta ee maanta taagan.

Wax kasta oo aan uga jawaabayo Su,aalaha aan kor ku soo sheegay, waxaan u celinayaa Quraanka iyo sunnadda Nabiga CSWSM. Sidookale waxaan wax badan ka akhriyay Calaamadaha(Aayadaha) Alle ee Jahooyinka iyo Nufuusta Insaanaka sida Alle ku sheegay Suuradda 41- Aayadda 53. Marka la soco mowduuc kasta oo kamid ah mawaadiicda aan ka hadlidoono wuxuu Jawaab u yahay su,aalaha kor lagu soo sheegay.

Wax walba waxay ku shaqeeyaan qaanuun(Sunna ilaahiyah)

Caalamkaan aan ku noolahay waxaa abuuray, Allaha Raxmaankaa.Wuxuuna ku abuuray oo ku sameeyay, Qaanuun dabeeci ah oo maamula wax kasta. Ciyaarna uma abuurin. Alle wuxuu yiri “SAMADA IYO DHULKA IYO INTA U DHEXAYSA MA’AANNAN ABUURIN ANNAGA OO ISKA CIYAARAYNASuuratu-mu’minuun- Aayadda 16-aad.. Qaanuunkaasi waa joogto aan isbadalin oo isku-si ugu shaqeeya ama uga shaqeeye qof kasta iyo qolo kasta. Midab kasta iyo Diin kasta oo uu yahay.

Waa qaanuun ka turjumaya caddalada Alle iyo xikmaddiisa aan xadda lahayn. Waa qaanuun joogto ah aa aan marna isbadalin. Waa qaanuunka siiya Insaanka awoodda uu ku hogaamiyo oo ku maamulo caalamkaan ama (Koonkaan). (SOOW MAAD ARAG SIDA ALLE IDIINKU SAKHIRAY WAXA DHULKA YAAL IYO DOONYAHA IYO BADDA…..) Suuratul xaj ayaadda 65. Alle wuxuu diin sakhiray, habaynka,maalinta,qoraxda,dayaxa,xiddigaha. Dhamaan amarka Alle ayaa la’idiinku sakhiray.Suurutu-nnaxli(16) aayadda-12.

Dhamaan ayaayadaha badan ee ku yimid quraan kariimka ah oo ka hadlaya sakhiraadda Alle ee uu u sakhiray Inasaanka Kownkaan, macnaheedu waa in insaanku raaco oo fahmo qaanuunka caalamka kadibna danihiisa u adeegsado.

Sidaas daraadeed, waa in insaanku: 1- Rumeeyo oo aqoonsado in kownkaan (caalamkaan) Nidaam leeyahay oo qaanuun lagu hogaamiyo. 2- In qaanuunkaas la barto oo lafahmo, kadibna loo adeegsado maslaxadda insaanka. Waa taas midda ka maqan muslimiinta oo aysan siin muhimad ku filin. Waana taas midda dib riday oo asaagood ka reebtay. Muslimiintu waxay rabaan inaysan raaci oo rumayn qaanuuka Alle ee Caalamkaan maamula. Waxay rabaan in iyaga lagu dhaqo arrin gaar ah oo mucjiso ah, oo Alle si gaar ah iyga ula jiro. Taasina waa Caqiidadii Yahuudda iyo Nasaaraa oo Alle inooga digay inoona sheegay inay khalad tahay.

Qaanuunkaas jiritaankiisa waa mid la qiray oo la isku waafaqsanyahay, oo ayna jrin cid diidan ama dood kaqabta. Dhamaan Diinaha, Cilmiga, Caqliga iyo tijaabadu waxay sugeen jiritaan qanuukaas.( Sunadda Alle)

Quraanka kariimkaa aad ayuu ugu xeel dheeraaday qaanuukaas caamka ah, kuna baraarujiyay muslimiinta inay isticmalaan oo fahmaan qaanuunkaas.”Qaanuunka Alle ee lagu dhaqay umadihii hore,Ma’helaysid isbadal Sunnada AlleAxzaab- Aayadda-62. “Miyay sugayaan waxaan ka ahayn in lagu dhaqo qanuunkii lagu dhaqay kuwii iyaga ka horeeyay,waayo Sunaada Alle isma badasho,mana heli kartid in la wareejiyo oo ninaca kale loo rogo” Suuradda Faadir-(35) Aayadda-43. Laakiin muslimiinta waxaa ku dhacay cudurka caadiga ah ee ku dhaca bulshooyinka caalamka. Kaas oo ku dhacay umadihii ka horeeyay muslimiinta sida” “Aly-ahuud wa Nnasaaraa” cudurkaas dabeeciga ah ee ku dhaca umadaha markale ayaan faah—faahindoonaa. Laakiin hadda waxaan u bixinaynaa magac aan ku garno cudurkaas. Magacaas waxaan u doortay “ Uqaadasho” Waa cudurka u qaadashada.

Cudurkaas ku dhaca bulshooyinka caalamka ee “Uqaadashada” Macnihiisu waxaa weeye in u madaasi ay shay ama walax, uqaadato si uun. Shay kasta waxaa laga haystaa sawir iyo macne, run ama been, sidaas ayaana looyaqaan. Markasta qofku ku fikiro ama maqlo eraygaas wuxuu ku fikirayaa macnihii uu uyaqaanay ama uu u haystay ee marna kuma soo dhacayso in wax kale ama macne kale loola jeeday ama uu yahay. Waayo saas ayaa loo baray, sidaas ayuu ka soo gaaray culumadii hore ee wax soo bartay,sidaas ayaa lagu fasiri-jiray waligeed. Tusaale ahaan, Ayadaha Qoraanka ee ka hadla shirkiga Alle loo shariikyeelo xumaanteeda, waxaa loo haystay muddo dheer inay ka hadlayaan mushrikiintii carbata iyo sanamyadii ay caabudi jireen kaliya.Marna laguma fikirin in loo daliishankaro ama ay soo hoos galayso, Baryada Awliyadda Alle iyo Qubuuraha ladawaafayo oo wax la waydiisanayo. Ilaa mar danbe Alle soo saaray Culomo dadka wax u iftiimiyay oo u sheegay in Xattaa Muslimiinta aayaduhu khusayn karaan. Waa sidaas cudurka u qaadashadu. Su’aal kama furna. Lama tijaabiyo. Lagama doodo. Waa sidaas loo qaatay ama loomaqlay.

Gaar ahaan Caalamka Islaamka kama furna su,aal wixii si looyaqaanay ama si looqaatay mar hore. Qof kasta oo shay noocaas ah su,aal ka keena ama kadooda waa bidcay ama Munaafaq. Marka waa sahal in cudurkaasi si sahlan u faafo oo waliba uu noqdo waxa kaliye ee jira.

Qaanuunkaas caalamka xukuma waxaa kamid ah:

1- Qaanuunka “ Physical laws” Waa qaanuunka xukuma waxa aan ku sheegno Cuf jiidadka ama “Law of gravity

2- Qaanuunka dhacdo iyo ka dhalato. “Cause and effect

3- Qaanuunka Ruuxda “Spiritual laws” Waa qaanunka xukuma xiriirka qofka iyo Alle ka dhexeeya. Waa qaanuunka qofka iimaanka leh siiya ,awoodda,isku-kalsoonida,dhiirinida,cabsi,la,aanta.farxadda, deeqsimimada iyo wixii lamid ah.

4- Qaanuunka maskaxaha. “Mental laws” waa qaanuunka dhisa fikirka qofka isla markaasna qof walba noqdo sidii uu u fikiro. Qaanuunka maskaxdu wuxuu u egyahay qaanuuka jirka. Sida jirka qofku u quuto Raashinka iyo nafaqada kale ee uu u baahanyahay ayaa Maskaxda Insaanku u quutadataa afkaarta lasiiyo. Sida jirku u macaluulo haddii uusan helin raashin tayo leh ayaa maskaxda Insaanku u macaluulshaa haddii aysan helin fikir fiican oo quudiya. Sida jirku ugu naaxo barwaaqada iyo ladnaanta ayaa maskaxdu ugu naaxdaa afkaartaa wanaagsan iyo caqliga fiican. Sida jirku ugu sumoobo raashinka sumaysan ayaa maskaxdu ugu sumootaa afkaarta xun ee sumaysan. Waa taas midda Alle inooga raabay inaan dhageeysano Erayada xun sida: Xanta, Beenta, laqwiga, (waa hadalka iyo haasaawaha aan macnuhu ku jirin).

Qaanuunadaas caamka ah ee caalamka xukuma waxaa kamid ah, Qaanuunka fashalka iyo Najaxidda. In lafashalmo ama lanajaxo waxkale kuma xirna, kaliya waa qaanuun la dabaqo, ama lagu fashalmo in ladabaqo ama lafuliyo. Fashalka nolosha-dhaqaalaha,maamulka,cilimiga,dowladnimada,arimaha qooyska iyo wax kasta oo kamid ah nolosha aduun iyo aakhiraba- waxay ku timaaddaa qaanuun. In lagu najaxana waxay ku timaadaa qaanuun. Majiro wax kale, majiro dulmi iyo eex. Sidaas ayaa Alle u sameeyay, ee hafilin inaad iska guulaysato ama iska guul daraysato,ama si gaar ah adiga laguu eego oo qaanuunka lagaa cafiyo. Aduunkaan majiraan wax iska dhaca ama si iska noqda. Caqiidadaas beenta ah ee ciyaarta iyo xikmad darrada ku dhisan majirto. Erayga afsoomaaliga ku jira ee la dhaho “iska” raad kumalaha nidaamka Alle. Mana jirto wax la dhaho iska. Waan iska irri, waan iska helay, waan iska yeelay,waan iska diiday,waan iska tagay,waan iska imid……..taasi majirto.Waana midda keentay waxa aan hadda nahay.

Inaad hesho waxaad rabto ama waydo kaliya waxay u khuduucaysaa ama u hogaansanatahay inaad fuliso shuruudda qaanuunkaas ama aad fulin waydo.

Haddii yahuuddu ogaatay ama cintiraaftay qaanuunkaas, kadibna isticmaashay waxay heleen natiijadii oo ah in qaanuunku u shaqeeyo,oo ay helaan waxay karbeen. Haddii Muslimiintu inkiraan ama diidaan qaanuunkaas oo kaliya ku kaaftoomaan “ Waa amar ilaahay, waa qadar ilaahay, ama sidii Alle kadhigo ayay noqon” Hadday intaas kaliya ku kaaftoomaan oo aysan raacin Sunnad Alle ee kawnka, waxay helayaan natiijo aan farax galin. Waana tan hadda jirta.

Sababta ugu wayn ee muslimiintu u dib-dheceen waa rumayn la’aanta qaanuunka Caalamka iyo curyaaminta caqligooda, ayaga oo qiil ka dhiganaya inay ILAAHAY wayneynayaan, oo wax walba awoodiisa ku xirayaan.Haa, Alle waa mudanyahay in lawayneeyo oo laqadariyo,laakiin macnaheedu ma,aha in sharcigiisa iyo qaanuunka caalamka la diido ama la’inkiro. Kadibna meesha laga saaro dowrka insaanku ku leeyahay maamulka caalamka iyo naftooda oo Alle siiyay una sakhiray.

»Isbadal Waa Lagama Maarmaan  [Shiikh.Jibriil]

Shiikh Cabdiraxmaan Maxamed Jibriil
E-mail: jibriil1950@hotmail.com

Kenya,Nairobi.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Jan 13, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD