SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 16, 2004

BALAN AMA NABAD MIDNA KAMA HELNO

 

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU.

Ilaah baa mahad leh, nabadgelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato midka ugu sharfanaa uguna danbeeyay Rususha iyo Naniyada Eebe Muxammed(nnk)

Waa mahad Illaah mar haddaan nahay dad muslimiina. Kitaabkeena Qur'aankuna uu yahay kitaabka uu Eebe noo doortay inaan ku hanuuno oon raacno, kaasoo uuna jirin wax wanaageenu uu ku jiro oo ka maqan, noogana digaaya halka ay xumaan nooga imaaneyso oo dhan. Kitaabkaasoo nafsad ahaan-tiisa ah mucjiso, mucjisooyinka ku jirana ay maalinba maalinta ka danbeeysa soo cadaanayaan oo la arkayo, oo markuu mid isku sheegaya inuu leeyahay cilmi, uu sameeyo baaritaan iyo daraasad dheer, oo qof uga horeeyaysaga uuna jirin, uu soo bandhigo baaritaankaa iyo daraasadaa wixii uga soo baxay la arko asagoo uun dhex dabaalanaya wax uu Qur'aanka Kariimku ka hadlay qarniyaalo ka hor. Mucjisooyinka Qur'aanka Kariimka ku jirana ay ahaan doonaan mid la daahfuro midba maalinteeda inta dunidan lagu nool yahay INSHA ALLAAHU.

Waxaanse waxaan anigu la yaabo ila ahayn, marka midaan aaminsanayn Quraanka ama aan aqoonin uu sheegto in wax uu tijaabiyay natiijo uga soo baxday, natiijadaasoo ah wax uu Qur'aanka Kariimku oranayo. Ee waxaa wax laga yaxyaxo ah marka mid Illaah uu Qur'aanka Kariimka hanuun u siiyay, uu meeshuu ka raadin lahaa arinta uu rabo inuu ka hadlo waxa uu Qur'aanku ka leeyahay, uu yirah baaritaan ay sameeyeen hebel iyo hebel ayaa lagu gartay inay arintan jito, uuna hubinba halka ay hebel iyo hebel ka heleen fikradda baaritaankaa.

Tanina waa markaan arkay waxa uu ku doodayo mid inaga mida, oo afkeena ku hadlaya, oo aan filayo uun in marin habaabini ku hogaamisay inuu u hadlo sidaan oo ah "IN YUHUUDA OO UGU CAQLI BADAN UGUNA DHAQAALO ROON LAGA MASEYRSAN YAHAY."

Xagga caqliga markaan ka hadlo, wuxuuu ninkan indhaha ka qabsaday oo uu dhinaca iska dhigay bishaaradii malaa'igtii uu Rabigeenu u soo diray Aabaheen Nabi Ibraahiim(nnk) inay ugu bishaareeyaan wiil oo ahayd,

WAXAYNA UGU BISHAAREEYEEN WIIL CILMI YEELAN

Qur'aanka Kariimka Suurat Ad-Daariyaat aayada 28

Cilmigana lagu gaaro uun xaga caqliga iyo wax garashada uun.

Waana wax uu Illaah gooni u siiyay ilmo Isxaaq(nnk) inay ahaadaan kuwo ka caqli badan dadka kale, balse dadka ninkaa uu ka hadlay ee Yuhuuda ah, caqligii Eebe uu dadka ka dheereysiiyay ma anfacay? Majiraa dad Illaah caasiyid dadkaa ka badsada?.

Waa dad sheegta jiritaanka Illaah iyo inuu koonkan asagu maamulo oo wax walba amarkiisa ay ku socdaan. Haddana ku jeesjeeseen oo yiraahdeen, "Illaah waa faqiir oo anaguna hodon baan nahay" "Illaah gacantiisu wey laaban tahay(wax ma bixiyo)

Marna ku been abuurteen oo yiraahdeen, "Waxaan nahay caruurtii Illaah iyo kuwa uu jecel yahay" "Illaah nama cadaabayo

Beeniyeen rusushii loo soo diray oo dileen qaarka mida. Waxay ahaayeen, yihiin, ahaana doonaan kuwo xaqa ka jeeda oo lunsan, aduunyada yihiin kuwo duli iyo xumaan la dul dhigay, oo maalinteey isbidaan inay yihiin kuwo awood leh, uu Eebe u soo diraa kuwo cirib tira oo cadaabta aduun dhadhansiiya, aaqirona yihiin kuwo Illah u carooday oo naxariistiisa laga fogeeyay.

Tan dhaqaalaha haddaan ka hadlo, waa dad jecel inay dadka xoolahooda ku cunaan si xaqdaro ah. Caalamka maba jiraaba dadkaa dad la mida oo sida ay ribada u cunaan u cuna ama u jecel, waana waxa Rabi noogu sheegay inay yihiin.

QAADASHADOODA RIBADA IYAGOO LAGA REEBAY

XAGGEEDA IYO KU CUNIDA XOOLAHA DADKA SI

BAADIL AH.

Qur'aanka Kariimka ah Suurat Al-Nisaa aayada 161.

Marka maseyr laga maseyersan yahay ma aha ee waa dad uu Illaah ku ibtileeyay inay dadka dulmaan, waxaan aragnona waa wixii dulunkii ay dadka u geysteen uga soo baxay, mana aha inay ka cabaadaan oo yiraahdaan, waa nala neceb yahay, oo nalaka maseyrsan yahay, oo waxaan nahay dad dunidaan dusheeda lagu dulmayo, saas ma aha ee waxaad geysato uun baa laguu geysan.

Marka waxaan oran lahaa ninkaa dad Ilaahoodii abuurayba u gafay, maxaad adigu ka xigsataa ood u difaacdaa, waxaad ka heleyso oo lugooyo iyo halaag aan ka ahayn ma jirto, balse waa waxa maanta Muslimiin badan la dhunsan yihiin, ayagoo raba inay balan ama nabad la galaan ama ka helaan dad uu Illaahhey noogu sheegay inaan labadaaba laga heleyn, haddaan taa ka raadinana waxaan filayaa inay tahay wax aan dhaceyn.

MARKASTOOY BALANTAMAANA YUHUUDU WAXAA TUURA(BURIYA) BALLANKA KOOX KA MID AH, SAAS MA AHEE YUHUUDDA BADANKOOD WAXBA MA RUMEEYN.

Qur'aanka Karimka Suurat Al-baqarah aayada 100

WAXAAD ARKEYSAA WAX BADAN OO KA MID AH OO U DEGDEGI DEMBIGA IYO COLNIMADA IYO CUNIDA XAARAANTA WAXAA XUMAAN BADAN WAXAY FALI.

Quraanka Kariimka ah Suurat Al-Maa'dah aayada 62

Haddaan niraah waxaa jira qolo yar oo uu Illaah noo sheegay inay xaqa raacaan, waxaan oran lahaa waxaa qoladaa loo maqli karin waa xaqdarada uu dimuqraadigu maanta caalamkan ka wado, oo ah in codka badan la maqlo oo inta yar ayna wax tarin, xataa hadday saxsan yihiin oo aygu runta sheegayaan.

Caalamkuna uu maanta u batay xumaan, oo wanaagiiba uu yaraaday.

Wasalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu

Waa

YUUSUF CABDI SAHAL
yussuf_hiddig@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Jan 16, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD