SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 19, 2004

Dhamaadka Wakhtiga Aduunka(apocalypse).

Dr. Saciid Ciise
Maine, USA
Saciidciise258@aol.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Waxaa la qiyaasayaa in dhamaadka aduunkan uusan noqoneyn mid farxad ku dhamaada, sadaashuna waxey tilmaameysaa cabsida laga qabo circa, dadka, iyo islaweynida dowlad xoog weyn. Sababaha keeni kara halista aduunyo gadoonka ayaa ku saleysan aqoonta inta heerkeedu gaarsiisan yahay maanta. Marka haddii aad aragtid wax kaa yaabiya ama ku naxdin geliya ama aad qaadan kari weysid, ogsoonow in ujeedu tahay in wax yar lagu kordhiyo aqoontaada, wax walbana ay ka weyntahay waxaad aaminsan tahay.

Jiritaanka Cirka(universe): dhulalka ku dhex jira cirka waxay ka bilowdeen meel yar oo kooban, waxeyna ku bilowdeen garax la magac baxay Big Bang, waxaana halkaas looga haray wixii qaraxaas keenay iyo wixii ka horeeyey. Qaraxaas wuxuu socdey waqti hal malyan oo jeer ka yar ilbiriqsi, kaas oo heerkulkiisu gaarey qiyaasta malayiin bilyan oo ah cabirka kuleylka. Isla wahktigaas yarna waxaa iftiin aad u xoogan ka abuurmay waxyaabihii saldhiga u noqon lahaa abuuritaanka waxyaabaha maadigaa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Protone, electrone, neutrone iyo waxyaabo ka sii yaryar. Waxey qaadatay 300.000 oo sanno sidii uu u qaboobi lahaa si ay u sameysmaan atamyada kala duwan oo shey walba nuuciisu ka abuurmo, waxaana ugu horeeyey dhalashada hawooyinka fudud. Qaraxaaas waxaa ka dhashay wixii u horeeyey oo miisaan iyo culaab leh, sidoo kale waxaa la bilowday cabirka wakhtiga iyo dhererka sheykasta mug ahaan uu qaato(time & space). Cirka da`diisa waxaa maanta lagu qiyaasaa inuu jiro 13 bilyan oo sanno. Sidaas oo ay tahay ayuu weli yahay wax kooban oo aan ka badneyn bar yar oo iftiimeysa oo ku dhex jirta hawo maran oo mugdiya oo aan lahayn dhamaad. Taas waxey weli kuu muujineysaa in da`da cirku uu yaryahay oo aysan weli fari ka qodneyn. Waxa aad aragtid marka aad cirka fiirisid waxa ay tahay qeyb ahaan dariishad kooban oo cirka ka mida.

Albert Einstein ayaa 1916 wuxuu soo saaray murti ah haddii la helo kul aad u badan waxyaabaha culeyska leh waxey ku ordi karaan xawaaraha ifka oo ah 300.000 kilomitir(km) ilbiriqsigii, qeyb ka mida miisaankiisuna waa uu dhumayaa oo waxey isku rogeysaa iftiin. Sidoo kalana ay dhacayso marka iftiin xoogan uu aad u kululaado in wax miisaan leh uu ka dhasho. Waxyaabihii u horeeyey oo cirka ka sameysmay iyo duufanadii la abuurmay waxey sababeen iney kala baxaan oo ku fidaan hawada mugdigaa ee ku wareegsan. Isku dhacooda iyo isqabsigooduna wuxuu abuuray iney dhashaan goobo aad u fara badan oo wax yaabahaas ay isku urursadaan, waxaana sidaas ku bilowday bilowgii abuuritaanka waxa loo yaqaan Galaxy oo ah balaayiin xidigood oo dhul kooban ku aruursan. Kuwaas waxey la mid yihiin jasiirado urursan oo koox koox ugu dhex fidsan badweyn madow. Ilaa iyo hadda galaxsiyadaas waa fidayaan oo dhexdooda ayaa sii kala jabaya oo sii fidaya, welina ma muuqato mar ay circa wada iftiimin doonaan oo wada gaarayaan. Waxaa la cabiray in 65 km oo dherera ay daqiiqadiiba ku kordheyso kalabaxa ay ku fidayaan dhulka ay ku aruursan yihiin xidigahaas. Galaxsiyadaas waxey maanta ku fadhiyaan dhul dhererkiisu uusan caqliga aadamigu soo koobi karin, sidaas oo ay tahay weli waa cirbad caaradeed marka loo qiyaaso weynanta circa madow. Midabka madow ee circa ayaa astaan u ah in cirku uu ka soo dhashay dhul kooban, uuna leeyahay cimri kooban., maxaa yeelay weli da`diisu ma gaarin in iftiinka xidigaha ay kuwada fidaan dhamaan circa. Cirku waa mugdi damaashaad badan, oo intaas waxaa dhalanaya xidigo cusub, waxaana dhimanaya kuwo kale. Dhulalka cirku waxey u dhashaan si isku eg, oo marka uu sameysmayo xidig cusub waxaa marka hore is urursada daruuro ay ka buuxaan hawooyinka shidaalka qumbulada curiya(hydrogen), cadaadiska isku haya oo xoogan iyo kulka oo badan ayaa waxaa ka dhalanaya qaraxa qumbulada, waxaana si isdaba jooga markaas ka dib si silsilada u soconaya qaraxaas oo dibeda u soo tuuraya kul iyo iftiin.kumanyaal malyan oo sanno ayuu xidig bixiyaa iftiin ilaa inta uu ka dhamaanayo shidaalka, oo marka uu cusub yahay iftiinka uu bixinayo wuxuu xigaa buluug, taas oo muujineysa kulka korkiisa ka baxaya oo aad u badan. Marka ay dhacdo in xidig uu ka dhamaan rabo hawoooyinka uu shidaalka u isticmaalo, iftiinka uu bixiyo waa mid xiga gaduud, kaas oo muujinaya in uu duqoobey oo uu korkiisu qaboobey. Marka uu ka dhamaado shidaalka wuxuu bixiyaa iftiin kala duwan oo marna shidmaya marna demaya, biligbiligtaas xoogan wakhti ka dib waa dhimanaya, wuuna burburayaaa.

Marka ay dhacdo wakhti dheer ka dib in xidiguhu ay ku kala firdhaan inta ay gaari karaan circa oo lawaayo xidig xidig u dhow, haddana ay dhamaato shidaalka ku keydsan hawooyinkaas oo dhamaan la isticmaalo, circa waxaa ku imaanya dhimashada kulka, waxaana meel walba gaaraya qabow aad u daran iyo mugdi, wax walbana waxey u noqonayaan waxyaabihii saldhiga u ahaa abuuristooda, waxaana dib u adkaaneysa kuleyl la`aan in waxyabihii jirey dib u dhashaan.

Dhulalka Qorraxda(solar system): qorraxdu waa xidig weynaantiisu tahay dhexdhexaad, wuxuuna ka mid yahay bahda xidigaha ururay ee loo yaqaan Milky Way Galaxy, kaas oo ah qeybta aan uga jirno cirka. 4.6 bilyan oo sanno ka hor ayey sida xidigaha kale ka soo abuurantay hawo iyo bus aad u badan oo isku timid. Waxey qaadatay iney ku dhameystiranto 10 malyan oo sanno. Waxaa la aaminsan yahay in qorraxdu ka dhalatay xidig u dhow oo isagoo nool burburay. Nolasha da`deedu waa dhexdhexaad oo shidaalkeedii kalabarkiis waa ay soo isticmaashay. Qorraxdu aad ayey noogu dhowdahay, waana taas mida keentay iney u muuqato mid ka weyn xidigaha kale ee fog. Waxey dhulka u jirtaa 150 malyan oo kilomitir, ifkana waxey ku qaadataa 8 1/ 2 daqiiqo inuu dhulka ku soo gaaro. Dhererkeeda waxaa lagu cabiray 1,4 malyan oo km, kuleylka korkeeduna waa 5.500° C. Waxey isticmaashaa shidaal dhan 4,3 malyan oo tan daqiiqadii si ay u soo gudbiso iftiin. Xooga ay wax ku soo jiidato wuxuu 30 jeer ka weyn yahay kan dhulka. Waxey isku rogtaa meesha ay ku fadhiso 25 1 / 2 maalmood markiiba. Qorraxda labaad ee xigta qorraxdeena waxey noo jirtaa 275.000 jeer inta ay noo jirto qorraxdan. Sidaas ayey qorraxdeenu ku tahay mid keli ahaan u taagan(single) oo aan lahayn lamaan u dhow. Keli ahaanta qorraxda iyo da`deeda weyn waxey waxtar weyn u leedahay jiritaanka nolosha ka jirta aduunyada dhulkeena. Qorraxda kulkeeda oo aan badneyn iyo da`deeda oo meel dhexaada awgeed, ayaa ah mid noloshu qaadan karto. Kulka qorraxda wuxuu door weyn ka qataa socodka hawada iyo biyaha badaha kuwaas oo kuleylka dhulka heerkiisa caadi ka dhiga. Kuleylka badan oo qorraxda wuxuu sababayaa duufaano iyo daadad waaweyn oo ka dhaca dhulka, kuwaas oo dhulka ka dhaqaya caradasan ee geeduhu ku baxaan, nolosha dadka iyo xoolahana suurtogal ma noqonayaan duufaanada iyo dhulgariir isdaba jooga awgeed. Haddii qorraxdu lahaan lahayd qorrax kale oo lamaanisa, dhulku waa hore ayuu ka faniini lahaa dhexdooda, sida ka dhacda xidigaha kale oo lamaanan marka ay isku qabsadaan iney kala jiitaan dhulka u dhexeeya. Qorraxda iftiinkeeda waxaa daboola wakhti yar marka dayaxa uu soo kala dhex galo dhulka iyo qorraxda dhexdooda, waxaan sidaas ku dhaca qorraxmadoobaad, waxaana la saadaaliyey in 2002 diseember 4teeda, saacadu marka ay tahy 1:57 inuu qorraxmadoobaad dhacayo. Qorraxda waxaa ku wareegta 9 dhul oo waaweyn iyo tiro aan xad lahayn oo ka kooban dhagaxyo waaweyn, dhulal yar oo ka sameysan baraf, iyo bus aad u badan oo ka ag dhow. Mercury, Venus, Earth iyo Mars waa dhulalka ugu dhow marka cabirka fogaantooda laga soo bilaabo qorraxda. Dhulalkaas waxey ka sameysan yihiin kor adag oo dhagaxa, xuduntoodana waxaa ku duugan bir dhalaalsan, waxaana ka jira dhamaantood nuucyo kala duwan oo hawaa. Dhulalka kale sida: Jupiter, Saturn, Uranus, Neptune iyo Pluto waa kuwo aad u qabow oo waaweyn, miisaan culusna leh. Dhulalkan waxey dhamaantood leeyihiin kor aan adkeyn oo ka sameysan daruuro is heysta oo qaac, bus iyo hawo ka kooban. Dhagaxda waaweyn oo ku agwareegta qorraxda(asteroids) waxey ka sameysan yihiin dhagax iyo bir. Waxaa qoraxda ku wareegta oo kale balayiin daruuro yaryara oo ah bus,uumiga biyaha iyo neef isku aruurtay oo adkaatay(comet), kuwaas oo sida ay qorraxda ugu sii sikayaan ay kulka qorraxdu gaarsiiso in neefta ku aruursan ay furka tuurto oo ka soo fakato dhinaca qorraxda xiga una soo baxsato dhanka dhulalka u dhow qorraxda. Orodkooda oo aad u sareeya awgeed inta ay soo socdaan waxey bixiyaan iftiin seyn leh. Marka ay soo gaarto dhulka inta badan neeftaas waxey ku gubataa hawada sare eee dhulka, waxaana mar mar dhacda in dhagax yar oo ka haray ay soo gaarto dhulka korkiisa(meteorite), meesha uu ku dhaco dhulkana wuxuu ku reebaa bohol ka dhalata. Waa dhagaxyadaas cirka ka soo dhaca kuwa sida cilmigaa looga ogaado da`da qorraxda iyo xidigaha kale.

Dhulka aan ku noolnahay waa dhulka 3aad marka laga soo tiriyo dhinaca qorraxda. Inta la ogyahay waa dhulka keliya oo nolol ka jirto, oo leh hawo lagu noolaan karo iyo biyo 70% korkiisa fadhiya. Dhulku wuxuu isla mar la abuurmay qorraxda, waxaana dhulka isbedel joogtaa ka abuura dhulgariirka iyo buuraha dabka tufa( earthquak & volcano). Dhulka dhererkiisa waxaa lagu cabiray 12.756 km, wuxuuna salkiisa ku wareegtaa orod dhan 1.600 km saacadii, waxeyna ku qaadataa 24 saac meesha uu ku fadhiyo inuu hal mar isku rogo, sidaasna waxaa ku dhasha habeenka iyo maalinta. Waxey ku qaadataa inuu hal mar qorraxda ku wareego 365 maalmood oo ah hal sanno. Wuxuu dhan yahay orodka uu ku wareegayo 108.000 km saacadii. Marka uu ku wareeganayo mariinkiisu si qotoma oo siman uguma wareegto qorraxda oo wuxuu wareegtaa isagoojaleeca 23°. Maalmaha uu marayo qeyb ka mida jidkiisa jaleecsan, cirifka waqooyi wuxuu u jaleecdaa dhanka qorraxda, waxaana sidaas ku abuurma xiliga kululaha(summer) oo iftiin maalmeedku uu dheer yahay, maalintiina ay saacadeheedu ay dheer yihiin. 6 bilood kadib mariinkaas wuxuuu jaleeciisu keenayaa in cirifka waqooyi ka sii jeesto qorraxda, waxaana sidaas ku dhasha xiliga qaboobaha(winter) oo uu iftiin maalmeedku gaaban yahay, saacadaha maalintiina ay yar yihiin. Dhulka waxaa ku wareegsan hawo ay dhaqaajiyaan isku taga kulka qorraxda iyo wareega dhulka. Hawada sare ee dhulka waxey ka celisaa kulka badan iyo iftiinka halistaa ee qorraxda uga yimaada, waxyaabaha circa kaga soo dhaca oo inta badan ay gubto, kana reebto inta badan waxyaabaha halistaa oo wehliya, waxeyna hodon ku tahay hawada dadku ku neefsado(oxygen). 75% hawada wanaagsan waxey ku dhex jirta inta u dhexeysa dhulka ilaa 12 km dhinaca circa, waxaana meel dhulka u jirta 50 km hawada dul saran daboolka loo yaqaan Ozone layer, oo ka sameysan hawo gaara, kaas oo dhulka iftiinka soo aadaya ka reeba kuwooda halistaa. Nasiibdarro, haddda daboolkaas qiimaha badan waxaa dhiniica ku aadan cirfka koofurta laga arkay dalool weyn oo ay sababtay wasaqda hawada uga yimaada neefta loo adeegsado qaboojiyeyaasha. Saddexmeelood oo meel dhulka waxaa fadhiya biyo u badan badaha waaweyn, waxeyna biyahaas caadiyeeyaan inuusan kulka dhulka uusan faraha ka bixin. Dhulku wuxuu leeyahay hal dayax oo keliya oo u jir dherer dhan 384.000 km, waxaana la qiyaasay inuu ahaa qeb ka mida dhulka , kaas oo ka go`ay kadib markii uu dhulka ku soo dhacay dhul aan ka yareyn Mars wakhtigii dhuku da`diisu yareyd oo uu jirey hal bilyano sanno. Dayaxu wuxuu la egyahay afarmeelood meel ka mida dhulka, oo waxaa dhererkiisa laguqiyaasaa 3.475 km, waxey ku qaadataa 4 usbuuc inta uu hal mar ku wareeganayo dhulka, waxaana halkaas ka dhasha bilaha. Dhalashada bisha waxey ku timaadaa marka dayaxa u soo kala dhexgalo inta u dhexeysa iftiinka qorraxda iyo dhulka, kaas oo si tartiiba uga soo dhexbaxaya dhexdooda. Waxaa mararka qaar dhacda marka uu dayaxu dhexmarayo dhulka iyo qorraxda dhexdooda inuu dhamaanba ku daboolmo iftiinka qorraxda, waxaana sidaas ku dhaca qorraxmadoobaad, waxaa sidoo kale dhaca dayaxmadoobaad marka uu dhulka soo kala dhexgalo qorraxda iyo dayaxa dhexdooda, waxaana la saadaaliyey in dayaxmadoobaad uu dhacayo 2003, nofember 9keeda, saacadu marka ay tahay 1:18 saqda dhexe, waxeyna qaadaneysaa wakhti dhan 212 daqiiqadood. Dhawaanshaha uu dhulka u dhow yahay ayaa keenta inuu u muuqdo wax weyn oo dabooli kara qorraxda. Waxey kaloo dhowaantiisa iyo weynaantiisuba ay dayaxa siisaa awood lixaad leh inuu ku soo jiito biyah dhulka korkooda sare, waana taas mida sababta hirarka ka dhaca badaha waaweyn.

Cabsida Cirka Laga Qabo

Dhagaxda cirka Ka Soo Dhaca: sida badan waa dhagax soo gubtey oo aad u madow, waxeyna hodon ku yihiin dhuxul iyo bir. Waxey asal ahaan ka soo jeedaan waxyaabo si kala duwan circa uga soo qarxay, orodka ay ku socdaan aad ayuu u dheer yahay, waxeyna socdaan malayiin sanno inta ay ka helayaan meel ay ku dhacaan. Midabkooda madow awgeed iftiinka ku soo dhaca iyo midka orodkooda ka dhasha midna ma muuqdaan. Sidaas ayaan aad loogu arki karin marka ay soo dhacayaan. Dhagaxyadaas kuwa ugu waaweyn waxey la egyihiin qiyaas la mida dhulka uu ku fadhiyo gobolka Banaadir(20 km), kuwa xigana qiyaasta degmada Madiina(2.5 km). Dadku waxey cabsi weyn ka qabaan dhagaxdaas cirka uga soo daadaneysa oo haddii ay dhacdo orodkaas xooga leh iney dhulka kula dhacaan ay hubaal tahay in waxa nool ay tirtirmayaan, dhulkana ay ku qaadan doonto malayiin sanno sidii loogu noolaan lahaa mar kale. Hadda ka hor mar laga joogo 65 milyan oo sanno ayaa lagu cabiray inuu dhulka ku soo dhacay dhul dhan 10 km, kaas oo qaraxii ka dhashay uu dhulka korkiisa oo dhan ka dhigay bus uu circa geliyey, waxaana sidaas lagu aaminsan yahay in noloshii ka jirtey dhulka inta badan ay tirtirantay, sida xoolihii waaweynaa ee looyaqaan Dinosaur. Dhulka korkiisa dadku waxey ku noolyihiin 8 malyan oo sanno, taas oo aad uga fog xiliga qaraxaas. 14ka luuliyo 2002, Waxaa ay ogaadeen aqoonyahanada cirka Mareykanka ee NASA in marka taariikhdu tahay 18ka agoosto 2002, saacadu marka ay tahay 3:00 a.m ee saqda dhexe maalinta axada in dhul dhan 1 km uu meel u dhow marayo dhulka. Dhagaxaas oo loo bixiyey 2002 NY40 wuxuu dhinac maray dhulka meel u jirta 600.000 km, waxaana si fiican looga diiwaan geliyey, muqaalkiisa, socodkiisa, iyo guuxa gulufkiisa qalabka sahmiya cirka sida Chandra x-ray Observatory, Compton Gamma ray Observatory iyo 305-m Radio Dish oo dhamaan ku rakiban magaalada Arcibo ee dalka Puerto Rico. Dhagaxyadaas duulaya oo dhulka dhinac mara waa dhacdooyin 50 sannaba hal mar la arko, sidoo kale waxaa ah dhacdo dhifa dhagaxda ku soo dhacda dhulka korkiisa oo dhacda markiiba 2 malyan oo sanno. Waxaa hadda cabsi weyn laga qabaa sadaal dhowaan laga helay qoloyinka New Mexico Linear Observatory oo saadaliyey in dhagax dhan dhul ah 3 km oo loo bixiyey 2002 NT7 oo ku socda orod dhan 169.000 km saacadii uu ku soo aadan yahay dhulka maalinta jimcaha, feberaayo 1deeda, 2019. Waxey cadeysey cilmibaaris laga helay dhagax la socotey dhagaxaas oo ka soo horeysy lagana helay iyagoo maraya inta u dhexeysa Mars iyo Jupiter oo lagu ogaadey in dhagaxaas soo socda uu jidka ku soo jirey 5,8 malyan oo sanno kadib markii uu ka soo qarxay dhulkii uu ka tirsanaa. Inkasto saadaasha dhabtaa la ogaan karo marka uu soo dhowaado dhagaxaas, haddana aadamiga maanta jira awood farsamo uma laha wax ay isaga leexin karaan dhagaxaas ku soo socda. Waxa ugu weyn oo hadda la heysto waa gantaalaha ay ku rakiban yihiin qumbuladu, iyaguna waxey noqonayaan tixsi ku dhacay derbi.

Inta aad ku fogaatid fiirinta cirka oo ishu aysan gaari karin dhamaadkeeda, waxaa adigana kugu fogaanaya la yaabka cirka iyo cabsidiisa. Dadka qaar ayaa isweydiinaya waxa cirka looga cabsanayo oo kor naga jira. Waxaa xusid mudan in dhulkeenu ka tirsan yahay cirka oo uu dhexheehaabayo cir maran, nolosha aduunyada dhulkuna ay dhamaadkeedu ku xiran tahay mida guud ee cirka, gaar ahaan qorraxdaeena. Waxaa la ogaadey in qorraxda dusheeda ay meelo badan ka madoobaatey oo ay ka qabowdey, kadib meelahaas markii ay ka dhamaadeen shidaalkii ka gubanayey. Waxaa aqoon ahaan la saadaaliyey in 5 biyan oo sanno kadib ay qorraxdu wada madoobaaneyso marka uu ka dhamaado shidaalkeedu, sidaasna ay ku dumeyso. Xidiga Viga oo sida weyn loo arko fiidkii, iftiinkiisa ku dhacaya ishaada wuxuu jidka ku soo jirey 25 sanno, waana sababtaas mida keentay in iftiinkiisu biligleeyo. Waxaa aad u yaab badan in xidigahaas waaweyn oo aadka u kala fog, haddana ay dhexheehaabayaan cir maran, oo haddii waxa u dhexeeya oo dhan waxa ku dhex jira la isku keeno aysan dhameyn culaabtoodu hal xabo oo mesego ah.

Godka Madow(black hole): dayaxgacmeedka loo yaqaan X-ray Satellite Telescope Xmm-Newton oo uu ku rakiban yahay qalabka meelaha fog soo dhoweeya oo la yiraahdo Hubble Space Telescope ayaa cirka ka sareeya dhulka waxaa lagu tuuray luuliyo 1999, wuxuuna si dhaqso ah u keenay sawir uu ka sameeyey iftiin jidka ku soo socdey 130 milyan oo sanno, kaas oo ka yimid xidigaha galaxsiga dheriskeena ah oo cirka noogu dhow ku jira. Bartamaha xidigahaas urursan ee na soo xiga waxaa laga helay god weyn oo madow. Afka godkaas waxey iftiinka ku qaadaneysaa 6000 sanno inuu gees ilaa geeska kale isaga gudbo. Godkaas wuxuu u wareegayaa sida orodka iftiinka, kulka dhexdiisa ka jirana wuxuu gaarayaa balayiin heerka kulka, wuxuuna leeyahay awood xad dhaafa oo uu wax kasta oo ku soo dhowaada uu ku soo jiito. Godkaas waxaa la wareeganaya dhulal soo burburay oo noqday bus iyo daruur iyo xidigo nool oo soo jidashada godku ay sidato, kuwaas oo kulkoodu gaarayo malayiin heerka kulka. Awooda soo jiidashada godkaas oo aad u weyn, wuxuu laqayaa wax kasta oo ka soo agdhowaada afkiisa, wuxuuna laqaaa xidigo nool oo ka weyn qorraxdeena. Ma jiraan wax ka fakan kara marka ay ku soo dhowadaan wareega waalan ee godkaas. Marka uu laqayo dhulalka waaweyn waa uu isku dhexduminayaa, wuxuuna ilbiriqsi wax ka yar uga dhigayaa bus culaabtooda oo dhan uu ku u soo koobayo wax ka yar gacan mugeed. Haddii uu qof ku dhaco godkaas waxaa culaabtiisa la isugu keenayaa wax ka yar muqaalka jeermiska aysan ishu arki karin. Waxaa la maleynayaa in godkaas uu ka dhashay xidig aad u weyn oo ay ka dhamaatay shidaalkii, dabadeedna taas ay keentay inuu isku gudodhaco, miisaankiisii oo dhana uu ku soo aruuro dhul yar oo kooban(singularity). Waxey taas la mid tahay dhulka aan ku noolnahay oo lagu soo aruuriyey kubada cagta mugeed, taas oo aysan jirin cid qaadi karta, xoogeeda soo jiidashada oo urusan awgeedna ay sida orodka biriqda u dafeyso wixii ka soo ag dhowaada. Sidoo kale waxaa suurto gala in godkaas uu ka dhashay isku dhaca xidigo aad u waaweyn oo ku wada aruursan meel isku dhow, taas oo iskudarsankooda uu ka dhashay cufjiid xad dhaafa. Godkaas waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay duleel duun madow oo aad u dheer, waana meesha ay ku dhamaadaan cabirka wakhtiga, dhererka, iyo jiritaanka wax kasta oo leh mug. Godkaas wuxuu la madow yahay awoodiisa uu wax ku jiidanayo xataa iftiinka oo ah shey aad u fudud kama soo fakan karo. Godkaas sida biyo wareeganaya ayuu sannooyin u wareejinaya waxyaabaha u dhow inta uusan liqin ka hor. Markasta ee uu godkaas laqo dhul aad u weyn waxaa sii kordha xoogiisa soo jiidashada oo xidigo waaweyn inta isku gudo jebiyo ka soo reebaya budo yar oo aad u culaab badan(neutron star). Wixii ku dhaca godkaas jiritaanka noloshiisii waa dhamaatay, dib u soo noqosho dambana ma leh. Qorraxdeenu xidigaha ay la bahda tahay cirka ay ku jiraan(Milky way galaxy) waxaa la saadaalinaya iney ku dhex jiraan godad yar yar oo madow oo qiyaasta kiiba 10 jeer ka weyn yahay qorraxdeena, waxeyna isrogayaan markiiba in ka yar kun jeer ilbiriqsigii, kuwaas oo isu tagooda u ka dhalan kara god madow oo weyn, kaas oo u dambeystii noqon kara midka laalaabaya dhamaan xidigaha ku dhex jira cirka ay ku jirto qorraxdeenu. Waxaa la rumeysan yahay in godkaas aan ka soo noqoshada lahayn uu bartamaha uga yaalo xidigo kasta oo urursan, uuna yahay kii dili lahaa nolosha aduunyadooda. Isaac Newton oo ahaa aqoon yahankii soo saaray cabirka orodka waxyaabaha socda ayaa wuxuu saadaaliyey mar hore waxa uu noqon karo godka madow oo ay dhici karto inuu yahay xidig 500 oo jeer ka weyn qorraxdeena oo xooga soo jiidashadiisa oo aad u weyn awgeed in iftiinka ka soo baxaya uusan soo gaari karin indhaheena, maxaa yeelay sida falaar cirka loo tuuray oo kale ayuu iftiinka xidigaas dib ugu soo noqonayo, sidaasna uu ugu muuqanayo indheheena sida xidig madow. Madowga cirku wuxuu muujinayaa inuusan dhamaad lahayn cirku, dhulalka cirka oo dhan haddii la isku geeyana waxey noqonayaan dhibic biyaa oo badweyn mugdiya ku dhex jirta. Cirka baaxadaas weyn leh intiisa badan waa maran yahay, inta u muuqata dhulal adagna waxaa ka dhex buuxa meelo maran. Haddii la helo cadaadis aad u xoog badan, dhulalka ku jira cirka oo dhan waxaa lagu soo koobi karaa dhul ka yar aduunka aan ku noolnahay sida hawada ku jirta hal qol haddii la isku cadaadiyo loogu soo koobi karo wax ka yar koombo mugeed.Waxaa la ogaadey in godka madow oo loo bixiyey GRO J1655-40 oo afar jeer qiyaasta ka weyn qorraxdeena oo dhererkeedu la egyahay 865 kun oo mile, uu ku soo aadan yahay cirka uu ku jiro aduunkeena, kaas oo ku socda xawaaraha 250 kun oo mile, kaas oo ka dhasahay kana soo faniinay xidig weyn oo dumey. Waxaa lagu qiyaasayaa inuu noo soo dhawaanayo waqti lagu qiyaasay inuu noo jiro hadda 200 milyan oo sanno.

Dhamaadka Nolosha Dhulkeena

Waxaa la qiyaasayaa in masiibo cirka ka timaada ay fog tahay, laakin in dadku yahay ka gedinaya nolosha dhulkan oo ah aduunka aan ku noolnahay. Waxaa la isweydiinayaa wakhtigii ay kulmi lahayeen dhamaadka nolosha dhulka iyo sababtii dhalin lahayd dhamaadkaas. Dhulka aduunkan wuxuu ku gadoomi karaa laba siyaabood oo ah ama in waxa nool ay soo gaarto waxyeelo culus ama in dhulka ay ku timaado waxyeelo sababta in lagu noolaan waayo. Waxaa la saadaaliyey in aduunyo gadoonka ay sababi karaan waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin:

Cudurada Sida Dhaqsahaa U Fida: Waxaa dhulka ku soo badanaya cudurada halistaa oo wax dila, kuwaas oo aan loo hayn dawo. Aidska oo uu sababo viruska HIV qofkana ka dila difaaca jirka(immune system) wuxuu dilayaa 2002 dad dhan 68 malyan, oo 55 milyan oo ka mida ay yihiin Afrikaan.West Nile Virus oo markii kowaad lagu arkay New York 1999 oo uu ku laayey dad badan ayaa ah cudur ku dhaca xoolaha oo ay dadka u soo gudbiso kaneecada soo qaniinta xoolahaas. Cudurkaas wuxuu dhaliyaa maskaxbarar(encephalitis) dadku ay u dhintaan , cidii dhimashadiisa ka badbaada waxey ka dhaxashaa jahwareer ku yimaada dareenkiisa iyo isagoo aan socon karin. Viruska Marburg iyo Ebola waxey keenaan dhiig bax ku yimaada gudaha oo ay sababto garax ku yimaada xubnaha waaweyn ee uur- ku-jirkaa. Furuqa(Smallpox) oo ah virus dila dadka, ayaa waxyeelo u geysta xubnaha ku jira gudha, maqaarkana ku reeba baro foolxun oo naxdin leh. Anthrax oo ah jeermis leh xumad, qufac iyo neefta oo qofka ku xiranta, ayaa dadka ku disha in ka yar 36 saacadood. Waxaa kaloo jira jeermisyo sidass oo kale u halisa sida Brucellosis iyo Tulaemia. Cudurada sida aadkaa looga cabsado ma aha kuwa halistaa oo wakhtiga dheer wax ku dila. Waxaase aad looga baqaa waa kuwa dhaqsaha u faafa oo dad badan wakhti gaaban noloshooda dila ama halis geliya naftooda. Waxaa cabsi weyn laga qabaa mustaqbalka inuu noqdo hergeb ama durey kan ciribtira nolosha dhulka. 1918 waxaa Yurub iyo Ameerika ku fidey hergebka loo yaqaan Spanish Flu, kaas oo wadamadaas ka diley dad gaaraya 20 milyan oo ruux. Tiradaas ugama dhiman wadamadaas dagaaladii aduunka. Halistu meel aan loo maleyneyn ayey ku jirtaa. 1997 Hong Kong waxaa ka dilaacay hergeb ku dhaca shimbiraha, kaas oo diley 6 ruux. Hergebkaas nuuciisa oo halisa ayaa si dhaqso leh dadku uga qaadaa digaaga, laakiin nasiib wanaag dhaqso dadku isuguma gudbiyaan. Hergebka nuucaasa haddii ay dhici lahayd in dadku dhaqso u kala qaado, wuxuu kii Spansih Flu noqon lahaa fara ku dhuuqdhuuq. Dhibaatada ugu weyn oo aan loo joojin karin hergebyada wax dila waa iyaga oo adkeysimo xoog leh u yeesha dawooyinka waxyeelada jeermiska iyo viruska lagula dagaalamo(antibiotics). Isku socodka aduunka oo fududaaday waxey sahashey dhaqso isku gudbinta cuduradaas. Haddii ay dhacdo hal ka mida garoonada caalamka ee dayaaradaha in lagu sii daayo cudurka Furuqa oo qaata ilaa 14 beri inuu qofka uga soo baxo, waxaa dhaceysa in dadka cudurkaas qaba oo isag gudbaya garoonada kale ay ku fidiyaan dhamaan aduunka kale oo dhan mudo 14 berri gudaheeda. Sidaas ayaa cabsi weyn looga qabaa cuduradaas faafa, maxaayeelay cudurka maanta fida ma noqonayo sidii berigii hore mid waxyeeladiisu ku kooban tahay meesha uu ka dilaacay, balse wuxuu noqonayaa mid aduunka oo dhan dhaqso ugu fida.

Dagaalka Jeermiska(germ warfare): Wadamo badan oo aduunka ka mida waxaa u keydsan waxyaabo halisa oo ay ku dagaalamaan. Waxey leeyihiin sheybaaro qarsoodiya oo ay ku abuuraan virus iyo jeermisyo halisa oo weliba ay ku kobciyaan sidii ay isaga caabin lahayeen dawooyinka loo adeegsado la dagaalankooda. Waxey kaloo is bedel ku sameynayaan sinjigooda, waxeyna ka dhex sameyaan taran si uu uga soo dhexbaxo kuwo aysan jirin talaal iyo dawo wax celin kara. Waxey cudurkeenayaashaas nuucyadooda kala duwan loogu tala galay leynta dad badan, baabi`nta geedmiroodka(anti-corp) iyo xoolahaba. Waxaa dalaka abuurta cudurkeenayaashaas u qorsheysan iney madaxyo ay ka buuxaan virusyada iyo jeermisyadaas ay ku rakibaan gantaalo meel dheer wax gaarsiiya, sidoo kale waxaa jira qalabyo kale oo xambaari kara cudurkeenayaashaas oo cirka si sahlan loogu duulinayo, meeshii la doonana lagu soo daadiyo iyada oo aan la dareemi karin. Cudursidayaasha dagaalka loo adegsado waxaa ka mida: Anthrax, Cholera, Plague, Botulinum Toxin, Tularemia, Smallpox, Ricin, Qfever, Staphylococcal, Enterotoxin B, Brucellosis Venezuelan, Equine, Encephalitis Tricothecene.

Waxaa sidoo kale jira sheybaaro sameeya waxyaabaha kimikadaa oo dad badan gumaada sida: Nerve Agents(Sarin, Cynide, GF, VX Nervegas, tabun, Soman, iyo Toxins), Choking Agents( Chlorine, Phosgene), Blister Agents( Mustard gas, Lewisite) iyo kuwa dadka suuxiya sida Fentanyl oo dal si fudud loogu qabsan karo.

Dagaalka Qumbulada(nuclear war): wadamo badan waxey sameysteen qumbulad ka sameysan bambaano aad u culus oo qaraxeedu uu keeni karo in bus fara badan ay ka kacdo dhulka korkiisa, waxaana sidaas ku dhalanaya daruur xirta hawada cirka ku wareegsan, taas oo ay ka dhalaneyso in ifka qorraxda uu soo gaari waayo dhulka, sidaasna uu dhulka uga dhasho qabow aad u daran(nuclear winter). Iftiinka dilaagaa ee ka dhasha qaraxa qumbulada iyo iftiin la`aanta qorraxda waxey dileyaan dadka, xoolaha iyo inta badan geedaha. Haddii ay dhacdo in la isweydaarsado sawaariiqda xambaarsan qumbulada nuuceeda waaweyn, waxyeeladu waxey ku fideysaa dhulka oo dhan. Cidii ka badbaada dilkeeda waxey dhaxleysaa sinjirogid ku timaada hiddosidayaashooda oo waxeysan hureyn ilmahooda oo dhasha iyagoon dhameyn, cuduro, iyo gaajo baahsan. Walaaca ugu weyn wuxuu ka jiraa marka qumbuladahaas lagu rakibo dayaxgacameedyo cirka sare heehaabaya kuwaas oo computer dhulka yaala looga hagayo meesha la doonayo in lagu dul tuuro. Qumbulada cirka laga soo rido waa ka waxyeelo badan tahay tan dhulka laga rido, sidoo kale is hertiga hawada sare ku dhexmara dayaxgacmeedyada ku hubeysan qumbulada waa mid guud oo dhulka dhan wada gaareysa.

Wasaqeynta Deegaanka Dhulka: Ma jiro aduun cusub oo noo bedelaya dhulka hadda aan ku noolnahay, sidaas oo ay tahay ayaa dayac weyn uu ku dhacaa degaanka dhulka, kaas oo ku yimaada sumeynta hawada, carrada, iyo biyaha, waxeyna suntaas ay dhalisaa in sannadba sannadka ka dambeeya uu aduunku soo kululaado(global warming). Waxaa lagu qiyaasay in 10kii sannaba uu kulka aduunka heerkiisu 3 kor u kacayo. Koriinka kulka aduunka kor u sii kacaya waxaa ka dhalanaya biyaha badweynta degen inuu ka dhaliyo duufaano isdabajooga oo geysta qasaarooyin waaweyn. Waxey kaloo dhalineysaa iney dhalaalaan buuraha barafkaa ee ku yaala cirifyada aduunka, kuwaas oo biyaha bada joogooda soo gaarsiinaysa dhulka. Waxey sidoo kale dhalinayaan abaaro iyo roob la`aan isdabajoogta, waxaana xiliyada loo bartay roobka bedelaya dab weyn oo guba geedaha ku yaala dhulka keyntaa oo aysan jirin roob demiya. Waxaa sidoo kale dadka ku soo badanaya cudurka kansarka ee ku dhaca maqaarka, kadib marka ay dhulka ku soo bataan iftiinka qorraxda nuuciisa waxyeelada leh(Solar UV Radiation), taas oo ay sabab u tahay daboolkii celin lahaa oo ay baabi`yaan wasaqda hawada lagu daayo.

Koriinka Tirada Dadka(overpopulation): Waxaa la qiyaasay in Afrika ay cudurka Aidska ay maalin walba uga dhimato 6000 oo qofood, sidaas oo ay tahay looma arko masiiboweyn marka la dhinac dhigo tariinka dadkeeda. Dadka aduunka maanta waxaa lagu qiyaasaa 6.1 bilyan, waxaana la xisaabiyey in 1950 ilaa 2000 uu dadka tiradiisu kordhay 50%. 2050 waxaa lagu qiyaasay in tirada dadku gaareyso 11 bilyan, oo Indiya oo keliya ayaa dadkeedu gaareya xadka 1.5 bilyan. Dadka faraha badan ee aduunka ku soo kordhaya waxey hodantinimda dhulka u reexayaan heer uusan qaadi karin heerka wax soo saarkiisu si ku filan inuu u haqabtiro baaahida dadkaas oo dhan. Dheelitir la`aanta nuucaasa waxey dhulka dhaxalsiineysaa in culaabta saaran oo ka baxsan xadkiisa iney u keento nabaadguur dhulka ku yimaada, kaas oo dhulka ka dhiga midaan lagu noolaan karin. Kheyraadka dhulka korkiisa laga helo ayaa dalalka qaar u isticmaalaan si aan qiyaas lahayn, meesha dalal kale ay ka qadsan yihiin, oo sabool ka yihiin adeegsigooda. In kasto sida Mareykanka ay dalalka qaar yaraatay tirada koriinka dadkooda, haddana waxey 200 jeer ka isticmaal badan yihiin dalalka saboolkaa oo taranka dadku ku badan yahay, sidaas daradeed wasaqda ay soo saaraan wadamadaas horay u maray ayaa ah mida ugu badan oo waxyeelada halistaa u geysata dhulka marka la barbar dhigo tan ay geystaan wadamada saboolkaa oo aan helin fursad ay waxyaabo badan ku isticmaali karaan(consumption). Waxyeelada ugu weyn waxey ka imaaneysa dhinaca biyaha. Waagii hore dadku wuxuu biyaha dhulka ku hoos jira kula soo bixi jirey isticmaalka muruqooda, sidaasna uma badneyn biyaha ay soo saarayeen, haddase dadku wuxuu isticmalaa kumanaan milyan oo matoorada biyaha dhulka ka soo saara, waxaana sidaas lagu soo saraa biyo fara badan. Waxaa lagu qiyaasay biyaha ay dadku dhulka ka soo saraan iyo kuwa ay ka leexiyaan webiyada in 70% ay u isticmalaan dhinaca waraabka beeraha, 20% ay u isticmalaan dhinaca wax soo saarka wershedaha, 9% adeega guriga iyo wax ka yar 1% oo loo isticmaalo cabida. Marka in aad u yar ayaa biyahaas aduunka ah wax laga cabi karo oo waxaa hadda la qiyaasayaa in 2.4 bilyan oo dada aysan aduunka ku haysan biyo nadiifa oo ay cabaan. Dhinaca kale 70% marka biyaha loo adeegsado soo saarida cunto, haddii ay dhacdo biyo la`aan waxey taasu sababeysaa cunto yari aad u xun. Haddii ay sidaas dhacdo waxaa aduunka ka dhamaanaya siyaasadihii degenaa oo diplomaasiyada ku saleysnaa, waxaana curanaya kacdoono gilgila noloshii degeneyd ee dadka(political upheavals). Wadan walbana waxaa wax walba kala weynaanaya jiritaanka dadkiisa oo keliya iyo sidii keligood ay aduunka ugu noolaan lahayeen, dadka kalena ay aduunka uga diri lahayeen maadaama uusan dhulku wada qaadi karin culaabta wadajirkooda. Waxaa la saadaaliyey in qarnigan dhamaadkiisa biyo xumo iyo cunto la`aan ay u nafwaayayaan dad dhan 2 bilyan, sidoo kale waxaa inta badan la xaalufinayaa kheyraadka bada, waxaana aduunka sannad walba ka baaba`ya dhulkeymeed dhan 36 malyan oo hektar, waxaa sidoo kale la weynayaa 11 kun oo nuucyada isugu jira geedaha iyo xoolaha oo uu ku dhacayo dabar go`, kuwaas oo uu dadku ka heli daawo iyo cuntaba.

Qaska Siyaasada Guud(political chaos): wadamada xooga weyn sida Mareykanka marka ay dhacdo inuu maamulkooda gacanta u galo koox ay ku fog tahay naceybka diin aad u weyn oo ka gedisan tooda, kuwaas oo doonaya inta tabartooda iyo maaliyadoodu ay gaarsiin karto iney dagaal furan la galaan dadka ku nool wadamada ay u arkaan iney lid ku yihiin aragtida diintooda(anti-christian cause), waxay aragtida nuucaasa aduunka ku keeneysaa dufaano siyaasadeed oo qaskeedu aduunka wada gaarayo. Marka ay dhacdo in hal dal oo keliya uu aduunka ugu xoogweynaado, waxa uu rabo waxey noqonayaan amar ay sharci tahay in la raaco(New World Order). Warbaahinta aduunka waxey noqoneysaa mid gacantiisa ku soo aruurta si danahiisa ay ugu adeegto, waxaana meel kasta hanti gashanaya shirkadihiisa waaweyn oo aysan jirin cid ku dhici karta iney dhaqaalo kula tartanto. Waxaa jireysa maalin uu burbur ku imaanayo dhaqaalaha dowladaas isbalaarisay, aysana suurtogal noqonayn in wax uga soo noqdaan dhaqaalihii faraha badnaa oo uga baxay isbalaarintooda ay aduunka ku maalgeliyeen, waxaa sidaas uu burburka dhaqaalaha shirkadaha waaweyn(corporate kingdoms) ku dhalinayaa dhaqaale jab ku dhacda dalkaas, sida haddaba ku bilaabantay shirkadihii waaweynaa ee Mareykana sida: Kenthlay, Enron, Em Clone, World.com iyo kuwo kale oo jidka ku soo jira. Marka dhaqaaluhu aad u burburo lacagtu waxey noqoneysaa xaashi aan wax qiima lahayn, waxaana sidaas ku istaagaya isticmaalkeeda, waxaa sidoo kale istaagaya wax soo saarkii wershedaha, oo wershedihii aysan jirin cid ay mushaar siin karto iyo cid awooda iney gadato badeecadooda. Sidaasna waxaa ku istaagaya soo saaridii biyaha, cuntada iyo daawooyinka. Waxaana intaas dabadeed si lama filaana u dilaacaya qas weyn oo soo gabagabeeya kala dambeyntii iyo xukunkii ku saleysnaa sharciga. Burburkii ku yimid siyaasadii Ruushka iyo wadamadii la ahaa isbaheysiga wuxuu noqonayaa mid aan waxba ahayn marka loo qiyaaso burbur nuucaasa oo ku yimaada wadan aad iskula weyn. Burburka ku habsada wadankaas wuxuu sababayaa burbur ku yimaada wadamada ay isbaheystaan, tusaale ahaan sida reer galbeedka, taas oo iyana saameyn weyn ku yeelaneysa aduunka intiisa kale oo danahoodu ay wadamadaas ku xirnayeen, waxaana sidaas ku dhalaneysa isdhexyaac iyi jahwareer weyn oo dunida oo dhan saameeya. Dalka Mareykanka waxaa 1929 ku dhacay dhaqaalo jab weyn(Great Depression), islamarkiina wuxuu saameeyey wadamada reer galbeedka, waxeyna ku qaadatay 25 sanno iney uga soo baxaan burburkaas dhaqaale, waxaana ka soo saartay fursadii dagaalkii 2aad ee aduunka oo horseeday farsamooyin cusub. Dagaalka maanta dhaca dhibkiisu wax badan waa ka tiro badan yahay dheeftiisa. Horay aduunka waxaa u soo maray dowlado islaweyn sida kii Romaanka ee Julies Casaer, kii Fransiiska ee Napoleon iyo kii Jarmalka ee Adolf Hitler. Dhamaan burburkooda waxaa dhaliyey dhaqaalahooda iyo cududooda oo ay ku balaariyeen dhul weyn oo awoodoodu aysan u qeybsami karin. Waxaa qaska siyaasada aduunka meelo badan oo ka mida inuu furka tuuro ka hortaga dadka nabada jecel sida kuwii M. Gandhi, Mandela, iyo M.L. King, kuwaas oo tanasulaad ku keena marka ay timaado xaalad murugeysan si dadku aysan u raacin degdega ay dagaalka u qabaan dadka aduunka ka rejo dhigay. Ugu dambeystii dhamaadka aduunka ma dhowa oo ma dheera.

Dr. Saciid Ciise

Maine, USA
Saciidciise258@aol.com

 QORAALDII HORE EE DR. SACIID

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

SomaliTalk.com | Jan 19, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalka waa mid u gaar ah qoraag aku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]