SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY

Janaayo 20, 2004

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/001/04 London, 19/01/2004

Ujeedo:- Baaq nabadeed

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)


WARBIXIN: SHIRKII 9/1/4 ee SOOMAALIDA LOOGU QABTAY NBI

 

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ka digayaa weli xadgudubyada sii soconaya ee lagu hayo heshiiskii ay madaxda Soomaalidu gaareen ee " Declation on Cessation of Hostilities 27 October 2002", Eldoret, Kenya.

Waxaa wax lala yaabo ah, dareenka qof kastaana diidayaa colaadaha joogtada noqday ee ka socda dalkeena Soomaaliya, iyadoo ujeedada loo dagaalamayana aan la gareneyn, waxa ay ku gaarayaan qeybaha uu dagaalku ka dhexeeyo.

Sidaas darteed, Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa qeybaha uu dagaalku ka dhaxeeyo kuna dagaalamaya duleedka magaalada Baladweyn ee dalka Soomaaliya in ay u joojiyaan shuruud la'aan dagaalada, khilaafka jirana lagu dhameeyo wadahadal nabadeed.

Ugu dambeyntii waxaan tacsi u direynaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen xubnihii ka tirsanaa ee ay colaadahaasi galaafteen iyo dhibaatooyinka guud ahaan ka soconaya dalka Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |Jan 20, 2004


Baaq nabadeed oo ka yimid beesha Sool,Sanaag & Hawd ee Galbeedka Austaralia

Ku DHAMAAN ISIMADA DEEGAANKA
KU CUQAASHA/ CULIMAAUDINKA IYO DHAMAAN WAXGARADKA BEESHA

Ujeedo baaq nabadeed

Kadib markii uu na soo gaadhay dhacdooyin kii dhowaanahan ka dhacay deegaanka taasoo nagelisey walaac xoogleh.waxaa jaaliyada galbeedka australia ee beesha sool sanaag iyo hawd waxay isugu yimaadeen shir laxidiidha arintaas waxay na soo saareen qodobadan.
1) waxaanu si weyn udhiiri gelinaynaan waxgaradka beesha oo ay hogaaminayaan isimadu in ay uguntadaan in si shuruud la,aan ah loo joojiyo dhiig danbe oo ka dhex daata dadka ehelka ah.
iyo weliba derisyada wadadegan.
2) in khilaafaad ka jira oodhan loo hawl galo in si nabad iyo wada xaajood lagu xaliyo cidkasta oo hawshaa ku luglehna lala xidhiidho.
3) waxaanu taageersanahay in la ix tiraamo cid walibana u hoggaansanto rabitaanka dadka in tiisa badan ama dhanka ay dadwenuhu rabaan.

KA; Jaaliyada Beesha sool / sanaag iyo Hawd ee galbeedka Australia.

kala xiriir: Assad Hassan Saadle saadle5@hotmail.com
Jan 19, 2004

Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]