Sidee loo horumarin karaa saxaafadda, iyo hal-abuurka fanka
iyo suugaanta reer Puntland?..WQ: Maxamed Warsame Qulaan
mqulaan@hotmail.com
Nayroobi, Keenya
Waxaan aqriyey falcelin uu qoraaga Cabdulqaadir M. Wacays ka
bixiyey qoraal kale oo cinwaankiisu ahaa “ Gabaygii wuu dhintay” oo uu qoray
qoraa lagu magacaabo Ibraahim Yuusuf Axmed. Guud ahaan falcelinta qoraagu waxay
ka marqaati kacaysay fikraddii uu soo bandhigay qoraagii ka horreeyey ee ahayd
in uu dhammaaday casrigii gabayga, taasoo aan aniguba ku waafaqsanahay. Hase
yeeshee, waxaan doonayaa in aan wax yar ku hakado qodob kale oo xiiso badan oo
uu soo qaaday qoraagu, kaasoo ku saabsanaa arradka xagga saxaafadda iyo
hal-abuurka suugaanta ee xilligan ka muuqda Puntland.
Marka hore, waa xaqiiqo jirta oo aan marna la iska indhotiri
karin jiriraanka arradkaas isaga ah, waxayse muhimaddu tahay in la ogaado
sababaha keenay, saamaynta ay ku yeelatay reer Puntland, iyo sida looga bixi
karo. Waxaan Wacays ugu hambalyeynayaa sida uu innoo dareensiiyey dhibaatadaas
jirta iyo xitaa siduu uga afgobaadsaday sheegsheegidda dhibaatooyinka uu
arradkaas abuuray.
Tusaale ahaan, wakaaladaha wararka ee caalamiga ah waxay
wararka Puntland ka qaataan wiilal yar yar oo Muqdisho jooga, kuwaasoo min duq
magaalo illaa iyo wasiirro waraysiyo kaga qaada iyagoo sheeganaya magacyada
raadiyayaasha, wargeysyada, iyo telefishannada Muqdisho, BBC-na warkeedba daa oo
waa lala wada socdaa xaalkeeda iyo sida ay u shaqayso. Madaxda dowladdu markey
rabaan in ay warar caalamka u gudbiyaan waxay ku qasban yihiin in ay taleefanno
ku raadiyaan wiilashaas Xamar jooga haddii kale warkoodu meel fog gaari maayo.
Dulucda warkaygu waxaa weeye in meesha uu dhaqdhaqaaq saxaafadeed ka jiro ay
saldhig ka dhiganayaan hay’adaha wararka caalamiga ah. Ma jiro wariye reer
Puntland ah oo Puntland jooga oo u shaqeeya wakaaladaha wararka caalamiga ah
marka laga reebo weriyaha BBC-da ee saaxiibkeen Yuusuf Garaad!!
Cisho dhoweyd waxaan aqriyey qoraal dheer oo ku saabsan
raadiyaha Gaalkacyo oo uu qoray Cabdulqaadir Wacays, kaasoo runtii aan aad ula
dhacay, kaddibna waxaan aqriyey maqaal kale oo uu qoray nin kale oo soo
jeedinayey talooyin ku saabsan sidii loo horumarin lahaa raadiyaha Gaalkacyo.
Labada qoraalba aad bay u fiicnaayeen, waana ay is-dhamaystirayeen.
Waxaa hubaal ah in dhaqdhaqaaqa saxaafadeed iyo kan
suugaaneed iyo faneed ee ka jira Muqdisho iyo Hargeysa uu ka sarreeyo kan
Puntland. Sababtoo ah, illaa iyo haatan laba wargeys oo toddobaadlayaal ah, oo
weliba ah noocii loo yaqaannay arji-qorayaasha ayaa kasoo baxa Puntland, mid
maalinle ahna warkiisba daa. Waxaa iyadana xusid mudan in Puntland aysan ka
jirin telefishanno, golayaal madadaalo, kooxo faneed, naadiyada iyo xarumaha
horumarinta ama ururinta iyo keydinta afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,
ururro saxaafadeed iwm, kuwaasoo dhammaantoodba ka jira Muqdisho iyo Hargeysa oo
aan intaba anigu indhahayga kusoo arkay. Marka aan sidaas leeyahay wuxuu Ilaahay
iga koriyey cunsuriyadda iyo caadifadda xun ee qabyaaladda taasoo aan meel dheer
inna gaarsiin doonin.
Malaha waxaa habboon in aan su’aal kale is weydiinno: Maxaa
sababay in munaasabadaha iyo ciidaha qarameed ama diineed oo Soomaali oo dhan ay
wada leedahay in laga xuso Muqdisho iyo Hargeysa oo keliya iyadoo weliba kooxo
faneed iyo suugaanleydu ay halkaas ku soo bandhigaan barnaamijyo ku saabsan
munaasabadahaas ama ciidahaas, dabadeedna ay ka khudbeeyaan madaxda meeshaas
joogta? Ciiddii soon-fureed ee kal dhoweyd ma jirtaa munaasabad loo qabtay oo
Puntland ka dhacday marka laga reebo inuu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ka
khudbeeyey masaajid ku yaalla Garoowe oo uu ciiddaas ku tukaday, kaddibna uu
gurigiisa isaga huleelay? 1da Luulyo iyo 26ka Juun ma laga yaqaan Puntland?.
Labadan su’aalood jawaabtooda waxaa laga dhex heli karaa in Puntland uu ka jiro
arrad xagga fanka iyo hal-abuurka suugaanta ah, iyo adeegsigooda ama ka
faa’iideysigooda.
Inkastoo aan hubo in sidii dadaal loogu geli lahaa wax-ka-qabashada
arradkaas saxaafadeed ay nooga xog-ogaalsan yihiin ragga uu Cabdulqaadir Wacays
ka mid yahay oo aan ogahay in uu hawl la taaban karo kasoo qabtay horumarinta
saxaafadda Puntland, haatanna ay wadaan dadaal weyn oo mudan in lala garab galo,
oo weliba iyaga la weydiiyo wixii talo ah oo ay hayaan, misana waxaan anigu
qabaa in arradkaas uu qayb ka yahay hantidii maal iyo moodba lahayn ee looga soo
tagay diiratadii Muqdisho ku keliyowday, iyadoo intii aqoonta u lahayd hawsha
saxaafadeed, suugaaneed ama faneed, iyo dib-u -ammaamudkooda ay qurbaha u soo
yaaceen.
Waxay ila tahay in maalgashiga ugu horreeya loo duwo
horumarinta saxaafadda, iyo fanka iyo suugaanta reer Puntland. Haddii kalena aan
iska iimansanno waxa aynaan ka badin karin helitaankooda, kuwaasoo ah bogagga
Internetka oo sida la wada ogyahay aan laga aqrisan dalka gudihiisa.
WQ: Maxamed Warsame Qulaan
mqulaan@hotmail.com
Nayroobi, Keenya
Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraag aku saxiixan