Sawirro la xaday
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
Cali-Dhuux baa wuxuu tiriyey gabay sawirrada ku xardhan
dhammaantood uu asagu hindisey, oo uu arrin uu danaynayey kaga dooday. ”Sawirro”
iyo ”arrin” marka aannu leenahay waxaannu uga jeedno waxaa inoogu filan tusaale
in aynu gabaygaas laftiisa ka goosanno xubno yaryar oo aynu eegno arrinta uu
Cali kaga dooday iyo sawirrada uu soo bandhigay. Ereyo laga yaabo in ay sidaan
ahaayeen baa ka mid ahaa:
-
”Markuu duraha jiilaal kacoo, doogga la idlaysto
-
Duurkiyo dayada hawd markay, dabac ku soo oonto
-
Laakuu ku dalandooli jirey, loogu degi waaye”.
Jiilaalka uu hadda u jeedaa malaha waa jiilaalka guga ka
danbeeya oo magaciisa ”xagaa” la yiraahdo ee ma aha jiilaalka dayrta ku xiga oo
”diraac” loo yaqaan, waayo ereyga ”kacid” waxaa ka muuqda dabaylo.
Dooggu waa xilliga aan jiilaalka ahayn, duurna wuxuu uga
jeedaa saws dheerdheer oo meelaha hawdka ah ka baxa, dayona waa caleemaha quraca.
Waxaa laga yaabaa in booska ”dayada hawd” uu yiri ”doyada”, waayo malaha waxaa
jira caws duddumooyinka joofafkooda ka baxa oo ”dooyo” la yiraado.
Ereyga ”laas” wuxuu muujinayaa in uu gabaygu ka dhacay meel
aysan biyo fiicni ka jirin oo harraad loogu ba’ay, waayo laas waa ceel meel dix
ah oo ay biyo roob dhawaan mareen laga faarfaaro ama laga qodo oo ayaamo laga
cabbo, ka dibna biyo laga waayo.
Waxaa la moodaa meesha uu laasku ku yaal iyo halka uu geelu
ku soo oomayaa in ay kala fog yihiin, maxaa yeelay wuxuu ku daray erey malaha
arrintaas laga dareemayo oo ah ”dalandool”.
Waxaa meesha ku jira sawirro badan oo maskaxda raad ku reebi
kara, siiba maskaxda geeljiraha waxay ereyadu ugu dhacayaan si uu mindhaa
dareemi karo qofkii geel raaci jirey kali ahi. Raadkaas mid ka macne hooseeya,
laakiin iska fiican waxaa reebay ereyo kale oo isla gabayga ku jira oo ah:
-
”Asaga oo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed leh
-
Oo wada dunuunucahayuu, idin duljoogaaye
-
Danbarkiisu waydiin uraa, daana dabataane”
Waxaa laga yaabaa in uu ”didilaha bisha” uga jeedo sumad dab
ah oo geela lagu dhigo, oo xarriiq bil dhalatay u eg ah.
“Dacasha haaneed” waxaa dhici karta in looga jeedo in dhegta
bidix ay geela uu ka hadlayo tulud kasta daraf ka dillaacsanayd, waayo sumadaha
xoolaha dhegaha laga dhigo waxaa ka mid ah dacal iyo fur iwm.
Markii ay soomaalidu geela maalayaan wuxuu qofka haruubka
hayaa lisaa naasaha bidix, haruubkana wuxuu saaraa lawgiisa oo laaban. In
haruubka lawga kor loogu hayo waxaa la dhahaaa “haaneedid”, waxayna qofka hasha
haaneedaya gacantiisa midigi listaa naaska danbeed, oo xiga lugta tuluda. Waxaa
qofka haruubka masuulka ka ah docda bidix ama docda haaneed loo mariyaa in
haddii ay hashu lugta qaaddo aysan caanuhu daadan ee uu lugteeda gacantiisa
midig ku caabbiyo.
Sidaas ayaa bidixda geela loogu bixiyey “haaneed”, wuxuuna
ereygaasi gaar u yahay geela oo lama oran karo “ri dacal haaneed heh”.
Sawirrada uu Cali muuqaalka ku xardhay, waxaa ka macne
hooseeya kuwa dhacdada tilmaamaya sida in uu yiri:
Sawirrada gabaygaas Cali-Dhuux ku jira wuxuu qofkii
xishoonayaa dareemayaa in ay cuskan yihiin hal-abuurimo hodan ku ah xagga
xaradka ah, laakiin gabay uu Qamaan kaga dooday muxuu kaga dabeecad duwan yahay
midka Cali?
Waxaa su’aashaas ka jawaabaya Khaliif shiikh Maxamuud oo
asaga oo ixtiraam muujinaya labada gabyaa dabeecadaha hal-abuurkooda ku soo
koobay miro gabay ah. Xabsigii jeneraal Matukade ayuu gabay ka tiriyey, wuxuuna
arartiisa ku daray ereyadaan:
-
“Xikmaddii Qamaan iyo haddaan, xulantidii waayey
-
Amaan Nuur xutubin waa ninkii, xaafidka ahaaye
-
Amaan Cali xardhayn waa inuu, xagal ka daacaaye”
Xaradka uu Cali ku tilmaamayaa waa in uu aruuri jirey sawirro
uu asago curiyey oo maskaxda saameeya iyo arrin uu asagu damcay.
Xikamadda uu Qamaan ku xusayaa waa in ay allifaaddiisu ka
koobnayd ereyo sida maahmaah oo kale la soo daliishan karo, oo kaftandhable u
badnaa.
Labadaas dabeecadood waxaa la moodaa in uu Khaaliif muhiim u
arkey marka hadal la hal-abuurayo, wuxuuna labadaas ku daray “xutubin” iyo “xaafid”.
In gabayga si fiican dadka loogu mariyo oo uu qofka tiriyey
maskax xafidaadda ku wanaagsan leeyahay, uuna hal-abuurkiisa karti uu si qurxoon
ugu tebiyo leeyahay baa la moodaa in ay Khaliif agtiisa ka ahayd dabeecad
lamahuraan ah. Intaas haddii la waayo wuxuu dareemayaa in ay guuldarro dhacayso,
oo uu hal-abuurku naafoobayo ama uu xagal ka daacayo.
Hadallada gabayga Qamaan ku jira oo murtida ahi waa ay badan
yihiin, waxaynuna soo sheegnay in ay kaftan iyo xikmad isku dhafan yihiin. Bal
eeg kuwa ugu macne dhaw hadallada Qamaan!
Iyo
“Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aan doonahayn inaad heshana, daayin abadkiise”
Iyo
“War ii daa dugaag iyo hartay, igaga dayrnaane”
Labada dabeecadood oo hal-abuurradaasi lahaayeen waxaa
muuqata in ay kala qeexan yihiin, oo ay astaamihii uu Khaliif sheegay kala
wataan. Waa “xarad“ iyo “xikmad“, laakiin arrinta (mawduuca) ayey ku kala
tillaabo dheer yihiin oo ninka hore wuxuu had iyo goor abuurtaa mashruuc, halka
uu ninka danbe mashruuc la furay ka dooday. Sida uu Qamaan halkaan u dooday
waxay toos uga duwan tahay oo uga soo horjeeddaa oo lid ugu tahay mashruuca
Cali-Dhuux, isla markaas wuxuu ku sugnaaday arrintii laga hadlayey.
Nin kale oo Ismaaciil la oran jirey baa wuxuu sheegay in uu
sidii Qamaan arrintaas ka doodayo. Ismaaciil wuxuu la dhashay xaaskii Cali-Dhuux,
waxaynuna soo qaadanaynaa sawirradiisii iyo ujeeddadiisii. Bal eeg ereyadii
Ismaaciil qaar ka mid ah:
Iyo
“Asagoo dildilihii bishiyo, dacashii haaneed leh
Doollaaba lagu sii wadaa, dayrta haatan ahe
Dibna u laabi maynoo dalkii, dooggii ka idlaaye“
Iyo
“Annagaa ku dayrane xigtana, ugama diirtaane“
Sawirka hore waa sawir uu ismaaciil iska leeyahay, oo wuxuu
caddaynayaa in ay xaaska Cali-Dhuux sida daruur oo kale o qurux badnayd, waana
sawir wanaagsan, laakiin kuma ay lug leh arrintii uu Cali furay. Ereygaas
ceebtiisu waa in uusan khusayn dooddii socotey.
Haddii aynu sawirrada kale oo uu Ismaaciil geela ka bixiyey
iyo sida uu arrinta u abbaaray eegno waxaynu aragnaa in uu qishay seeddigiis
Cali-Dhuux hadalladiisii. Sumadda geela, in uu dooggii idlaaday, Doollo iyo in
aan dib loo laabanayn sidii uu Cali u sawiray buu Ismaaciil xaday, waxaase
isweydiin mudan in ay labada nin iska soo horjeedaan iyo in ay istaageersan
yihiin.
Waxaa la hubaa in uusan Cali raalli ka ahayn in hadalkiisa la
xaday iyo in xaaskiisa jirkeeda laga falanqooday, laakiin waxaa dhab ah in uu ku
farxay sida uu seeddigiis ugu taageeray mashruucii uu watey. Caawintaas uu
Cali-Dhuux seeddigiis ka helay kas ma ay ahayn ee kama’ bay ahayd, waayo
Ismaaciil wuxuu gabayga ula jeedey in uu sidii Qamaan arrinta ku liddiyo ninkii
mashruuca abaabuley.
Sawirradii Cali keli ah lama xadin ee waxaa la xaday
xikmaddii Qamaan meelo ka mid ah, oo ereyga “deyrnaan“ iyo kaftamo kale oo uu
Qamaan abuuray buu Ismaaciil iska uruursaday.
Si qalbiyada ummadda soomaaliyeed la isugu soo jiido ayaa
waxaa la sheegaa in ay dhammaantood isku dhaqan iyo isku diin yihiin, laakiin
waxaa laga yaabaa in haddii run loo hadlo ay labo reer oo isku ceel ka cabbaa
xoogaa dhaqanka ku kala duwan yihiin. Waxaa kale oo dhici karta marka la
leeyahay “isku dhaqan“ in loo jeedo gudniinka gabdhaha keli ah.
Dooddaas gabayga ah ee ay ragga qaarna arrin ay ayagu rabeen
kaga hadleen sawirro ama xikmad ay ayagu curiyeen, qaarna ay taageerada aysan u
qasdin fidiyeen, isla markaasna ay dooddii geela ku saabsanayd gabdhaha jirkooda
ula leexdeen waxaa ka soo ifbaxay in “xarad“ iyo “xikmad“ la isdheer yahay.
“Xagalkadaacid“ buu Khaliif ka digey haddii uusan hal-abuurku
ahayn sawirro iyo murti ka soo go’ay dad la mid ah raggaas uu magacaabay. Sidaas
awgeed waxaa la moodaa aysan Khaliif shiikh Maxamuud agtiisa macne ka lahayn
sawirrada la xadaa.
Cali-Dhuux iyo Khaliif waxay kala geeri horreeyeen dhawr iyo
toban sano, wuxuuna marxuunka danbe mootan yahay 21 sannadood iyo dheeraad,
laakiin weli waxaa la allifaa gabayo loogu jawaabayo labadaas hal-abuure, oo ka
mid ahaa dadka dooddaha dhaliya oo aan waxba xadin.
Dadka qaarkood waxay xadaan xaradkii labaas dood-abuure,
qaarna markii ay doodohoodii xirmeen amaba ay labada libaax geeriyoodeen bay
ciilqab uga dabagabyaan, oo hadda dooddii Cali-Dhuux waxaa laga buuxiyey dad aan
doodda ku jirin, ee inta waayo danbe wax tawday ka sii badaqaatay.
Lama caddayn karo in uu Cali-Dhuux noolaa markii uu Salaan
Carrabey dooddaas ka gabyey, waxaase la hubaa in uu gabayga Salaan ku soo aadey
xilli ay dooddii dhammaatay, oo uu meelo bannaan buuxinayey.
Nasiib darro sidii Cali-Dhuux sawirro cusub ma uu abuurin, ee
sidii Ismaaciil buu wuxuu xaday sawirradii Cali oo aynu horay u soo sheegnay.
Xagga arrinta laga doodayeyna sidii Qamaan liddi ma uu noqon ee sidii Ismaaciil
buu wuxuu fidiyey taageero uusan u qasdin.
Wuxuu Ismaaciil ku dhaamey Salaan in uu intii ay dooddu
socotey ku soo biiray, ee uusan gadaal wax ka soo gocon, hase yeesho ee waxay
labaduna jileen siyaasaddii Cali-Dhuux oo ahayd in aad looga sharqamiyo geelal
horay loo kala dhacay, si ay sharqantaas oo lagu celceliyaa u keento dagaal.
Qammaan oo markii hore Cali ka soo horjeedey markii uu arkay
in uu Cali taageero bilaash ah helay iyo in sawirro iyo murti la kala xaday buu
iska aammusay.
Dad Cali-Dhuux u dhuundalooley baa waxay sheegeen in uu yiri:
“Taageero waxaa ugu wanaagsan mid aan abaal lagaa rabin, oo uusan qofkii ku
taageeray is ogayn, xoogna waxaa ugu xun midkii xargaha kaa jara“.
Weli waxay soomaalidu ku maahmaahaan hadalkaas uu Cali ku
muujiyey in shacabka masaakiinta ah laga faa’iidaysan karo ayaga oo aan is ogayn.
Sida uu Cali dadkaas uga faa’iidey waxay la mid tahay sidii uu Ismaaciil Cumar
Geelle dadka aan fahmayn dushooda uga xashay waagii uu Carta ku sirayey
maangaabyada.
Soomaalida sawirrada iyo murtida kala xadday lama soo koobi
karo, waxaana ka mid ah sawirro laga xaday maanso sida sheekadii loo dhisay
belowgii 1994 oo magaceeda la oran jirey “Dhuxuldanbaskaqaad“. Maansadu waxay u
habaysnayd hab majaajillo ah, waxaana lagu jilay toban qof oo ay ugu magac
dheeraayeen Maxamuud, Maryan, Sahro iyo Madaxay. Waxaan u malaynayaa in uu
akhristuhu og yahay sheekadaas maansada ahayd oo maadda, wacyigelinta iyo
murtida loola jeedey.
Sawirro ahaan iyo arrin ahaanba waxay muujinaysey in ay
soomaalida qurbaha Yurub joogaa la kulmeen duruufo aysan horay u soo baran, ka
dibna ay yeesheen dabeecado aysan lahaan jirin.
Dumarka xaasaska ah ee ragga ka aarsanaya markii ay xorriyad
yar dareemeen bay sheekadu ku dheeraatay, waxaana ku xigey in uu shukaansigii
doorsoomay iyo in ay dhallinyaradii nolol cusub iyo dabeecado hor leh yeesheen.
Sheekadaas maansada ah waxaan markii ugu horraysey ku duubay
cajalad caadi ah oo rikoor, dabadeedna waxaan ku daray dhismeyaal aan ku
uruuriyey buug la daabacay 2001 oo magaciisa la dhaho “Danyarkalkaal“.
Ayaan dhaweyd baan waxaan arkay dad soomaali ah oo meel ku
daawanaya riwaayad malaha lagu duuday Hargaysa oo isla arrintii
“Dhuxuldanbaskaqaad“ loola jeedey ku saabsan. Magacyada dadku kuwii ma ahayn,
laakiin qaabku wuxuu sida badan ahaa qaabkaygii, waxaanse ku yaqyaqsaday markii
ereyadii “Dhuxuldanbaskaqaad“ oo sidoodii ah la isla soo mutuxay!
Ujeeddadaydu ma aha in aan wax laga allifi karin dhibaatada
soomaalida qurbaha ku haysata, ee waxaan ka hadlayaa waa in la qaato sawirro iyo
murti hortaa la sameeyey.
Arrimaha qoysaska iyo dhallinyarada soomaalida ah ee Galbeed
u soo qaxay waxaa wax ka allifi kara malaayiin qof, waana loo baahan yahay, hase
yeesho ee waa in laga leexdo humaag awal la sameeyey iyo miro kaa horreeyey.
Sawirro uu qof kaa horreeyey soo saaray waa ceeb in la qaato,
isla markaas haddii miro maanso ah oo uu qof hore lahaa la qaadanayo waa in
magaciisa la sheegaa ama in horay loo yiri la caddeeyaa, sida tusaalahaan:
-
“Haddaan mu’allifiinteennii hore, uga mullaax diiro
-
Cali Jaamac marahuu ka tegey, waa mid qaali ahe……
-
Waxa uu maqdaraddii ka yiri, taloba mooggeede
-
’Muslimnimo nin aan kugula socon muuminnimo khaasa
-
Gaal maxasta kuu korinayaad, magansataa dhaama’”
Sidaas waxaa magaca Cali Jaamac Haabiil u qeexay Khaliif
shiikh Maxamuud, oo ogaa in aan la iska qaadan karin qof hal-abuurkiis haddii
aan magaciisa la sheegin.
Tuugada miraha gabayga la xado waxaa mar lagu qabtay nin
Cali-Afyare la oran jirey oo gabay uu Khaliif ku maagay ku daray:
Mirkaasi wuxuu ka mid ahaa gabayo badan oo waa hore la isu
tiriyey, laakiin Cali wuxuu isula soo mutuxay sidii mir uu asagu abuuray,
wuxuuna Khaliif ku saxay:
-
”’Miratirisku goormuu muhdiyow, kula macaanaadey’
-
Mardar Aadan kula sii dhaciyo, waa mashaqadaaye
-
Majaxaabadii lagugu ridey, haygu soo marane
-
Adeerkaa middii lagu yiraad, maansaboolidaye
-
Ka mashaawir tixahaagii baa, dhuunta kaa mudaye”
”Mardar” waa waran qofkii hal mar lagu dhuftaa uusan soo
toosin, waxaana caddaatay in uu mirkaas gabayga ah lahaa nin magaciisa Aadan la
oran jirey, oo ugu gabyey Cali adeerkiis. Sidaas awgeed labo dhibaato ayuu Cali
mutay, waana in xatooyo (booli) lagu qabtay iyo in ereyga adeerkiis lagu yiri,
oo uu xumaantiisa ninka uu ku wado asagu uga dhow yahay.
Waxaa la moodaa in uu Khaliif xatooyada hal-abuurka aad uga
soo horjeedey, wasaase isweydiin mudan in la xadi karo waxyaalaha aan ahayn
sawirrada iyo murtida. Haddii su’aasha la khafiifiyo ma la kala xadaa hadal aan
hal-abuur ahayn, maxayse yihiin hadallada noocaan ah oo la kala xadi karaa?
Labo siyaalood bay tuugada hadalka xaddaa sida badan wax u
xadaan. Midda kowaad waa in uu helo qoraal aan hal-abuur ahayn, laakiin lagu
qoray aragtiyo fiicfiican ama maaddo loogaga hadlay si uu jeclaystay. Dabadeedna
uu hadalkii sidiisa ku xado ama uu nuxurkiisii qaato oo uu qaab kale ku qorto,
asaga oo iska dhigaya in uu asagu arrinta sidaas u baaray, oo uu kartidii qofkii
hore u dhuunto oo dhuuxa kala baxo.
Buuggii aynu magaciisa horay u soo sheegnay ee Danyarkalkaal
qaybtiisa kowaad waxaan ku baaray maansada soomaalida, waxaana ku qoran
baaritaanno koobkooban oo maansada afka soomaaliga ku saabsan. Waxaa buuggaas la
daabacay sannaddii 2001 bishii kowaad.
Waxaan arkay qoraallo dabadeed buug ahaan loo daabacay iyo
kuwo internetka lagu baahiyey, oo aan akhristaha u daynayo bal in uu daawado
xatooyada qoraalka oo aan la kala xishoon.
Waxaa fiicnayd in ay ikhyaartaan tuugta ahi qoraalladooda ku
qeexaan in ay aragtiyo iyo hadallo badan ka gurteen buuggii aan anigu ku qoray
sannaddii 2000!
Sida labaad oo dadka aragtiyohooda loo gurtaa waa qaab aan
toos loo dareemi karin, laakiin si xun u dhaca, waxaynuna isku hawlaynaa in aynu
qeexno.
Dadka waxaa ka mid ah qaar ay ku soo dhacaan doodo badan oo
hor leh ama kaftanno yaab leh oo ciidda ka badan. Waxaa jira dad marka ay
hadlayaan ama ay wax qorayaan ay u sakhiran tahay in ay dhaqso u helaan aragtiyo
aysan horay u maqal oo loo boqo ama la sii wadwadi karo, oo dadka lagu soo
jiidan karo.
Waxaa jirta tuugo aysan maskaxdooda ku soo dhici karin
arrimahaani, laakiin waxyaalahaan xada oo dadka isu tusa in ay ayaga ku soo
dhaceen.
Nin aannu sheekaysanno oo wax qora ayaan maalin kala
sheekaystay arrin. Waxaan u sheegay in ay waagii hore qabyaaladda soomaalidu
ahayd sida shukaansiga reer Galbeed, laakiin uu kacaankii ka dhigay sida
shukaansiga Sucuudi.
Qofka reer Galbeed shukaansi iyo galmo aad ugama uu fakaro,
waayo waxaa fudud sida uu ku heli karo, wuxuuna bilaabay asaga oo yar. Lalama
dhuunto, lagamana sii fakaro ee qofku shaqooyinkiisa kale ayuu sida badan ku
mashquulaa.
Dadka Sucuudi waxaa laga yaabaa in uu ninku suuxo haddii uu
naag xasuusto. Waxaa dhici karta dadka sidaas u cabbursani in ay hal mar oodda
jabsadaan, waayo waa la cabburiyey oo waxay kulligood u ciilcuneen galmo iyo
shukaansi sida ay soomaalidii uu kacaanku qabiilka ka cabburiyey ugu ciilculeen
qabyaaladda.
Waxaan saaxiibkay u sheegay in ay soomaalidu u baahan tahay
in ay ka baxaan cuqdaddii laga geliyey qabiilka, oo ay fiicnaan lahayd in lagu
celiyo sidoodii ahayd in uu qofku suuqa ka yiraahdo ”Waxaan ahay reer hebel”
asaga oo aan xumaan iyo samaan midna dareemayn ee u arka wax la iska yiraahdo
sida ”Aniga oo hebel ah”.
Hadalkaas saaxiibkay waa uu igu riddiyey oo wuxuu iska dhigay
nin rumaysan in uu kacaankii ku saxnaa qarinta qabiilka. Isla maalmihii ayuu
saaxiibkay wuxuu internetka ku baahiyey qoraal uu aragtidaydii ku saleeyey.
Waxaa laga yaabaa in ay xaasidnimo ka ahayd in markii aan aragtida sheegayey uu
igu riddiyey, laakiin uu aragtida la dhacsanaa!
Tusaalahaas keli ahi ima uu soo marin ee dad aannu
sheekaysanno oo qoraallo internetka geliya waxaan iskula hadlaa ”Ma waysan haba
yaraato ee maskaxdooda ku soo dhici karin wax aysan qof kale ka maqlin ama aysan
qoraal kale ka xadin”!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail:
mi99mosh@chl.chalmers.se
Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraag aku saxiixan