SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 ISGARABDHIGGA SOMALILAND( QARAN ) IYO BUNTLAND(BEEL)
DAGAAL WIIL BAA KU DHINTA KUMASE DHASHO
WAXAAN BERYAHAN LA SOCONAYEY XAALADA KA DHEX  ALOOSAN MAAMULADA MAJEERTEENKA IYO ISAAQA  WAXAAN IDIIN SHEEGAYAA WAXAA IDINKA MAQAN BELAAYO OO INTII JAMUURIYADII SOOMAALIYA BURBURTAY AYAAD GAARTEEN HEER SARE WAXAANA FIICAN IN BINI,AADNKU NIMCADA MAHADIYO WAAYO WADAMADIINA DAGAAL KAMA DHICIN MUDADII SADEX IYO TOBANKA SANO AHAYD WAXAA FILAYAA HADDAAD DANTIINA GARAN WAYDAAN INAAN IDIN ORANAAYO NABADA SOOMAALIYA KA DHACDAA WAXAY KU XIRAN TAHAY DAGAAL DHEX MARA ISAAQA IYO MAJEERTEENKA DIB U MILICSO XIRIIRKA LABADAA QOLO 1969KII KA HOR                     CALOOWE1@HOTMAIL.COM
 

Inkasta oo ay dad badan oo runta iska indhatiraa ay ku sheegaan Somaliland in ay beel u taliso, ayaa ay runtu tahay in ay ummadda Somaliland ka gudubtay beelaysigii , caddayna ay u tahay xisbiyada siyaasadeed ka hirgalay Somaliland iyo doorashadii u dambasay ee madaxtooyada , taas oo ay dadku muujiyeen sida au ugu bisilyihiin siyaasada ka fog beelaysiga .Waxa kale oo jirta in ay dadka dafirsan runta ay ku andoocoodaan in ay SNM u taliso Somaliland , SNM oo ay ku sheegaan in ay ka soo jeedo beel qudha oo ka mida beelaha daga Somaliland , waxase ay runtu tahay haddii ay SNM ka soo jeedo beel qudha iyo haddii kaleba in halgankii SNM ahaa mid xaq , lana dagaalamay kalidii taliyihii Afweyne, taas la oo odhan karo in uu halgankii SNM ahaa mid matalaya xoraynta ummadda Somaliyeed oo dhan, laguna tilmaami karin mid beeleed.Hadaba eedynta SNM ayaan sal iyo raadtoona lahayn , iyada oo aynu ognahay in uu doorashadii madaxtooyada uu Siilanyo, oo mar hagaaminayay SNM , uu ku guuldaraystay.

Halka ay SSDF isku badashay dawlad beeleed uu wali u taliyo hogaamiyhii , SSDF , Cadilaahi Yuusuf, taas oo lafteedu caddaynaysa waxa ay Somaliland iyo Buntland ku kala duwan yihiin, taas oo ah qaran iyo beel. Haddiiba la leeyahay SNM, SSDF iyo USC waxa ay ku salaysanaayeen beelo dawlad doona.

Maanta Somaliland waxa ay leedahay dawlad ay u dhantahay astaamihii ay dawlad lahaan jirtay oo dhan, ha ahaato dastuur iyo xeer dawladeed dhan kala hagi karana ummada Somaliland.Xuukuumada Somaliland waa muraayad ay iska arki karto ummada SOMALILAND oo dhami, degmo kasta iyo gobol waliba, oo aan shaqo ku lahayn wax beel qudha ku adeegsato .

Haddii aan eegno Buntland waxa aan nina ka qarsoonayn in uu yahay taliska Buntland mid ku dhisan beel qudha, Harti, runtiina lugooyo ku ah Somalia , ama qaranimada Somalia sababta oo ah, ha ahaato Buntland ama Somaliada kaleba waxa cad sida ay Somalia uga dambayso Somaliland. Somalia oo dhan waxa ay u kala qaybsantahay beelo iy jufooyin is wada haysta fikir qarnimona ka dheeryahay , halka ay Somaliland ka tahay qaran. Dad badan ayaa ku dooda ama been runta ka sheega marka ay leeyihiin in ay Buntland u halgaymayso midnimida Somalia , iayada oo aan ognahay waxa ku hoos jiraa Buntland uu yahay Hartiland , waxa caado u noqtay dadka qaarkii in ay yidhaadaan Buntland waxa ay la dagaalamaysaa Somaliland oo Somilweyn diida, halka ay runtu ka tahay in hadfka Buntland yahay lugooyoda sii qaybinta qaranimada Somalia iyo sii daba dheeraynta dhiibatada Somalia. Waa loo garaabi lahaa Buntald hadii ay matasho qarnimo Somaliyeed , haddii sheegasheedeeda Sool iyo Sanaag ku salaysantahay sheegasho qarnimo ama Somalinimo oo aanay ku salaysnayn mid beeleed, Somalida kalena way ku taageeri lahayd , haddii ay dhacdo in ay Somaliland iyo Buntand ku dagaalamaan labdaa gobol ee ka midka ah Somaliland,Taas markaa sababi lahayd ama keeni lahayd inay Somaliland iyo Somalia xaliyaan khilaafkan , iyaga oo matalaya laba qaran ama dawladood meeshana ka saari lahayd , khilaafkan beeledkan ay Buntland ay Somaliland sanka ka soo galisay. Hadaba haddii ay Somaliland tahay qaran, Buntland tahay dawlad beeleed , sidee ayuu u saamayn karaa Somaliada kale dagaal dhexmaraa qaran iyo beel, mase midayn karaa dagaalkaasi Somalia si ay ula xaajoodaan Somaliland iyaga oo qaran ah ?

Runtii khilaafkan Somaliland iyo Buntland ee ah sheegashada Buntland gobolo ka mida Somaliland ayaa ay fiicnaan lahayd , hadii uu isku rogi lahaa ama badali lahaa mid ah xalin kala go' Somaliland iyo Somalia ama wada hadal laba qaran , taas oo adkayn qaranimada Somalia iyo Somalilandba meeshana ka saari kala qaybsanaanta Somalida ee ku salaysan beelaha ama qabiil. Xalinta khilaafkana waxa ay isku badli lahayd mid caalimi ah oo ay xalintiisa ka qaybqaadan layd A.U. iyo U.N. meeshana ka saari lahayd dagaal qaran iyo beel dhexmara.

Hadii se Somaliland la aqoonsado , aqoosigaasi ma midayn karaa Somalia si ay u la xaajoodaan Somaliland , mise waxa socondoona khilaaf qarameedka iyo beeleedka u dhaxeeya Somaliland iyo Buntland? Aqoonsiga Somaliland ma u noqon karaa dawo Somalia isku soo dhawaysa?

Waa ay soctaa haddii uu xiligu ii ogolaado

Nabadeey

mahamud samatar   samatarapt@yahoo.com

 QORAALADII HORE EE M. SAMATAR

Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD