SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 

War-1-8-Janaayo,2004.Nairobi.
Carlo Ungaro:-Kulanka Gooni u baxa saacado ka dib ayuu...................

wakiilka Dawlada Talyaaniyaha iyo Midawga Yurub ee shirka wadahadala Nabada Soomaalida ka socda Kenya Amb.Carlo Ungaro ayaa saakey shir Jaraaid ku qabtey xafiiska oo ku yaala dhismaha Riversaide Park oo ku yaala xaafada Westland ee Magaalada Nairobi,Kenya.

shirka Jaraa`id ayaa ku saabsanaa qabashada kulanka gooni u baxa ee hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida ee wadahadala nabada oo haatan ka socda Kenya.

kulanakan ayaa waxa uu ka dhici doonaa Xaafada Diana ee Magaalada Mombasa, carlo ungaro ayaa tirada dadka ka qayb galaya ku sheegay ogaantiisa ilaa 40-qof, waxaa kaloo uu sheegay in ay hogaamiyayasha soomaalida ee ku sugan madasha shirka qalad u fahmeen kulanakan oo ah mid ka dhaxeeya hogaamiyayaasha iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ee maha kulanka hogaamiyayaasha oo kaliya.

waxaa kaloo uu sheegay inuu yahay wadatashi aayaha iyo mustaqbalka shacabka soomaaliyeed ,wada tashigan ayaa socon doona 10-berri ,ka dibna shirka waxa uu u gudbi doonaa wajiga 3-aad ee awood qaybsiga ayuu yiri ambasatorka.

mar aan weydiiyey rajada shirka ayaa wuxuu ii sheegay in 100/boqol kulana dhici rajadiisuna tahay mid aad iyo aad u wanaagsan.

mar uu kahadlayey Siyaasiyiinta maqan wax uu sheegay ugu danbeyn maanta in ay Nairobi soo gali doonaan,waxaa kaloo uu sheegay hogaamiyayasha ku sugan madasha in ay ogolaadeen in la qabto shirka, tirada dadka qayb galaya ka dib markii wadahadalo qaatey saacdo badan yeesheen Beesha caalamka ,IGAD iyo hogaamiyayaasha Soomaalida.

shirka jaraaid ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mario Reffielli oo ah ninka bedeli doona Carlo ungaro bisha soo socota Feberuary oo gali doona hawl gab.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

SomaliTalk.com | Jan 8, 2004

SOOMAALIDA LAGU DILEY QURBAHA

Nin Soomaali ah oo Lagu Diley Sweden
Cabdi Jaamac (Cabdi Tookiyo) ayaa u dhintay dhaawac ay u geysteen tuugo iyo nin kale ayaa isna lugu dhaawacay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.. Guji 8/1/4

Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis]

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.
 GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagutoogtey Maxkad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

 <><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD