SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MILICSIGA QARNIGA MILLINIUMKA IYO QUBANAHA SIYAASADDA

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

 

Hogaamiyaha Ururka Alqaacida ahna ninka maraykanku ugu doon doonid badanyahiin Osama Binladen ayaa habeenkii Isniintii wuxuu usoo diray Televisionka Al-jazeera ee luuqadda carabiga ku baxa ee saldhigiisu yahay waddanka Qadar Cajalad cod ah, Binladen wuxuu kaga hadlaayey cajaladani arrimo badan oo quseeya Hogaamiyayaasha Carabta, dhiirigelin uu dhiirigelinaayey Jihaadka, iyo weliba arrimaha ciraaq, Osama oo ka hadlaayey Hogaamiyayaasha carabtu wuxuu yidhi
 
Osama Bin Laden
Osama Binladen oo cod soo diray
 
"Waxaa jirta dareen weyn oo ah in la dumiyo Masaajidka Barakaysan ee Masjudul Aqsa, waxaa lagu tuntay oo la doonaya in la burburiyo Mujaahidiinta walaalahayo ah ee Falastiin, Baqdad keliya maaha meel la haysto, ee Riyadh, Ab-dhabi, Qaahira, iyo Dimishiq intuba waxay yahiin meelo gumaysiga Maraykanka iyo Yuhuudu uu buux dhaafiyey, waxaan idiin sheegaya walaalahayow in Jihaadku uu socdo oo aad Jihaad ku qaadan kufaarta maanta xukunta dawladaha Carabta"
 
Sheekh Osama intaa kagama uu tegin wuxuu usoo degay Dawladaha khaliijka wuxuuna yidhi "Kuwa is biday inay xoog weynyahiin waxay aaminsanyahiin in dawladaha khaliijka oo ilaahay jala-jallahuye siiyey nimco batrool iyo dahab in ay maalin uun gacanta ku qabsadaan, Walaalahayga islaamka ahow dhegahiina isiiya caqliginana baraarujiya Maanta daalimiinta kufaarta ahi waxay idinku soo weerareen diintiina, qoysaskiina, guryahiina, iyo naftiina, waxaan idin leeyahay nasiib idinma agyaalo aan ahayn inaad jihaadan oo aad ka xoraysaan dhulkiina kufaarta, indhahina fura walaalahayga Muslimiinta ahow Inaga iyo Daalimiinta waxba inagama dhexeeyan, cadaawada ay inoo qabaan waa mid soo jirtay oo soo taxnayd kumanaan kun sano, waa tii ay nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W) ugu diideen inuu  Madiina u hijiriyoodo, Ogaada in Jihaadka iyo hirdinka Cadawgeenu uu weligii socon doono, ka soo qaada dagaalkan maanta ina dhex yaalla waxaan u sheegaya daalimiinta in aanay jiri doonin wax heshiis ah iyo wada xajood ah aan ka ahayn inay dhiigooda arkaan inta kuwayaga (dhiiga Islaamka) la daadinaayo, ogaada Walaalahayga Islaamka ahow in aan weligeed iyo alaheed aanay hore u dhicin in kufaarta aan si kale loo xoraynaynin aan ka ahayn Jihaad"
Osama Bin Laden
Sheikh Osama Binladen
 
Osama Binladen wuxuu usoo jeediyey shucuubta Islaamka ah meel wal oo ay joogaan cidhifyada adduunyada talladani:-
 
Ogaada walaalahayow in xanuunku iyo tiifta iyo cabudhinta kufaartu uu idinku socon doono ilaa intaad gacmahiina iskaga xoraynaysaan, ogaada Walaalahayow in hadafka keliya ee lagu xorayn kara tahay idinka oo xanuunka tusa, Maanta waxay buux dhaafiyeen Qudus iyo Baqdad beritoole waxay buuxin doonan Riyadh, Makka iyo Madiina, ilaa intuu ilaahay nasrigiisa Muslimiinta daacadda ah siinayo, waxay idinku sandulaynayaan khurafaad iyo qoraalo khiyaali ah oo ay kufaarta falastiiniyiinta ah idiin soo marinayaan bal u fiirsada walaalahayga Islaamka ahow waxay idin hor dhigeen Road Map waxay iskugu kiin yeedhen Geneva iyo Berlin keliya waxay idinku sandulaynayaan waa waxay iyagu isla waafaqeen, waxaan walaalahayga saliimka ah u sheegaya in keliya xalku yahay inaad xanuunka yaalla qasa iyo baqdad oo kale gaysaan washington iyo Televiv.
 
Osama Binladen waxaa kale oo uu ka hadlay qabashadii Saddam Xuseen wuxuuna yidhi "Waxay albaabada idiinku banaysanayaan waxa weeyann inay dhulka soo dhigaan keli taliyayaasha ka shaqeeya dunida carabta bal walaalahayga Islaamka ahow u fiirsada markay qabteen kufaarkoogii ugu weyna ee ay dabada ka wadi jireen (Saddam xuseen) ayey dad badan oo bilaa caqli ahi u malaynayaan in ay xoreeyen, waxaan u sheegayna in jihaadku meel walba ka socon doono, inta dhiiga islaamka la daadinayana koogu uu socon doono.
 
Guntii iyo gebo gebadii qudbadaa Osama oo aad u dheerayd wuxuu ku soo gunaanaday fariin uu u diraayo shucuubta Islaamka oo ah in jihaadka la wado ilaa inta laga xoraynaayo dhulka Islaamka wuxuuna u duceeyey in ilaahay nasrigiisa islaamka siiyo, wuxuuna ku baraarujiynaya muslimiinta muuminiinta ah in ay diinta islaamku guulaysan doonto lagana adkaan doono kufaarta (Crusaders)
 
Osama Binladen
 

 

Qore:  MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

     KARACHI, PAKISTAN
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 5, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraag aku saxiixan.

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD