SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaayo 12, 2004

Minnesota oo noqotay meesha afka Soomaaliga loogu qadarin badan yahay dibadaha

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

 

 

Daabaco Boggan | Print

 



Bidix ka bilow: Mauulid Man, Abdullahi Yussuf, Abdukassim Salat Hassan, Hussein Aided
(Sawirka AFP)


Abdiqassim Salad Hassan, iyo Abdullahi Yusouf Ahmed oo gacanta is haysta, kulankii Nairobi ee  January 9, 2004 (Sawirka: Reuters)

WARBIXIN: SHIRKII 9/1/4 ee SOOMAALIDA LOOGU QABTAY NBI

Afk Soomaaliga ayaa noqday af jiritaankiisa aan la loodin karin ka dib markii la qoray 1972dii. Wuxuuna noqday mid ka horumarsan afaf badan oo aan la qorin ama afafka looga hadlo dalalka weli aan ka xoroobin reer yurub xagga afka – waa kuwa weliga Afka yurub uu u yahay afka rasmiga ah sida faransiiska ama ingriiska kuwaas oo u badan dadalka soo koraya.

Dalalka horumarsan ee yurub oo aan ku hadlin afka Ingriiska dhamaantood ma jecla inay soo saaraan wargeys ku qoran Af Ingriisi ama faransiis halka dalalka la gumeystay uu ingriisiga ka yahay afka rasmiga ah-

Haddaba Soomaalida Minnesota ku nooli waxay nasiib u yeesheen in ay helaan wargeysyo ku soo baxa afka Soomaaliga, xafiisyo badan oo dawladeedna laga heli karo qoraalo af-Soomaaliah ama turjubaano soomaali ah. Waxaa kale oo ay reer Minnesota nasiib u yeesheen goobo ganacsi oo ayaga u gaar ah oo dhaqankooda iyo cuntadooda iyo af-Soomaligaba ku hirgalo taas oo aad u caawisa dhalaanka Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota.

Waxaa kale oo ay reer Minnesota nasiib u yeesheen ilaa iyo 7 TV oo af-Soomali ah oo uu ku jiro mid ku hadla Af Mai (waxaa looga hadlaa Baidhabo iyo nawaaxigeeda). Waxaa kale oo jira in uu jiro TV dhawaan bilaabmay oo ka soo baxa magaalada Rochester gaarana Statae-ka Minnesota oo dhan.Waxaa intaas oo TV ah wehaliya Radiyeyaal dhawr ah oo saacado yar usbuucii ku hadla Af Soomaali. Dugsiyada qaarkood waa la ogol yahay in af-somaliga la dhigo.

Waxaa ayada xusid mudan horumarka technologiga casriga oo suurtagelinaya shabakadaha internet-ka af-Soomaaliga ku qoran iyo raadoyahooda oo u sahlaya dadka ku raaxaysta dhagaysiga ama aqriska wararka Soomaaliya inay ka faa’iidaystaan caruurtoodana ka caawin kara af-Soomaaliga. Dadka raac raaca ama aqiyayay mudo dheer shabkadaha internetka ee af-soomaaliga waxay dareemayaan in ay maalinba maalinta ka danbaysa soo fiicnaanayaan oo qaarkood hadda ku dhowyihiin in waxa ay qoraan la isku halaynkaro waayo iidhehda iyo businesska shuruudihiisa ayaa wanaajinaya welisa fari kama qodna.

Waxyaabaha lagu farxo waxaa ka mid ah in tikidka tareenka lagu soo qori rabo af Soomaali iyo xaafadaha Minneapolis dhinaceeda koofureed oo ah meesha Soomaalida u badan tahay in aad ku arkayso far-soomaali ku qoran calaamadaha oranaya “Ku soo dhowaada xaafad hebla” sida xaafadda lyndale. Qaar siyaasiyiinta Minnesota ka mid ah waaxay bilaabeen inay qorshahooda wax qabad ku soo qoraan af-soomaali!

Dhurwaaga neefka gooni u daaqa ah ayuu cunaa, waxaa iska muuqanaysa meelaha ay Soomaalida ku badan tahay qayrka ay leedahay sida masaajidyada iyo ku hadalka af Soomaaliga, Minnesota waxay u muuqataa inay caruurta Soomaalida ka caawinayso inay bartaan af-Soomaaliga.

Maxamuud Nuur Wardere

mnwardere@yahoo.com

 QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD