Jimcihii ay taariikhdu ahayd January 9keeda ayuu
Madaxweyne Bush bilaabay inuu tababar sii qaato sidii uu qudbad taariikhi ah
oo anfacda asaga iyo himilooyinkiisa mustaqbalkaba. Sidoo kale ayaa ammaanka
xarunta xildhibaanada ee loo yaqaan Capitol Hill la adkeeyay waayo waa
habeenka keliya oo ay dawladda oo dhan meesha ku idishahay weliba kuwii lahaa
silsiladda dhaxal talada maraykanka haddii uu madaxweynaha geeriyoodo
habeenkaas waxba kama maqnaan doonaan. Waxaa kale oo iman doona
gudooyeyaasha maxkamadda sare (Supreme Court) waxaa kale oo iman doona marti
ay ka mid yihiin diplomaasiyiin ajnabi ah. Meesha waxaa ka maqnaan doona hal
wasiir oo ka mid ah wasiirada madaxweyne Bush.
Maxay tahay sababta uu wasiirkaas (cabinet member) u
maqnaandoono habeenkaas?
Waa taladii seegtay jabhadihii riday dawladdii
Soomaaliya- wasiirkaas waxaa loogu talo galay in haddii amar ilaahay yimaado
oo inta meesha joogtaayi wax ku dhacaan in aan sisiladdii dhaxalka
madaxtinimada maraykanka aanay wareer iyo muran gelin oo asagaa wadanka
maamulaya intii muddo ah si ku meelgaarka ah. Qofna ma ogola in wadanku
noqdo dawlad la’aan sida Soomaaliya.
Khudbadani waa maxay?

George W. Bush |
Waa warbixin uu madaxweynuhu siinayo dhammaan
xildhibaanada labada gole ee maraykanka sanadkii hal mar si uu ugu
waramoxaaladda gobolada midoobay ee Ameerika hase yeeshee madaxweynayaasha
maraykanka ayaa u isticmaala fursad ay dadka ku soo jiitaan, xildhibaanadana
wax uga dhaadhacshaan, oo xataa hadda dadyowga adduunka kula hadlaan. Isku
soo duuduuboo waxay u isticmaalaan inay himiladooda ku gaaraan ayagoo ku
faana wixii guul ah oo ay hore u soo qabteen iyo waxa ay damacsan yihiin
sanadka soo socda.
Sharcigee ku dhisan tahay khudbadan?
Dastuurka maraykanka qodobka 11naad qaybta 3xaad ayaa
amraysa in uu madaxweynaha u waramo xildhibaanada labada gole sanadkii hal
mar. Madaweynihii ugu horeeyay ee khudbadan aqriya waxaa uu ahaa
Madaxweynihii kowaad ee maraykanka President George Washington January 8,
1790 dadka hortood ayuu ka qudbeeyay markaas sidaas ayay ku socotay ilaa uu
joojiyay madaxweyne Thomas Jefferson oo yiri sidan ma fiicna waayo waxay u
ektahay in aan boqor ahay oo kale wuxuuna bilaabay inuu warqado soo diro
xildhibaanadana loo aqriyo taas oo socotay 100 sano
1913, Madaxweyne Woodrow Wilson ayaa soo horistaagay
xildhibaanada oo soo nooleeyay caadadii soo hor istaaga. 1923, madaxweyne
Calvin Coolidge ayaa noqday kii ugu horeeyay ee raadiyo u isticmaala
khudbadan. 1935 Madaxweyne Franklin Roosevelt ayaa isticmaalay kelmadda
State of Union markii u horaysay ka dibna waxa ay noqotay magaca qudbadda.
1947, Madaxweyne Trueman ayaa noqday kii ugu horeeyay oo khudbadan u
isticmaala Television ka dibna madaxweyne Lyndale Johnson ayaa noqday kii ugu
horeeyay ee qudbadan u bedela fiid ama marka dadka guryaha joogaan oo ay u
badan tahay inay fiirsadaan television-ka (prime time).
Dadka u qora qudbadda madaxweynaha ayaa dhowaanahanba
ku mashquulsanaa sidii ay u qori lahaayeen qudbad xiiso leh oo anfacda
madaxweynaha si kastaba iyo inay ilaaliyaan in qudbadda aanay ku jirin wax
aan la xaqiijin ama muran keeni kara sidii hore u dhacday markii uu
madaxweynaha isticmaalay 16 kelmadood oo muran iyo wareer dhaliyay kuwaas oo
ahaa
“ dawladda Ingriiska ayaa ogaatay in Sadaam Huseen uu
ka raadsaday Afrika macdanta laga sameeyo hubka halista ah”
Warkaasi ma aha oo keliya in la xaqiijin waayay bal
qubarada sirdoonka maraykanka ayuu ku noqday ceeb waayo ma ay jecla in
dawladooda ku tiirsanaato xog ka timid dal kale ayagoo jooga. Khudbadan waa
muhiim waayo dad badan oo maraykan ah oo ay weliba qaarkood aanay
dhagaysanin wax war ah oo dhan iyo dadka adduunka kaleba waa ay dhagaystaan
waxaa intaas sii dheer inay isla markiiba ku xigi doonto jawaabta deg degga
ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Demoqraadiga
Xisbigan ayaa ayagana maalmahan ku mashquulsan jawaab
kulul oo waxkama jiraan ka dhigta guulaha iyo waxqabadka iyo himilooyinka uu
ku faani doono madaxweyne Bush habeenka talaadada waayo haddii aanay si
fiican uga jawaabin waxay ku noqon doontaa nabar gaar ahaan sanadkan 2004 oo
ah sanadkii doorashada. waxaa kale oo ku xigi doonta falanqaynta arrintan ay
falanqayn doonaan suxufiyiinta adduunka iyo weliba murashaxiinta u taagan
doorashada madaxweynaha ee 2004.
Hab maamuuska xafladda
Khudbadan ayaa waxaa la socda protocol badan iyo kala
danbayn aad u adag taas oo bilaabanaysa marka la casheeynayo waxaase ka daran
sida loo soconayo iyo sida loo kala fariisanayo. Waxyaabaha yaabka leh ee
xafladdan waxaa ka mid ah Senatoorada iyo shaqaalahooda oo ixtiraam dheeraad
ah la siinayo. Inta xafaladan socotaa qof bixi karaa ma jiro sida loo
baxayana waa nidaam. Inta qudbadda socoto waxaa meesha ka muuqanaya sacab
badan iyo isu camirid. Sida uu madaxweyne Bush uga faa’iidaysto fursaddan
dahabiga la arki doonaa.
Maxmuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Minnesota oo noqotay meesha afka Soomaaliga loogu
qadarin badan yahay
dibadaha .
Qore: Maxamuud Nuur
Wardheere | Jan 12, 2004
Afka Soomaaliga ayaa noqday af jiritaankiisa aan la
loodin karin ka dib markii la qoray 1972dii. Wuxuuna noqday mid ka horumarsan
afaf badan oo aan la qorin ama afafka looga hadlo
Guji...