SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
June 2, 2004

SHIRWEYNIHII MASJIDU-RAHMAH

Waxa loogu bishaaraynayaa dadweynaha soomaaliyeed ee degan London iyo hareereheeda in laqabandoono shir sanadeedkii Southall maalinta AXADDA 6da JUUN 2004 kaasoo ay inoogu marti yihiin culimadeena waddanka iyo culimo dibadda inooga imanaysaba.

Barnaamijkuna wuxuu usocon doonaa sidan:

10:00am-10:30am Soodhaweyn.
10:30am-11:45am Muxaadarada1ad: Masaajidada iyo fadligooda.
Sh.Cali Maxamed(cali mawliid)(Sheffield)

11:50am-12:45pm Muxaadarada 2ad:Kasbashada Xalaasha.
Sh.Axmed Dahir Aweys(London)

12:50pm-01:00pm Warbixin kusaabsan masaajidka Ar-Rahmah, hakashadii kudhacday
maxaa sababay maxaana lagu xaliyay iyo haatan iyo dan.
Sh.Cali Mohamed.(Sheffield)

12:45pm-02:00pm Salaad duhur & Qado.

02:15pm-04:00pm Muxaadarada 3ad:Ilma Nabi Yacquub wixii kala qabsaday iyo wixii
Nabi Yuusuf uu kudaweeyey.
Sh.Mustafe Haji Ismaaciil Haaruun.(Norway)

04:05pm-05:30pm Muxaadarada 4ad: Diintu waa Nasteexo.
Sh.Maxamed C/dahir(Cardiff)

05:35pm-06:35pm Dood Cilmiyeed Kusaabsan Caalamka Islaamka iyo Maanta Dhibta
Haysata & Maxaa Xal u’ah oo Lagaga Bixikaraa.
Sh.Mustafe Haji Ismaaciil Haaruun, Sh.Cali Maxamed(cali mawliid),
Sh.Maxamed C/dahir & C/qadir Cali Cambe oo xidhiidhinaya .


06:40pm-07:30pm Su’aalo & Jawaabo
Xarunta lagu qabanayo waa SOUTHALL COMMUNITY CENTRE,20 Merrick Rd, Southall,Middx,UB2 4AU.

Tareenka kuugu dhow waa Southall Station oo ujira xarunta shirka 2daqiiqo kanasoo
Raaci kareysid Ealindg Broadway Station ama Paddington Station.

Basaska kuugu dhow oo aad kaga wada hordagaysid Tareenka Southall hortiisa waa: H32,E5,120,150,195 & 805.

Qiimaha qadadu waa £3.

Wixii faah faahin ah kalasoo xidhiidh C/fattaax Awnur 07984 645 614.

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:  Sharmake Yussuf  sm@xaraf.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD