SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
June 3, 2004
  • BEELIHII KU DAGALLAMAY MUQDISHO OO U FURMAY HESHIIS
  • SARKAALKII U SHAQEYNAYAY HAY’ADDA UNICEF OO CAAWA LA SII DAAYAY
  • Magaalada B/Xaawo oo maanta xasiloon.
  • Axmed Siilaanyo oo gaashaanka ku dhuftay wararka sheegayo inuu ku biirayo shirka Somaliya uga socdo Dalka Kenya.
  • Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Jabuuti oo ka hadlay Dagaalada Magaalada Muqdisho.
  • Ururada Ucid iyo Kulmiye oo ku eedeeyay Dowlada Somaliland inay ku xadgudubtay Shuruucda u dagsan Golayaasha Deegaanka Somaliland

MINNESOTA: Nin Soomaali ah oo Meydkiisa laga helay Berked lagu dabaasho

Sida ay faafiyeen warbaahinta Minnesota, nin Soomaaliyeed ayaa meydkiisii laga helay berked lagu dabaasho. Waxaa wararku intaas raaaciyeen ninkaas oo da'diisu ahayd 25 magaciisana la oran jiray Osman Sufi in meydkiisa laga helay salka hoose ee berkedda  hoteelka lagu magcaabo Embassy Suites Hotel oo kuyaal faras magaalaha St. Paul oo ah caasimada Minnesota, USA.  [Eeg halkan]

BEELIHII KU DAGALLAMAY MUQDISHO OO U FURMAY HESHIIS AY KU SOO AFJARAYAAN COLAADA .

 

Waxaa weli socda heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee u dhexeeyey beelihii ku dagaallamay Waqooyiga Muqdi-sho, inkastoo xabbad joojinta aan si rasmi ah loo saxiixin, haddana waxaa odayaashu ay dadaal ugu jiraan sidii ay labada dhinac si rasmi ah uga saxiixi lahaayeen heshiis xabbad joojin ah, waxaana la sheegay in labada dhinac ay haatan diyaar u yihiin heshiis dhex mara, inkastoo labada beelood mid waliba ay soo bandhigeen shuruudo uu kan kale ku diiday, waxaana odayaashu haatan ay doonayaan in labada beelood ay isugu keenaan meel dhexe, iyadoo dadkii ka qaxay deegaannadii uu ka dhacay dagaalka ay haatan bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodi

 

 Shalay subax ayaa daarta Wiif ee deegaanka  Suuq Bacaad mar kale  ka furmay kulan ay isugu yimaadeen gudigii dhexdhexaadinta  iyo wakiilo ka socday  beelaha Wacbuudhan iyo Harti Abgaal  inkastoo uu dib u dhac ku yimid furitaanka kulan-kan oo la doonayey in uu furmo 8:00-Subaxnimo, balse furmey 2:00-Duhurnimo, waxaana la sheegay in beel ka mid beelihii  dagaalka uu dhexmaray  ay soo daahday.

 

  Nabaddoon Shire Dalfac oo u waramayey saxaafadda ayaa sheegay in dhawaan labada dhinac ay gaari donaan heshiis dhab ah iyadoo halka uu ka dhacayay kulankaasi ay buux dhaafiyeen dadweyne aad u tiro badanaa oo ka war dhowrayay   waxa ka soo bixi doona kulankaa.

 

Kulankii shalay subax  waxaa ka maqnaa saddex xubnood oo muhiim u ahaa  heshiisiinta labada beelood waxaana ka mid ahaa Cali Mahdi Maxamed, IImaam Maxamuud Imaam Cumar, Macallin Maxamuud iyo xubno kale, waxaana lasheegay in ay u maqnaayeen howlo la xiriira heshiiska labada beelood, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda  ay imaan yimaadaan goobta shirku ka dhacayo.

 

W/D  Amin yuusuf Khasaaro

E- Mail amiinkhasaaro@homail.com

 

SARKAALKII U SHAQEYNAYAY HAY’ADDA UNICEF OO CAAWA LA SII DAAYAY

         

Guddoomiyaha Gobolka Bay Maxamed Aadan Qalinle ayaa xaqiijiyey in la sii daayay Sarkaalkii sare ee u shaqeynayay hay’adda UNICEF ee lagu magacaabo Xirsi Ceynab oo ay habeen hore afduubteen koox dabley ah.

 

          Inkastoo kooxdii dableyda ahayd ay dalbadeen madax furasho, haddana dadaal ay sameeyeen odayaasha iyo mas’uuliyiinta RRA-da ayaa lagu guuleystay in lagu sii daayo kooxdii dableyda ahayd.

 

          Waxaa kaloo sii deyntan qayb ka qaatay markii shalay bannaanbax aad u ballaaran uu ka dhacay Magaaladaasi oo ay dhigeen Caruur iyo haween, waxayna dalbanayeen in si deg-deg ah loo sii daayo Xirsi Ceynab.

 

          Waxaa lagu warramay in aan wax madax furasho ah aan lagu bixin markii xalay la sii daayayna waxaa si aad ah looga soo dhoweeyey Gobollada Bay iyo Bakool, waayo shalay ayaa la filayay in degmada Xuddur ay dib uga howl-galaan hay’adihii Samafalka, isla markaana waxaa la doonayay in dib loo furo garoonka Diyaaradaha ee Xudur, balse markii ay maqleen in la afduubtay Xirsi Ceynab ayay dib u dhigteen qorshahoodii Samafalka.

 

          Dhinaca kale waxaa shalay iyana la sii daayay Markab muddo 5-maalmood ah lagu haystay Xeebta Magaallada Kismaayo, waxaana isna la sheegay in aan lagu bixin wax madax furasho ah, iyadoo mar la wareystay Kabtankii Markabkaasi uu sheegay in ay si wanaagsan ula dhaqmeen kooxdii dableyda ahayd, waxaana shalay ka billowday dekedda Kismaayo in Markabkaasi laga dejiyey rarkii uu siday oo u badnaa bagaash iyo alaabaha dhismaha, waxaana sii deyntiisa qayb ka qaatay Odayaasha iyo mas’uuliyiinta Isbahaysiga Dooxada Jubba.

 

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

<><><>

W/Q.Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com  

Magaalada B/Xaawo oo maanta xasiloon.

Wararka ka imaanaya Magaalada B/xaawo ayaa sheegaya inay manta Xaalada Magaaladaasi ay tahay mid dagan kadib markii shalay ay Magaaladaasi ku hardameen Maleeshiyo Beeleedyo isaga soo horjeeda Gacan ku haynya Magaalada B/xaawo.

Maxamed Faarax Nuur oo ka mid ah Odayaasha Magaalada B/xaawo oo aan Waraysi kala yeelanay Xaalada Magaalada iminka sida ay tahay waxaa uu shegay inay manta magaalada ka duwan tahay sidii shalay ay ahayd oo uu ku tilmaamay inay ahayd maalin Musiibo,taasoo uu ula jeeday Maxamed inay halkaasi ka dheceen Shalay Dagaalo aan waxba la iskula harin oo waxyeelo badan gaystay ,waa sida uu hadalka u dhigaye.

Odayaasha ka soo kala jeeda Beelaha halkaasi ku dagaalamaya ayaa waxay dadaal wayn ugu jiraan sidii ay ku qaboojin lahaayeen Dagaalada iska soo Noq noqonaya ee gil gilay Magaalada B/xaawo iyo Nawaaxigeda.iyadoo aysan muuqan ifafaalo muuinaya in wax hormar ah laga gaari karo isku dayga ay wadaan Odayaashaasi kasoo kale Jeeda Beelaha ay Dirirtu u Dhexayso.

Waxaa isa soo tarana khasaaraha uu gaystay Dagaalkii Shalay gelingii Hore ka holcayay Qeybo ka mid ah Magaalada B/xaawo,iyadoo Dhaawac aad u badan la geenayo Hospitalka Magaalada B/xaawo,waxaana dhinaca kale warar ay intaasi ku darayaan in hospitalku uu yahay mid ay ka idlaatay dhamaan Daawadii wax looga qaban lahaa dadka ay wax yeeladu ka soo gaartay Dagaalada Sokeeye ee Mudooyinkanba ay Caadeysteen inay isaga horyimaadaan Maleeshiyada ka soo kala jeeda Beesha Dagta halkaasi.

Ma jiraan ilaa iyo imin ka waxa hay’ad Samafal ah oo wax ka qabay dhimaatada la soo gudboonaatay Dadka dagan deegaanada B/xaawo iyo kuwa ku xeeran ee ka tirsan Gobolka Gedo,waxaana wararka qaar sheegayaan inay soo badanayso Dadka u dhimanaya Dhaawacyadii shalay kasoo garay Dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay Magalada Baled Xaawo.

Magaalada Baled Xaawo oo kaliya ma ahan Meelaha ay Dagaalada Sokeeye ka dhacayeen Todobaadyadii la so dhaafay Magaalada Muqdisho ayaa ka mid Magaalooyinka ay Dagaalada Sokyeeye hareeyeen,sikastoo ay tahay la argi doonee halka ay ku danbeyso Dagaalada Sokeeye ee iminka ka Curtay Somaliya,iyadoo dhawaan la rajaynayo in Dowlad lagu soo dhiso Shirka Somalida uga Socda Dalka Kenya ee u gudbay Wajigiisii Sadexaad ee Awood Qeybsiga Beelaha Somaliyeed.

Axmed Siilaanyo oo gaashaanka ku dhuftay inay wax ka jiraan wararka sheegayo inuu ku biirayo shirka Somaliya uga socdo Dalka Kenya.

Gudoomiyaha Ururka Mucaaradka ee Kulmiye Axmed Maxamed Muaxamuud "Siilaanyo" oo markii ugu horaysay ka hadlay warar dhawaan soo shaac baxay oo shegaya inuu Siilaanyo iyo Ururkiisaba ay doonayaan inay ku biiraan Shirka Somaliya ayaa arintaasi ku tilamaay mid aan waxba ka jirin oo ah Dacaayad Siyaasadeed oo loo soo jeediyay Ururkiisa.

Mr,Siilaanyo waxaa uu intaasi ku daray inaysan waxba kala socon wada hadalka Somalida uga socda Dalka Kenya oo uu sheegay inay iyaga ka yihiin Dal ka madax banaan Somalida inteeda kale oo ay leeyihiin Dowlad iyo Dhul lagu Magacaabo Somaliland,hadaba iyadoo ay taasi jirto buuyiri Siilaanyo maba argo wax aan ugu biro Dalka aan mar hor dhinaca isaga taagnay Shir lagu hishiisiinayo.

Mar wax laga waydiiyay Siilaanyo markii uu maqlay wararka sheegaya inuu ku Biirayo Shirka Somaliya uga Socda Dalka Kenya ee Iminka u gudbay Wajigiisii Sadexaad ee Awood Qeybsiga Beelaha,isagoo hor kacaya Beesha Direed oo uu u Noqonayo Gudoomiye waxaa uu ku jawaabay"runtii arintaasi waa arin layaab leh waana daremi karaa Cida Suuqa soo gelisay wararkaasi,laakiin sikastoo ay tahay waxan ku soo gaabinayaa arintaasi waxba kama jiraan" sidaana waxa yiri Gudoomiyaha Ururka Mucaaradka ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo"

Axmed Siilaanyo ayaa mar uu ka hadlayay Shirka Somalida ee Kenya waxaa uu sheegay inuu yahay mid aan xirir la lahayn Dadka iyo Dalka Somaliland,laakiin waxaa uu intaasi raaciyay inuu aad uga xunyahay inay dhibaato ku sii jiraan Dadka Somaliyeed oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad ay Jaaryihiin,isagoo ka cod saday Hogaamiyayaasha Somalida inay si deg deg ah Hishiis dhab ah u gaaraan si loo badbaadiyo buuyiri Dadka Somaliyeed ee Mudada Dheer ku jira Dagaalada Sokeeye.

Wasiirka arimaha dibada ee Dalka Jabuuti oo ka hadlay Dagaalada Magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha Dibada ee Dalka Jamhuuriyada Jabuuti Cali Cabdi Faarax ayaa waxa uu ka hadlay Dagaalada Sokeeye ee ka socday Magaalada Muqdisho,isagoo ku tilmaamay Nasiib daro inay Somalida iminka dib ugu laabtaan Dagaal Sokeeye,waxaana uu sheegay in xilligan uu yahay Waqtigii Somalidu dhisan lahaayeen Dowlad Loo dhan yahay.

Cali Cabdi Faarax Wasiirka Arimaha Dibada ee Jabuuti waxaa kale oo uu ka cod saday dhinacyadiii ku Dagaalamay Waqooyiga Magaalada Muqdisho inay Dagaalada Joojiyaan oo ay Gacan ka hadalka ay ku badalaan Wada hadal Nabadeed,waxaana uu intaasi raaciyay inuu Dagaalku yahay mid uu Wiilku dhinto oo uusan ahayn mid uu Wiilku dhasho.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Jabuuti Cali Cabdi Faarax dhanka kale waxaa uu ka hadlay Shirka Somalida uga socda Dalka Kenya ee dhawaanku gudbay Wajigii Sadexaad ee Awood qeybsiga Beelaha,waxaana uu ku tilmaamay shirka inuu yahay mid guul ku tilaabsaday oo ay Rajadiisu aad u wanaagsan tahay,

Sidoo kale Wasiirku waxaa uu sheegay inay meesha ka baxday Siyaasadii kala sii jeeday oo ay kala qabeen Dowladaha ku bahoobay IGAD ee shirka Somalida Gacantaku haya,mar la waydiiyay Su’aal ahayd side lagu xaliyay Khilaafkii u dhexeeyay Ethiopia iyo Jabuuti waxaana uu sheegay inay arintaasi meesha ka baxday oo IGAD ay iminka u midowday Wax u qabashada Umada Somaliyeed ee Dowlad La’aantu hayso.

Ururada Ucid iyo Kulmiye oo ku eedeeyay Dowlada Somaliland inay ku xadgudubtay Shuruucda u dagsan Golayaasha Deegaanka Somaliland

Qoraalo ay soo kala saaraan Ururada Ucid iyo Kulmiye ayaa waxay si kulul ugu weerareen Dowlada Somaliland ka talisa ee uu Madaxda ka yahay Mr,Daahir Riyaale Kaahin waxay ku sheegeen inay Maamulka Riyaale ku Xad gudbeen Golayaasha Deegaanka Somaliland.

Waxay Labadan Urur Mucaarad ay sheegayn inay Dowlada Somaliland Burisay Qodob ka mid ah Shuruucda u dagsan Dalka Somaliland kadib markii ay faraha la soo galeen Arimaha Golayaasha Deegaanka Somaliland,taasoo ka soo burqanaysa Madaxda Golayaasah Deeganada Somaliland

Madaxda Golayaasha Deegaanada Somaliland ee Burco iyo Hargaysa ayaa Dhawaan eedeeyn u soo jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan kadib markii uu Madaxdaasi u diiday inay Qabtaan Shir aan caadi ahayn,arintasi oo Buuq badan ka dhex dhalisay Madaxda Sare Sare ee Dowlada Somaliland iyo Ururada Mucaaradka ee Jamhuuriyada isku Magacowday Somaliland.

Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Dowlada Somaliland eek u Wajahan Arimahan lagu eedeynayo ee ah inay Faragelin ku sameeyeen Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ee ka imaanaya dhinaca Ururada Ucid iyo Kulmiye iyo xitaa Madaxda Golayaasha Deegaanka Somaliland.

Banaan bax looga soo hor jeedo afduub gaystay loogu baydhabo  Xirsi Caynab Maxamed oo ah Sarkaal Sare oo ka tirsan hay’ada Jimciyada Quruumaha ka Dhexeeysa u qaabilsan Arimaha Waxbarashada ee marka Magaceeda la soo gaabiyo la yirahdo Unicef ayaa manta ka dhacay Magaalada Baydhabo

Dib baxaan oo ay soo abaabuleen Odayaasha,Wax garadka iyo qaarka mid ah Ururada Bulshada Rayidka ee ka howlgala Magaalada baydhabo ayaa waxaa looga soo horjeedaa afduubka lagu haysto Sarkaalkaasi ka tirsan hay’ada Unicef ee Konfurta Somaliyada,iyadoo lagu codsaday in si deg deg ah lagu soo daayo Muwaadinkaasi Somaliyeed ee howl laha Samafalka ka waday Deegaamada ay ka taliyaan RRA da.

Dib baxayaasha oo socodkooda ka soo bilaabay Bartamaha Magaalada Byadhabo ayaa socdaal aad u baaxad wayn ku soo maray gabi ahaanba Magaalada Baydho,iyagoo uga gollahaa sidii loo soo deyn lahaa Xirsi Caynab Maxamed oo ah Sarkaal ka tirsan hay’ada Unicef ee Magaalada Baydhabo,waxayna wararku sheegayaan inay dib baxayaashu ay wateen boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay ku qoran yihiin,afduub doonimayno,Caade qaato doonimayno,dhulkiisa burburiye doonimayno iyo Erayo kale oo ay ka muuqato qiiro wadaninimo.

Dadaalo ay wadeen Odayaasha,waxgaradka iyo Taliyaha Ciidamada Magaalada Baydhabo Maxamed Yare Shiikh Maxamed Rooble oo lagu doonayay in lagu soo daayo ninkaasi ay afduunteen dableeyda aan ilaa iyo iminka la garan waxa ay u afduubteen Xirsi Caynab Maxamed oo ahaa nin in badan ku dhex Noolaa Dadka Reer Baydhabo.

Madaxda Jabhadawax iska caabinta RRA da ee Gacanta ku haysa Magaalada Baydho ayaan ilaa iyo hada ka hadlain Afduubka Xirsi Caynab loogu gaystay Magaalada ay ka arimiyaan ee Baydhabo,lamana garanayo waxa ay ilaa iyo iminka ugu aamusan yihiin afduubka Sarkaalkaasi ka tirsanaa Ha’ada Unicef qeybteeda Waxbarashada ee ka howlgasha Magaalada Baydhabo.

Afduubyada inta badan laga gaysto gudaha Somaliya ayaa waxaa inay yihiin kuwo lagu doonayo Arimo Dhaqaale,iyadoo hadii aan laga siin lacag madax furasho ah ay dhici karto inay waxyeelo u gaystaan Muwaadinkaasi Somaliyeed ay afduubtaaniyo hadii uu yahayba Qof kale oo Shisheeye.

W/Q. Abdi Wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com
Garyare@msn.com Garyare20@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD