SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
June 3, 2004
Ajigu Nolol iyo Mayid Ma Laandheera?!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Dadyowga dunidu waa kala ilbaxsan yihiin oo qaar baa ilaa abad magaala joog soo ahaa qaarna waa soo galooti oo aabayaashood ay in yar magaalo ku dhasheen. Waxaa ka mid ah Soomaalida oo marka xadaarada laga eego ay ugu cadcadyihiin dadyowga lumiyey asalka meesha ay ka soo jeedaan ee ku abtisada magaalada ay degan yihiin. Waxaa dadkaa ka mid ah Reer Xamarka, Zaylici iyo Harari. Dadkaasi asal ahaan meelo kale bay ka soo jeedaan laakiin markii ay haybtii ka luntay baa waxaa loogu magac daray magaaladii ay deganaayeen. Sida ay haybtu ku lumi kartaa waa iyadoo ay dadku gurigoodu asalka ahaa ka soo hayaameen oo ay qarniyo fara badan ay meel kale ay degeen oon lkaga aqoon ama in umad kale oo ka tira badan ay ku dul habsatay oo markaa ay ku qasbeen in ay shuruucdooda iyo dhaqamadooda ay qaataan ama ay duleestaan.

Haddaba dadka aanu soo sheegnay ee dega magaalooyinkaa qadiimka ahi inta badan waa dad ka dhiig furan Soomaalida inteeda kale oo haddaad wareysatid kugu oranaya bariga dhexe baanu waa hore ka soo bara kacnay. La yaabna ma leh oo waa shabahaan!

Haddaba geyiga Soomaali degto ma magaalooyikaas oo qudha miyaa? Miyeysan jirin taariikh kale oo la raad raaco oo cadeynasa facweynaanta degaankeena?
Culimada dhulka qoddaa waxay jawaab u la’yihiin su’aalaha ka buuxa maskaxdooda waxayna isku wada raaceen haddii Soomaaliya la qodo in ay maskaxdu u degi doonto! Waxaanse marnaba laga dhaadhicin Karin Ninka Cad ee u haysta in Masaaridii Hore ay ahaayeen dad Cad Cad si uu u inkiro in Dad Madoobi ay lahaayeen ilbaxnimo iyo in ay dhiseen Ahraamta iyo Sanamyada ka yaabiyey in ay Soomaaliya ka horu marsanayd Faraaciintii. Waayo Faraaciintu waxay aaminsanaayeen in dadka Boonta ah ee deganaan jirey dhulka maanta lagu magacaabo Soomaaliya ay ahaayeen dad Tumaalo ah oo farsamayaqaano ama dabato ah oo ay ka doonan jireen Dahabka, Harag Shabeelka, Baalasha Gorayada, Mayrax iyo Fooxa. Waxay Faraaciintu rumeysnaayeen in Dhula Boonta ay awoowayaashood ka yimaadeen, Ilaahyadii ay caabudi jireena ay halkaa ka yimaadeen marka ay boqorradoodu dhintaana inta badan loo jeedin jirey jihada iyaga kaga beegnayd dhulkii Boonta oo qibladooda ahayd markaa!
Haddaba hadii dhulkeena la qodo laba shaybaa ka soo bixi doona oo ka yaabiya Soomaalida iyo dunidaba:

1-Waxaa ka soo bixi doona Sun wax gumaada oo aafeysa dad iyo duunyaba. Suntaa waxaa inta badan wadanka ku duugay caada qaatayaal eegaya danahooda gaarka ah iyo dan shisheeye kuwaasoo dan mooday inay carruurtooda dibada u dirsadaan carruurta ummadana baabiiyaan. Laakiin waxaan la yaabanay miyeesan ogeyn in carruurtoodu ay u soo noqonayaan Lama huraankii oo aabayaashood ugu diyaariyeen berkado sun ah oo ay ku dabaashaan? Miyeysan ogeyn in ay carruurtooda ay isleeyihiin dhakhtarnimo iyo injireero ha idiin soo noqdeen ay ku soo laaban doonaan Lama huraankii oo ay la shaqayn doonaan khamarjiyaal iyo ma naxayaal ay aabayaashood tababareen oo ay weliba dadkoodii laayeen?

2- Waxaa ka soo bixi doona taariikh fac weyn oo ka yaabisa dunida iyo Soomaalidaba tustana in dadkii Boonta ahaa ee dhulka deganaa ay ahaayeen dad Africa iyo Eeshiyaba ay u baahnaayeen xiriir ganacsina la la haayeen la’aantoodna aysan noolaan karayn. Waxaa laga soo saari doonaa qoraalo, sawiro, farshaxan kala duwan, alaabooyin ka kala yimid dunida dacaladeeda oo waagaas ganacsi ahaan loo keeni jirey. Sawirada waxaa ugu muhiimsanaan doona boqoradii Boonta, qoysaskoodii, dhismayaashooda, weelashoodii iyo xoolhii ay dhaqan jireen iyo weliba geedka fooxa iyo qalabkii kala duwanaa ee lagu cabiri jirey.

Waxaa dhula Boonta laga heli jirey waxa uu caqliga biniaadamku ku xasilo oo ah nolosha Maadiga ah iyo Ta Ruuxiga ah. Maadigu waa nolol aan dhib badnayn oo uu qofku wuxuu rabo uu ka helo welwel la’aana uu seexdo. Waana ta keentay in hodantinimada taalay ay Faraaciintu sahan dheer u soo galaan si ay iyana markooda u ceeshaan. Ta Ruuxigu waxay ahayd in Faraaciintu ay ku tilmaami jireen dhulkii Illaahyada(Ta Nteru). Dadka kale ee deganaa bariga dhexena ilaa Shaam safaro laga soo dirsan jirey si ay u helaan Fooxa ay u qiiqiyaan meelaha ay ku cibaadeysan jireen
Waa dhulkii Boonta (Puntite, Punt, Pont, Phunt, Poenit, Poenite, Phut, Put, Poeni), Waa dhulii Tumaalada (Mesnitu), Waa dhulkii Yibraha, Waa dhulkii Midgaha!
Waa fac hore waa kumaankun qarni ka hore taariikhda maanta iyo abtirsiimaha dhow ee Soom aalida. Waa wax lagu heli karo uun keliya qodid iyo baarid iyo dhulka oo hadla kana duwan quraafaadka iyo sheeka xariirta Ajigu isugu sheekeeyo. Waa ilbaxnimo aysan cidinka caburin Karin.
Haddii Ajigu maanta ka sheekeyn lahaa kumaan kun sano oo ay abtirsiimadiisu gaarto waxaan oran lahaa Boontu waa iyaga, laakiin 500 sano ma dhaafsiisna. Waayo sida ay Ajigu sheeganayaan Geedkii Daarood ka soo degay baa weli qoyan oo laguu tilmaamayaa! Qabrigiisii baa la siyaartaa oo la yaqaan, Qabrigii Hawiyaha ayaa la yaqaan oo la siyaartaa! Qabrigii Sheekh Isxaaq ayaa la siyaartaa oo la yaqaan! Qabrigii Awmirifle ayaa Harar ah ! Waxaaba la yaab leh markii la yidhi Ajigu isagoo nool keliya laan dheere maaha ee xataa lafihiisa maareystay ee ciida ka hoos maray ayaa sida miskiga u uraya oo la dooni mayo lafo kale oo uraya in la agkeeno! Waa cunsiriyada iyo takoorka meeshii ugu danbeysay in loo diido Muuse Dhariyo in ay Laandheere Isxaaq ka agdhistaan qabriga awoowahood. Waayo ujeedadu waa Adduunka haddaad ku ciilnayd Aakhirana waad ku ciilan tahay oo cidina ku dooni mayso. Ajigu wuxuu na barayaa Adduunka laguma rabo Aakhirana laguma rabo sidaa daraadeed qabriga awoowgeen qurunkiina nooga fogeeya!

Haddaba haddiiba la yaqaano qabriyaasha ay ku duugan yihiin Ajiga awoowayaashood iyo meelihii ay marmari jireen, imisa qarni, sano, bilo ama cisho ayaa ka soo wareegtay Ajiga Awoowayaashii? Anigu waxaan qabaa in Ajiga oo aad isu dhaldhalay iyo iayagoo kaashanaya Abtiyaashood ay dadkii kale cirib tireen ama qixiyeen sidii lagu sameeyey Boonta, Ajuuraanka iyo Maadaanlaha iwm. Waxaa la oran karaa in:

Ajiga awoowayaashood, Boontii kumaankunka fac jirtay iskaba daaye, ay ka facweyn yihiin dadka degan magaalooyinka Xamar, Zaylac iyo Harar maadaama dadkaasi abtirsiinyadii ka luntay oo ay ku abtirsadaan magaalooyinkaa ay degan yihiin!
Boonta waxaa laga soo doonan jirey Haraga, Dahabka, Baal goroyo iwm. Ilaa maantana xirfadii ay waagaas ku amaanaayeen ee adduunku u soo raadsan jirey bay weli ku shaqaystaan. Haddaba Ajigee Tumaal ah? Ajigee goroyo iyo Sagaaro xoolo u tahay? Ajigee xirfad iyo farsama garanaya?

Waxaa halkaa ka bidhaamaya in magaca asalka ah ee dhulkan loo yaqaanay uu yahay sida ku qoran qasriga weyn ee ay dhisatay boqoradii Xidshabsuud ee Dayrul-Baxri kaasoo ah Dhulkii Boonta dadkuna waa Dadkii Boonta oo dhulkaa loogu magac daray sida Xamar iyo Reer Xamar iwm.. Mar haddaad qadiim tahay ma xafidi kartid abtirsiinso is daba taxan, waxaana xaqiiqa ah in dadka Ajigu quudhsadaa aysan qabiil lahayn oo waxaa loogu magac daray farsamadii lagu arkay iyagoo sameynaya!

Dunida horu martay waxaa laysku tix geliyaa hadba farsamada qofku leeyahay iyo inta aqoontiisu le’eg tahay. Dawladuhuna waxay ka doortaan farsamada ay aslka u leeyihiin ta doolka ah ee kaga timaada dibeda. Dadkuna hadii uu meel marti ama qaxooti ku yahay waxaa wanaagsan in uu tixgelin, mahadin iyo is ururin la yimaado. Soomaalida Ajiga waxay ka sii abaal daran yihiin sidii Reer Yurubkii u qaxay Ameerika ee qabsaday kadibna markii ay dadkii dhulka lahaa ka barteen farsamadii iyo sidii loogu noolaan lahaa Dalka Cusub ee ay tageen ayay dadkii Cali Beesteenka ahaa ee wadanka lahaa intay baabiiyeen intii yaraa ee ka fiigtayna xero u oodeen oo ku yiraahdeen intaasaad wadanka ku leedahay ee ha ka soo bixina! Iyagaaba dhul siiyey!

Waxaa layaab leh sida uu Ajigu u fikirayo oo uu isugu raacsan yahay wixii xumaan ah ee ay sameeynayaan oo aysan isu qabanayn waayo waa dad isku meel ka soo jeeda simadey doonaan iyo qabiilkay doonaan ha sheegteen. Akhri qoraalkii hore ee “Ajigu waa mid, Midgaankuna waa kan kale”. Waxaad ka fahmasaa qoraalkan in Ajigu wada Samaale yahay oo abtirsiimadan dheerina ay iska sheeko xariir tahay. Waagii hore iyo hadaba wuxuu ajigu isticmaali jirey takoor dhinacya badan oo ay ka mid yihiin: Jinsi Takoor, Timo Takoor, Af Takoor, Guur Takoor, Xirfad Takoor, Midab Takoor, San Takoor, Caqli Takoor iyo Gudniin Takoor. Takoorkaa kore wuxuu ku dhacayey dad nool oo socda, laakiin hadda Ajigu wuxuu la soo baxay takoor cusub oo ah Qabri Takoor iyo Mayti Takoor!

SALAAMAAD MIN KULI AAFAAT
C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com


QORAALADII HORE EE EELAY  

Faafin: SomaliTalk.com | June 3, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]