SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Gabar Soomaaliyeed oo Lagu Tuhmay Qowmu Luudnimo

Haji Omar
Minneapolis, MN
Omaraani@hotmail.com
 

Mahad dhamaanteed waxaa leh Alle, nabadgalyo iyo naxariis suubanaha dushiisa ha ahaato.

Wargeyska Star Tribune ee ka soo baxa Minneapolis ayaa maalintii Arabaca Juun 2, 2004 daabacay qoraal ku saabsan dhalinyarada dugsiyada sare ka baxa ee falalka Qowmu Luud ku dhaqma. Dhalintaan oo isugu jira wiilal iyo gabdho (ku tilmaaman inay yihiin rag isticmaala rag, dumar isticmaala dumar, rag iyo dumar labada isticmaala iyo kuwo qalitaan jinsigooda looga badalay) ayaa dhigtay xaflada habeenka qalin jabinta ardayda dugsiyada sare Xafladaan waxaa ka soo qeyb galay gabar magac Soomaaliyeed wadatay sidii wiilna u labisneyd. Wargeyska wuxuu qoray inay tahay 19 jir magaceedana la yiraahdo Udgoon Cabdulaahi. Waxaa naxdin igu noqotay nin gaal ah oo ila shaqeeya inuu i tusay qoraalka asagoo igu yiri matag aya a i qabtay markaan akhriyay, qof aan u maleynayo magaciisa Somali Muslim ayaa ku jira.
Ayaan Xirsi Cali Ikraam Cali-kaar
Waa laba gabdhood oo Soomaali ah oo labaduba jooga qurbe, gaar ahaan Yurub. Hadaba akhri qoraalkii ay qortay Ikraam kana qortay Ayaan Guji....

HADALO AY YIRAAHDEEN LABADAN GABDHOOD:
Ayaan: waxay sheegtay in diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka".
Ikraam: waxay tiri "waxaa Ayaan darro ah in Ayaan ay maanta sidato magacii soomaali ee islaanimada lugu yaqiinay oo diintii iyo soomaalinamadii ay waxaan macno laheyn ka dooratay, islamarkaasina faraha lagashay Diintii Ilaahey." [Tixraac...]

Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta.[ceynte]

AYAAN DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN [Fahad]

»Ayaan Xirsi Mirihii ka Dhashay Dagaalka Sokeeye [Dhegocade]

Suxufinimada sanadkan, kaalinteeda 1aad, Ikraam Cali-Kaar [c/waxid]

Salmaan Rushdie oo difaacay Ayaan Xersi Cali .... GUJI...


Qurbo Laguma Waaree Nolashaada Dabaqabo ...GABAY loo tiriyey Ayaan 
Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI.. 22/11/2002

Ayan Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida : 32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI 12/11/2002 [C/raxman Ceynte]

Waxaa caado ka ah wadankaan in ardeyda dugsiyada sare ka qalin jabin raba loo suubiyo habeen loo yaqaan “prom night” oo la dhigo xaflad, ardey walba soo balansado saaxiibtiis ama gabar kale, halkaasna lagu suubiyo falal xun sida is-shumis, is-xabad saar iyo qoob ka wada cayaar. Dhalinyarada ku tilmaaman qowmuluudnimada ayaa xaflaad prom oo kale ah loogu dhigay Minneapolis dabayaaqadii bishii May ee la soo dhaafay. Xafladaas waxaa isku soo duba riday urur u shaqeeya dhalinta yar ee qowmu luudka loo yaqaan ee dagan gobolka.

Wargeyska wuxuu sawiray gabadha magaca Soomaaliga wadatay oo la cayaareysa (niikineysa) gabar kale labadooduna u labisnaa sidii wiilal. Wargeyska wuxuu raaciyey in ciyaalka meesha isugu yimid ay intooda badan la niikinaayeen kuwo ay isku jinsi yihiin. Arintaas oo caado ku ah dadka Qowmu Luudka ah. Mar ay la hadashay wargeyska ayey tiri, “Ciyaal badan ayaanan helin prom[xafladaan oo kale], ma aha inay ka welwelaan midab takoor halkan, neceybka in la hilmaamo afar saac waa waqti fiican maanta.” Inantan Soomaaliyada ah ayaa ku tilmaamneyd inay tahay isku dubaridaha ururka dumar. Dhamaadkii xaflada waxaa loo doortay inay tahay boqorada habeenka xaflada Qowmu Luudka. Ilaah baan ka magan galay cinwaan noocaas ah.

Waxaan u maleynayaa inay middan tahay qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo sheegta inay Qowmu Luudnimada wax lagu farxo tahay, wax xaflad loo aado tahay. Waa arrin saameyn karta dhaamaan Soomaalida waqooyiga America, dhib weyna ku ah dhalinta yaryar ee dagan magaaladan. Wargeyska waxaa ku qornaa inay jiraan arday xaflada ka qeyb galay oo qariyey magacyadooda cabsi darteen ama waalidkooda oo aanan ogeyn xaalkooda. Waxaan ka baqayaa waalid badan oo Soomaaliyeed in arrintaan ku dhacdo ayagoo hilmaamsan ama aan dan gaar ah siin xaalka udabkooda.

Sanadiihii hore waxaan oran jirnay qof Qowmu Luud ah waligey ma arag. Waxaa la soo maray waqti la yiraahdo qof noocaas ah ayaa ila shageeya, ama dugsi ila dhigtaa, ama macalin ii ah, ama sarta ila dagan, ama daris ila ah. Hadda waxaan dhab ah in la yiraahdo gabar Soomaaliyeed ayaa lagu tuhmaa, ama reer hebel cunugoodaa ah. Kaba daran oo wargeyska magaalada ugu weyn bey ku taal. Soomaalida qeyb ayaa ku maahmaaha, cimrigaaga dheeraaday, geel dhalaayaas ku tusaa.
Kulan Shareedkii kadhacay Minneapolis
Janaayo 2004

Alle ha dhaafo dambiga waalidkey, wey saxnaayeen markey iiga baqayeen inaan mareykan ku lumo ama balo ku arko. Waxaan ogsoonahay in ay u sahlan tahay in qof kula luuqad ah, kula wadan ah, kula dhaqan ah uu si fudud u lumin karo ubadkaaga balse qof shisheeye ay ku adag tahay. Sidaa daraadeed ciyaalka waa in la ilaashadaa inkastood ay adag tahay in mowjad hir weyn dhankeeda loo dabaasho laguna badbaado. Waxaa waano usoo jeedinayaa jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan waalidka inay ka war hayaan xaalka ubadkooda iyo cida la saaxiibka yihiin. Ciyaalkiina la sheekeysta oo waqti gaar ah siiya si aad u hanataan qalbigooda, saaxiib wanaagsan ugu noqotaan. Waxaan arkey dhalinyaro markey gurigooda, dugsiga quraanka ama waalidka agtiisa joogaan asturan oo asluub wacan leh, balse suuqyada markaad ku aragtid labiskooda iyo dhaqankooda aad la yaabeysid. Alloow hanuun noogu deeq aniga iyo ayagaba. Hadii aad rabtid qoraalkii waregeyka ka fiir, Star Tribune, qeybta Variety Wednesday June 2, 2004.

Haji Omar
Minneapolis, MN
Omaraani@hotmail.com  

Qoraalkii Hore ee Xaaji Omar

Faafin: SomaliTalk.com | June 6, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...


Qiimaha Dhulka & Qadarin La'aanta Soomaalida: Waa buug cusub ee yaan lagaa dhamaysane GUJI halkan...


kaah

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD