SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 8, 2004

Dood baa sababtay dilkii tagsiilihii Soomaaliyeed ee Minneapolis lagu toogtay:
Sidaas waxaa qoray wargeys kasoo baxa Minneapolis


Ahmed Hussein Axmed
Latoogtey: July 10, 03

Mohamed Ahmed Salah
Latoogtey: August 8, 03

Wargeyska Star Tribune ee ka soo baxa magaalada Minneapolis ayaa saakay daabacay maqaal ku saabsan qaabkii loo dilay marxuum Ahmed Ahmed oo ahaa tagsiile Soomaaliyeed ee lagu toogay waqooyiga Minneapolis tobankii bishii July ee sanadkii la soo dhaafay. Wargeyska wuxuu sheegay in Ahmed Ahmed ay gacan ka gardaran dishay uuna dilay nin magaciisa la yiraahdo Sylvester L Scott oo marxuumka tagsiga u saarnaa. Dilaagaas ayaa sheegay inuu ugu tala galay dilka Ahmed ka dib markii dood dhex martay wadada ay ku tagi lahaayeen meeshii uu u socday. Gacan ku dhiiglaha ayaa sheegay in uu marxuumka siiyay tilmaanta wadada uu rabay inuu marxuumka raaco, marxuumkana uu diiday wadadaas, mid kale ayuu rabay inuu raaco, waa sida wargeysku qoray. Sylvester L Scott oo hadalkiisa raaciyey inuu daroogo iyo khamro isticmaalay habeenkaas, markii dooda kululaatayna labo xabo ayuu ku dhuftay marxuumka. Ahmedna halkaas ayuu ku geeriyooday, Alle ayaan u weydiineynaa naxariis iyo jano firdowsa inuu gaarsiiyo.

Sylvester Scott ka dib markuu qirtay dambiga ayaa lagu xukumay “second-degree intentional murder” oo ah inuu ugu talagalay dilka marxuumka balse aan gaareyn ‘first-degree murder” oo ayada kaga duwan qofka inuu ugu talagalo dil una soo qalab qaato dilkaas. Waxaa xukunkiisa noqday 25 sano iyo bar inuu xabsi galo.

Sidoo kale wargeyska wuxuu qoray in la xukumay ninkii dilay tagsiilihii Soomaaliyeed Mohamed Ahmed Salah ee lagu dili jiray magaalada Minneapolis bishii August 8, 2003. Waxaa dilay Pacheco A Salvador oo ah 25 jir. Dambiilahaan waxaa lagu xukumay 27 sano iyo hal bil. Wargeyska kuma darin in dambiilayaashaan ay dhameysanayaan inta sano ee lagu xukumay balse waxaa macquul ah in dhowr sano ka dib la soo siidaayo hadey “parole” xaq u yeeshaan. Parole waa in dambiilaha loo ogolaado in xabsiga laga saaro uuna ku jiro “probation” mudo cayiman dowladana la socoto meesha uu ku nool yahay iyo in dambiyo kale uusan geysan.

Waxaa wax laga noxo ah dambiilayaal geystay dil gilgilay beesha Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota in xukunkooda uu noqdo mid fudud oo aan gaarsiisneyn dambigii ay galeen. Ma kala aqaan in xaakimka degmada Hennepin iyo “prosecuting attorney” lawyerka dambiga ku oogayay uu ka dhexeeyay xiriir ah in loo fududeeyo sanadaha haduu qirto dambiga, waa sharci ka jira wadanka. Balse waxaan oran lahaa beesha soomaaliyeed iyo community-yada soomaalida  in ay ka seexdeen ka qeyb qaadashada xukunkaan aan cadaalada ka muuqan. Waxay aniga ila tahay in ay macquul tahay in la soo dayn karo dhowr sano ka dib hadii aysan beesheena xoog saarin lana socodn arrimahaan. Waa in community-yadeena ay diyaar u noqdaan inay la xiriiraan xaakimka degmada Hennepin iyo qolyaha downlada u qaabilsanaa dambi barista si aysan mar kale u dhicin in dambiile muteysta dil lagu xukumo dhowr sano.

Waxaan oranayaa xaasaskii iyo qaraabadii ay ka tageen marxuumada in Alle ugu dabado wax ka kheyr badan, uguna deeqo iimaan iyo sabir, aamiin. Sidoo kale, waxaan mahad celin u soo jeedinayaa Omar Jamal kaalintii uu ka geystay arintan. Alle ha ka abaal mariyo, tusaale fiican hana u noqoto community-yada soomaaliyeed ee lagu xanto inay qabiil u furan yihiin, danta ummadana iska indho tira. Bahda somalitalk, aad baad ugu mahadsan tihiin wax tarkiina, Alle ha idinkugu shukriyo. Maqaalka ka eeg wargeystka Start Tribune ee maanta, Wednesday April 7, 2004, qeybta Metro/State, ama ka akhri Pioneer Press...

Haji Omar
Omaraani@hotmail.com
Minneapolis, MN

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2004

SOOMAALIDA LAGU DILEY QURBAHA

200 oo Qof oo Ka Qayb Galay Aaskii Marxuum Xasan M. Faarax
Seattle: Marxuumka oo asagoo wadey Taxi lagu diley magaalada Seattle, USA ayaa.. Guji.. Feb 1

Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis]

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.  GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagutoogtey Maxkad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]