SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 5, 2004

C/Lahi Cadow oo Qarka u Saaran in uu ka Huleelo Madasha Shirka Nairobi

Musharax ka mid ah kuwa ugu Cad Cad shirka oo Qarka u Saaran Inuu ka Duuduubta Madasha Mbagati kadib Markii dhaqaalo iyo Waqti badan... .

Musharaxa C/llaahi Axmed Cadoow oo Safka hore uga jiro shanta Musharax ee ugu cad cad Musharixiinta ka dhex muuqdo shirka Mbagathi ayaa Qarka u saran inuu isaga huleelo madasha shirka dibna uu uga laabto. musharaxnimadiisa kadib markii uu mudo halsano iyo todobo bilood ah rajo sii jaleecayay taas oo sababtay inuu ku waayo dhaqaalo iyo waqti farabadan.

Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi
Toddoba qodob ayaa sabab u ah carqalada shirka Soomaalida uga socda Kenya, sidaas waxaa qoray... Guji...

Mudadii uu shirka Somalida uga socday dalka Kenya ayaa la aaminsan yahay in C/llaahi Axmed Cadoow ay ka baxday lacag ka badan ilaa Nus milyan dollar iyadoo aan la gaarin xilligii doorashadda sidda ay Cadeeyeen saraakiisha qaaskaa ee musharaxa u qaabilsan dhinaca maaliyadda.

Inkastoo C/llaahi Axmed uu taageero xoogan ka heesto dhinaca ergadda shirka Mbagathi hadana waxaa la tilmaami karaa inuu rajo xuma ka qabo geedi socodka Nabadda ee MBAGATHI oo weli hakiisii taagan halsano iyo todobilood kadib waxaana jiro taageeraayaal farabadan oo C/llaahi Axmed Cadoow u joogo Magaaladda Nairobi kuwaas oo ay ku baxdo dhaqaalo aad u farabadan marka la eego tiradda ay gaarayaan.

C/llaahi axmed Cadoow inkastoo uu taageero ka helayo dhinaca siyaasiyiinta beelaha digil iyo mirifle ,Daaroodka Qaarkiis iyo dirta hadana waxaa uu culeeys siyaasadeed inta badan ka filan karaa hogaamiyayaasha beesha uu ka soo jeedo ee habargidir sidda Cusmaan xasan Cali Caato iyo Xuseen Max,ed Ceydiid oo ku eedeeynayo inuu yahay siyaasi aanan beeshoodda matali Karin oo xilli halgan qiyaameeyay.

Mucaaraddada siyaasiyiintaan ay ku hayaan C/llaahi Axmed Cadoow waxaa ay salka ku heeysaa lacag qaaraan ah oo C/llaahi axmed Cadoow lagu soo Qoray xilligii isbaheeysigga SNA ay dagaaladda kula jireen dowladda Maraykanka iyo ciidamadii UNITAF.

Hogaamiyayaasha ayaa sheegayo in Cadoow uu xilligaas bixiyay jeeg faalso oo ay ku qorneed lacag dhan ilaa 100$kun oo dollar kaas oo markii la geeyay Dubai gacma marnaan lala soo laabtay.

Dahir Abdulle Alasow Nairobi Kenya.
dahiryarestntv@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2004

Waraysi: Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ahna wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed


Waxyaabaha Carqaladeeyey Shirka Nairobi
Toddoba qodob ayaa sabab u ah carqalada shirka Soomaalida uga socda Kenya, sidaas waxaa qoray... Guji...


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD