SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 12, 2004

Jawaabta DOORASHO MADAX QARAMEED

Warqad furan 10/03/2004

Ku/ Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Ra’iisul Wusaare hore
ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

 

Salaan qaaliya keddib

Mudane Abdirizaq ,hordhac la’aan waxaan kaaga mahadnaqaynaa dadaalka aad u gashay soo jeedinta arrimaha aad ku tilmaantay ‘waa xalki lagu heli lahaa dowlad loo dhanyahay oo nin caadil ah gacanta ku dhigo ,ummadda Soomaliyeed iyo dalkeedana dib u dhiso ,xumaan iyo jirooyinka aan gacanteena ku abuurnayna tirtiridooda ka shaqeyso ). Mudane ,Haddii aad asiibtay(haleeshay) xalki iyo haddii kalaba waxaan ilaaheey kaaga baryaynaa in uu ajir kaa siiyo dadaalkaas aad la timid.waxaana ku xusuusinaynaa, xaqiiqana ah in uu ilaaheey ruux walbo sadarkiisa og yahay, wixi uu qarinayo iyo wixi uu kor u sheegaba .waxaan iyadana shaki ku jirin in uu ra’yigaaga in badan raali gelin doono ,in kalana ay madaxwareer ka qaadi doonaan ,in kalana laga yaabo in ay kuugu tuhmaan in aad dad gaar ah ku dhibeyso fikirkaan aad ummadda soomaaliyeed u soo jeedisay ,saad adigaba risaaladaada ku xustay.

Mudana aan u gudubno ra’yi garab ordayo kaaga ,macnihiisana uunan ahayn naqdi(kahortag) balsa uu yahay istusaalayn iyo saad adigaba ugu bilowday hadalkaada in jawaabta su’aasha aad weydiisay lagu kala duwanaan karo.

Mudane waxaan shaki ku jrin qaran iyo qabiil in aynan isqaadi karin ,shirar badan oo soomalida loo qabtayna, xalka dhibaatada ummadda Soomaaliyeed kala tirsanayso waxaa lagu doonay in uu qabiil qaran soo dhiso (4.5 oo aanan aniga aqoon xaggee laga helay ixsaa’iyaadka (tirakoobka) cadaynayo in ay somalida tahay 4.5 qabiil).

haddaba adiga waxaad soo jeedisay talo ah in qabiilki laga tago (waana mid aad u fiican haddii aan helo taa maanta,waxaa kale oo taladaada ka mid ah, hogaamiyaha Soomaliya ee shanta sano ee soo socoto in uunan ka soo jeedin labada Qabiil Hawiye &Darod Balsa uu ahaado Soomalida kale.

Mudane madax daacad ah helitaankeeda marnaba ku imaanmeyso in qabiil kale oo aanan ahayn Hawiye&Daarood laga doorto hogaamiyaha Dalka ,kuna imaanmeyso in H&D laga doorto hogaamiyaha dalka tiro ama tayo qabiil awgeed sidaad meelaha qaarkood risaaladaada ku xustay tira aadan qabiil gaar ah ku tilmaamin. Mudana hadalkaada waa isku dhacay wuxuuna leeyahay qabiil ha laga tago si aan guul u gaarno, marnana wuxuu leeyahay hogaamiyaha dalka ha laga doono mid ka mid ah qabaa’ilka aan ahayn hawiya &Darood.

Mudana waxaan kuu sheegayaa, aqristayaashana u shegayaa in aan ahay ruux Hawiyaa, Mudulood, Abgaal-------------.tan macnahedda ma’ahan in aan difaacayo qabiil ama aan ku hadlayo af qabiil waayo ruux kasto oo Soomaaliya maannta waxaa waajib ku ah in uu la yimaado dadaal xal loogu helo dhibaatada Soomaliweyn ku dul raagtay ,ninkaana waa in uu ogyahay in aynan gar iyo cadaaaladba ku imaan karin nin jeclaysi,qabiil jeclaysi ,iwm midnaba.

Mudana ,aniga oo soo koobaya Shirka Kenya maanta Somali uga socdo waxaa la qorshaynayaa in doorasho lagu kala baxo(waa haddii uu guul ku dhamaadee) sidi kii cartaba loogu kala baxay doorasho,xubnaha codkooda dhiibanaya ama barlamaanka halkaa lagu dhisayo, kii carta waxaa soo xulay raggi abaabulkiisa iska lahaa ,kan hadda Kenya ka socdana waxaa barlamaanka xulidiisa gacan weyn ku yeelanayo dowladda uu hadda dalkeeda shirka ka socdo,guusha madaxnimada Soomaliyana waxaa la rajeynayaa in ay raacdo kii ku badiyo gadashada xubna aan shacabka soo dooran, dhibaata badanna ku raagtay iyaga naf’ahaantoodo ,ogow oo talada ku dar hogaamiyahaas karti uu leeyahay lagu dooran maayo iyo taariikhdiisi hore oo ka tarjumayso wacnaan horay loogu yiqiin. hadalkan waa araar aan soo hormarinayo ilayn waxaa rabaa in aan tilmaamo asbaabaha uu ku imaan karo hogaamiya caadil ah waa sidaan aniga u arkee. Mudane , hogaamiye la sameeyay Dal dhibaata ku raagtay sidi waddankeena ma hogaamin karo ama ha ka soo jeedo qabiil kale ama ha ka soo jeedo H&D ,Mudane taariikhda waxay na bartay hogaamiyaha ha samaado ama ha xumaadee in uu yahay mid isaga isa soo bandhigo .

ILaahey ummadda Soomaaliyeed towfiiqda ha waafajiyo.

Mudane Cabdirizaq Xaji Xuseyn,soomaali maanta waxaa haayo fasaad ku raagtay ,Hogaaamiya la,aan iyo la’aanta koox daacadnimo Soomaaliyeed isku kaashato iyo ilaahey wejigiis .helitaanka hogaamiya daacad ahna kuma imaanesyo qabiilka uu ka soo jeedo hogaamiyaha,balsa waxay ku imaaneysaa in uu hogaamiyaha ummadda ka soo dhax baxo isaga oo wato hadaf cad oo ka tarjumayo quwadiisa shaqsigaa iyo in uu yahay caadilki ay Soomali sugaysay ,kooxda uu ka soo dhaxbaxna abaabulkeedi hore in uunan ku salaysnayn qabiil ,mooryaanimo iyo gadashada xubna Barlamaan . midda kale waa in ay ummadda garato in uu hogaamiyahaas yahay nin u siman dadka Soomalida oo dhan,sooona dhaweyso .

Haddaba ra’yigayga waxaan ku soo gabagabaynayaa baaq ah in aanan sugin hogaamiyayaasha maanta Soomaliweyn horboodayo (oo uunan jirin maanta mid Somali ka bixi karo dhibaatada ku dul habsatay,gaar ahaan kuwa magacooda uu idaacadaha ku soo noqnoqdo taana waa ra’yigayga) qabiil kuu doono ha ka soo jeedo. waxaan leeyahay talo ha ahaato Dhalinta Soomaalida ee Mustaqbalka waddankooda mas’uuliyad ka saaran tahay in ay gole wanaag lagu dhisay soo abaabulaan, iskana dhax doonaan hogaamiye ay ku tebayaan in uu gacanta ku dhigo gole u dhigmo SYL ee mabda’iisa yahay ku dhaqanka Islaamka, qabiil isku bahaysina ka fog iyo tixgelinta hogaamiyahooda reerka uu ku abtirsado balsa hogaamiyaha lagu tixgeliyo kartida uu u leeyahay dal bahala galeen ah oo dowlad caadil ah laga curiyo.waxaa kale oo aan isa soo xasuusinaynaa aayatan Qur’aan,suurada Al-Racad,aayata 10&11 (Waana isku mid kiina qarsada hadalka iyo kiina la qayliyo iyo kii isqariya habeenkii iyo kii muujiyo maalinti (10) wuxuuna leeyahay(ruux kasta) kuwa isbedela(malaa’ig) oo hortiisa iyo gadaashiisa ah, kuna dhawra amarka Eebe, ilaaheyna ma dooriyo wax dad ku sugan yahay intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan ,markuu Eebe la doono dad dhibna wax ka celin ma jiro, mana laha Eebe ka sokow Gargaare (11). )

Mudane qaab kale oo lagu doorto Madax Qarameed aan maskaxda ka wada doono oo ay inta badan isku raaci karaan.Mahadsanid.

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE Abdallah MAOLIM

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan: Ujeeddo: DOORASHO MADAX QARAMEED ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.. Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD