SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - UK

Narch 13, 2004

Sidee Ku Dhacday In xubno ka tirsan baarlamaanka UK u ololeeynayaan gooni isu taaga Somaliland , halka ay dowlada UK diiday ineey xornimo siiso Northern Ireland

Sidaas waxaa yiri mas'uul Soomaaliyeed oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin, waxana uu qoraalkiisa ku bilaabay sidan:

  • waxaa socota dacwad lid ku ah Daahir Riyaale , oo loo heysto dad uu laayey waagii uu ahaa madaxa NSS-ta.....
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Waxaa dalka UK ka socda diyaar garoow xoog badan oo ay ku jirto jaaliyada soomaaliyeed ee UK oo aan u kala harin woqooyi iyo Koonfurba, waxaana laga yabaa in ay harqiyaan magaaladaan London, waxaana hogaaminaya dad u dhashay Somaliland qudheeda.

Waxeey soomaalida is weydiinayaan sababta ay xubno ka tirsan baarlamaanka UK, ugu ololeeynayaan gooni isu taaga Somaliland , halka ay dowlada UK diiday ineey xornimo siiso Northern Ireland oo kula jirtay dagaal hubeysan mudo badan wadankaan UK.

Usbuucii hore ayaan aniga qudheyda waxaan la kulmay nin ka mid ahaa MP yadii tegay Somaliland, wuxuuna ii sheegay in markii ay soo laabteen ay warqad u qoreen xoghayaha arimaha dibeda ee UK Mr Jack straw kuna weeydiiyeen in la aqoonsado Somaliland iyo in kale, wuxuuna ii sheegay MP gi in Jack Straw ku soo jawaabay in aanay macquul aheyn arintaa iyada ah, waayo EU iyo UN-kaba waxeey ogol yihiin somali weyn, waana diideen in somalia la kala qeybsho, anagana hadaan nahay UK, waxaan ku shaqeeyneynaa go,aanadaa ay gaareen EU, iyo UN-ka , waxaana gacan ka getsaneynaa sidii soomaaliya dowlad u yeelan laheyd, dhawaan, anagoo si buuxda u taageereyna shirka hadda ka socda kenya ee dib u heshiisiinta,

Marka MP -gii wuxuu aniga igu yiri arinta Somaliland sidaas ayeey ugu dhamaatay, wuxuuna ii sheegay in isaga qudhiisa uu taageersanyahay midnimo, waayo ayuu yiri kala go'a waan weakness, mana xalineyso waxa ay doonayeen oo ah ineey xaliso dhibaatada heysato, wuxuuna tusaale u soo qaatey Eritrea oo uu yiri wax ay soo kordhisay , xaga dhaqaalaha iyo horumarkaba ma leh.

Waxaa kale oo jira in maalinta Isniinta ay xubno badan oo ka mid ah jaaliyada soomaaliyeed ee UK la ballansan yihiin MP-ga iyo kuwii kalaba ee tagay somaliland.

Waxaan soo ogaadey arinta ah Daahir Riyaale wuxuu ka qudbeyn doonaa baarlamaanka UK in ay tahay arin aan jirin. Mida kale sida wararku tibaaxayaan mala kulmi doono xitaa wasiirka arimaha dibada ee UK, ee waxaa laga yaabaa inuu la kulmo shaqaalaha wasaarada arimaha dibeda qaar ka mid ah.

Mida kale waxaa socota dacwad lid ku ah Daahir Riyaale , oo loo heysto dad uu laayey waagii uu ahaa madaxa NSS-ta ee gobolda waqooyi, marka waxaa dacwad la maagan dadkii eheladooda ahaa iyo heyadaha xuquul insaanka ee degan wadankaan, maadaama xarunta Amnesty International ay tahay London.

Fadlan magaceyga ha sheegina.

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

AASKI Midnimada Laasheegoh iyo Rajagabelkii Somaliweyn
Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Aaskii Midnimada iyo Rajagabkii Somaliweyn (Maqaalkanu waxa uu ku saabsanyahay taariikhda soo ifbaxii Aragtida Guji March 13

BAAQ: HA LOO GUNTADO SOO DHAWAYNTA MADAXWEYNAHA SOMALILILAND MD DAAHIR RIYAALE:
Qore: Diridhaba
Soddon Sanadood oo dalkeenu ku hoos jiray cidhidhi balaadhan, caga juglayn iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karaynin, 20 sanadood Guji

Madaxweynaha S/L iyo Wefti Ballaadhan oo uu Horkacayo oo Maanta u Ambabaxay UK
 & Kumanaan reer Somaliland ah oo ku qul-qulaya London si ay uga qayb qaataan soo dhoweynta.. Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD