SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 13, 2004  

AASKI Midnimada Laasheegoh iyo Rajagabelkii Somaliweyn

Daabaco Boggan | Print
Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada ee Elman
» Soomaaliya:  intii u dhexayasey 10-kii maarso 2003, illaa 9 ka maarso 2004, waxaa la diley 1052 qof, waxa la kufsaday 61 dumar Soomaaliyeed, waxaa la afduubay 186 qof...
» Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey oo qiray in deegaanka lagu beero daroogada...
warbixinta oo dhan akhri

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Aaskii Midnimada iyo Rajagabkii Somaliweyn (Maqaalkanu waxa uu ku saabsanyahay taariikhda soo ifbaxii Aragtida Somaliweyn, dhalashadii midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, iyo sidii Somalia iyo Somali Galbeed midnimadaas u aaseen, yididiiladii Somaliweyn laga qabayna uga dhigeen rajagab)

Figradda Somaliweyn waxay xooggeedu soo ifbaxday badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1939-1945) xilligaas oo ay bilaabmeen halgamadii siyaasiga ahaa ee gobonimadoonka oo socday intii u dhaxaysay 1943-1960. Halgamadaas oo ay hormood ka kala ahaayeen Xisbigii SYL oo la aasaasay 1943 una halgamayey xornimada Gobolladii Koonfurta oo maanta ah Somalia iyo Xisbigii SNL oo la aasaasay 1947 una halgamayey xornimada Gobolladii Waqooyi oo maanta ah Jamhuuriyadda Somaliland. Halgamadaasu waxay dhammaantood ka midaysnaayeen aaminsanaanta Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed ee Gumeysiga Reer Yurub u kala qaybiyey geyigii Somaliyeed, taas oo ahayd sidatan: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa saami ahaan u helay Ingiriiska (1884-85), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya Gobolka Waqooyi Bari ee Somaliyeed (1963) , Koonfurta waxaa qaatay Talyaaniga (1889), Jabuuti waxay gacanta u gashay Faransiiska (1862-1885), Somali-Galbeedna waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya (1889), dibna Dhulka Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954). Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaatay 26kii June, 1960, ummadda Somalilandna waxay ahayd dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii ay 1dii July 1960 la midoobeen Koonfurta (Somalia) lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia. Midowganu waxa uu yididiilo weyn ku abuuray dhammaan dadyowgii 5ta Somaliyeed waxaana rajo weyn laga qabay in Israacan cusub iyo jamhuuriyadda ka dhalatay ay horseed u noqondoonaan xoraynta iyo keenidda 3dii gobol ee kale si Aragtida Somaliweyn u dhabowdo loona abuuro jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed kana dhalata Geeska Afrika.

Nasiib-darro, Aragtida Somaliweyn waxay figrad ahaan iyo ficil ahaanba u jirtay intii u dhaxaysay 1943-1960. Burburka midnimadii dhalatay iyo yididiiladii laga qabay Somaliweyn waxay la kowsatay Israacii 1960 kadib markii ay Somalia diiday inay ixtiraamto wadaagga dawladdii ka dhalatay midnimadii cusbayd si toos ahna u boobtay. Somali Galbeed intaTaliskii Siyaad Barre u oggolaaday ka qaybgalka dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia iyaga oo qaxooti ah ayey qabiil ahaan ula safteen Taliskaas kana qaybgaleen dagaalladii Somalia ku qaaday Reer Waqooyiga. Bal aan eegno qaybta ay labadan (Somalia iyo Somali Galbeed) mid kastaba ka qaadatay burburinta midnimadii labada gobol iyo mijo-xaabinta Aragtida Somaliwen.

Israacii 1960 waxa uu dhexmaray laba dawladood oo cusub oo siman kana kala dhashay Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland iyo Mustacmaraddii Talyaaniga ee Somalia kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen Ra`iisal Wasaare Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Waqooyiga) iyo Ra`iisal Wasaare Cabdullahi Ciise Moxamuud (Koonfurta). Waxa la filayey in marba qolada madaxweynaha qaadata mooyee ay qolada kale qaadato ra`iisal wasaaraha, jagooyinka kale ee muhiimka ah ee dawladdana si caadil ah loo wada qaybsado. Ayaandarro, Waqooyiga waxa loola dhaqmay sida gobol ka tirsanaa Koonfur oo kale sida Mudug ama Banaadir, dadkiisiina waxa si cad looga duudsiyey qaybtii ay ku lahaayeen jamhuuriyaddii wadaagga ee cusbayd. Sidaasna Koonfurtu waxay markiiba ku fashilantay inay fahamto qiimaha midnimada. Markii Koonfurtu qaadatay madaxweynihii ugu horreeyey oo ahaa Aden Cabdulle Cosman (1960-1967), waxay ku darsatay ra`iisal wasaarihii oo noqday Cabdirasheed Cali Sharma`arke (1960-1964) iyo jagooyinkii ugu muhiimsanaa golaha wasiirada sida Cabdirizaaq Xaaji Xuseen: Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdullahi Ciise Moxamuud: Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Cosmaan Axmed Rooble: Wasiirkii Maaliyadda, General Daa`uud Xirsi: Taliyihii Xoogga Dalka Somaliyeed, General Moxamed Abshir Haamaan: Taliyihii Ciidanka Boliiska Qaranka iwm, barlamaankiina si xaqdarro ah ayey u bursatay Koonfurtu. Marlabaad ayaa koonfurtu qaadatay ra`iisal wasaarihii oo noqday Cabdirizaaq xaaji Xuseen (1964-1967) oo isla madaxweyne Aden Cabdulle Cosman magacaabay xilligiisii labaad. Madaxweynihii labaad waxaa noqday Cabdirashiid Cali Sharma`arke (1967-1969) oo isna Koonfur ahaa.
 Aqoonsiga Somaliland Wuxuu KU xidhan yahay Shacabka Sool, Sanaag IYO Cayn.  Guji...

FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU KU JIRA GACANTA QARANKA SOMALILAND Guji...

SOMALILAND YEY KA GO'DAY YAYSE U GO'DAY Guji...

»JAMHUURIYADDA DHAAN DABAGAALE [Hagi]

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad

Somaliland iyo Xuduudaha

Wacad-furka, inkiraadda, iyo cadaaladarrada ay xukuumadihii rayidka ahaa ee Koonfurtu kula kaceen dadka Waqooyi intii u dhaxaysay 1960-1969 waxay muujisay sida dadka Koonfurtu jaahil uga ahaayeen qiimaha midnimada iyo fahmidda dawlad-wadaag ah. Duudsigaas foosha xumi waxa uu keenay in dadka Waqooyigu isku-ciilkaambiyaan sidii fududay ee ay dawladnimadoodii cusbayd ugu loogeen Koonfurta, waxayna kaga cadhaysiisay siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka, ganacsatada iyo saraakiisha ciidamada. Cadhadaasu waxay keentay in qaar ka mid ah saraakiisha militariga ee Reer Waqooyiga ahaa uuna hoggaaminayey Xasan Kayd ay inqilaab dhicisoobay ka ridaan magaalada Hargeysa bishii Diisambar 10dii, 1961 si ummadda Waqooyi loogu soo cesho dawladnimadii laga duudsiyey iyo madaxbanaanidiiba.

Halkii la dersilahaa sababta keentay gadoodka ciidanka lana bilaabilahaa dib-u-heshiisiin qaran, ayaa waxa uu madaxweyne Aden Cabdulle Cosman (1960-1967) ku dhaqaaqay tallaabooyin lagu sii cadaadinayo Reer Waqooyiga si loogu ciqaabo inqilaabka fashilmay loolana dhaqmo sida mustacmarad ay haysato Koonfurtu. Waxa uu isku-bedalay ciidamda, macallimiinta, iyo shaqalaaha dawladda, isagoo kuwii Koonfurtu keenay Waqooyi, kuwii Waqooyigana geeyay Koonfur. Siyaad Barre oo sugayey fursad uu ku hanto xukunka dalka kuna hammiyayey dhisid boqortooyo Daarood ayaa si lama filaan ah afgebi-milatari ku qabsaday xukunkii dalka bishii oktoobar 21dii, 1969 isaga oo ka faa`iidaysanaya buuqii ka dhashay dilkii madaxweyne Cabdirasheed cali Sharma`arke ee ka dhacay magaalada Laas-caanood bishii Oktoobar 15dii, 1969. Si keli-taliye Siyaad Barre u hirgesho hammigiisa una helo cudud Daarood oo ilaalisa isla markaana difaacda xukunka ayaa waxa uu markiiba u baaqay si sharcidarro ahna dalka ku soo geshay Ogaadeenkii Somali Galbeed . Wadanigii dalka u dhashay waxaa laga dhigay qaxooti, qaxootigii Ogaadeenna waxaa laga dhigay wadani iyada oo lagu taxay darajadii iyo jagooyinkii laga boobay dadkii waddanka lahaa lagana dhigay xubno gole , wasiirro, danjirayaal, janano, guddoomiyayaal iwm intii u dhaxaysay 1970-1990. Tusaale waxa loo soo qaadankaraa: Col. Moxamed Cumar Jees (Reer DHagaxbuur) oo xubin ka ahaa wixii lagu magacaabijiray Golihii Sare ee Kacaanka, General Moxamed Cumar Cosman (DHagaxbuur) oo ahaa taliyihii Ciidanka Badda, General Bile Rafle Guuleed (Wardheer) oo guddoomiye ka kala noqday Mudug, Togdheer, iyo gobolkii W/Galbeed, Cabdiraxmaan Afar Jeeble (Qabridaharre) oo guddoomiye ka ahaa gobolkii W/Galbeed marna ka ahaa danjire dalka Imaaraadka, General Cabdiwahaab Moxamed Xuseen (Qabridaharre) oo ahaa taliyihii Ciidanka Guulwadayaasha, General Siyaad Daa`uud (DHagaxbuur) oo ahaa taliyihii Qaybta 26 aad. Intaas iyo kuwo kale oo badan waxay ka mid ahaayeen qaxootigii Ogaadeen ee ka yimid Somali Galbeed. General Adan Gabyow (Gaarisa) oo isna ahaa qaxooti Ogaadeen ah kana yimid Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxa uu noqday wasiirkii Gashaandhigga dalka. Tirada jananada qaxootiga ahaa ee Ogaadeenka kuna jiray ciidankii la odhanjiray “Xoogga Dalka Somaliyeed” aad ayey uga badnayd marka la isku geeyo tirada jananada Isaaqa iyo Hawiyaha ee isla ciidankaas.

Madaxdaas iyo saraakiisha Ogaadeen waxa intooda badan loo bedelijiray Goboladii Waqooyi , siiba kuwa Isaaqu dego waxayna qaybweyn ka qaateen u cabbudhinta iyo u sandullaynta Isaaqa Taliskii Siyaad Barre, isla markaana qayb-laxaad leh ka qaateen siyaasaddii Taliskaas ee dejintii boqolaalka kun ee qaxootigii u badnaa Absamaha Somali Galbeed, kuwaas oo la dejiyey duleedka Hargeysa iyo Berbera intii u dhaxaysay 1978-1985 si loogu dal-ballaadhiyo Daaroodka mustaqbalka.

Dadka Reer Waqooyigu markii ay arkeen sida loo duudsiyey dawladnimadoodii, dhulkoodiina loo soo dejiyey qaxooti laxaad leh si loo dhaxal-wareejiyo dad iyo dalba, ayaa waxay 1981 go`aansadeen aasaaska Ururkii Hubaysnaa ee SNM si dadka iyo dalkaba looga samata-baxsho halistaa weyn ee soo food-saartay. Kadib markii Ururka SNM weerar burburin ah ku hayey ciidamada Koonfurta iyo Jabhaddii Somali Galbeed ee Ogaadeenka muddo 5 sano ah (1982-1987), ayaa waxaa ururkaasi duullaan weyn ku qaaday bishii May, 1988 magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kaas oo si dhab ah u burburiyey awooddii ciidan iyo siyaasadeed ee Talisku ku lahaa Gobolladii Waqooyi, ugu dambayntiina kaga xoreeyey geyigaas bishii January 1991.

Sannadihii u dhaxeeyey 1982-1987, ka hor intaan Ururkii SNM duullaankii weynaa ku soo qaadin magaalooyinka waaweyn, waxaa dadka Isaaqa loo gestay dil joogto ah, silic-dil, xadhig, tuulooyin baabi`in, berkado qarxin, wadooyin miinayn iwm. Xilligii duullaanka weynaa ee SNM (1988-1990), waxay ciidamadii Koonfurta, Jabhaddii Somali Galbeed (Ogaadeen), Jamhaddii SSDF (DHafoorqiiqii Majeerteen), Jabhaddii Abowga, iyo Calooshood-u-shaqaystayaashii Koonfur Afrika u geysteen dadka Isaaqa: gummaad, magaalooyin burburin, qaxin, boob, xadhig, iyo macalluulin dadweyne taas oo aan hore taariikhda u soo marin dadka iyo dalka Somaliland. Magaalada Hargeysa xilligii Moorgan waxa la shidanjiray daaqadaha iyo albaabada markii lagu soo rogay bandoo lagana joojiyey dhuxushii, xaabadii, caanihii, iyo hilibkii uga imanjiray miyiga sannadihii 1986-1988. Waxaa la xusuusanyahay in dad rayid ah oo gaadhaya ilaa 50,000 qof oo Isaaq ah lagu dilay Waqooyi siiba magaalooyinka Hargeysa, Burco, iyo Berbera. Waxaa iyana xusid mudan Gawracii Xeebta Gasiira ee Xamar halkaas oo bishii July 1989 goor saq-dhexe ah dhegta dhiigga loo daray 46 rayid ah oo Isaaq ah. Ujeedada loo galay dembiyadaas culus waxay ahayd in dadka Isaaqa la qaran-guuriyo lagana dhaxal-wareejiyo dhulkooda hooyo si loo dejiyo Absamihii laga soo raray Somali Galbeed iyo kuwo kale. Arrintaasu wax qarsoodi ah ma ahayn oo si cad ayaa loogu dagaal gelinjiray jabhadaha iyo maliishiyada hubaysan ee Beelaha Daaroodka. Waxaa kale oo arrintan sii xaqiijinaya warqaddii SIRTA CULUS ahayd ee taariikhdu markii ay ahayd January 28, 1987 uu dembiile dagaal Moxamed saciid Moorgan u kala diray soddogii madaxweyne Siyaad Barre, General Aden Hirsi Gabyow, Wasiirkii Gashaandhigga, iyo General Axmed Suleman Cabdalla, Wasiirkii Arrimaha Gudaha, warqaddaas oo Moorgan ku soo jeedinayo talo ah in dadka Isaaqa si tartiib-tartiib ah looga dhaxal-wareejiyo dhulkooda hooyo laguna bedelo waxa uu ku tilmaamay “Dadka ehelka u ah Kacaanka”, kuwaas oo uu ulajeeday dadka Daaroodka maadaama warqaddu ka timid madax Daarood, ku socotay madax Daarood oo qudha, ahaydna sir culus.
 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare

Mudadii 30ka sano ahayd ee midnimada Waqooyi iyo Koonfur (1960-1990) waxaa madaxweynanimada iyo ra`iisal wasaarahaba isku haystay Koonfurta (Xilligii Siyaad Barre isagaa labada isku haystay nuxur ahaan) marka laga reebo labadii sano ee uu Madaxweyne Cabdirasheed Cali Sharma`arke ra`iisal wasaaraha u magacaabay Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (1967-1969). Madaxda Reer Waqooyiga waxaa lagu maaweelinjiray jagooyin maqaar-saar ah oo dusha laga ilaasho, waxaana xabsi dheer oo sharcidarro ah lagu tuuray madaxdii ugu waaweyneyd Reer Waqooyiga oo kala ahaa Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Alla ha u naxariisto), Ismaciil Cali Abokar, Cumar Carte Qaalib, iyo saraakiil badan oo rayid iyo ciidanba lahaa. 22kii sano ee ugu horreeyey Israaca (1960-1982) waxaa dadka Waqooyiga lagu hayey duudsi dawladnimo, cadaadis siyaasadeed, bulsheed, dhaqaale, ciidameed, iyo horumar, 8dii sano ee ugu dambeeyeyna (1982-1990) waxaa loo geystay dhibaatooyinka iyo dembiyada culus ee kor ku xusan. Taariikhdan marag-ma-doontada ah waxay caddaynaysaa in Somalia (Koonfurta) iyo Somali Galbeed (Beesha Ogaadeenka) ay si wadajir ah toos uga mas`uul ahaayeen burburinta iyo aasidda midnimadii labada gobol (Waqooyi iyo Koonfur) sidaasna ku mijo-xaabiyeen yididiiladii laga qabay Somaliweyn kana dhigeen raja-gab. Dawladda Jabuuti oo gobonimada ka qaadatay Fransiiska bishii June 27, 1977, way ka caagtay inay ku soo biirto midnimada ka dib markii ay aragtay duudsigii iyo tacadigii lagu sameeyey Reer Waqooyiga 17kii sano ee ugu horreeyey midnimada, 1960-1977.

Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo Somaliweyn u ololaynaya Somalia iyo Somali Galbeed oo ah labadii godka dheer ku riday. Raadintanu dhab iyo daacadnimo kama aha ee waa damaacinimo iyo hunguri ay rabaan inay mar labaad degaan, xukumaan isla markaana barwaaqadeeda gurtaan Somaliland. Somali Galbeed haddii aanay dal xor ah gacanta ku hayn, waa maxay midnimada ay raadinaysaa? Maxay dad kula midoobi? Waxaa halkaas ka cad in Beesha Ogaadeenka ee Somali Galbeed oo ku mamtay dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia xilligii Taliskii Siyaad Barre aanay ku niyadsamayn dhulkkooda welina raadinayso Somaliweynimo ay ku soo gabbato si ay u degaan, xukumaan, una boobaan dal aanay u dhalan, taas oo ah mustaxiil. Mar haddii ummadda Somaliland lagu khiyaameeyey laguna baaba`shay midnimo iyo Somaliweynimo ay horseed u ahayd iyada oo la adeegsanayo gobolaysi, qabyaalad, iyo keli-talisnimo, way ka digtoontahay in dib-dambe loogu beer-laxawsado looguna khiyaameeyo midnimo iyo Somaliweyn dibnaha ku eg. Marka la eego dawlad la`aanta ka taagan Somalia mudada 14 ka sano ah ee dilka, silica, cabsida, iyo macalluusha ku haya shacabka Somalia, waxa muuqata in madax-ku-sheegga iyo dagaal-oogyaasha Somalia uu weli garaadkoodu ku eg yahay heer qabiil iyo heer degaan oo aanay weli fahmin qaran iyo waddan, sidaas awgeedna ugu adkaatay inay dawlad samaystaan. Dadka sidaas ah ma istaahilaan inay u ololeeyaan midnimo iyo Somaliweyn ama lala wadaago dawlad maadaama ay ku fashilmeen gurigooda. Dalka Somalia weli waxaa wax ka xukuma qaxootgii Somali Galbeed iyo shakhsiyaad sheegta Jamhuuriyadda Somaliland oo aan cidna matalin, arrintaasuna waxay ka dhigtay dal aan la kala lahayn waxayna adkaysay xallinta dhibaatada dawlad la`aanta. Waxaa kale oo la yaab leh in siyaasiyiinta iyo indheer-garatada Somalia, intooda badan, ku doodaan in Somalia aanay ka gelin duudsi dawladeed iyo dembiyo culus dadka iyo dalka Somaliland eeddana dusha ka saaraan Taliskii Siyaad Barre. Waxay illowsanyihiin inTaliskii Siyaad Barre ahaa Reer Koonfur (Somalia) eedduna tahay eed Koonfur iyo eed Somali Galbeed. Dadka Waqooyigu markii ay arkeen duudsigii, dulmigii , iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay mudadii 30ka sano ahayd ee Israaca (1960-1990) si buuxdana uga xoroobeen Koonfurta, ka dib guushii weyneyd ee SNM ee January 1991, ayaa waxay badhtamihii sannadkii 1991 shirwyene ummadeed ku go`aansadeen inay gobonimadoodii la soo noqdaan kuna dhawaaqaan dal madaxbannaan oo loo bixiyay: Jamhuuriyadda Somaliland.

Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin figrad aad u khaldan taas oo ah in haddii qofku Somali yahay aan laga xigin 5ta Somaliyeed (Somaliland, Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, iyo Gobolka Somaliyeed ee Waqooyi Bar Kenya) sababta oo ah Somalidu waa isku dhaqan, diin, iyo af sidaas awgeedna qofka “Somaliga” ah marba midka uu rabo degikaro, ka shaqaysankaro, wax ka xukumikaro, barwaaqadiisana ka qaybgelikaro. Figraddanu waa halis waayo waxay horseedaysaa fawdo muujinaysa dal iyo dawladnimo aan la kala lahayn iyo qaran aan summad lahayn. Arrintan oo jirijirtay xilligii Taliskii Siyaad Barre waa tii u suurtogelisay qaxootiyada Somali-Galbeed iyo Waqooyi Bari Kenya inay si sharcidarro ah ku soo galaan, degaan, shaqaystaan, waxna ka xukumaan dalkii la odhanjiray “Jamhuuriyadda Somalia” oo markii dambe ay u geysteen dhibaatooyin laxaad leh. Somalidu haddii ay ku fashilantay inay dawladnimo si caadil ah u wadaagto waa inay kala madaxbanaanaato si ay u kala badbaado. Somalidu kama duwana 18ka dal ee Carbeed oo isku diin, dhaqan, iyo af ah, laakiin midkastaba gaar u leeyahay qaranimadiisa iyo dawladnimadiisa, inta kalena sharci ku soo galaan.

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal xor ah oo leh qaran u gaar ah iyo xuduud caalami ah waxaana leh dadka isir ahaan iyo taariikh ahaan ka soo jeeda dhulka Somaliland isla markaana deganaa xornimo-qaadashadii 1960. Xuquuqda muwaadinimada waxaa leh dadka Somaliland oo qudha. Dadka ka yimaada Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, Waqooyi Bari Kenya ama adduunka kaleba waa inay sharci ku soo galaan, joogaan, isla markaana kaga baxaan Somaliland hawl kastaba haw yimaadeen marka laga reebo dadka deggan Hawdka oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Somaliland. Shakhsiyaadka ama qoysaska dawladda Somaliland u aqoonsato in naftoodu ku badbaadayso joogista Somaliland, naxariis joogis waa loo fidinkaraa sida insaaniyadu farayso dal kasta (Asylum seekers) . Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha, iyo madaxbanaanida Somaliland waxay faraysaa in si joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqa ajanebiga dalka jooga, ciddii ku xad-gudubtana tallaabo sharci ah laga qaado. Maamulka, matalaadda, xukunka, difaaca, iyo dheefta Somaliland waxaa leh Ummadda Somaliland oo qudha. .

Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
March 12, 2004.  

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariir]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD