SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Somaliland iyo Xuduudaha

 

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood, Soomaaliya

 

Waxaa dhawaannadan aad u batay qoraalada ama maqaalada lagu gorfaynaayo waxa loogu yeedhay xuduudaha maamulka aan ilaa iyo hadda cidin aqoonsan ee iskii isu magacaabay, lana magac baxay Somaliland, waxaadna arkaysaa iyada oo la cuskanayo qawaaniin caalamiya oo aanu garanayn kan qoraya maqaalku halka ay ku jeedaan iyo goorta la soo saaray, waxaana go'aamadaasi ka mid ah ,(xuduudaha afrika waa laguma xad gudbaan, oo sidii gumaysigu uga tagay haloo ilaaliyo)arrintaas oo dadka u heelan qadiyada aan sharciga ahayn ee gooni isutaaga somaliland ay had iyo jeer daliil cad oo sharciyeysan ka dhigtaan, gaar ahaan kuwa mas'uuliyiinta ka ah maamulka iskii isu magacaabay, iyo waliba qoraalada lagu qoro warbaahinta nidaamka Somaliland.

waxaa aad layaab u ah aqoondarada haysata dadka iyagu sida indho la'aanta ah u taageera mabaadiida gumaystaha, waxaad mar marka qaar is odha naysaa , mas'uuliyiinta somaliland way ogyihiin go'aankaasi waxa uu ku soo baxay ee waxay ku majara habaabiyaan dadka maangaabka ah ee iyaga waligood lagu adeegan jiray , had iyo jeerna la gashado aragtida la doonayo in ay u adeegto figrada qaldan ee gooni isu taga ah.

waxaan haddaba jeclahay in aan u bayaamiyo dadka iyagu had iyo jeer u heelan gooni isu taaga laba Gobol ee Togdheer iyo W/qooyi galbeed, go'aanka xuduudaha Afrika ee uu soo saaray golaha midawga Afrika sannadkii 1963kii , shirkii ugu horeeyey ee lagu aasaasayey Ururkaasi oo ka dhacay magaalada Adis-Abab ee xarunta dalka Itoobiya.

Waxaana go'aankan ka danbeeyey Boqorkii dalkaasi Itoobiya Xayla Salaase, oo isagu markaasi culayska saaraayey Jamhuuriyadii Soomaaliya ee xilligaasi, in aanay ku doodin dhulkii ka maqnaa ee ay Itoobiya Gacanta ku haysay ilaa iyo haatan kuba hayso.

waxaana arrintaasi garab ku siiyey dawlado badan oo ay ka mid ahayd dawlada Masar oo uu xilligaa uu u talinayey Jamaal C/naasir Masar garabnna kaga rabatay Dawladaha Afrikaanka, xilligaa Loolankiin ay kula jirtay Israa'iil,iyo waliba dalka Kenya oo isaguna dhul Soomaaliyeed Gacanta ku haya,.


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...

Haddaba Go'aanka in xuduudaha Afrika sidii uu isticmaarku kaga kacay loodaayo waxay soo baxday xilli ay Soomaalidu midaysnayd oo ay labadii gobol ee waqooyi iyo koonfuri, midaysnaayeen sadexsano, waana arrin aan maanta marna laga garwaaqsan karin kuwa ku dooda Somaliland waxay soo galaysaa xuduudihii afrika ee uu gumaysigu ka kacay, waa su'aale:- ma jirtay dawlad la odhan jiray Somaliland xilligii uu shirkaasi ka dhacayey Adis-Ababa? waxaa jawaabta , su'aashaa laga sugayaa u doodayaasha Jamhuuriyada iskeed isu magacawday.

Waxaa iyana sii xoojinaysa arrintaasi in ay tahay mid majaro habawsan , go'aankii golaha amaanka ee qaramada midoobey soo saaray sannadkii 1993kii kaas oo uu aad uga soo shaqeeyey guddoomiyaha golaha wakiilada ee maamulka lamagac baxay Somaliland Axmed Aadan Qaybe, xilligaas oo uu ahaa muwaadin saalix ah, oo aanu ku caasiyoobin bulshadiisa iyo qarankiisa.

Go'aankaas oo qeexaayey in ay midnnimada ummadda Soomaaliyeed Muqadastahay oo ay lama taabtaan tahay, arrintaas oo ku kaliiftay wasiirkii Arriaha Dibada ee hore, ee maamulka Somaliland Fagadhe in uu ku tilmaamo go'aan (edebdaran).

Waxaana la yaab ah in uu maanta xil u hayo kii meelwalba ka soo xidhay maamulka Somaliland taas oo ku tusaysa shacabka ku nool Burco iyo Hargeysa in sidii la doono wax loogu shubi karo, oo karaamadooda meel lagaga dhici karo, waxaana laga dhaadhiciyaa in uu Qaybe Go'aankaas isagu soo furdaamin karo markale.

Waxaan marnnaba suuroobayn in ay Soomaaliya marlabaad u kala qaybsanto Somalia, iyo Somaliland, oo ay laba Calan kala yeeshaan, dadkooduna kala qoqobnaado, waxaana taas suura galinayn bulsho weynta caalamka oo ka dharagsan in ay Soomaalidu Qabiil, Qabiil u diritay, iyo dadka Soomaaliyeed oo intooda badani diidan yihiin aragtida noocaas oo kale ah, marka laga reebo labada Gobol ee Togdheer iyo W/Galbeed Dadka ku nool,.

Waxaa iyaguna laf dhabar u ah midnnimada Soomaaliyeed oo ku dhegan Bulsho weynta ku dhaqan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo aan marnnaba raali ka noqonayn in Soomaaliya la kala dhantaalo midnnimadeeda, iyaga oo aaminsan in ay arrintaasi ku waayeen ilaa shan boqol oo kun oo mujaahid, xilligii ay la dagaalamayeen Ingiriiska iyo Raciyadiisii.

Waxaana Muuqata in ay soo dhamaatay xilligii lagu maaweelin jiray bulshada ku nool Burco Iyo Hargeysa aqoonsigii Jamhuuriya Shankaroonland ayaa soo dhow,oo ay maanta muuqato in ay bulshada aduunku dhabarka u soo jeedisay , Riyaale kaahinna uu colaad hurinayo , dhabar jabweyn ku noqon karta xasiloonnida maamulka Somaliland , Taas oo uu ku geli karo Mugdi, ayna halkaasi ku soo afjarmayso Riyadii Aqoonsiga Somaliland.

Waxaan ku soo khatimayaa qoraalkan, in aanay mas'uuliyiinta Somaliland u noqonkarin, qodob ay ku doodaan ,(xuduudaha Afrika sidii gumaysigu kaga tagey halloodaayo).

Assad Cadaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya
asadlaska@hotmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan  10, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE ASAD CADAANI

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

kaah


 
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
 Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD