SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 7, 2004  
 

Taariikhdu halkay kaga jirto horumarka umadah.

Daahir cumar abtidoon
abtidoon_97@hotmail.com


Sida umadaha aduunyada ku dhaqan intooda badani ay noloshooda aasaas uga dhigto taariikhda iyo wax qabadka aabayaashood ayaa waxay tariikhdu tahay muraayad ay isku daawadaan umaduhu waayo hadii qof intuu labisto oo timaha feedho oo uu dibada gurigiisa ubaxayo wuxuu u baahanyahay muraayad uu isku eego sida uu isku hagaajiyay .hadaba marka aynu eegno dadaalka ay samaynayaan umado badan oo dunidan ku nooli waxad arkaysaa inay taariikhdoodii hore ka dab qaadanayaan. oo wixii qalad ahaana ay saxayaan intii fiicnaydna ay ku camal falayaan ayna dhaqaalaynayaan.
halka umada somaliyeedna aanay kuba hamiyin wixii soo dhaafay.
Sida uu qorayo Dr rajab maxamad cabdil xalim oo ahaan jiray la taliyaha arimaha Africa ee wasarada arimaha dibada ee dalka masar kitaabkiisa uu ku magcaabay cilaaqaadka muslimiintii saylac iyo nasaradii xabashida ee qarniyadii dhexe isga oo leh waqtigaa uu ka waramayo ma jirin magaca somaligu oo qarnigii 5aad ilaa iyo qarnigii 15aad
wuxu kitaabkiisa ku magcaabay cinwaankan oo kulmisanaya dhamaan muslimiintii deganayd waxaynu imika u naqano geeska Africa kadib markuu ka soo sheekeeyay dagaaladii iyo weeraradii is daba jooga ahaa ey isu qaadi jireen muslimiinta iyo nasaradu wuxu hadana si faahfaahsan uga soo waramay taariikhda boqorada xabashida iyo siday xilka ukala qaadeen.. waxa uu wax ka taabtay dadka muslimiinta ahaa uu yidhi waxay ku hawlanaayeen kaliya ganacsi iyo dagaalo.
Oo ahmiyad may siin jirin taariikhdooda kumana ay dadaali jirin inay wax qoraan
Oy taariikhdooda meel dhigtaan.
Waxyaalaha uu usoo daliishadana waxa kamid ahaa inaan wali la haynin wax tusaalaynaya taariikhda soomaaliyeed quruuntii fogayd iyo kuwii dhawaaba oo iyaga meel uyaala inaanu jirin.
Hadiibase wax la helo waa wax uun masar yaala ama dalakii gumaystay ee reer galbeedka ahaa yaala oo iyagana qaarkood uu ku tuhunsanyahay inay si qalad ah wax uga qoreen taariikhda somalida iyaga oo u janjeedh dhanka xabashida..
Hadaba tan Dr.rajab ka sokow marka aynu inagu isku noqono waxa inoo cadaanaysa inaanay jirin wax aan inagu gacanta ku hayno carabtuna waxay ku mahmahda (nin aan arin hore lahayn arin danbe maleh)
Aniguna waxan ku dari lahaa tan Dr. rajab in aynu cadifad ka fikirno oynan caqli ka fikirin.
Wayo nin waliba oo Somali ahi tarikhda inta isaga ku xumayd ama reerkoodu liitay wuu ka saara liiskiisa wixii umadaha kale inaga waydiiyaana been baan ka sheegnaa.
Waayo waxad arkaysaa nin ajaanb ah oo somaliya wax ka qoray oo dadkii uu waraystay ee soomaaliyeed si qaldan warka ugu soo gudbiyeen iyaga oo ka duulaya caadifad qabiil.
Halka dadka reer japana ay sanad guuro u sameeyaan qunbuladihii Hiroshima iyo nagazaki oo malin qudha ah ay ku qudh baxeen umad ka badan boqol kun ooqof
Wayo waxay leeyihiin wa wax taarikhdayada ka mid ah. Hadaba iyada oo keentay inay imbraadoriyadii japan is dhiibto hadana kamay masaxin kamanay fakarin caadifad ee waxay ka fakareen caqliyad .
Tasina waxay tusinaysaa jiilalka soo socda wadadii abayaashoda soo mareen iyo waxay dhiibaato la kulmeen .iyo siday uga badbaadi lahaayeen inta fiicana ugu dhaqmi lahaayeen.
Iyaga oo waliba dib usii raacaya aya qoraa japan ahi wuxu leeyahay dagaalkaa waxa noo gaystay askarta japan oo kalsoonidii boqorka ku guulaysatay
Ka dibna waa in la iska jiraa in talada askarta gacanta loo geliyo.

Ninkale oo reer japan ahina wuxuu leeyahay 1945kii markii dagaalkii 2aad istaagay dhaqalaha japan wuxu ku masaxmay dhuka waxana dhacday qoyska dhami inay degaan hal qol oo kaliya laakiin buu yidhi mar hadaan naqaanay halka nolosha laga bilaabo waanu bilawnay mudo yar ka dibna waxan kamid noqonay dawladaha safka hore maantana waxan nahay dawlada labaad ee dhaqaalaha ugu horaysa.

Halka somaliduna aanay wali is waydiinin dagaalkii sokeeye ee hora maxa sababay iyo kii kadanbeeyay iyo kuwii kasii danbeeyay ooy arintu tahay kaliya hala dagaalamo kadibana wada hadal ha lagalo.
Iyada ooynu waliba qabqablayaashii wadanka buburiyay ayny ka sugayno iny xal keenaan oy wadanka dib u dhisaan
.
Waliba waxa cad inan ku wareegayno halkii awaw yaasheen shalay ku wareegayeen
Walina aynaan ogayn in halkan aabaheen soo maray iyo in kale.
Tana waxad ku garan kartaa iyada oy Somaliland manta tariikhdeedu marayso 13sonon oo waliba is badalina kart halka somalida kalena aannau wali taariikhiba u bilaamin.wayo waxay uqabaan waqtigii siyaad bare inuu ahaa waqti madaw oo u baahan in maskada laga sooro dawladii shicibka ahay ee ka horay sayna ahayd mid la is boobay waqtigii ingiriiskana isticmaar lagu jiray wixii ka horeeyayna wax dhacay maba ogin.
Hadaba iyada oy sidaas tahay ayay shir lagu qagtay jamicada magalada shariqa oo lagaga hadlayay dib u dhaca umadaha carbeed ku dhacay waxay sheegeen in umada carbeed mudo todoba boqol(700) oo sanadood ah ka danbayso reer galbeedka, hadaba waxa is waydiin leh mar hady umadii ay taariikhdoodu u qornayd mudada intaa la,eg danbayso somalidu imisa sano ayay danbaysaa?

Is garab dhiga caqliga soomalida iyo kan umadaha kale  

Daahir cumar abtidoon
abtidoon_97@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD